1- Adduunyadu waa besteed |2- Af ku siran| 3- Amal | 4- Anun baa hooyadaaya | 5- Arag maqal
6- Arraweelo | 7- Awaal tiris | 7- Axaddii | 8- Baaq |9- Badbaado | 10. Barabaalle | 11- Beeraad
12- Beledweyne | 13. Bulsho | 14- Cajeb | 15- Ceel walwaaleed | 16- Daalacan | 17- Daahyaley
18- Daalalley | 19- Daalo|20- Daba huwan |21- Daryeel | 22- Deyn maayo heesta |23- Dhahar
24- Dibed yaal | 25- Dhul gariir |26- Durdur |27. Gabar madow | 28- God madow | 29- Gol janno
30- Gudban | 31- Gudgude | 32- Haatuf | 33- Hablaha geeska | 34- Hal abuur | 35- Hal iyo halkiis
36.Hambaber | 37- Heego muuqdheer | 38- Heeliyo | 39- Hoobal | 40- Hooy | 41- Hud hud
42- Indho badan | 43- Isa sudhan | 44- Jacayl dhiig ma lugu qoray | 45- Jacayl (Has Love been Blood written
46- Jeegaan | 47- Jiitama | 48- Ka rog oo haddana saar | 49- Mayal dheer | 50.Muliya |51.Quduro
52- Rag siyaasi wada noqday | 53- Taawilo | 54- Saxarla | 55- Shan ubaxley | 56- Siddi qabax
57- Sirta nolosha | 58- Suleekha | 59- Toddobaatan midabley | 60- Togdheer | 61- Weriyaha
62- Xamareey ma nabad baa?
01. Adduunyadu waa besteed! Kor aad
Haddaan idhi Boqorkayow Waxaan idhi Boqorkayow Allow barashaan ogeyn Intay tahay baaxaddaa Qofkuna badow buu ka yahay Inuu kugu soo ban-dhigo Bayaannada aan fogeyn. Bishmaan u daraandarayn Inuu boqolkaaga magac Intuu Bisinkaagu yahay Ka sheego wax aan badnayn. Waxaad tahay gun iyo baar Ballaadh iyo deeq mug weyn Waxaad tahay beer janna ah Waxaad tahay baarri faxan, Intaad bixisaa raxmada Intaad burisaa raja ah Intaad hanataa ka badan Baxaalliga hawl adduun Wax-beelka intaan hurayn Bushaaro hayaad u tahay. Waxaad tahay baahi-laawe Waxaad tahay baahidayda. ILaahnimadaada buuxda Qof waayey ma baadi-doonin. Rugaa Boqortooyadaada Qofkii u bal-reebiwaayey Ma xeerin badbaadadiisa. Xuduudka baddaada caaggan Qof tiigsadey baylah weeye. Kulaylka buruuddadaada Sharkaaga badheedhka dhiirran Baqaa lagu aaminaa, Burjina Adigaa ku sugan Awoodaha baaca dheer. Adduunyadu waa berdaan Run baa la-bog-dooxayaa Dadkaa la-bilkeedayaa, Higsiga baradeeda nool Waxaa lagu beegsadaa Baxnaaniyo toogo-hayn Boqoolkuna waa jiraa, Naftana ballankii ka yiil Haddaan lala beretansiin Waxaa lagu beegmayaa Bayuuraha aan hambayn. Hadday tahay beri-samaad Ta baasina way ag taal Haddaan laga baydhsanaan. Dhulkana Bidixlaa ku nool Waxaa jira beenawaas, Ibleyskuna waa bakhayl Bahdiisuna waa yiciis. Balway ku hor qaadayaan Bustay kugu laabayaan Wedkay balag saarayaan, Hadday buro kaa helaan Waxay kugu badhi furaan Dharaaraha baane jiro, Belaayana way guddaa Bariisana way dhacdaa, Haddaan laga sii bed-qabin Waxaad ku baraarugtaa Beentaadu runtay necbayd. Barwaaqo markay hayaan Hadday isa sii bidaan Baxdowga markay yihiin Hadday isu sii bogaan Addoomuhu ways bulaan. Waxay cadho biirsadaan Waxaa lagu sii badaa Xanuun iyo boogo kale. Hadday isa sii baraan Inay berri sii cunaan Banbaaniyo xaaja guud Haddii baga loo cuskado Bulshiyo wada-doonistii Qof iyo wada-buul-dhis tahay Yiqiintuna bowsi tahay Nin iyo keli loo bokhrado Hiyigu kala-baadsan yahay Bartii qof yaqaan hungow Bil-khayrtuna way fog tahay. Markay naftu baadi tahay Haddaan bahal Kuu sanqadhin Cabsida bixisaa ka weyn. Hadduu qofku been dugsado Baqaa lagu xeerayaa Bahduu ka curyaamayaa Wax baydadiyaa eryada Cishaba babbisaa hor taal, Waxaa ku bannaan runtii Waxay u ahayd ku beel Dhankeedana bayr ka qaad Inay tahay baahi, diid Haddana yidhi baadi doon Halkeeda wax buuxin kara. Berruu ka saluug qabaa Bursuu ku xujoobayaa, Duruus u habee baryada Beybeysiga hawl ka dhigey Bishmaa ka calaacalsii Sengii faney Booddo-waal, Xumaanta u beer-nuglaa Bahaynta ku caado goo Shan baabbaco hoo ku qaad Idaa gudhay loo baqee Xanjiyo xabag loo bad-badi Haddana balawaas ka qaad Busaaradi waa halkii Hungaa baradiisa taal. Cishaba filan-waa ku baah Cishaba garan-waa ku biir Saqaa dhexe baaq u yeedh Canaan ka bariisan waa. Belaayo waxay tustaa Markuu isa sii barkado Inuu weli sii baxsado. Baraad-la’ usii galgaley Qallooc isu sii barbari Bidaartana sii arradi Wanaagga ka baali noqoy Intii bilan sii illow Buddiisana sii gorgori Waxyeellada sii bogbogey Adduunyada baylah mood Runteedana boob ku waa Dhabteeda bannaysan waa Dhibteedana baajin waa Badhaadhena ciil ku waa Walaacana baan ka waa Badbaadana meel u waa. Naftana biya-dhiijin waa Dharaarna is-baadhi waa Kashana boholyow ka waa, Badheedh lagu sii hubsado Hiyiga barakaysan waa Hankana ku barooran waa, Haddaan baqe fuushanayn Inuu yahay buur ku diid Dareennada boorta neceb, Guddoonsey is-been-farriin Badroolka inuu ku sugo. Bisaylka hadduu qof diido Biraynta ku faani waayo Bakhtuu uga sii socdaaye Hadduu qofku baydda goosto Inuu bini-caashaqiisa Ku baayaco geeridiisa Baraar adhi baa taqaan. Xalaashiyo buunigeeda Haddaad u buseeli weydo Bogsiinta ka raadi maaha Wixii lagu sii bukoodo, Xumaantuna waa basari Naftay bilic-guurisaa, Bidhaantuna maaha ruux Haddaanay lahayn burhaan Badh kaa maqan baad la’dahay Basaastuna waa qalbiga Kashaa laga baal qoyaa, Intaas ha ka dhaafin baal. Waxaa isu soo bulladay Bugaanbugihii wakhtiga Bilaash-jeceshii casriga, Bulaanbuliyey tumeen Dadkuna budulkooda raac Siyaasina beel ku dhoof Dantiisa ku baadi doon Ku baaji xilkay lahayd Sidii goray baar-caddee Ballaadhsiga diin ka dhigey Baxnaanada sii adkee Hilaadaha sii burburi Bawaarkana sii ulee Bilaale ka qaad yaraa Cishaba huri duur belbela Billaawaha sii casee Billaahida sii xasee Buskeeda ku sii xabaal Biliiliqo sii dhudhumi Baruurana sii fantee Awaalaha sii basaas Sidii buro soo noq-noqoy. Markay barar fuuqsadaan Sidii Dibi bey madow Hadday u banaaxiyaan Badhyaa-cune jeer hungow Xaqiiqada boodh ku laac. Adduunyadu waa besteed Nin biima ah baa khatalay Hub iyo buntukh loo shushubi Sidii bulay loogu hees Intii ba’an laysu dhiib Dalaal lagu beer-caddaa Qof iyo baradiis is cune Bariidada lays la waa. Wuxuu Boqorkeedu yidhi; Wixii Bido meel u yaal ILaah bixiyaa ka dhow Bushaarana way jirtaa. Hadday falaw baaban tahay Banaanadiyaa xasladah, Hadday bili doorsan tahay Baftiyo qurux baa u taal, Hadday tahay biir aja ah Caway ku ballaysan tahay, Bar-laawe hadduu didsaday Barbaar gudan baa u nool, Hadduu Baqal-fuul gurguray Baroor faras baa hidda ah, Hadduu Badhax-miis ku dhalay Runtaan la-biyeyn karayn, Nin baydhsadayow dan guud Waxaa jira baadi-doon, Af booli wixii ku maqan Col soo bedayaa ogsoon, Badraanno hadday jiraan Barqaa lagu waayayaa, Hadday wada baar-qab tahay Wixii dhacay geed Berda ah Fircoonnada baaxad dumey Beryii tegey baa hubsaday, Dhufaanna bir waa yaqaan. Hadday wada B.M tahay Buruud kiciyaa dul yaal, Waxay bohol jiidhayaan Libaax bulbullaa ku jira In baal sidataa dahsoon In baabbacalaa digtoon Dhashii Beder baa xidhxidhan Biddena camalkiis u daa. ALLAA MAHAD LEH. Tifaf-tirkii iyo diyaarintii: Dhuux Digale Duale
25. DHUL GARIIR Kor aad Waa Maansadii Abwaan Max'ed Ibraahim Warsame 'HADRAAWI' ee uu ka tiriyey
Cudurka soomaalida dullaystay, facoodna ka reebay ee HAYB-SOOCA Horraantii Bishii May 2007.
Abwaanka caanka ah ee "Hadraawi". Hadraawi wuxuu gabaygan ka tirshey madal loo agaasimay dadka la haybsooco ee Soomaalida. Eebbe ayaa Quraankiisa Kariimka ah innoogu caddeeyey in qofka agtiisa gobta ka ahi yahay kan camalkiisu suubbanaado cabsida Rabbina ku dheer tahay. Waxay ila tahay ruux Eebbe u hogaansami waayey oo quudhsi dan mooday inaan gabaygan Ina Walanwal waxba deeqsiin karayn laakiin kolleyba isaga xilkii saarnaa waa ka dhacay mar haddii garaadka Eebbe siiyey uu ku iftiimiyey dulmigan waayo soo jireenka ah ee qabiixa ah. Waa gabay dheer oo ruuxba inta Alle kaga anfaco uu ka qaadan karo.Tixdan oo soo baxday bilawgii bisha May,2007 ayuu tiriyey.

Axmedow nin dheeraad sitoo dhiibban baad tahaye
tu kalaad u dhaaftaa kolkaad dhaliso tii roone
dhallintii caleemaha lahayd waygu dheertahaye
haddaan Beegsi kala soo dhex baxay tooda meel dhigaye

labadii dhallaannimo lahayd ways dhar urisaaye
berberaawi dhuub iyo ka dhuub waysu dhurannaaye
ilhaaneey dhiggaagiyo hablaha dhuude falanqeeye
hadduu dhagaxu kala hayb tirsado dheemman baad tahaye

Suugaantu waa dhaqan haddana waa sed iyo dhiibe
dhidib iyo lud bay leedihiyo dhaabad iyo meele
dhuuxuu ka eegaa ninkii dhilan yaqaannaaye
qofba waa dhankuu ka arko iyo meesha uu dhigo e

dadka dhiiri iyo qawl san baa lagu dhacsiiyaaye
sida loo dhahaabu khalqigu ugu dhegtaagaaye
dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo dhuumatiyo shiile
sida dhuuni qaataha murtida looma dheeh tiro'e

dhiidhiga nin laasimay hadduu dheegto waa halise
dheeldheelligaa laga jiraa waa la dherershaaye
dhexroor iyo waxa lagu xajaa weliba dhaad dhaade
dhoomaha waxaa laga xushaa teeda dhumuc weyne

hadalkana nin yidhi waa dhigaa sii dheh baa dilaye
inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhanne

Gabaygani dhambaal buu sidaa waayo soo dhaxaye
dhulgariirna waa kii la baxay dhalashadiisiiye
dhawdhawda Qaadkiyo ka culus dhaan wadaa yidhiye
kana dheer is yeelyeelka iyo iidheh iyo faane
qof dhabcaala mooyee nin kale waw dhedhamayaaye.

Xaajada halkaasaan dhigoo dhaabad baw dihine
in la sii dhaqaajey rabtaa dhaygag badanleeye
oo loola dhaadhaco halkey dhuux ka leedahaye
waxa lumay dhudhumintii runtiyo dheelli tirihiiye

inta samaha dhuxulayn kartaa waa dhif iyo koowe
dhalool bay isugu biirtay iyo tii dharjo ahayde
dhulka wuu ku soo badanayaa baal ku dhoorruhuye
dhan xiirradu haddii ay maqlaan ways dhufanayaane
sinnaantey dhaliil moodayaan tii ilaah dhigaye

dhinacay ka joogaan sharciga waa dhis foorara e
marka ay dhanaaniga gashiyo dhiibta kala guurka
dhiilaha nin buuxshaa ma jiro dhacarta jiilaale
dhirin-dhirintu waa shay sanoo lagu dhabriiraaye
hal dhabaalahaa awgayow tii dhamayd geliye
hays dhigan nin nooloow hiddadu waysu dhimataaye.

Laan dharab ka toostiyo Hibooy dhool cas baad tahaye
dhalankaagu waa luulka iyo dhiraha yaaquude
malaha roob la dhaca waad taqaan dhiinka jookha lehe
dhalankiisa shaygaa gobta ah waad u dhigantaaye
dhibic iyo cadceed looshan iyo dhool gu’ baad tahaye

qurux iyo dheg baad leedihiyo dhaabad iyo seese
dherer iyo laf baad leedihiyo dhaygag iyo yaabe
dhebi heeg u baxay baad ka tahay dhoobo jiifyada'e
dhul fog baad ka laacdaa sidii dheenta laallida'e
ruuxii ku dhawraa si buu kuugu dhegayaaye.

Dhabeelnimana way kugu jirtaa dhab iyo miisaane
Dhiidhiibsigaagiyo haddana dhuda wanaaggaaga
Dheehaaga maahee shishaad dhuux u leedahaye
Dhulka lagama soo qodin dadkee aadan baa dhalaye

adigiyo hablaha dhinaca kale waysu dhigantaane
dhud qudhaad ka wada beeranteen dhaadashada guude
Dhab dhab baad ku kala leexateen adiyo joog dheere
Dhawawalanka waxa kuugu wacan amase dhoohnaanta
Dhab darrooyinkoodaa qalbigu dhaawac dumayaaye

Dhimir bay ku saareen dabool baali kaa dhigaye
Dhafoor taabadkoodaa qod-qoday dhabannadaadiiye
Dhaqaaq joogsigaagiyo wejiga dhaxanta saarsaaran
Dhadhansiga dareenkaa ka culus buuro soo dhacaye
intaad adigu dhiillaysan tahay taydu waa dhicise!

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilaye
inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhanne.

