Qamandhaco -  03 Jun, 2005

Qofka qaadka daayaan qoraa qaalinnimadiise
iga qabo bulshoy waa khabaar lugu qaboobaaye.
 


1- Dhaqaalaha ayaa qaarad kale loogu sii qaxaye
ma lahayn qayaad kayd u yaal qaad intuu wadaye
oo jeebka qarashkii galaa qado ma gaarayne
maantana quruushtii darraaad baa ka qalaxlayne
waanuu quraacdoo qadaa quud u soo haraye
miyaanay qabowsayn naftii qamandhacoonaysay ?
 
2- Caafimaadku waa qaybta weyn qodobka raaxaade
qaaxiyo ninkii tiibishada qoomku ku fogeeyey
markuu qdaayuu ilaah qoor ka soo dhigaye
qoortiisa lama qaban karoo aar ka qiro wayne
miyaanay qabowsayn naftii qamandhacoonaysay ?
 
3- Waqtigaad qorshaysaad taqaan hawsha aad qabane
haddaad qaaba-qawsayn gashee saacu qirinqiiro
cimrigaagu waa qoob fardiyo koobka qiradiise
hadduu shalay qayaad saa ahaa qaaddir uga raaye
waa kaa dalxisaya qullayl oo qaxwaynaya e
miyaanay qabowsayn naftii qamandhacoonaysay ?
 
4- Hurdo qiimaheeduu gartaa ruuxi qaad cunaye
haddii uu dubaab qaaddiriyo qulub ka ooyaayey
istareexa waa kaa qiroo jiifka qaabsadaye
miyaanay qabowsay naftii qamandhacoonaysay ?
 
5- Qundhacadu markay soo baxdee qamar ku buuqayso
biilkiina shalay qalamsaduu qoomammayn jiraye
laga soo teg qaansheegad iyo qaylo joogta ahe
waa kaa quruush dhiibtay oo jeeb ka soo qubaye
miyaanay qabowsay naftii qamandhaconaysay ?
 
6- Qaraabada qofkii qaaddacaa naar u qool galaye
qadro iyo adeer iyo awoow quulle iyo aabbe
iyo hooyo qaaliyo xuseen qooje cali mooge
abti muuse qooraansa mayn qaad intuu wadaye
qarni rubuci qoyskii wax badan qaadku kala seeray
waa kaa qayaad booqday oo lana qadeynaahe
qosolkooda waa kaa maqlaa qoyska deriskaahe
miyaanay qabowsayn naftii qamandhacoonaysay ?
 
7- Cibaadada Qur'aankaa na faray qaaf iyo watiine
ruuxii khilaafaana naar loo qoraa dhigane
masjiddada qayaad muu galeyn qaad intuu wadaye
maantana wakaa qaaddirkiis ugu khushuucaaye
miyaanay qabowsayn naftii qamandhacoonaysay ?
 
8- Qar dhan bay nadaafadu ka tahay qurubka iimaane
wajigiisu qolof buu lahaa qaad intuu wadaye
tuu qabayna quus bay ahayd qaammud iyo ciile
markii uu qubaystee qayaad qaadki dabar gooyey
qurux yeelay quulloo wakaa qaaca loo shidane
oo qoodki uu soo maraba lugu qamaamaahe
miyaanay qabowsayn naftii qamandhacoonaysay ?

---------------------

Additional information