Afar waa mahiigaan

AFAR WAA MAHIIGAAN - 21-12-2004
21 Dec, 2004

Maansadan yar ee AFAR WAA MAHIIGAAN oo Soo baxdy 21-12-2004 waxa ay ahayd mar uu aabbahay u mahmaahayey ruux habeenno lahaa amaba habeenkii araggiisu

liito, oo uu yiri afar waa mahiigaan oo waa dhibaato weyn, afar baa u maaraa oo lugu xalliyaa si ku mel gaara afar baa ka macaan oo ka fiican haddiiba la helayo, afar baase u meel la' oo aan dhib ka bixin barwaaqo kastoo timaa, markaa baan maahmaahdiisii maansadan yar u beddeley waana tan:-



Aabbahay macaanow murtidaad marisay oon guurshey 
waxaad tiri adoo maarriyoo weliba miisaamay 
 
Afar waa mahiigaan mushkilo lugu madoobaado 
afar baa u maaraa dadkoo ugana moodaane 
afar baa macaan malab lahoo muudsi ku idlaada 
afar baase mawdoy nacdaa madashii loo geeyo. 
 
MUGDI waa mahiigaan indhuhu muuno tirayaaye 
dayax baa u maaraa ilaah nugu mannaystaaye 
maalin baa kaa fiicano macaan oon madow jirine 
maxay uguse taallaa midkaan arag u muuqaynin ? 
 
COLKU waa mahiigaan hadduu mooro duug yahaye 
waxa maaradiisaa col aad meel ku dhurataaye 
nabad baa ka fiicano macaan lana macaashaaye 
fuley baase meel la' oon hubseyn mugusha tiisaa dheh. 
 
ABAAR waa mahiigaan naflaha lugu maliilshaaye 
burka iyo biyaa maara oo luguna moodaaye 
aaran baa macaan iyo rahdoo meel ka dhaada lehe 
maxay uguse taallaa midkii xero madow jooga ? 
 
NAAG XUN waa mahiigaan xun iyo good mus kuu galaye 
xidid baa u maaraa hadduu kuu miciinayo e 
gaari baa ka fiicanoo man iyo miraha doocaana 
doqon baase maydoon lahayn meel la mariyaa dheh.. 
---------------------

Additional information