Dhafdhaf iyo halhays beena baad soo dhadhabateene
dhugatiyo cad xaaraana iyo dhoohan may cunine
dhamaas lagu takooriyo ma jirin caado dhaaf kale e
dhab cad iyo ma haysaan daliil meel la sii dhigaye
dhaqankaas canbaaraynayaa saaray dhiillada e

labadii hiyiga dheehi jirey way ka dheertahaye
weligeed dhibaatada adduun looma soo dhixine
dhaandhaanno maahee kashaa dhooli mood tahaye
intii aad dhisnaydeen iyagu way dhur sugayeene
dhufaannimo hagooglay intaa kula dhex joogeene

dharaar uun in waa kale beryey dhawrayeen abide
dhegahay intaas la hadlayeen waa dhab may odhane
dhibaatadana way eegayeen dhaayihii jiraye
cishadey dhanaan tahay haddii laysu dholol fayto
dhab u dirirka waa lagu yiqiin dhaanto iyo shiishe

Rag hadduu dhabiiltamo naftey dhigi yaqiinneene
in kastuu xiniin dhaafyuhuu dhiirinnimo sheegto
mar haddaan dhalliil lagu gudbayn dhalasho mooyaane
dareenkiisu wuxuu dhaadayaa hoos in loo dhigaye

Dhar-dhaarrey ahaayeen intaad dheri lahaydeene
dhaddiggiyo labkoodaa kan kale dhinacyo taagnaaye
ninka ay dhisaan baan isagu tooda dhaydhayine
gudmahay dhabbeeyeen ka badan lag iyo dheeraade
hadday dhigan lahaayeen mid uun maalba may dhaqane

Dhaxalkiisa may soo xarayn dhogorta xoolaade
waligood dhalaal subag ah iyo dhaashi may heline
dhay iyo karuur labada weel dhoosha may geline
hadday dhami lahaayeen miduun dhiilba may tolanne

dhegahooda maag baa qabsaday shayna may dhimine
Si baa loo dhaliilaa haddana ruuxna may dhibine
dhuyaal iyo kudaal bay damceen dhiigna may galine
dhulka waa ka sii guuraayaan ruuxna may dhicine

Dhoof bay ku daysteen inay sibiq dhaqaaqaane
dhalashada inay dooriyaan bay u dhowdahaye
dhagar inay galaan bay damceen dhaarse may marine
dhaaxaan ogsoonaa halyey dhuuntay keligiiye
hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilaye
inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhanne.

Godka dhidarka beelaha qotow dhowr kal baa hadhaye
hadduu dhiillo leeyahay dulmigu waad ka dheregteene
intaad weel manno ah dhaamiseen way dheg weyntahaye
ulihii dharkaynkiyo cayada waydinkii dhilaye
dhamacdiyo dabkaad quudateen maaha dhalanteede.

nin xaqiina meel hoose dhigay tiisu waa dhedo'e
xumaantana wanaag baa dhaxlee wayda haw dhimane
naftu dhaaba dhaabaha hiyiga way ku dhacantaaye
kol haddii dhabbada loo qorqoro way ku dhilantaaye
Mar haddii qalbiga ciil dhufasado dhaaftay taladiiye
Sida Dhooddi-meerkii taleex haw dhaqaaqina e
dhirbaaxooyinkii quudhsigaa dhuunta yuurura e
haddii dhagar inaad gaysataan laabtu dhigi waydo
dhanka eebbahay xiga adduun wayska dhalanteede.

Dhab dhabluhu markuu yimi arlada may dhammayn talo e
waatay dhufaannadu khalqiga soo dhex geliyeene
waa kii dhamaastiyo falkiyo keenay dhalanteede
waa kii dhibaatada la yimi dheegga dheegaha e
waa kii dhufaysyada qotee dhoombir soo rogaye

maantay dhankaas iyo dhankaas baahday dhiilladuna
markay dhabaqday waa kii shacbigu soo dhalaashadaye
waataad dhadhaabtiyo budkiyo dhagaxa boobteene
gobannimada waa tii dhagdhago dhaanto loo tumaye
dharaartaana waad wada jirteen dhiiftu kululayde
waa loo dhammaa maalmihii laysu dhaarsadaye

Hayeeshee ma sii dhugan caqligu teeda dhinac tiile
dhiilladu halkay weeran tahay looma faal dhigine
waa tii la dhaawacay markay dhalatay guushiiye
weligeed dhan baa qaawanaa dhidibbadeediiye

Xaajadu intay dhowdahay dhaymo leedahaye
shinkeedii markey dhaaftay bay keentay dhabandheebe
dhab-darro uma toosine nabsigu wuu dharaarsadaye
dhacan baa la saaraa halkuu eel ka dhowyahaye
markaasay dhurwaagiyo colkiyo dhawrta celisaaye

Nin dhug lihiba wuu garanaya suul dhabaalaha e
dhabbadaad u xaadheen ninkii soo dhus layn jiraye dhextaalkeeda goortuu hubsaday soo dhababaceeye dhalliilaha markuu sahansaduu meel ka soo dhacaye Dhawaaq toosiyow baxay lugtii dhaaftay jeeniga e waa kaas dhaqaaliyo hub iyo dhoof u soo helaye dhuxul hoos ka nool iyo dab baa soo dhabiib kiciye Dhacadiidka xaajada gashiyo dhabano hayskeeda markii aan dhab deyey baan is idhi dhacanta sii saare af dhabaan dhabkeedii haddana waan ku dhiirradaye dhanbaalkii digniintaan is idhi caawa yuu dhixine Dheehada Rashiidow mar baan neefka loo dhigine magaceeda oo laba kor dhaban yey dhewelantaaye marka dhiilka lala hoos galey meelo dhugataaye Ummadyahay dhab baa loo hadlaa waad is dhigateene dulmigii lafaha dhuuxay baad dib u dhardhaarteene ummad baad xaqeedii dhammaa dhababka saarteene gunaadkii naftii weli ma dhigin waase dhiig baxaye garaadkiinu wuu dhaafsan yahay dhiilkan buuxsamaye maantana waxaa idin dhex taal tii dib loo dhigaye caaway u dhowdahay haddaad dhugasho siisaane. Dhillowyahaynku waa geed ka baxa dhuunta geed kale e imminkuu dhabbada soo hayaa dhaanki reer Yurube nin kaastoo is dhoob dhoobi jiray dhigaha loo laabye dheweraad hadday kala lahayd laysu soo dhuraye markii dhuuni loo rogay arlada dhoorku wada daalye Dhallinyaradu way dayriyeen dhalashadoodiiye waa taa ninkii dhowrsanaa qaad ku soo dhacaye waa taa dhabeeshii hiddaha dhaylo loo dubaye dhuuqdhuuq layaashii batiyo heen dhalaalshuhuye dheri bay ku wada foorartaa diiddan dhaqankiiye Dhaddiggiyo labkeedii waqtigu dhaal isugu keenye ummaddii dhiraha kala lahayd ways dhex huruddaaye dheg dheggiyo lafaha dhuubtay iyo dhogor xumaantooda qaraamaad markay wada dhantaa dheehu doorasamaye hadday dhoojo wada yeelatiyo dhiico iyo tuure haddii dhawrasaan lagu yiqiin dhimay hankeediiye Dhibaatadan xilkeedii horaad uga dhabcaasheene maantana sidii dhagax dixeed hawgu sii dhegine Inta shay la dhawrtiyo haddaan diinta kugu dhaarsho inta gabay dhaf leeyahay haddaan kaaga dhira fuulo haddaan dhaho haddaan dhigo haddaan weliba dhiib dhiibo anigoon wax kuu dhimin haddaan dhegaha kuu buuxsho dhaqdhaqaaq ma kaa iman karaa dhiillo lagu baajo? Dhabtuun baa khalqigu diidaya meesha dheer tegaye dhulgariirka waa laga baqaa waayo soo dhaxaye la dhex joogi maayoo arlada dheelmashow qorane qofba wuxuu dhigtuun baa u yaal dhiilka aakhiro e
ninkii dhiirri sheegtoow is furo way dhanaan tahaye.

