Abtiyow Cismaanow

Abtiyow Cismaanow 13-11-2005

Maansadan Abtiyow waxan tiriyey mar aan tegey tuulada buulo mareer 13-11-2005, oo aan arkay Cusmaan oo kashaqeynayey shirkadda isgaarsiinta hormuud, isaga oo koox kaloo aniga la i xijiyo ay kula kaftamayaan sheeko qabiil-qabiil, markaa ayaan

ka xumaaday maadaama uu abti ugu aaddanaa balse aysan qiimayn soomaalidu abtiga iyo dhammaan wixii dhanka hooyada ka soo jeeda, waxayna ahayd: -


Abtiyow cismaanow isimkaagu rixin buu 
ku aroorayaayoo waxad aag la joogtaa 
habaryaro ammuun iyo hoyadeydi aamino 
Somaalidaad arkeysaa arxankiyo markii ay 
abtinnimo illowdee adeer seben horeetoo 
dhawrya toban awoowaa aqaaribo ka yeesheen 
buu ilaah halaagoo iil iyo ka hoos dhigay. 
Aniguna ayaantii ololkiyo colaadaha 
ummul dooxayaashiyo arxan googu uu jirey 
afeef baan ka geystoo waxan iri inkaaryahay
ma intaan adoogii madarkicis ogaadaan 
gidirey illoobaa ? 
oo intaan abtigey heriddiid afduubaan 
hiraab aan ilaalshaa ? 
oo intaan abtinnimo laba jeer asqeeyaan 
laba oday waraabshaa, oo intaan adeer hore 
uduufada dhaweystaan abtiyaal fogeeyaa ? 
oo aan islaamkiyo diinteyda aasaa ? 
Waxan iri inkaaryahay sida aan arkaayee 
muuqiinnu uu yahay ee uunka dunidiyo 
ummadaha dhiggiinnaa orod idinku dhaafeen 
kama yara inkaartii abtiyaal horoo tegey, 
Waxad ilase eegtaan ood marag ahaataan 
shallaytada adduunyiyo aakhirood ku oydaan, 
War ma hooyadi uu allaheena weynuhu 
saddex uu u xiray ee nabigeenni uu yiri 
cagta ay ku socotuu dhigay aayaheenniyo 
Jannadiinna udugga leh, baan abaydinkeediyo 
ehelkeeda laayaa. 
Si kastaba markii aan erey qura iraahdaba 
sulux baad ahaatey abaal iiga dhigayeen. 
Abtiyow sidii bay ammuuruhu noqdeenoo 
waa kuwa aroortiyo qaxa oogga waaberi 
oo maydku uu yaal aasiya dhexdeediyo 
afrikada dhammaanteed, 
Waana taa ixsaan li'i ardaalnimada toodihi 
ay u geysey cadowgii  darraad ay eryaayeen 
isna uma naxaayoo  waa ibliis gumaystee 
iyagoo ku ooyoo  gacmahaa u taaguu 
unuunkooda gooyaa. 
Waxan ugu dambaystii abtiyow codsanayaa 
inaad aabillowgiyo,  kii aaya laawaa 
adyadduu ku qawliyo,  ereygiisa noo qaban 
ood noo ducaysoo,  ilaahey ajiibaa 
anna ubad miskiinoo,  loo duceeyey baan ehe 
aammiinta baan guri ! 
---------------------

Additional information