26. DURDUR Kor aad
01. Maansaba dir bay leedihiyo daabac gooniyahe 02. Ninba wuxuu ka doontaa halkuu gaar u daaqsado e 03. Dadka uma gudboonee ragbay duuunyadiis tahaye 04. Deebaanka ruuxii hayaa lagaga daydaaye 05. Kani waa dux iyo sooryo iyo malabka doocaane 06. Waa dood macaanoo nin ragu lagu daweeyaaye 07. Waa gabay da'weynoo sannado dabaqu saarraaye 08. Waa doog Massaarriyo ku yaal Doollo iyo Hawde 09. Waa damal hadh weynoo midhaa daafta soo dhigaye 10. Waa ceel dad liqahoon fudayd loogu daadegine 11. Waa danan Ganaanoo fatahay dirirta cawleede 12. Waa dayr Shabeelloo dhulkiyo doojey beeraha'e 13. Waa daad rogmadey oo hadhsaday dooxadii Herer'e 14. Waa duhur Togdheeroo hugmoo kiciyey duufaane 15. Waa doonbir lagu oon bixiyo daran Nugaaleede 16. Waa Haro Digeedoo biyuhu dhinac ka daateene 17. Waa geed Dayibahoo ka baxay sabarka Daaloode 18. Waa doobi xoorliyo karuur lagu durduurtaaye 19. Waa deer-cad geeloo rintiyo dahabta qaalmoode 20. Waa faras dakano raadiyo duullimaad galaye 21. Waa geesi ciil dirirayoo doog haruu qabaye 22. Waa gabadh da'deed joogta oo guudka loo dabaye 23. Waa daraya-muuskiyo dhaclaha Daadi xidhataaye 24. Durdur weeye laga dhaansadaa daayin abidkiiye 25. Waa gabay dihnaayoo wax badan ibo daboollaaye 26. Waa gabay duqii aabihii dayro ka ahaaye 27. Waa gabay dorraatiyo ogaa dakharradeediiye 28. Waa gabay durbaankiila tumay diif la soo kacaye 29. Waa gabay ku diirsaday markuu waagu daalacaye 30. Waa gabay dagaar iyo ka yimi diillintii Guraye 31. Waa gabay dushaa sare jiroo caawa soo degaye 32. Afartaa daleeyey waxaan dib ugu soo laabtay 33. Toban iga dardaarana hadduu hadal wax daaweyne 34. Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuutayda 35. Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin 36. Baribaa dadkuba qaawanaa dibad ku noolaaye 37. Ooy daaqayeen cawska iyo darista geedaha e 38. Dareemada marbay ugu koreen duudka buuraha e 39. Dalanbaabi iyo guuldariyo dooga cunidiida 40. Danbaa galisay inay raadiyaan nolol ka door roone 41. Dugsi iyo markii ay heleen dab i iftiimaaya 42. Duunyadiyo markii ay dhaqdeen bahaladii duurka 43. Ugaadhiyo markii ay dabteen deeradiyo cawsha 44. Beeraha markii ay degeen orodki may dayne 45. Damacbaa hogaanka u qabtoo door labaad raraye 46. Daar iyo markii ay dhisteen aqalo daah wayn leh 47. Markab aan dagayn iyo markii doonyo lagu dhoofay 48. Sabarayn dabaashiyo markii qalab lasii daayay 49. Nin waliba markuu daadsadee kibir la daanshooday 50. Yaa niman dalxiis ugu keceen meel dusheena ahe 51. Sawaariikh dilaantiyo rag baa guudka loo diraye 52. Duhur kaliya bay sii socdeen daala may arage 53. Dayaxay habeenkoo badh tagay degel fadhiisteen 54. Maantana dhulkii sii durugsan baa dirirka muuqdaane 55. Dabagaabahaa lagu socdaa awrka doobta lehe 56. Daalaa-dhac adigoo ahoo cudur ka soo doogey 57. Nin tunkiisa daawaday hadduu kuu dardaar weriyo 58. Libta looma daayee ushaa lagu dillaacshaaye 59. Innagiyo nin dahab sheegtayoo qubaya Doollaarka 60. In dagaalku labadeenna yahay dib u xusuusnaada 61. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay 62. Toban igadigniinaan ninkii dagan ogeysiine 63. Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda 64. Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin 65. Dibnaheeda waxa dhaafayee gelaya daankeeda 66. Yey qodoni eexaysataa dux u taqaannaaye 67. Ma og tahay ninkii doora baa hadalku deeqaaye 68. Ma og tahay sursuur daahan baa dabinku yaalaaye 69. Ma og tahay dalluun baa ka qodan doox hortaada ahe 70. Ma og tahay xadhkaa dadsan aan lana dareemeyne 71. Ma og tahay inaad door heshaan lagula doonayne 72. Ma og tahay tag kula doodayoo kuu dan laa jire'e 73. Ma og tahay shisheeyuhu nin dagan waa kuwii dila'e 74. Ma og tahay digtoonaan la'aan dacar inaan leeftay? 75. Diga-rogadka maanta ah gacmuhu ways dugsanayaane 76. Dawgaad banaysaa ka kale deylo soo marine 77. Degelkaad furtaa baa ka kale deyr u soo jariye 78. Dabka aad shiddaa baa kale saari dogob weyne 79. Wadaantaad dar keentaa ka kale laaska soo dariye 80. Dagaalkaad gashaabaa ka kale duub u soo xidhane 81. Derejada laguu dhiibey iyo guusha kugu deyran 82. Ma og tahay dallaallimada waa kugu deyeynaaye 83. Caleemaha ninkii daadiyow dan iyo xeeshaada 84. Ma og tahay nin daastow inaad dib ugu aayeyso 85. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay 86. Toban uu dalkii sheegtayuu daw u leeyahaye 87. Ninka caawa loo dadab dhigay maqal dabuubtayda 88. Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin 89. Wuxu yidhi badh baa dibad ku maqan degelladaydiiye 90. Cadaawuhu haddaan dooh la odhan dib uma laabmaane 91. Shisheeyuhu dux buu iga heloo laygu soo durugye 92. Dahab iyo batrool aan dhalaa daaha loo furaye 93. Derrimaha madheedhka leh halkuu daaqi jirey geelu 94. Doogaygu meeshuu ku yiil waa la duudsiyaye 95. Nacabkay wuxuu weli degaa Doollo iyo Hawde 96. N.F.D ninkii doonayow daabcad loo tumaye 97. Obokh dawyadii laga xidhyoo deyrka lagu gooey 98. Sidii geesigii looga diley waa dumaal weliye
99. Hadalka laguma dale waxaan idin dareensiiyey
100. Ban daleela, degel qaawan iyo ooda kala daadsan
101. Guri aan duggaal iyo gabbood daahna lagu reebin
102. Guri aan dulsaar iyo lahayn dadabta loo xeero
103. Oo aan darrooraha cirkiyo daadka celinaynin
104. Guri uu shisheeyuhu degoo daaqi ka idlaystay
105. Guri looga sii daray markuu dawladnimo qaatay
106. Guri daallin iyo weerar iyo dulin abaareeyey
107. Guri ay dabayluhu galaan amase duufaanku
108. Maska duula haaway derderan dagan ma dhaafaaka
109. Dawac iyo dhurwaa iyo shabeel daacuflaha aarka
110. Guri aan dad-qaad iyo orgobe bahalku deynaynin
111. Guri duugmay oo aasmayuu daacay udubkiisu
112. Guri debed iyo bannaan dhul dheer lagaga soo duuley
113. Guri hoosta doofaar qotoo diinku ku caweeyey
114. Guri Eebbahay daba qabtiyo doorka iyo xooggu
115. Adna aad Diktoorkiisa tahay waxa daweynaaya
116. Idinkaa Diblooma u sitee dib uga faallooda 117. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
118. Toban uu dadweynuhu I yidhi duqayda gaadhsiiye
119. Ninka caawa loo dadab dhigaw maqal dabuubtayda
120. Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin 121. Rag baa weli dushaa laga rartaa sida dameeraaye
122. Daandaansi joogta ah ragbaa loogu daw galaye
123. Dibindaabyo niman baa ku lumay debec la'aaneede
124. Dacwaddooda niman baa dhegaa laga dabooshaaye
125. Dayaxaba rag baan arag siday dab uga baydheene
126. Degelkooda niman baanu helin dirirka hooraaye
127. Duunyaba rag baan lagu ogeyn xoolo daaq taga'e> 128. Dambarkeeda niman baa ka qaday dihina Maandeeqe
129. Niman baa dalluun lagu ridoo daaha loo rogaye
130. Niman baa sidii awr dib jirey bahalo dooxeene
131. Niman baa halkii lagu deldeley daawasho u yaalle
132. Gumaystuhu dirkaa kula dhashy laba-dibleeyeene 133. Labadaadi daan iyo afkii daadku kala qaadye 134. Toban doora, toban daacadoo wada dedaaleysa
135. Iyo toban dannaa guud jiroo dayrshey noloshooda
136. Iyo toban dadweyna wax ka jira dacawga soo duulla
137. Iyo toban billaawaha wax dila daabka wada haysta
138. Iyo toban diyaarado watoo ina dul-meeraaya
139. Iyo toban sinnaan doonayoo xeerka daba jooga
140. Iyo toban sabool daadahshoo midigta deeqsiiya
141. Toban dudaya, toban uurka daba toban kaloo doorsan
142. Toban didaya, toban duuf-cunoo nacab la daaweysta
143. Toban dabata, toban toban duur-xuloo garab ku daaqaaya
144. Dushaa toban ka wada fiicannoo duunka milil jiifo
145. Iyo toban da'dii soo kacdaba dubata beerkooda
146. Dadqal iyo abees iyo orgobe diir wax xaganaysa
147. Iyo toban dibnaha leefayoo damacu heeryeystey
148. Dib u socod dillaal tuuga iyo daallin iyo gaade
149. Toban daallan, toban daahan iyo toban kaloo duuban
150. Diif iyo xanuun toban qaboo duumo wada hayso
151. Mid dakaansan, mid dayeysan iyo toban deddoonaaya
152. Toban dalab leh, toban loo dawero toban daleel jooga
153. Toban daasadaa wada sitoo xagal ka daacaysa
154. Toban daadsan, dibada mid jira toban dabayl raacay 155. Toban xoolo daba joogta oo doogsin cararaysa 156. Intaasoo is wada doonatoo ul iyo diirkeeda
157. Intaasoo gudmaha daabatoo degelka soo oodda
158. Intaasoo danaa guud jirtoo daawo wada qaata
159. Intaasoo fadhiga deysa oo wada dedaaleysa
160. Intaasoo ladnaan wada degtoo daacadda ogaata
161. Intaasoo daryeel wada heshoo gaajo dabar goysa
162. Intaasoo dagnaan loogu iman ama digtoonaata
163. Intaasoo is daba taaganoo cadow la doodaysnin
164. Intaasoo dagaal wada gashoo dab iyo baaruud leh
165. Taasaa la wada doonayaa dan uga faallooda! 166. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
167. Toban uu Darwiikhkii I yidhi duqayda gaadhsiiye
168. Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
169. Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duullin. 170. Wuxuu yidhi darwiishkii Taleex barasho waa doore
171. Dagaalkaan abaabuley ragii duubka wada qaaday
172. Daaraawiishta nimankii la baxay waxan u sii daayey
173. Daliilkii illaah iyo waxaan diinta ugu dhaarshey
174. Xeer laba dibleeyiyo waxaan daawo ugu yeeley
175. Waxaan daabcad iyo soodh af badan ugu durduuraayey
176. Haddii duullan loo baxo waxaan ula dardaarmaayey
177. Kolka ay dareeraan waxaan duco u taaraayey
178. Waxaan duhur illaahay baryee tiriyey deeqdiisa
179. Waxaan Daayimow idhi habeen doqonta oo jiifta
180. Darfooley la ii dhigay waxaan gees iga duubay
181. Dug madow waxaan keli ahaan umal la dooyaystay
182. Dibnahayga waxaan ciil saq-dhexe foolasha u daayey
183. Dawankaygu qaylada wuxuu gelinna deyn waayey
184. Dood iyo heshiis iyo waxaan nabad u diidaayey
185. Waxaan duubi weynow sengaha ugu duulaalayey
186. Dirkii Xiin-Finiin iyo waxaan seef isula doontay
187. Dabkaan shiday, waxaan gaal cad diley dabatadaan laayey 188. Dabayl ii cad goysiyo waxaan kiciyey duufaano
189. Danab iyo hillaac iyo waxaan weedh is daba joojey
190. Dillaalkiyo gumaystaha waxaan gooyey dabarkooda
191. Dulmadoobe iyo Cayn waxaan dhiigga ugu daadshey
192. Nolol dalab leh oo jaban waxaan geeri uga doortay
193. Gobanimo daryeel baan lahaa dawladnimo taage
194. Doorkiyo barbaartaan lahaa dawliska u dhiibe
195. Deegaanta Hawd baan lahaa goray ha daajeene
196. Maatada ha deeqdaan lahaa sidigta Doolaabe
197. Dadkii dhaxal la'aa baan lahaa doogga haw hadho'e
198. Shanta kala dab raacdaan lahaa degel ha ooteene
199. Dakharada bogsii baan lahaa doogta kugu taalle
200. Ha yeeshee sidaan damacsanaa Daayin odhan waaye
201. Dagaallamaye daad xoog leh iyo daafi bay ridaye
202. Halkii laygu duugiyo anoo jiifa duni hoose 203. Ayuun baa daboolkii sanqadho iga dul qaadeene
204. Calankoo deldelan baa habeen daaha lay furaye
205. Danwadaag heshiis iyo israac darammal yeedhaya
206. Laba deristayoo guul heshoo dawladnimo qaatay
207. Dadkiiyoo xornimo iidayaa daawo lay yidhiye
208. Dawaad iyo waraaq baan ka helay meel docdayda ahe
209. Hambalyada intaan deexday baan taarar soo diraye
210. Dibnahoo qoslaayaan gam'oon seexday dabadeede
211. Gabbal dumey habeenkoo dam yidhi aan dayaxu joogin
212. Dad bakhtiyey kul iyo dayro-dhaaf diqim wax laynaysa
213. Dibindaabyo xeer dabar go'oo doorashiyo beena 214. Dumar iyo caruur ooyayoo dugeydu yeedheyso
215. Xaq daguugmey daa'imo la dhacay dunida oo qiiqday
216. Gobannimo daryeel iyo xil iyo daacadnimo weydey
217. Dan hallawday guri daad watiyo dawladnimo qaawan
218. Calankoo ushii diidayoo daabku celin waayey
219. Fin dillaacay doog soo kacdoo arimi soo daacdey
220. Ayuun baa dareenkii labaad daaha lay furaye
221. Intaasoo darxumo oo dhacdaa daawo lay yidhiye
222. Dibin daabyo uurxumo waxaan dugul madoobaado
223. Ilmadaydu waxay yaab da'doon ciil isaga duugo
224. Garab daar maruun baa carshiga layga soo degaye
225. Maruun baa xabaaliii dednaa wada dayaameene
226. Dhaaxaan deddiyo taah kacoon soo dingiigsadaye
227. Dorraad tawradii dhalatay baa daaha lay furaye
228. Allaylehe durbaanki la tumay waan ku diirsadaye 229. Godkaygaa digniin iyo farriin laygu soo diraye
230. Anigoo darmaan fuushan baan soo dabbaal degaye
231. Waagoo dillaacaan arkoo duushay dhaxantiiye
232. Dayax soo iftiimaan arkoo nuuray dunidiiye
233. Dantii oo la helay baan arkoo loo dab shidayaaye
234. Deegaan is gaadhaan arkiyo xoolahoo dihine
235. Dadkiiyoo badhaadhaan arkoo reebay dacaskiiye
236. Dulmigoo carraabaan arkoy daacadii timide
237. Dikri iyo Quraan baan maqliyo diin la caabudaye
238. Dacar iyo rag dhuxul daacay baa daawo lay yidhiye
239. Door-roonayaashiyo raggaan anigu doonaayey
240. Duqa Janan Siyaad baan arkiyo dawladii sare'e
241. Dihin curatay oo igadh ah bay ii danbariyeene
242. Kolkii aan dardugey een dhergaan dooxay hadalkiiye
243. Dooddaan u jeel-qabey kolkaan madaxda deeqsiiyey
244. Yaan idhi dan baan leeyahoon duubtay gogoshiiye
245. Degdeg baan xabaashii ku tegey daal la'aan socode
246. Dacallada intaan feytay baan hoos u daadegaye
247. Inkastoon dalluun awdan iyo joogo duni hoose
248. Albab ii daloolaan carrada diirad ku hayaaye
249. Degmadiinnna waxa ii fadhiya duulan la aqoone
250. In dardaarankaygii fulaan helay daliilkiiye
251. Caawana mid daw iyo jidoo doora iga hooya
252. Inay dunidu hawl tahay sidii Daayinkuba sheegay 253. In dedaalku dhaxal waara yahay duugna laga dheefo 254. Inuu samuhu door dhalo hadday daacadnimo raacdo
255. Oy dhaqasho ruux doona tahay dib u xasuusnaada
256. Circa oo daruuraha marshoo darara mooyaane
257. Inaan roob da'aa laago rogin dib u xasuusnaada
258. Haddaan meesha doog iyo tayale duunyo lagu raacin
259. Inaan doobi loo culan hantida dib u xasuusnaada
260. Ruuxaan dantiisiyo aqoon waxa daryeelaaya
261. Inuu deeqda Eebbahay ka qaday dib u xasuusnaada
262. Daanyeer jarmaadiyo qadhaab gelin hadduu daayo
263. Inuu ruuxna soor uga durkayn dib u xasuusnaada
264. Hadday dunidu ber dheef lahayd dux iyo haaneedsi
265. Dufankii in laga laastay iyo dalaggi hoos yiilley
266. Oy maana dabagoosi tahay dib u xasuusnaada 267. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay 268. Waa toban dastoor tawriyoo deelku wada yaalle 269. Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda 270. Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin 271. Dardarta iyo geeddiga socdee meella degi waayey 272. Gaadiid dadabtii sidee rarada loo duubay
273. Dabageliska baydiyo ratiga caynka lagu duugay
274. Baalaha dareeriyo hantida deyr laga leexshay
275. Dibnaa sheekadii laga xidhee hadalka loo diidey
276. Daabkiyodumaha laysu tumay warank loo deyley
277. Daawada la wada qaatay iyo hawsha lagu daastey
278. Danta loo dhaqaaqiyo fadhiga dabarka loo gooyey
279. Doorkiyo abwaannada kulmee laysla wada doontay 280. Ma daalaha hoggaanka u hayiyo cuurka daba taagan
281. Dabka shidan dayaxa soo bixiyo dirirka loo guurey
282. Deegaantu meeshay ku taal doqoni waa mooge
283. Dhul dabayshu toban sii dhaxdoo durugsan weeyaane
284. Daanshood waxa lagu tagaa boqol diraacoode
285. In la duulo mooyee si kale looma ood dego'e
286. Digdigtiyo hayaankiyo guclaha deeddankiyo heesta
287. Daruuraha in laga dhaansadaa laysku deyeyaaye
288. Ma dekaame awr daabbadaa lagu dul joogaaye
289. Doox baa la marayaa badweyn dulin ka buuxaaye
290. Inkastaad dabbaashiyo taqaan duurka xuliddiisa
291. Ood dabin ka bood tahay nimaan cidi dareemeynin
292. Waxa daadka lagu dhaafayaa daacaddoo qudhahe
293. Ninkastaa dawaar xiimayuu dacalka haystaaye
294. Doonnidu ninkii ay riddow dan iyo xeeshaada 295. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
296. Toban Digriidiinnu tidhi sii diktoorada'e
297. Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
298. Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin 299. Waxay tidhi dalkaan wada aqaan labada daamoode
300. Deyn nimaan ku leeyahay hadduu daw I marin waayo
301. Waxay tidhi xaqii iga durkaan doonan karayaaye
302. Waxay tidhi gammaan doobir leh oon daalin baan ahaye
303. Waxay tidhi halkii didib ah baan dibi ku jeexaaye
304. Waxay tidhi dixdiyo buurahaan dalag ka beeraaye
305. Waxay tidhi durduurtiyo khamriga waan ka daahnahaye
306. Waxay tidhi darmaan curatay baa lay dambariyaaye
307. Waxay tidhi surwaal duluc-lehoo daadsan ma aqaanne
308. Waxay tidhi go'duugaan xidhaa dacal hagoogtaaye 309. Madaxayga deeb uma oggoli waxaan daweynneyne
310. Darro iyo malaas baan timaa ugu dedaalaaye
311. Duunyadu hadii ay gudhoo dooga la idlaysto
312. Waxay tidhi diraacaha dhacaa ima durreeyaane
313. Waxay tidhi dibtaag naaxday baan daban aqaannaaye
314. Waxay tidhi galleydaan dubtaa duraha jiilaale
315. Digir iyo hadhuudh lay karshaa wayga degayaane
316. Dantu waxay I siisaan gutaa Daayin mahadshaaye
317. Waxay tidhi digaaggiyo ma cuno hilibka doofaa 318. Daribio mud baan kaga baxaa diifta gaajada'e 319. Waxay tidhi haddaan guur damcoo dumarka xiiseeyo 320. Dabagaab shisheya ah ma geyo imana deeqaane 321. Waxay tidhi hablaa diibka-laa aniga ii doonnan 322. Intaas hal oo dood ah iyo faallo daba joogta 323. Oon Deel ka wada sheegay baan daacad kuu idhiye 324. Waanada ha diidina rag waa lala dardaarmaaye.
20. DABA HUWAN 1995 Kor aad
001. Markay dani meeday tidhi 002. Maxaan talo meel ka deyey, 003. Markay dani maaha tidhi 004. Weyddiiyey qof meel ka deyey, 005. Markay dani maaha tidhi 006. Ku laabtay halkaan ka deyey, 007. Markay dani maaha tidhi 008. Ka sii deyey meel la-deyey. 009. Maxay doqonniino tidhi 010. Ruuxaan jirin raad ku doon, 011. Intaan isku duubay been 012. Ka buuxsadey labada dacal 013. Maxay runi daadi tidhi. 014. Maxaan arrin dawlis dhow 015. Ma-diiddo la-soo qor-qoray 016. Ku daabacan baal madow 017. Ku daawaday meel madow 018. Wax aan duluc sii ridneyn 019. Indhuu ku daraandareen. 020. Maxaan dogob beer is idhi 021. Daruuro u soo sasabay 022. Dar-yeelka ku maal is idhi 023. Biyuhu uga sii dareen. 024. Wax aan degdeg jeer ku liqay 025. Maxay shishe ii damqeen 026. Kashayda dalooshadeen, 027. Muxuu hadba shay dellegan 028. Dareensigu soo tuf yidhi. 029. Ammuuraha duur-xulka ah 030. Duunkayga maxaan qod-qoday 031. Weydiiyey su'aal da' weyn 032. Dibnuhu iga aammuseen. 033. Dal-xiiska maxaan bilqaday 034. Maxaan farax-deeddankii 035. Maxaan sida daad jirfaday 036. Maxaan hadba daaf qulqulay 037. Maxaan hadba deex sunsumay 038. Maxaan deli jeer ka dhacay 039. Maxay jarar soo deldelan 040. Doolaaladu fuul i-tidhi, 041. Dushooda markaan u baxay 042. Ha soo degin laygu yidhi. 043. Maxaan dihin weel la galay, 044. Ku-dayga maxaan ummuur 045. Daboolka ka qaad is idhi 046. Cabsidu iska daa i-tidhi 047. Indhuhu dib u soo noqdeen. 048. Maxaan dhilay doog lingaxan 049. Hal daahan maxaan furfuray 050. Inaan dib u sii xidh-xidho 051. Garaadku ku daaley, yidhi. 052. Maxaan dardaraa habeen 053. Anoo daba jooga raad 054. Dedaalku i-soo xidh-xidhay, 055. Dakaanka anoo jil-jilan 056. Muxuu dayax soo mir-kacay 057. Degaan kale ii fur-furay 058. Dayaan igu sii gil-giley. 059. Maxaan qoday doox sal weyn 060. Maxaan helay deeq mug weyn 061. Wax uu dad jeclaan lahaa 062. U waayey wax soo dal-dalah. 063. Waqtigu boqol-doocsanaa, 064. Dersuu kugu beerayaa 065. Dur-duur kugu siinayaa 066. Dar-daaran adoo qabuu 067. Dagaal kugu riixayaa 068. Dil buu kugu oogayaa, 069. Markaad del-delaad gashuu 070. Haddana kugu diidayaa 071. Dorraato wuxuu Ku-yidhi, 072. Intuu ku diruu haddana 073. Dabbaal kugu sheegayaa. 074. Rugaha dunidaa bulsho ah 075. Indhaha deyayaa xujo ah 076. Docaa laga eegayaa 077. Daymaa lagu eegayaa 078. Danaa laga eegayaa, 079. U daana cid baa taqaan 080. Ka daana cid baa taqaan 081. Ta doora Rabbaa yaqaan 082. Ka dooro adaa yaqaan. 083. Dildilo-rogan baad tihiin 084. Sidaa isu doorisaan 085. Ayaa isu doorataan. 086. Markay dahatay dhul tahay 087. Markay dihatay dhir tahay 088. Markay duhur-tiigsi tahay 089. Ayey dalan-dool caddahay 090. Duf bay ku sarbeeban tahay 091. Dabay ku aleelan tahay 092. Lafiba diirkeed qodnayd. 093. Dal iyo magac bay lahayd 094. Dad iyo mudan bay lahayd 095. Duunyiyo mahad bay lahayd 096. Diin iyo dhaqan bay lahayd 097. Duug iyo dhaxal bay lahayd 098. Dan iyo tacab bay lahayd 099. Dedaal xejiyey lahayd 100. Xadhkiyo dabar bay lahayd 101. Aqoon durugtay lahayd 102. Xil daacadah bay lahayd 103. Duleed-jiratay lahayd 104. Duggaal hanatay lahayd 105. Daw iyo marin bay lahayd 106. Dareer taxan bay lahayd 107. Dardaaran cad bay lahayd 108. Dabool adag bay lahayd 109. Digtooni horay lahayd 110. Dabaylo hadday ruxaan 111. Durbaan weriyey lahayd 112. Awaal-deyis bay lahayd 113. Dawiyo kabashay lahayd 114. Xidhiidh degsan bay lahayd 115. Dagaal sharafay lahayd 116. Duciyo nabad bay lahayd 117. Caqiibo danbay lahayd 118. Han iyo dugsashey lahayd 119. Deeq iyo hirashay lahayd 120. Duddiyo gacal bay lahayd 121. Dareen xidid bay lahayd 122. Xormiyo deris bay lahayd 123. Dul iyo magan bay lahayd 124. Xishood dedan bay lahayd 125. Dux iyo soddoh bay lahayd 126. Dumaashi dhan bay lahayd 127. Dad kala-guran bay lahayd 128. Rag iyo dumar bay lahayd 129. Nin-door taliyay lahayd 130. Marwiyo degel bay lahayd 131. Duq iyo garashay lahayd 132. Haween darban bay lahayd 133. Barbaar diran bay lahayd 134. Habliyo dardaray lahayd 135. Halyey diriray lahayd 136. Darmaan boqrran bay lahayd 137. Duud iyo oday bay lahayd 138. Da' iyo da' dhexay lahayd 139. Da'aad yar-yar bay lahayd 140. Is-daaddihin bay lahayd 141. Deryaale cad bay lahayd 142. Dalaandaliyay lahayd 143. Hor-weyn dal maray lahayd 144. Irmaan dararay lahayd 145. Hal iyo dalaway lahayd 146. Wan dool culus bay lahayd 147. Sal iyo daab bay lahayd 148. Dallaayad saray lahayd 149. Shishiyo duluc bay lahayd 150. Wixii dumey bay lahayd!!! 151. Iskuulladu waa deyeyn 152. Damiinnimaday dhigaan 153. Dartay uma soo lug go'in 154. Duruustu falkay tiqiin 155. Digtoor cadoway sideen 156. Digrii nacabay sideen 157. Xaq bay garba-duubayeen 158. Diintay gibil saarayeen 159. Waxay dedayeen ummuur 160. Dhibteedu dib iigu tiil, 161. Waxay doc-faruurayeen 162. Dedaal abid soo taxnaa. 163. Xafiisyadu waa dulleyn 164. Dulmay ka hor-seed yihiin 165. Dikteetarraday dhalaan 166. Direyska wedkay tolaan 167. Dardaaran shishay qabeen 168. Dalkay shil u loogayeen 169. Dadkay u shidhaynayeen 170. Dardaar-werin meel u tiil 171. Nin bay u danaynayaan, 172. Dugaagnimaday dhalaan 173. Indhaha dannigay dhalaan 174. Intii daran bay dhalaan 175. Xadhkaha doqonkay tidcaan 176. Naftay damac-raaciyaan, 177. Waxbay daba qaadayaan 178. Qofkii biya-diid yaqaan 179. Darleefyey ninkay baraan 180. Sagaashan dabeecadood 181. Hadday kol ku soo degaan 182. Diihaal iyo saar gumeed 183. Ma aamino deeq ka weyn 184. Inay laba duul dhintaan. 185. Dukaannadu waa nuxuus 186. Sun iyo dacar bay hayaan 187. Daraandariyay hayaan 188. Dareen xagatay hayaan 189. Dalaaqda Tus bay hayaan 190. Waxay demesh soo rogeen 191. Waxay diric raarayaan 192. Durraaxad u heesayaan 193. Waxaa lagu doonayaa 194. Waxaanan u daafad hayn. 195. Waxaan diro lay carree 196. Wax soo degey lay cusbee, 197. Ka dooro intaan lahaa 198. Ku sii dar intaan lahaa 199. Ku sii dil ayuu lahaa 200. Ninkii digashada badnaa. 201. Daaruhu tayo waa ka Gaal 202. Dulmay taran leeyihiin 203. Bar duunyo ah waa ka caydh 204. Waxay ku dul nool yihiin 205. Nin daaqsada xoolo nool 206. Dubbaha fakhrigay tumaan 207. Waxay derbi jiifiyaan 208. Barbaarkiyo doobka nool 209. Carwada dib-jirkay dhalaan, 210. Hadday kugu soo durkaan 211. Ducaa laga hoos galaa, 212. Maxay damal weyn shiteen 213. Maxay qudhac deebiyeen 214. Waxay dab sudheen dhirtii 215. Dhulkay midab-dooriyeen, 216. Bal eeg degelkii hufnaa 217. Bir iyo waxa daasad yaal, 218. Bal eega dalkii xallaa 219. Waxay lafo daadiyeen!!! 220. Shil baa dunidii ka dhacay 221. Daacuun halisaa ku fiday 222. Duufaan simay baa la tegey, 223. Doofaarrada aan gudnayn 224. Diin-laawaha Gaalku dhalay 225. Maxay dulin faafiyeen 226. Maxay samo duudsiyeen 227. Maxay godob daaqsadeen 228. Maxay denbi xoogsadeen 229. Maxay dabar soo xardheen 230. Maxay dabin soo shaqleen 231. Danbeed-maran soo asleen. 232. Waxay dumiyeen aqoon 233. ILaa dura’ soo taxnayd, 234. Waxay damiyeen ilays 235. U daaran qof meel lahaa, 236. Waxay kala daadiyeen 237. Dar-yeel isu dheelli tiran, 238. Naf daahira bay legdeen 239. Docdeeda xun dhiirriyeen 240. Dan bay can-labeebiyeen 241. Dawgeedu xidhiidhsanaa, 242. Waxay iga soo duween 243. Jidkaan isku daawan jirey, 244. Waxay dibad-yaaliyeen 245. Nin tiisa u door ahaa, 246. In loo dewerey rabeen 247. Da'diisa nimaan baryeen, 248. Waxay ka dhigeen dadkii 249. Af iyo labadiisa daan, 250. Duuggii ubadkay cuneen 251. Wixii jirey bay dubteen, 252. Dusuud madhan bay dhigeen 253. Halkii beri doobi yiil, 254. Waxay dambas toomiyeen 255. Rugtii digo loo yiqiin 256. Duxdii noloshay tireen, 257. Waxay debciyeen naftii 258. Waxay dac wadheen hankii 259. Waxay isku soo dareen 260. Dadkii kala caagganaa, 261. Intii gabadh diib lahayd 262. Daf iyo Kaban baa la tegey, 263. Dhulkii derrimaha lahaa 264. Deegaantiyo baadku yiil 265. Dabaylo cas baa ka kacay, 266. Dorraatiyo guulihii 267. Dallaallimadii dhisnayd 268. Wixii dalag meersanaa 269. Daadduun qaxay baa ka hadhay, 270. Wixii duluglaa ka nool 271. Dibnuhu dhubbad qaadayeen. 272. Dagaalku sal buu lahaa 273. Daad soo jabay baan intaas 274. Gacmaha ku dabbaal lahaa, 275. Anigu dirir maan hanbayn 276. Dooddayduna may hinnayn 277. Hubbaa lagu diiddanaa, 278. Waxay igu soo dabreen 279. Halkay ila doonayeen, 280. Aniyo debad baannu nahay 281. Cidlaan dil-dillaamayaa 282. Daleel madhan baan tub nahay 283. Sas iyo dala'saan qabaa 284. Dareen dhidar baan gashaday 285. Dugaag falan baan qor nahay 286. Daaraantuna way fog tahay 287. Duullaankuna waa sidii. 288. Haddaad liqday daacaddii 289. Adaa damacow yaqaan 290. Sidaad uga deyn baxdee, 291. Wixii dummaddaada jira 292. Ku sii dar tu kaaga daran. 293. Cilmigan dib u heega-dhaca 294. Cilmigan dul-ka-xaadiska ah 295. Cilmigan sama-dawdarka ah 296. Caqligu ka daboolan yahay 297. Bukaankiyo daafka qaba 298. Gumaysigu diin u yahay 299. ILaah lagu diiddan yahay 300. Islaam-la-dagaallanka ah 301. Danaysigu weel u yahay 302. Dir-soocu u aabbe yahay 303. Daandaansigu guul u yahay 304. Dabkiyo wada hawsarka ah 305. Dilkiyo wada dhiig-cabka ah 306. Duullaankiyo boobka jecel, 307. Cilmigan dal-daloolka badan 308. Damiirku ka meydka yahay 309. Khansiirkiyo duufka cuna 310. Dillaalkiyo tuugga dhala 311. Wanaaggu ka dayro yahay 312. Xumaantu u dooran tahay 313. Dadkiyo simay xoolihii 314. Raggiyo dumarkii fur-furay 315. Intuu dumarkii is-baday 316. Raggii dumar qaar ka dhigay 317. Af-duubkiyo qoolka taxan 318. Run baa lagu daahayaa 319. Dijaal korayaa qarsoon. 320. Dalaal iyo been madow 321. Ninkii Run ku doonayow 322. Abuurtu dumaal miyaa? 323. Ma duur iska beermay baa? 324. Ma baadi dibbootey baa? 325. Ma doonni hallawsan baa? 326. Dawliil iyo quus miyaa? 327. Ma buur lagu daalayaa? 328. Ma boog damaqdaa wadnaha? 329. Ma doonis calool bugtaa? 330. Ma shay laga daawadaa 331. Garaadka nin daymo dhow? 332. Ma Daarwin siduu yidhaa? 333. Daayeer nin ka soo farcamay 334. Ma suu u dareemayaa? 335. Miyaanay dastuur lahayn 336. Kitaab iyo diin lahayn? 337. Miyaan laga sii danbayn? 338. Sidii Daraygii miyaa 339. Midhii daraygii miyaa? 340. Duudduub ku liq yaa ku yidhi? 341. Nin diidey Inaad Run tahay 342. Ku doodey Inaanad jirin 343. Rabbow dunidaada bilan 344. Dunteeda ma sheegi karo. 345. Daayeerka waxaa ka yimi 346. Waxaan dad habboon ahayn! 347. Innagu dir kalaynnu nahay 348. Duudkii Nebigaynnu nahay 349. Deeqdii Rabbi baynnu nahay 350. Dar loo buriyeynnu nahay 351. Ka sii daray baynnu nahay 352. ILaah ka durkaynnu nahay, 353. Islaam dilan baynnu nahay 354. Dugaag u dhacaynnu nahay 355. Ka daatay muskaynnu nahay 356. Ibleys didsadaynnu nahay, 357. Doofaarrada aan gudnayn 358. U doortay runtaynnu nahay 359. Xaqay garba-duubayaan 360. Ku diirsanayaynnu nahay, 361. Diin-laawaha gaalku dhalay 362. Ku dayday ayaynnu nahay 363. Dayeysan ayaynnu nahay. 364. Sidee duni loogu lumay 365. Maxaa dad ku soo lug go'ay 366. Maxaa ku hungoobey duul 367. Diihaal kula soo dhex dhacay, 368. Maxay duluc guud martaa 369. Maxay dersi yeedhisaa 370. Maxay nin u deexataa 371. Ladnaan ugu duur xushaa 372. Hadhow xagal-daacisaa, 373. Maxaa deg-deg wiil ku yimi 374. Dusheeda ku foos bur-buray, 375. Maxay doqon loogataa 376. Maxay laqan dooxataa 377. Maxay danab liicisaa 378. Maxay dabar liilisaa 379. Maxay dil-dillaacisaa 380. Ummuur kun dabool lahayd, 381. Maxay sado daadisaa 382. Maxay amar duulisaa 383. Maxay dar-dar loodisaa 384. Maxay diric quusisaa 385. Maxay kibir daalisaa 386. Maxay damac beenisaa 387. Maxay nin dabbaal yaqaan 388. Dalluun ku waraabisaa, 389. Maxay dal-daloolisaa 390. Deeqdeeda hadhuub lahaa, 391. Maxay lur u sii dirtaa 392. Ku sii dar ninkii yaqaan, 393. Maxay dab ku sii shiddaa 394. Ninkaanay daweyn karayn! 395. Adduunyadu waa daryeel 396. Daryeelka wixii ku nool 397. Dad bay magantiisa tahay, 398. Dardaaran cad baa ka yaal 399. Daymiyo garashay rabtaa 400. Hog loo dayo bay rabtaa, 401. Runteeda qofkii duwaa 402. Xaquu kaga dayro yahay, 403. Dawgeeda haddaan la-marin 404. Daliil Rabbi looga dhigin 405. Deynkeeda waxaad guddaa 406. Mar aanad u daafad hayn, 407. Ninkii dabinkeeda gala 408. Dib bay u xusuusisaa 409. Digniino horoo badnaa. 410. Abuurtu dahaysanaa 411. Sir iyo duluc raaranaa 412. Daabkeedu aroorsanaa 413. Degaandeg ballaadhanaa 414. Dawgeedu aloosanaa 415. Rugaanrugo durugsanaa 416. Muggeedu daruuranaa, 417. Dijaallada soo if-baxay 418. Weelkay darayaan yaraa, 419. Damiinka waxaa ka dhigay 420. Ummuurahan daalka badan 421. Siday u dul cararayaan, 422. Kashii demman bay legdaan 423. Siday wax u duufsadaan 424. Daliil uma sii hayaan. 425. Hubkooda dayaanka dheer 426. Markay daran-doorriyaan 427. Cid bay ku dullaynayaan 428. Cabsay dad ku beerayaan 429. Korkeenna inay degaan 430. Dusheenna ka soo hadlaan 431. Waxay ugu duur xulaan 432. Kasheenna inay dabraan 433. Hankeenna inay dilaan 434. Jidkeenna inay duwaan, 435. Dawaafka is dhaafayaa 436. Duullaanka cirkee socdaa 437. Dedaal iyo maaha guul 438. Daryeel kuma baadhayaan 439. Wanaag kuma doonayaan 440. Inay cilmi daalacshaan 441. Aqoonta ku sii durkaan 442. Wixii dedan qaawiyaan 443. Dantoodu ka sii gun dheer, 444. Rugaa dirir saran yahay 445. Waxay u docaynayaan 446. Dayaxa u hadhaynayaan 447. Dagaar u cagaynayaan 448. Inay Run ku duudsiyaan 449. Xaqiiqada daah sudhaan 450. Adduunyada dooriyaan 451. Iyagu u daliil noqdaan. 452. Nin diidey Inaad Run tahay 453. Ku dooday inaanad jirin 454. Rabbow dunidaada bilan 455. Ammaan kuma daaqi karo. 456. Diddii hungurow diddii 457. Kal daaf hagayaay diddii 458. Dhegaa dedanow diddii 459. Dareenka bukow diddii 460. Adduunyadu maaha dool 461. Dijaallada soo if-baxay 462. Haddaanay war deeqa hayn 463. Sidaan u dayaaba waa 464. Docdaan u kacaaba waa 465. Dushaydiyo hoostu waa 466. Daliil iyo waa Yiqiin 467. Dallaallimadeeda guud 468. Siday u dalaysan tahay 469. Siday u degmaysan tahay 470. Siday u duggaashan tahay 471. Siday u dalleensan tahay 472. Siday u damiin caddahay 473. Siday u dareersan tahay 474. Sidaanay u daadsanayn 475. Da'deeda la-yaabka weyn 476. Siday uga duug la'dahay 477. Siday dalandool u tahay 478. Siday u dekeysan tahay 479. Siday u taqaan didmada 480. Siday u dareen la'dahay 481. Siday u daryeelan tahay 482. Siday u darbaysan tahay 483. Siday u daraandaraan 484. Siday uga dayriyaan 485. Siday laba duul u tahay 486. Siday laba-deeq u tahay 487. Siday degel-degel u tahay 488. Siday degel qudha u tahay 489. Hal-doorba hal-doorka kale 490. Siduu ula daawo yahay 491. Ummuurahan laysku dabay 492. Dawaarahan laysa sudhay 493. Sidii deleb loo dhig-dhigay 494. Wadaagahan laysu diray 495. Lammaanahan laysku daray 496. Hadday is daboolayaan 497. ILaah dejiyaan maqnayn. 498. Cadceeddu dorraad ma dhalan 499. Kulkeeda dawaa ku shuban 500. Ifkeeda Run baa ku duxan 501. Dayuxu marin buu hayaa 502. Xil loo diray buu hayaa 503. Daw buu ku aroorsan yahay 504. Dilluu ku hoggaansan yahay, 505. Dooggiyo dhirtu maaha baad 506. Caleen iyo maaha daaq 507. Ka sii duluc dheer intaas 508. Waxaa ku dareersan nuur 509. Run bay ku dalaysan tahay 510. Wadduur culus baa ku taal 511. Daymaan lagu faaqidayn 512. Dareen akhriyaan la-hayn 513. Indhaha damac baa hor yaal 514. Waxaan dahab meel ka gelin 515. Waxaan magac Doollar sidan 516. Diinnaar iyo lacag ahayn 517. Yaqiin kama sii dayaan, 518. Damiirku hadduu qallalo 519. Hadduu dufan-raadis yahay 520. Daliilka hortiisa yaal 521. Waxaa kaga beegan daah 522. Dadkuna badi waa sidaas 523. Dakano gacal bay qabaan 524. Dagaal ramatay noqdeen 525. Dabrayn iyo weerar bay 526. Runtii kaga duuban tahay, 527. Xaqiiqada daahirka ah 528. Dulmay kaga hoos jiraan 529. Abuurta ma daawadaan 530. Denbay kala boobayaan 531. Dushooda ma eegayaan 532. Dux bay kaga fooraraan 533. Si bay u dar-jiidhayaan 534. Dunuunuc bukay liqeen 535. Dalqay wax ku eegayaan 536. Dil bay u hamuumayaan 537. Dibnay la haliilayaan 538. Dedaal ma haleelayaan 539. Daryeel ma hanbaynayaan 540. Dardaaran ma dhuuxayaan 541. Digniin ma dhabaynayaan 542. Dharaar kama doodayaan 543. Halkay ku dambaynayaan 544. Dayow kama toosayaan. 545. Wax-diiddo markay jirtaa 546. Wax-doonkuna meel-mar yahay 547. Naftana dabar baa xaslada 548. Dibsooduna waa ammaan 549. Digtooni haddaan la-hayn 550. Dagnaaniba way jirtaa 551. Dannaanni miyuu xunyahay 552. Markaan danan loo maqlayn. 553. Xilkii dadnimay gabeen 554. Xuquuq dadnimay rabaan 555. Naf daallina bay rabaan 556. Inaan dulmigeedu qaban 557. Dawgii noloshay rabaan 558. Inay shar ku daydayaan 559. Xumaan qof ku daalayaa 560. Wanaag damaciis hayaa 561. Dammiinka halkii ahayd 562. Siday uga soo durkeen 563. Miyay dib u soo noqdeen 564. Siday u duleed-baxeen 565. Ayay u dabayshadeen 566. Waxay dumiyeen Runtii 567. Waxay u dumeen Runtii 568. Markay dumiyeen Runtii 569. Nin daacad hoggeeda qoday 570. Miyuu ka danbaynayaa. 571. Intuu bahalaa dugsado 572. Intuu Dubur hawd ka xulo 573. Ayuu qofku doonayaa 574. Dugaaggu inaanu cunin. 575. Naftiisa qofkii dulmiyey 576. Deyrkaaga Rabbow ka baxay 577. Muxuu halis daaqayaa! 578. Addoonku Rabbow ma dayo 579. Deeqdaada intuu hantiyo 580. Duntii maqan buu tebaa, 581. Wax uu deg-deg kaaga filay 582. Haddaanay ku soo dul quban 583. Cadhuu la dakaamayaa, 584. Dibnuhu baryaday karaan 585. Daryeel kama mahad ceshaan, 586. Jiilaal la-darbaysan yahay 587. Diihaal iyo gaajo kulul 588. Haddii beri roob ka da'o 589. Qof doogey markaas illow 590. Siduu u ducayn yiqiin, 591. Xusuusba ka sii durduri. 592. Nin duunyadu mool ku tahay 593. Dadkiisuna maansha yahay 594. Ayaa misna kuugu duda 595. Waxaanu u daafad hayn, 596. Qofaad shar u diiddan tahay 597. U doortay si khayr ku jiro 598. Ayaa misna kuugu duda 599. Waxaad uga daacad tahay. 600. Sifaadkaaga deyr ma xidho 601. Dareenku ma gaadhi karo 602. Garaadku ma duubi karo 603. Dibnuhu ma macnayn karaan 604. Qof doonay inuu dhex galo 605. Ku daaley, ma dhaafi karo. 606. Dunjiga khalqigaagu yahay 607. Haddii gelin laysu dumo 608. Raggiyo dumar laysu guro 609. Jinkiyo insi laysku daro 610. Hadday ku dedaal galaan 611. Intay dar-dartoodu tahay 612. Hadday orod dooddiyaan 613. Hadday fadal deeddamaan 614. Muggood daran-doorriyaan 615. Haddii badda loo dar-daro 616. Dawaad milan looga dhigo 617. Dureemada loo qor-qoro 618. Waxay ku danbaynayaan 619. Inay dib u soo gurtaan. 620. Astaamaha dawladnimo 621. Markay derejiyo Run tahay 622. Adaan cidi kaaga dayan. 623. In daalacan Baad taqaan 624. Intii dedan Baad og tahay 625. Horraysana Waad digtaa 626. Dambaysana Waad sugtaa, 627. Intii daran Baad kartaa 628. In doora Rabbaad u Tahay 629. Dulleynna Adaa ku filan 630. Daryeella Adaa ku faxan 631. Sidaad damacdaaba fudud, 632. Dardaar-werintaada guud 633. Adaa naxariis ku daray 634. Dannina Boqor Baad ka Tahay 635. Dayrona Hodan Baad ka Tahay 636. Denbina Dhaafaad u Tahay 637. Dulqaadna Allaad u Tahay 638. Baryana Deeqlaad u Tahay, 639. Adaan talo kaa deg-degin 640. Dorraato wax Kuu ekaa 641. Adaan dib u qoomamayn 642. Adoo isla doonay laba 643. Adaan midi Kaa durkayn 644. Adaan waxba Kaa dib-jirin 645. Adaan damac fuushanayn 646. Adaan waxba daba ordeyn 647. Aday dani Kuu dhan tahay 648. Adaan xagal-daac lahayn, 649. Wixii hadhay baa dellegan 650. Daalaa-dhacu waw astaan, 651. Waxaa doqonniino badan 652. Intuu dadba kow ka yahay, 653. Waxaan dalab waayi karin 654. Intuu durey hoog ku yahay, 655. Hadduu dib-qallooc yar yahay 656. Naftuu damqayaan is bixin. 657. Sidii dur-durkaan socdaa 658. Si baan u dur-durinayaa 659. Hortayduna waa der-deran 660. Hareeruhu waa del-delan 661. Gadaashuna waa dam-daman 662. Aboor iyo waa dun-dumo 663. Daddaabba-xidh baan tog nahay 664. Darmaan falan baan sudh nahay 665. Dameero jin baan intaas 666. Dib uun ugu guurayaa, 667. Shax baan degayaa hog-hogan 668. Hog baan ka il duufayaa, 669. Wadaamo dugeed ayaan 670. Darroor ka gufeynayaa 671. Qabyaan ku dul meerayaa 672. Iyadu dal-dalool ku nool, 673. Markaan gudin daab u helo 674. Ayuu dumayaa habeen, 675. Dab baan dab cunsiinayaa 676. Dab baan ku bakhtiinayaa, 677. Ummuur dedan baan haddana 678. Dabool kale saarayaa, 679. Bar baan kula doodayaa 680. Bad aan bado daalin karin, 681. Naf baan isla doonayaa 682. Is-diiddo dhexdeeda taal, 683. Duunkayga baqaa ku jira 684. Dareen cabsiyaygu badan, 685. Hadduu dacaw meel ka ciyo 686. Didmaan isla boodayaa, 687. Malyuun dakhar baan qabaa 688. Doogtooda ma ciidmi karo, 689. Waxaan ahay ruux u dagan 690. Cadaawiyo duullan baas, 691. Kal dooxani way habtaa 692. Dar-daaran haddii la-faro 693. Digniintu hadday caddahay 694. Damiinku ma dhuuxi karo 695. Dorraad ma xusuusan karo 696. Waxaan dibindaabyo falay, 697. Shalay kama daacad noqon 698. Dantayda wixii ahaa, 699. Haddeerna si dawgu yahay 700. Dib baan ka illaawayaa. 701. Dad baan ahayoo Rabbow 702. Kolley denbi way ag yaal 703. Hawiyo damac baa i-sida 704. Hiyiga falan baa i-dira 705. Dareenka xun baa i-shidan 706. Ta ii daran baan jec lahay 707. Kas baan ahay daymo dhow 708. Kal baan ahay doonis badan, 709. Inaan dumey maan ogeyn 710. Inaan degey maan arkayn 711. Sidii qori daad la tegey 712. Wed baan dul sabbaynayaa, 713. Intii dabin ii xidh-xidhan 714. Intii belo ii dahsoon 715. Intii dalag loogu dhaco 716. Dalluumaha ii qarsoon 717. Rabbow debecaaga saar. 718. Miisaanku doc buu jiraa 719. Docdii halistuu jiraa!!! 720. Intaan dawan laysu tumin 721. Dayaanku intuu neg yahay 722. Intay belo deyran tahay 723. Intay weli duur-xul tahay 724. Duul-duulka ku kooban tahay 725. Hadday tahay maalin daran 726. Ka sii daran baa jirtee 727. Intay weli doobir tahay 728. Dib iyo noqoshaan rabaa 729. Dan iyo nolol baan rabaa 730. Dawiyo nabad baan rabaa 731. Xil daahirah baan rabaa 732. Naftayda inaan u diro 733. Wax uu dugsadaan rabaa 734. Hankayga inaan ku dayo 735. Dagaal xaqa baan rabaa 736. Deeqdaada inaan ku helo 737. Damiir xalan baan rabaa 738. Deynkaaga inaan ku gudo. 739. Rabbow ifka nooga door 740. Dedaalkana noo rumee, 741. Rabbow danbe noo ogow 742. Wixii tegey duudsi yeel, 743. Rabbow dunidaada weyn 744. Dabaylo fayow ku xeer, 745. Intii dulin baas dhex taal 746. Rabbow diga-xaadh ku fiiq. 747. Rabbow magac dawladeed 748. Intaan dugsanayn Yiqiin 749. Rabbow dumi waa hungee. 750. Dastuurrada baaddilka ah 751. Intaan xaqa daafacayn 752. Ka reeb dambas waab dhex yaal. 753. Rabbow dalka kaanu nahay 754. Intii degel muummin yaal 755. Wanaag ku dallaallimee 756. Islaamka ka soo dabbaal 757. Waxay ku dulloobayaan 758. Dijaallada soo if-baxay 759. Qof deyma leh haw shidhayn, 760. Haweenkuna waa duggaal 761. Deeqdaada badh bay yihiin 762. Waxaa lagu daaqayaa 763. Siday u dul leeyihiin 764. Shar daalacan baa jiree 765. Iyagu dedan bay dhasheen 766. Dunuubta ninkay badhxaan 767. Rabbow ducadayda sii 768. Samaa dumar noogu dhiib, 769. Raggana dummaddooda saar 770. Waxay dumiyeen Rabbow 771. Haddaanay xumaanta deyn. 772. Rabbow dalandoolka dhow 773. Shil noo dihin maalintaas 774. Rabbow naga sii dabool 775. Hortaadana noo dalee 776. Degaankana nooga yeel 777. Daryeelku halkuu Run yahay. 778. Haddanay dir-sooc lahayn 779. Falkaagu u daw-bannayn 780. Cibaadadu waa ku daal, 781. Badbaado qof doonayow 782. Kashaada dareen ku beer 783. Dareenka samaa ku beer 784. Indhaha dib u soo Muslimi 785. ILaahay Dartiis ku eeg 786. Daliilka hortaada yaal. ALLAA MAHAD LEH. Tifaf-tirkii iyo diyaarintii: Dhuux Digale Dualeh.
--49.Mayal dheer Kor aad
Waa maanso cusub oo la magacbaxday mayal dheer oo uu curiyey abwaanka caanka ka ah dhulka Somalidu degto Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) Waana maanso aan odhan karo waa dacwad dadka lagu xusuusinayo aakhiro oo qiimo aad u balaadhan xanbaarsan, waxaanay ka turjumaysaa sida uu hadraawi uga qayb qaadanayo waxyi galinta umada islaamka ah gaar ahaan kuwa ku hadla afka Somaliga, waxa kale oo ay wacyi galin ka tahay bahalka dhibka badan ku haya Somalida ee loo yaqaano qaadka iyo sida loo dayacay xaasaskii laga masuulka ahaa, Maansadina waa tan ee u dhugta:- Noloshu waa madawdahay Marin seegan baa yaal Mahadhooyin baa yaal Iyo maado farabadan Maya iyo mayaa taal Maya iyo wir baa taal Muruq iyo car baa taal Mukur iyo qab baa yaal Ismaroorin baa taal Makri iyo dhac baa yaal Mixnad iyo shil baa yaal Makal iyo dil baa yaal Mallaf iyo dulmaa yaal Madfac iyo hub baa yaal Dhagar iyo mir baa taal Maryo dhiig leh baa yaal Midib iyo xin baa yaal Marre iyo fal baa yaal Musuqmaasuq baa yaal Marag beena baa yaal Macsi iyo kufraa yaal Dhir la muudsadaa taal Shar la miisto baa yaal Macaluul cas baa taal Jahli macalinaa yaal Dadku inay masoobaan Maskax diidan baa taal Maya dhago la’ baa taal Wixii maal la dhaqan jiray Murugay la tuban tahay Dhirtu wayska mudantahay Mar maroorku farabaday Laga furey marriinkii Ubixiyo magoolkii Allaylehe marduufkii Cunay maahirtaydii Iyo may cas-kaygii Macal iyo wankii raas Iyo maydalkii raan Qudhac iyo maraagii Milliqsuu ku shidayaa Cirka mooyi waxa jira Mayaygiyo gudgudihii Meexaanihii daa. Dadku waxay ka maydheen Madadkiyo hufnaantii Milgihii dalaysnaa Malmalbay u shidayaan Ninka maratidiisii Culustiyo min-weyntii Mijin bay gadaysaa Isna miiladiisii Merfesh buu la joogaa Makastiyo haweenkii Milic bay hadhsanayaan Mugdi bay ifsanayaan Ragna maah ka badin waa Iyo meheradii jaan Ku masuug xilkiisii Murti iyo hal hays iyo Maahmaahihii daa Marka uu had iyo jeer Ku mergado su’aalaha Dadku ay maldahayaan Marmarsiiyo doondoon Dayaxiyo maluugaha Masanuun ku faalee Hadba gaajo fara madhan Markab luula waydii La fogaa mirqaankii Talo waysla maqantahay Rabina tiisu waa meel Waxay meeris fagantaba Waxay meysi ruqantaba Waxay mooro dumisaba Waxay moysin debecdaba Waxay muunad rogantaba Waxay sii maldahantaba Waxay sii murmurugtaba Waxay sii murkacantaba Waxay qooq makalantaba Waxay maag ku dhimataba Waxay miino jarataba Waxay muumin qalataba Waxay meyd ku orisaba Waxay mawd ku durugtaba Miyirkay xasaysee Hadaan maanku soo noqon Mucjisaa sugaysee Ninka mooganaantaas Ku xasila ismoodsiis Malihiisu waa been Inta maalin baqasho leh Ta u maan gilgilid badan Muddadeeda shiranta ah Mayalkeeda dhaadheer Manjo-daalay fuliyaan Allaheedu madal yahay Nin maqnaaba sugi jiray Oo markhaatigeedii Mursalkiyo rasuulkii Mahad loogu gogol dhigay Dayaxeeda muuqdaa Nebi muxamed sii yahay Marinada la kala xigo Labadeeda kala mudan Ninka muumin sheegtaa Dhanka midig ku sugan yahay Iyadoo malcuunkii Todobaatan midab lihi Macna yare la odhan jiray Murtad iyo dhal shaydaan Iyo mukhawiyiintii Dhanka bidix u meersaday Madal laysu soo baxay Warba mooyi laga yahay Mahadhiyo ladh toosiyo Waxa maangad dhacayaa Miyir doorsan dhaliyeen Mahwi aan la kala hoyan Milic aan hadh laga galin Maro iyo kab loo sedan Mucsur lagu quturanyahay Sida mallow usoo baxay Maqrib dumay dhir maygaag Naxdin lala madow yahay Ishu dhiilo mudan tahay Wajigeedu Milan yahay Marwo iyo dhabeel iyo Laga yimi miyaradii Iyo mudanayaashii Marta loo furfuri jiray Mindi iyo tolaaydii Iyo muusanawgii Mirta looga kici jiray Ma dhantahay docdoodii Mahuraanku kala naxo Rag ninkii wax miran jiray Miismiisan jiray ciin Iyo mur iyo deebaaq Muhashadu u baaqayn Dhal magaalo kulushahay Mallayada naftiisa ah Magac iyo hankiisii Nina maal ku furanayn Qofba meel ku luran yahay Kashu maayad ruxantahay Marmaroortu lurantahay Garashadu muduci tahay Runtu soo mutuxan tahay Nin muraad ka xidhanyahay Maxarashoonku sugayaa Danta waw min tiriyaa Muslinow dharaartaas Amarkiyo mug-weynta ah Nina malab ka dhabaqsaday Nina dacar ka muudsaday Maqal yaanay kugu noqon Ha lumin muftaaxii Furi-jiray martabadaha Mahadoodu badan tahay Naftu macandi weeyee Male hawgu sahan tegin Ha ku daalin meermeer Waligaa ha muunayn Madhantiyo xagxagatada Jinka ha u muraad qumin Yaan masuuga shaydaan Milicsiga aduunkiyo Madadaalo kugu hodin Noloshana kas iyo maan Miyir sugan ku doondoon Muslinow ha xaalayn In munaafaq jecel yahay Haysku milin shar iyo khayr Midabad iska ogow Lagu naco masuuskiyo Qofka geed ismariska ah Hana noqon mashkadahaa Xanankiyo maduunka ah Midho geed ku wada yaal Madi iyo magayno ah Ha ku ridin ismaandhaaf Madax iyo minjaa sida Madmadaw ha kala galin Maxastaada waligaa Mijin hawga roonaan Mitid noqo abaabulan Iyo lagama maarmaan Marwadiisu jeceshahay Ubadkiisu meel dheer Uga soo mashxaradaan Majaraa ha sii dayn Rabbi loogu maqan yahay Inaad muuqa qudha tahay Mahad inaad ku nooshahay Labadaasna kala miyo. Dhamaad Diyaarintii: Siyaad Maxamed Haybe siyaadhaybe@yahoo.com Xigasho: qarannews.com
35.Hal iyo halkiis Kor aad
HAL iyo HALKIIS, waa tix gaaban oo uu Abwaan Maxamed IBraahim Warsame (Hadraawi) ku sifaynayo arrimo ka mid ah ILaahay iyo awoodihiisa (SWT). Sidaa darteed mar haddii EEbbe iyo awoodihiisa laga hadlayo, waxaa waajib ah in aan lagu deg-degin, oo laga fiirsado dulucda iyo xigmadda ku hoos jirta heestan, si aan denbi uga iman. Waayo qofka ay ku cusub tahay, ama aan xog hore ka hayni wuxuu u arki karaa, ama u dareemi karaa wax sahlan ama fudud, Sifaha iyo dulucda tixdan ku lammaani, runtii aad bay u qoto dheer yihiin. Waxa aannu ku rajo weyn nahay, in haddii EEbbe idmo, aan mar kale halkan raacin doonno sifaha iyo beyd kasta ujeeddadiisa - (hadba sidii suurto-gal ah), annaga oo wixii adkaadana Abwaanka la kaashan doonna INSHA ALLAAH. I Hal-ahaade Halnimadiisa Iyo halkiisa Hal ku-ahaade, Halnimadiisa Iyo halkiisa Hal ma-ahaade Hal kaga-yeele Hal ku-ahaade. II Hal-abuure Hal ka-abuure Halal ka-abuure Sii-halaleeye Kala hal-yeele, Hal ku-abuure Hal ma-abuure Halla ma-abuure Hal ku-ahaade. III Hal isu-waaye Hal isu-waaga Hal uma-waaye, Hal-labaleyda Laba-halleyda U hal-haleeye Hal-samihiisa Ma hal-haleeye Hal ku-ahaade. IV Hal-ahaade Halnimadiisa Iyo halkiisa Hal ku-ogaade Hal la-ogaade Hal ma-ogaade, Hal hal u sheegtay Hal uma-sheege Hal ku-ahaade. V Hal-ahaade Hal ma-ahaade Halal ma-ahaade Lama-haleeye, Halnimadiisa Iyo halkiisa Hal hal ku doonay Hal kuma-gaadhe Hal ku-ahaade. VI Hal-ahaade Hal ka-haleeye Hal-halaleeye Halal-haleeye Lama-halaleeye, In halalkiisa Halnimadiisa Hal kaga-yeele Hal ku-ahaade. VII Hal-ahaade Hal halleeye Halal halleeye Halnimadiisa Kuma-halleeye Hal halkiisa Kuma-halleeye Hal kama-yeeshe Hal ku-ahaade. VIII Hal-ahaade Hal-haleeye Hal ma-haloobe Hal ku-haleeye, Hal isu-doore Hal uga-doore Hal hal u doortay Halal ugu-doorshe Hal ku-ahaade. IX Hal kama-yaabe Hal laga yaabo Hal kaga-yaabshe, Hal isu yaabay Hal uga-yaabka Hal kuma-yeele, Hal uma-buuxshe Halnimadiisa Hal ugu-buuxshe. X Hal-ahaade Hal ku-labaale Hal ka-ahaade, Halal halalaystay Halalnimadooda Hal ku ahaaday Halnimadiisa Hal ugu-yeele Hal ku-ahaade. XI Hal-ahaade Hal la-ahaade Halal tiradooda Hal ka-ahaade, Halal tirintooda Hal ku-ahaade, Inta hal iyo hal Isu hal sheegta Hal ka-ahaade. ALLAA MAHAD LEH. Diyaarintii: Dhuux Digaale Dualeh.
09. Badbaado Kor aad
Balliyada salkoodii iyo baaca webiyada marka boodh ka sare kaco rahu boholo dheer galo biyo lagu haloosiyo, dhulka oo basaasoo inta budul ku jiifsaday buska tarantarkiisii Isha lagala soo baqay, Allihii galshiyo baad ku ballaadhin jirayoow. Xaqa lagu bukoodiyo xaqa lagu bogsoodiyo inta laga badheedhiyo inta lagu badheedhee xumo loogu babac-dhigo, nafta bedenbedkeediyo bog intii xasilisiyo inta baal ku ledi karo burjigiyo hubaalaha berri lagu halleeyee lagu sugo ma barideen, bedad-guurka waayaha inta lagu baxnaanshee hiyi looga dhigo baan, inta lagu bariistiyo inta lagu baraarugo inta baaca noloshiyo runta lagu bilkeedee xaqa lagu bidhaansado. Inta baaxad dedan iyo inta taal bannaankee nin is biday ka xoog weyn, inta loo bal reebee nin ka baqay ku nabad galo. Inta aan la burin karin inta aan la baran karin, biligiyo awoodaa xejinaaya buuraha iyo badaha waaweyn, barakada Qur'aankiyo bisha lagu xurmeeyiyo boqortooyadaadiyo boqolkaaga magac iyo Bismillaahi keligaa. Bulsho waxay cadhowdaa ama baali noqotaa, marka ay buseelkiyo bud dhiggeeda sharafkiyo inta aan la biimayn ka gumowdo bilicdiyo in bisaylka lagu cuno. Kol hadday baxdoobaan dadku baydda goostaan, bido lahashadeediyo bohorada wax lagu rido lagu bulo samaantii isu boodda-dhigashada sharka loogu beretamo, naftu baylah weeyee biri waxay af leedahay marka baajinteedii belo lagu halleeyee inta ba'an la qaayibo. Marka bidixda oo qudha lagu qoro run iyo been taladaa han bururtoo laba baahiyoodbaa isku beegmi waayee, nin bursaday hadduu jiro nin wax beelay baa nool, nin badsaday hadduu jiro ka la boobay baa qaday. Allahayow bardaankiyo kala-badhashadii guud barbar qudha in laga raro aragtida bannaysaa bunduqana samaysoo, bani-aadminnimadii nin ka baadiyoobaa badhi furay wanaagoo, dadku beerihiisay ka gurtaan bawaarkee. Shilkan baahay aashii halisahan gun iyo baar Bari iyo Galbeed yaal, jidka lagu boqooliyo bilqashada dareenkiyo bara-kaca aqoontii, dabinnada is biirsaday nin baraystay falashada iyo buunka sixirrada iyo badalli-oogsiga bixisada la aaminey, buhashaa ka salagloo beryo hore sidoodii ama beelihii Caad marka doobi buuxsamo burburkaa yimaaddee, boqorkaan rugtiisiyo baradiisu madhanow, kaan baahan jirinow, kii baahan jireybaa kuu baahan Adigee, baryo waxay ku leedahay; boholyowga garashada iyo baaqa hirashada Allahayow badbaadada iyo baydhka xilashada ha ku xidhin Bush iyo Joon iyo Booris Yaalsiin iyo bacawda xoorka ah iyo gaal wax badowsada. Boholyowga garashada iyo baaqa hirashada Allahayoow badbaadada iyo baydhka xilashada, ha ku xidhin billaawaha nimaan Adiga kaa biqin. Boholyowga garashada iyo baaqa hirashada Allahayoow badbaadada iyo baydhka xilashada, ha ku xidhin nin beer adag iyo bahalo aan nixin, bishmo lala haliiliyo carrab dhuux baraar jecel iyo buulka qalatada iyo haanta Bow-dheer. Boholyowga garashada iyo baaqa hirashada Allhayoow badbaadada iyo baydhka xilashada, ha ku xidhin intii baas bakhti-yahan xalaal neceb iyo booli-quutaha damac lagu balleysimey. Boholyowga garashada iyo baaqa hirashada Allahayoow badbaadada iyo baydhka xilashada, ha ku xidhin bakhayllada nin bushaaro uga dhow balawaaska quustiyo babbisada adduunyada. Boholyowga garashada iyo baaqa hirashada Allahayoow badbaadada iyo baydhka xilashada, ha ku xidhin bayuuraha bullashada wirteediyo baga iyo bagaaleey iyo lihi bar-kuma-taal. Allahayoow badbaadada ha ku xidhin bah iyo reer biya-dhiijin qolo qolo isu baanka digashada iyo sheeko-baraleey. Allahayoow badhaadhaha Allahayoow barwaaqada ha ka dhigin baroor dumar iyo barada meyd yaal
08. Baaq Kor aad
Adigaan cirka u bixin Ama boodin leexada Ama badaha waaweyn Nafta aan ku biimayn Baariis adaan tegin Ama Boon ka sheekayn Barashada dalkaagaa Horta laga bogtaayoo Beryo laysku hawlaa Dhulku baaxad sooriyo Banan miidhan weeyaan Ama waa bus iyo oon Ninka buug ku haystow Beentaada weeyaan Balcad Jawhar Shalanbood Barakada Qoryooley Waxa canab bislaadee Baydhabi u gaar tahay Boosaaso iyo Beer Bixin-Duule Laaleys Biyo Guure Kalabaydh Beeraha Wajaalee Lagu reebay baahida Baardheere iyo Jilib Waa boqol kun oo mayl Dhulka lagu badhaadhee Beeyadu ku taallee Badar lagu abuuree Lagu ridey bariiskee Balka lagu tallaalee Muuskiyo babaygii Barkadeen xareeddoo Waxa taa ka sii badan Dhulka bari samaadkee Beeshaannu daaqdee Barta aynu dhaqannaa Barqo dhereg ka joogtee Iyadoo barwaaqo ah Balliyada xareeddii Ku bariisanaysoo Bidix midig dhan loo dayo Barigiyo galbeedkaba Waaberi cadceedii Soo saartey baallaha Bilcilkiyo maraagii Shinbiruhu bulxamayaan Indhihii basaasow Boorame ma aragteen? Ma ogtahay barbaareey Heesaha Barawn tumo Adigaan bogga u lulin Beerrey Kabeebey Bismillaahi Saylici Hana-haybsantii bari Batar iyo Wareegtaa Kuu baadi soocee. Ma ogtahay barbaarreey Qalabkana bud dhumucliyo Waran iyo billaawaa Kuu baadi soocee Ma ogtahay barbaarreey Barshin iyo darfooley Bayluuli xaradhlaa Kuu baadi soocee Ma ogtahay barbaarreey Waxa loo buseelaa Ama qurux ku caan baxay Ama laysku baantaa Ama lagu bogsoodaa Kal bugtaa ku faydaa Kugu deeqa baashaal Guri bila ku magac dheer Hablaheenna bilicdiyo Biligiyo il-waadka leh Bilcantii shisheeya ah Ninka beegsanaayow Waxaan kaaga baqayaa Inaad baadi noqotee Cidla baylah keligaa Yaanu bahalku kaa helin Isu buri geyaankaa Barta gogoshu kuu taal Bahda lagama maarmaan Bud-dhiggaaga koowaad Baaqaygu waa kaas.
7. Awaal tiris 13-09-2009 Kor aad Hargeysa,Jimce,05,Mar,2010 (Hillaac.net)Hargeisa (APTEN) Maansadan Awaal-Tiris, waxa curiyay Abwaanka caanka ah, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waxaanay soo baxday 13/09/09. Waxa uu kaga hadlayaa mushkiladaha dhinacyada badan ee maanta mujtamaca ku xeeran. Qaadka oo ah kan sababay in ragga Soomaaliyeed gabo kaalintii uu nolosha ku lahaa, taasina geyaysiiso haweenka inay ku keliyaystaan dhibaatada nolosha; ayuu si ba'an u dhaliilayaa. Obocda Maansada, waxa uu Abwaanku ku xusayaa sheeko naxdin badan. Gabadh ayaa ninkeedii ku mashquulayaa aafada Qaadka, kagana jeedsanaya masuuliyaddii ubadka iyo noloshaba ka saarnayd. Si carruurtu u hesho quutal-daruurigoodii, ayay gabadhu bacadka u ban-baxaysaa, iyada oo Qaadka laftiisa ka ganacsanaysa. Af-xumo, guhaad, amaah iyo qaylo ayay intaba u dhabar-adaygaysaa. Maalinta dambe ayaa Aabbihii qoyska ee caqaarta ku ruugayay Albaabbada kheyrku seegay, waa sida Abwaanku leeyahaye, ayaa muddo Toddobaad ah ka maqnaanaya gurigiisii. Isagu waxa dabadii guriga ka dhacay war uma hayoe, iyada oo loo fadhiyo Tacsidii inantiisii curad ee Ugaaso ayuu soo galayaa. Qaad ayuu kilaankillada ku haystaa, waxaana u daran meel uu fadhiisto iyo Shaah/Biyo. Si ay intaas ugu fuliso Inantiisii curad ee Ugaaso, ayuu odhanayaa Ugaasooy Ugaasooy. Ugaasada uu la hadlayaaba miyaanay dorraad dhiman oo inta kafan loo amaahday axan loo yaboohin. Yaab! Halkaas ayay hooyadu dhawaaqeeda ka billaabeysaa. Gebagebada Maansadana, waxa uu Abwaanku kaga warramayaa sida Odaygii iyo Waayeelkii ummaddu u ab-guuray ee uu u noqday mid iimaankiisa xaraasha. Sidoo kale waxa uu si weyn u naqdiyayaa Siyaasadda Awaalkan jirta oo u ku tilmaamayo mid aan Aabbo lahayn, ku-daalkeeduna aanuu macno buuran samaynayn. Iyada ayaa Maansadu is fasiraysa ee aan idiin kala baxo: 01. Uub baad ku jirtaa qarsoone, 02. Ka soo baxa iilka Qaadka, 03. Adduunka ragoow mar kaalay, 04. Abuurtiyo heega daawo, 05. Awoodaha saaran daawo, 06. Falaadkiyo alabbadeeda, 07. Ilaah samihiisa daawo, 08. Udbaha iyo teedka daawo, 09. Aloolka ku jeeran daawo, 10. Hagoogta aslaysa daawo, 11. Cadceedda ifaysa daawo, 12. Ilwaadkiyo nuurka daawo, 13. Abaabul-caddaanta daawo, 14. Ummuuraha toosay daawo, 15. Dayaxa ishin-buuxsankiisa, 16. Aashaa socodkiisa daawo, 17. Cir-jiidhiyo ololka daawo, 18. Rugaa afo-gaalladiisa, 19. Laxaa iyo ururka daawo, 20. Aleelaha guudka daawo, 21. Habeenka amuuman daawo, 22. Shareerkiyo aqalladiisa, 23. Haddana ashqaraarradiisa, 24. Ardaayada gogosha taalla, 25. Ammuuraha seexday daawo, 26. Haddaanu arbeebigeedu, 27. Ku barin abtirsiimadeeda, 28. Inbiig ku dhex joogi maysid; 29. Ugaas bokhran baad ahayd’e, 30. Irdaha noloshaad ahayd’e, 31. Ilayska dhulkaad ahayd’e, 32. Ragoow indho-beelistaada, 33. Asaayo maxaa ka beermay! 34. Halkaad ku lahayd astaanta, 35. Maxaa umal soo fadhiistay, 36. Maxaa gudcur soo af yeeshay, 37. Naftaada markaad illowday, 38. Bal soo tiri aafadaada, 39. Wixii lumay aynabkaaga, 40. Bal daawo inkaarahaaga! 41. Unuunka dhirtaad ka goysay, 42. Aahdeeda bal soo dhegayso, 43. Hashii iyo awrka geela, 44. Abaaludda loo dareershay, 45. Ureenkiyo tiinka daawo, 46. Rasaasta alwaysa daawo, 47. Oomaarkiyo dhiigga daawo, 48. Areerinka meydka daawo, 49. Islaan curadkeeda weyday, 50. Asayda la saaray daawo; 51. Habliyo ubixii dalkeenna, 52. Markay Ingiriis u xiistay, 53. Markii Inglan looga yeedhay, 54. Wedkay ku aroortay daawo; 55. Uneexada gabanka xoortay, 56. Abaydinka dooxa yaalla, 57. Abkiisa la sheegi waayay, 58. Aboodigu boobay daawo; 59. Addoonka addoonka maagay, 60. Ku yidhi isku Aadan miihin, 61. Gabooye agtiisa yaalla, 62. Walaalnimadii ka ootay, 63. Aayaadkiyo diinta qeexan, 64. Sidaas kaaga aayo beelay, 65. Halkuu illin mooday daawo; 66. Cirkii onkodkiyo hillaaca, 67. Daruuraha alabaskooda, 68. Cuslayn jiray alalagtiisa, 69. Bal daawada uummigiisa; 70. Dhulkii ubixiyo caleenta, 71. Ugbaadkiyo doogga laaca, 72. Ilwaadkiyo nuurka sheegtay, 73. Awaaraha jiifa daawo; 74. Basaastiyo oonka daawo, 75. Geyiga umal-toobankiisa, 76. Ayaayurantiisa daawo, 77. Bal dhawr laba-eefiddaadu, 78. Waxay af-dhabaandhab keentay! 79. Garaadka abloobay daawo, 80. Adduunyadu baadi maaha, 81. Mudkeediyo bulad ammaanka, 82. Afkii cunay quusan waaye, 83. Hadduu laba-aabudh saaray, 84. Hadduu ugubkeeda leefay, 85. Muxuu ka dhex joogi uuska. 86. Ugaasadu meeday? hee dhe, 87. Dorraato miyaan la aasin, 88. Miyaan kafan loo amaahan, 89. Miyaan axan loo yaboohin, 90. Markii araggaa la waayay, 91. Miyaan jinku qaylo oogsan, 92. Miyaan insigii gadoodin, 93. Miyaan ollogeenu yaabin! 94. Ishaaro san kaama hayno, 95. Shidaad naga oollin maysid, 96. Ogaal nagu caymin maysid, 97. Itaal nagu xoojin maysid, 98. Qudhaanjo afuufi maysid, 99. Dalool naga awdi maysid, 100. Xashiish nala ururin maysid, 101. Aqool nala seesi maysid, 102. Aqoon nagu biirin maysid, 103. Xilkaagana oofin maysid, 104. Afkaagana dhawri maysid, 105. Sidii gabadhii Ayaan’e, 106. Ayaan-Hooday dhahaan’e, 107. Abwaannimo sheegan maysid, 108. Aroor qudha toosi maysid, 109. Dhiggaagiyo aynigaaga, 110. Adduunka la qaybsan maysid, 111. Iskaaba xusuusan maysid, 112. Wixii Rabbi kuu abuuray! 113. Intaydu ku deeqi mayso, 114. Intaada ku biirin maysid, 115. Hantida arladoo dhan taalla, 116. Haddaad irbad nooga keento, 117. Ducaa ku asqayn lahayd’e, 118. Inkaar naga waayi maysid; 119. Ufiyo bacad baan fadhiistay, 120. Anfaaciga aad cunayso, 121. Ilaaqda raggaan ku keenay, 122. Waxaan u adkaystay maagis, 123. Amaah iyo qaylo joogta, 124. Uurkayga waxaan ku haysto, 125. Afkayga ka sheegi maayo, 126. Asluubtana qoomi maayo, 127. Awaashiyo waayahayga, 128. Ka daalaco oogadayda. 129. Haddaad na ilaalin weydo, 130. Axsaanta ku laaban weydo, 131. Abaal nagu yeelan maysid, 132. Ammaan naga dhowri maysid, 133. Anigu kugu faani maayo, 134. Dharaar kugu aarsan maayo, 135. Adiga kuu uunsan maayo, 136. Agtaydana jiifi maysid, 137. Haddaan beri kuu il-duufay, 138. Haddeer ku abaysan maayo; 139. Markay ajashaada gaadho, 140. Cidina kuu ooyi mayso, 141. Ilaahay ka dhuuman maysid, 142. Jannada ku aroori maysid, 143. Cadaabta ka oolli maysid, 144. Godkaaguna waa aboor, 145. Abeesiyo waa ciqaab. 146. Ragoow amarkaaga weyni, 147. Haweenka uleeya maaha, 148. Dhibtooda ku iida maaha, 149. Ufaan uf qadhiidha maaha, 150. Albaabbada kheyrku seegay, 151. Caqaar ku aroosta maaha, 152. Asaasaq ku gaadha maaha, 153. Ku aakhiro-seega maaha. 154. Ragoow irdho qaadan maysid, 155. Ugaadhsi ka seexan maysid, 156. Abeerka badbaadin maysid, 157. Ugeybkana dhaafi maysid, 158. Haddaad cunto aayahaaga, 159. Xulkooda haddaad abbaarto, 160. Unuunka haddaad ka goyso, 161. Areebo sidaad ka yeeli?; 162. Sabeen inanteennu maaha, 163. Adeeri ka sii mug weyn’e, 164. Asoolka hablaa ka daaya! 165. Abaartiyo roobka dhoofay, 166. In waalan, intiinna dhoohan, 167. In qaawan, intii sawaaban, 168. Dhammaan ifafaalayaasha, 169. Ka muuqda adduunyadeenna, 170. Ragoow ubadkaaga leexday, 171. Islaamnimadii ka baydhay, 172. Agoonnimadooda buuxda, 173. Dhashiinna ku aabbo weyday, 174. Asmay ku calool galeen’e, 175. Ammaanada boodhka taalla, 176. Ragoow ololaynta Jaadka, 177. Haddaad kaga ood fogaatay, 178. Maxaa arrin kuu dambeeya! 179. Ragoow ka adkoow xilkaaga, 180. La saayira ooryihiinna, 181. Irmaanta xaqeeda siiya, 182. Ragoow ubadkaaga toosi, 183. Wixii arrin kaa daboolan, 184. Iimaanka ku baadi-doona, 185. Afeefna ka yeesha xaajo, 186. Ilaashada baylahdiinna; 187. Alhuumadu way fiddaaye, 188. Haddaad ummad liil ka weydo, 189. Hadday ahab yeelan weydo, 190. Waayeelku hadduu ab-guuro, 191. Hadduu odaygeedu waasho, 192. Hadduu la anbado xilkiisa, 193. Hadduu runta aamusiiyo, 194. Hadduu kolba eed xanbaarto, 195. Asuulkiyo xeerka soohan, 196. Hadduu marba oof-daloosho, 197. Hadduu laba-eef caddaysto, 198. Iimaanka hadduu xaraasho, 199. Hadduu wacadkiisa iibsho, 200. Araadi hadduu ku doono, 201. Ilaahay ka yaabi waayo, 202. Hadduu kolba iin’ caddaysto, 203. Hadduu umal saaqa yeesho, 204. Sidii abris qooqan guuxo, 205. Hadduu sida awr xunbeeyo, 206. Hadduu abur xoor leh saydho, 207. Hadduu ilko jiira yeesho, 208. Hadduu noqdo aadun huursan, 209. Abeesada meel la daaqo, 210. Aqoonta qofkii ku dhaama, 211. Hadduu asaraar ku beensho, 212. Dhirtuba kala ayni weeye, 213. Hadduu Garan-waa’ abuuro, 214. Hadduu kala geeyo uunka, 215. Hadduu marba qayb la ooyo, 216. Hadduu marba iil banneeyo, 217. Hadduu yahay uur-ka-gaal, 218. Wanaagga ku aabi badan; 219. Aleelo hadduu ku waasho, 220. Islaan iyo foox karaarsan, 221. Agtooda hadduu fadhiisto, 222. Ijaabo ka baadi-doono, 223. Ibliiska hadduu la showro, 224. Hadduu marba ood ka boodo, 225. Ishaaro xun baa qarsoon; 226. Haddaanay astaan lahayn, 227. Abbaar iyo nuxur lahayn, 228. Aroor iyo raad lahayn, 229. Ammaaniyo qawl lahayn, 230. Asluub iyo dhaqan lahayn, 231. Islaamnimo sheeganayn, 232. Hadday wada eexo tahay, 233. Hadday asaroorin tahay, 234. Asaasiran lagu bursado, 235. Hadday dabin aasan tahay, 236. Shil iyo wada eeso tahay, 237. Hadday wada aano tahay, 238. Hadday agaraadam tahay, 239. Addoonsigu diin u yahay, 240. Hadday orgobaysan tahay, 241. Iimaanku ka qooman yahay, 242. Hadday Arraweelo tahay, 243. Hadday abnawaasad tahay, 244. Af-duub iyo beeno tahay, 245. Axsaantu ka maydhan tahay, 246. Hadday orgi iyo ri’ tahay, 247. Or iyo wada qaylo tahay, 248. Hadday adhiyaysi tahay, 249. Hadday adhax-tuujin tahay, 250. Ilduuf iyo jeeble tahay, 251. Hadday wada ‘Aniga’ tahay, 252. Siyaasadi aabbe ma leh. 253. Ku daalka abaabulkeeda, 254. Alooskiyo baanaheeda, 255. Ujeeddo ka keeni maysid!!! Maxamed Saleebaan APTEN HARGEISA. 07. Axaddii Kor aad
Waa lay addimey Axaddii sidaan Kuu eegayee Araggeeda taan Ku il-doogsadaay Ma illawsan tahay Axdigaad martiyo Meeshaad I tidhi Waan imanayaa. Immisaad farriin Ergo soo dirtood Oontiyo biyaha Hurdo aawaday Uga soommanayd Eed layga keeniyo Midna amar Illaahay Kuma aad maqnaanine Adigayska baaqdee Haddaad I tidhaahdo iman maayo Ma aadeen halkaad ogsooneyd Anigaa isla hadloo Mar waxaan idhaahdaa Ku illaawi maysoo Way imanne sii joog Mar waxaan idhaahdaa Axdigaydin dhigateen Kola oofin maysee Samir Eebbe qaadoo Ka fogow agteedaan Uurkayga geliyaa. Arimada jacayl baa I hogaaminaysoo Misna kuma adkaystoo Kama hoydo aydoo Naftu olol ma deysee. Indhaaga habeenkii Ku ilaalinaayoo Dhammideed addunyada Afarteeda waaxood Hadba gees u eegee Aammusnow habeenkii Ug baadka iyo dooggaa Tiiraanyo ooyoo Idilkood xiddigahaa Afar qaaday socodkoo Ubax baan guroo Soo ururiyoo Amranow golii Ooddii madhnayd Ku ag daadiyoon Ku ilaa xidhoon Weheshada idhee Eedaanka diiggoo Oogsadey salaadiyo Waagoo iftiimaan Keligey inaan ahay Asaraar ka saaroon Addimada cuskadayoon Dib u soo arooree Qof ammaano lumiyoo Iibsadey xilkeedii Samo uguma aaye Aan kala war haynaan Ku afgooyey heestee Maxay adiga kula tahay?
06. Arraweelo Kor aad
Ooshu waa halkeedii Cirku waa engegan yahay Naxariisi kama iman Dhulku waa arradan yahay Oogadiisu damac ma leh Waa abaar dad qalata ah Waa sabaan la adhax jabay Ma aloosna geedkii Afti baana sii tiil Dadna waa ogsoonaa Anna baanahaygii Ku adkaysan waayee Sow iimahaygiyo Alabkayga lama baran Olol-reenka hibashada Uugaanka baxayaa Ma naftii asqowdaa Mar labaad arrumisoo Agabtii xidhxidhatoo Awrkeedu raran yahay Ma awaalihiibaa? Asmadiyo xanuunkiyo Aynfaadku saarraa Ma abaabulkii baa? Oohowda waallaa Ma dabkaan afuufee Aasee bakhtiiyaa Ololkiisu baxayaa? Kalgacaylku aafiyo Urugiyo dhib badanaa Kasha nugul ka adakaa Soo aarey nabarkii Ma alwadey sidii geel Edeg madhan ma deydeyey Sida bahal ma oogsadey Ma illaday kabtii jaan Ma ku jiitey awdalan Ma arooryadii baa? Waabayda udugga leh Idin laygu shidi jirey Abbaartayda saakana Ma adeeridii baa? Sidaan aar libaax ahay Araggaygu didin jirey Arraweelo dumareey Arrimaha dhexdeenna ah Asaraari maayee Igu tidhi "ha ii iman" Anna waan hubaayoo Inaan uurka kaa jaro Afar iyo shan goor baan Axdi kuugu qaadoo Misna oofin waayee Isma ogiye goormaan Tolow aqalka soo galay? Ma naftii ku eeddeed Obocdeeda karisee Ishu kaaga fagantaan Usha kaaga reebaan Igdhayee sabaayee Uubaale geeyeen Meelaanay kaa arag Ku ilaalinaayaa Soo jiidhay ooddii Ma adaahidii baa? Addinkaaga hoos taal Aburkiyo xarraankiyo Orka iyo mashxaraddiyo Alalaaska baxayaa Ma ujeeddadaasaa? Ma addoonsigeeda? Ajar kuugu sugan yahay? Arxanlaay karkabaddiyo Araggaygu murugiyo Yaanu umal ku saaqoo Anfariir ku geliyiyo Kugu noqon af kala qaad Arrintayda gabadh yahay Nin ambaday ka soo qaad Naftan oonku shidayee Deyn weydey ololkaa Amankaaga dhalisee Abhin iyo tusaaliyo Ergo waaya hadashiyo Imisaan karaankay La cuskaday aqoonta? Ma waxaanan odhannoon Ka illaawey baa jira? Hadday diiddey amarkii Ka irdhowdey taladii Oggolaatay dala'siga Eelka maanigaa dhigay? Indhahaagu kululaa Eebadaadu toganaa Warmahaagu adakaa Arammida ku haysiyo Aanadaadu weynaa Yaad ka aarsanaysaa Ma nin aabbahaa diley? Nin astaamahaagiyo Quruxdaada oog iyo Ubax dharan ku sheegoo Ammaantaada koobaa Eed beeli waayee Erey tuurleh ruuxii Afka kaa yidhaahdiyo Utin nimaad ku leedahay Waa maxay abaalkii? Sow ma tihid ilayskiyo Iidaanka noloshiyo Iimaanka lahashada Sidaan kaaga oolaa? Immisaan ku jiri baaq Heestii ukulidiyo Cabashiyo abla-ablayn? Xeerkii Islaamkiyo Wixii Eebbahay faray Olloggayga godobtiyo Aanfada ka doortoow Aabi loo badheedhiyo Ansax maaha digashadu Yaan inkaari kugu dhicin Ashqaraarka kibirkiyo Yaanay iiddu kula tegin Ha ku tuman aleelaha Ha afduubin xaajada Isirkeeda doon doon Ka ummuli tusaalaha Alif macallin weydii Bal abuurta dunidiyo Shalay iyo awaasheed Aashaa dib ugu noqo Bal oddoros hilaadaha Bal malee wax iman kara Berritiyo ayaamaha Ifafaale daymood Bal iskaa ka sheekee Wixi aadmi soo maray Taariikhda uur baadh Ugub maaha jamashadu Ma ishaaran keligey Kalgacaylku waa oday Asalkiisu waa geed Ab abkii lammaanaa Nabar oof wareemuu La abloobo mooyee Abidkii ma qaran jabo Gabadh yahay addduunyada Waxaa loo agaasimay Aayatiinka dhaqashada Agan maaha gamashiday Ma idlaan hankeedii Gabno ibo kuryowdoo Ablo lagala quustoo Maaha laga inaabsaday Weli way irmaan tahay Waa aroos toddoba baxay Oori weeye qurux badan Waa ammaano dhaxal gala Aayadaa ka soo degey Rabbi baa aqoolkiyo Abyiddeeda labadaba Ka afeeftay beri hore Duminteeda ma oggola Haddaad siibto udubbada Soo dhaafto Alamtara Miyaan eedda keligaa Cidi kuugu imanayn? Maadigaa awoodda leh Taladiyo ummuuruhu Ma sidaad u aragtaa? Ma Illaahay baan jirin Ula-jeeddadaydii Arar baan ku lumiyoo Warka waan agmarayoo Irbad baan ku qalayee Uus-miirka dulucdiyo Amba-qaadka geeddiga Waxaan guurti ku egmadey Hadalkana ku urursaday Irrid waliba kuu furan Haddaan iisho gabadh yahay Marna waa ayaankaa Marna waa itaalkaa Sheekadayda iib gee Aahdayda faallee Arladoo dhan gaadhsii Unuunkaygu waa hibo Kuma haysto aakhiro.
05. Arag maqal Kor aad
Ergaduu farriintiyo Ku adkekeyey heestee Egmadaanu kulanoo Looxii ilhaankaamkaan Sida uurku baalaha Indhahayga saaroo Warku waa ammaanee Adna Maxamed Moogow Aakhiro halkay tahay Cabdi Qays ogeysii Ayaadaha Qur'aankiyo Araxmaan sidey tidhi Hadalkii Illaahay Ruuxuu Islaamii Sida uu aqoonsaday Waa ooman hawdoo Waa guri abeesoo Adeg weeye hoosoo Abataq ku yaaloo Waa iil madow oo Rabbigay adoomaha Kaga aar gutaayoo Waxa laga arooraa Irridaha xabaashoo Anban maayo ruuxii Qabri lagu adkeeyaa Marna oogadeeniyo Waa oosha guudkoo Waa beer udgoon iyo Duni wada ilaysoo Waa ceel irmaan iyo Togag wada ordaayiyo Ilo wada xareedoo Lagu oon baxaayoo Naftu eegmo sugashada Ashqaraar ka qaadoo Toddobaatan ooryood Lala aqal galaayoo Rabbigay addoomaha Ku abaal marshaayoo Dhibta lagu ilaawaa Afhayaha barbaartow Ababshaha dhallaankow Taliyaha abwaankow Aabaha jacaylkow Adigaan ogeyn baan Uurkaaga baadhoo Ula jeeddadaadaan Ka arkaa dhul dheeroo Arrintaadu Qaysow Af gobaadsi weeyee Aakhiro Cabdow Way aasan tahay Iilkay jirtaa Aakhiro Cabdow Anbatoo luntoo Ururkiyo laxaa Awrkii cirkay Ku ag-xidhantahee Dadku yuu ku eedayn Ha dhex gelin ammuuraha Isha xidho afkana dhawr Arag maqal warkana ood.
04. Anun baa hoyadaa ah Kor aad
Maansadani waxa ay ka mid tahay maansooyinka Hadraawi ee dambe. Waxa ay curatay 26kii April 1998. Waxa ay ku saabsan tahay hooyo dhashay dhawr wiil, ku soo tacabtay barbaarintooda hiil iyo hooba, soona ababisay, korisey oo bulshada dhex keentay iyaga oo 'mudh baxsan oo wada xal xalan' oo xilligii kaalin qaadka jooga, quruxda iyo shacnigooda shaydaanka laga naarayo. Hanaqaadkii inammadaas ka dib, ayay hooyadaasi ku keliyeysanaysaa oo inammadii kaga dhaqaaqayaan halkii ay ku soo hadal iyo hadaaq bartay, rugtii ay ku soo ababisey ee ku soo korisey. Waxa isku soo hadhaya gurigaas oo mugdi ah iyo hooyadaas oo cad ah (da' ah). Waxa ay dareemaysaa in ay goblan tahay iyada oo haddana inammo dhashay oo weliba ay meel la joogaan. Waayo inammadu kama war qabaan hooyadood in ay xalayto nabad qab ku seexatay iyo in ay saaka nabad ku waaberiisatey, ma oga xaalkeeda iyo waxa ay ku sugan tahay. Waxa ay hooyadaasi ku ciil belbeshaa oo tidhaahdaa: "Tib dhalay,oo Mooye dhalay, Magalooti dhalay, Soo muuqde dhalay, Sii muuqde dhalay, goblan wiilal lagu falaan ahay! Dareenkaas ayay maansadu ka dhalatay, waana hoga-tus ku saabsan hooyada doorarkeeda, hankeeda iyo hirashadeeda iyo docda kale dheg-weynida iyo dammanida ubadka, gaar ahaan kuwa dayaca waalidka ee ka gaabiya gudashada iyo garashada xaqa iyo xuquuqda waalidka, gaar ahaan hooyada. Hooyadaas dayaca iyo darxumadu haleeshay oo aammusi kari weydey, hooggeedana qarsan kari waydey, waxayna tidhi: Hunguri calaf baa xukuma Hantina dhaqan baa shushuba Dadkana hiddihiisa guud Wixii la hayaa dhexyaal Xaq iyo u-hal-buuxintiisa Habboonkiyo waalid tiisa Hilbiyo ku-arooriddooda Siduu uga hawl yaraysto Halmaan laga yeeli maayo Hawiyo tumashoy dhashayda Ka daa gacan-haadiskaaga Barbaar hanaqaad ku leexday Duciyo habaar qaadan waayey Cir iyo heeguu noqdaa Hadhaysa dhul aan aqoone Hoygii madhan wiilashiisa Haween dumar baa ka sheegta Hablaha kacaybaa u yeedha Haldhaa jecel baa u qaybsan Inaan hadlo maan sugaynin Baxnaanana maan horjoogsan Hubsiinana maan illaawin Hoggeediyo xaajadayda Dareenka haloosigiisa Hu'giisa inaan ka qaado Hayaanka fogaaday baa leh Markaan cidla hiil ka waayey Naftayda halaanhalkeeda Waxaan huri waayey sheego Haantii lulatay dhegayso Hoobaanta agtaada taalla Hadhiinadu baadi weeye Hashii korisaa u ciillan Qofaad halab-saariddiisa Daryeelka horseedadiisa Dedaallada heensihiisa Habeenna ka seexan weydey Ku meel maray heegantaada Markuu hagar kuu banneeyo Dharaar ku haleeli waayo Hortaada waxaa yimaadda Sidaad ugu heellanayde Harraad iyo waa kalkiise Hillaac baxayow dhegayso Siday talo kaaga hoostay Calooshu intay ku hoysey Hiyigu ku baxnaaninaayey Horraadka intaad jaqaysey Dhabtaydu intay ku haysey Intaad huwanayd taftayda Hobeeya hobey hobeyda Intaan dusha kuugu heesay Intaan hanad kuugu yeedhay Hawraaraha kugu ammaanay Intaan hubin kuu xambaaray Dartaa u hoggaansanaaday Hadhuubada aan ku siiyey Habniin adigoo ku diidey Intaan hambo kuu daboolay Hammuun iyo gaajo qaatay Adoo haqab-beel ku seexday Intaan hurdo kuu illaaway Ilaashay hareerahaaga Hungaa i xasuusinaysa Hayaydana meel shishaa leh Hilowga naftaa aloosan Kashaa hinqanaysa goorba Hankaa i waraysanaaya Tolow hebel mee ku foogan Aniyo hirashaa is weyney Higsiga noloshaa adkaaday Adduun iyo haybsigiisa Hangool li'idaan ku daayey Waxaan ku hagaagi waayey Dhankaad ku hagaagsanayde Adoo ka hanweyn xaggayga Qof kuugu hanweyn dantiisa Ciddaad ku hallaysay mooyi! Halyeynnimadaada sheelan Habawgiyo dhiirrintiisa Ayaan halis kuu tusayne Intaan kugu hawlo-daaley Intaan kugu hoodo-sheegtay Intaan hebla' kuugu faanay Hilaado fog bay lahayde Inaan hafarkaaga qaato Sidaad ku heshaa da' weyne Adiyo habigaaga mooyi! Habaaska inaad cantuugto Adoo hanadaan ka dooratay Xaggayga hibaan ku saaray Anigu ku habaari maayo Huqbaase ku raadinaysa Hibaaq xalan maad ahayne Hufnaanta dhibtii abuurtay Inaanay hadhayn yiqiinso! Hawaala adduun rabbaa og Dadkuna kala hoodo weeye Haddeer iyo tii haddeer Hadhow iyo tii hadhow Hoosiyo sare tii ku raacda Anuunbaa hooyadaaya.
03. AMAL Kor aad
Maansadan Amal waxa ay ka mid tahay heesihii dardaraha jacaylka ee Hadraawi, soona baxay sannadihii berisamaadka fanka soomaalida ee horraantii toddobaatanaadkii. Dadku kala ayaan roon Ama kala aqoon dheer Ama kala asluub weyn Haddaan eed la doonayn Ama deeq Ilaahay Asaraar ka taagnayn Dadku eexo kaa gelin Inan yahay la'aantaa Dumar lama abuureen Gabadh lama ammaaneen Jacayl looma ooyeen. Geed beer udgoon iyo Ku dhex-yaal ugbaadoo Ubax iyo man fuulaay Ulihii madheedhkee Iimey ku yaalliyo Ilo wada xareedoo Nafta lagu illaawaay Dayaxoo iftiimoo Arladoo dhan gadhoo Afar iyo tobnaadaay. Qorraxdoo aroortii Dhulka soo abbaartoo Sagal iid dhex joogtaay Waxaad tahay adduunyada Dhexda udubka haystoo Xejiyoo adkeeyoo Af-gobaadsan maayoo Qurux lama amaahdee Ashkir geenyo ugubeey. Adhaxdiyo laf-dhabartiyo Sanbabbada agtoodiyo Ililaha halbowlaha Eebaa ku mudanoo Arrintii cuslaatoo Naftu aammusnaantii Iimaansan weydoo, Amaleey jacaylkii Soo dhaafyey uurkoo Afku haysan waayoo Goortaan ogaadee Arammidu dillaacdaan Ooddii ka leexshee Axdi jaba abaal luma Kaa eegi maayee Igadh iyo maqaarkeed Innagoo ahaannaan Hadalkii ku ururshee Adiguna dheh aammiin.
38. Heeliyo - Hoombaro Kor aad
Higlo weeye dulin badan waana hoga kaliileed hongorraha cadceedduu ka hadh-galay qadhaabkii, haylaa ka yara dhacay hurdana wuu iskaga jirey. Hillaac wax i tus bay tidhi hilayguna indhaa qabey. Intuu soo hanbaabirey haab haabtay maradii kuye Heeliyooy toos iga eeg kor iyo hoos miyaan hoolif mooyee hal turxaana leeyahay? Halacsiga sarbeebta ah iyadoon u hagar bixin wax-ka-sheegga Haaruun ha ka yaabin bay tidhi. Huuhaadu digashiyo hab sabaale weeyaan waana lays hunda ogyahay. lyadoon ku hawshoon wax-ka -sheegga Haaruun waxay hoos u sii tidhi: - "Nin gumeysi habayoo isticmaar habeeyoo la hal maalay baad tahay ". "Hamrashada xaq-dhawrkiyo haasaawahoodana nin u heellan baad tahay." "Markay heedhe waalaha hirwo kuu tuntumayaan hebed minaw san baad tahay "Halgan iyo waddaninnimo inaad heerto mooyee weligaa dab uma hurin "Marka aad nin hanadiyo hor-u-socod murmaysaan halaq laba af-laad tahay ". "Marka ay hufnaantiyo qofhagaagsan joogtee hebel kale la magac dhebo nin hinaasiyaad tahay ". "Garta hoga tuskeedana hiinraac gurracanoon waxba hubinnin baad tahay ". "Midhka hoos ka tuurka ah nin ragaa hilmaamee naxli huursan baad tahay" "Hadashada aqoontiyo hinddisaha garaadkana hungo qaawan baad tahay". "Hayntiyo dhaqaalaha gacmo hoorsadaad tahay ". "Hooda iyo deeqdana hor A llaad ka joogtaa ". "Dadnimada hoggeedana dibaddaad ka huruddaa ". "Hollashada dagaalkana hooto rogasho maad lihid". 'Hayal waad ka madhan tahay heemaalna kaa dhimey ". "Abaartii Hawaariyo Harga-cuna mar baad tahay mama Haarriyaad tahay ". "Higil nuxurla' baad tahay hirrig qodax leh baad tahay hawo beena baad tahay hadal kama dhergaad tahay ". "Nin ammaanta heesaha u hamuumayaad tahay ". "Hibo iyo nm madaxnnimo u haliilayaad tahay ". "Nin waxaanu hidin karin isku hawlayaad tahay ". "Nin Waxaan la heli karin u harraaddan baad tahay." "Hawkar iyo dhib baad tahay habaas iyo ufaad tahay hummaag iyo riyaad tahay habeen yuururaad tahay mugdi hoganayaad tahay hafar iyo cidlaad tahay intaasoo hal baasoo is hareer socdaad tahay habaar biiray baad tahay". Afartaas heshiiskii Huriwaa ku magacaw hakad iyo tilmaan saar hinji nabarka qalinyohow hohe leebka igu mudan waxba hawla kala hadhin. Hoonbaro libaaxley hoosaaso badanley weligaa hunbaallee huga dhagarta laga rolay kolba midab ku hooshaar dadka Hawdka wada yaal isma hurada kala gee haan haan u kala sooc hilqadlaha isugu dhiib maadhiin holcaayiyo hanti qaranku leevahay hayin rarato guurtoon wax hallayn ku dabar goo haweenka iyo maatada hardafaha ku baabi'i hebel hebel u aanee ma colaad hagooglliyo hiirtaanyo reeb bay hawraartu kaa tahay? Halse waxad ogaataa hiyigaaga gelisaa haddeer waa la joogaa hadhow waa la noolyahay hor-dhacii qudhqudhisee adigay hadhuubkii huubadiisu kuu taal waanad heensan doontaa. Afartaas heshiiskii Huriwaa ku magacaw hakad iyo tilmaan saar hinji nabarka qalinyohow hohe leebka igu mudan waxba hawla kala hadhin. Naalleeye habacsane yaa horseede kaa dhigay hayb baabad sidataa maadigaa hoggaansha ah gobannimo hawadin kara haneedka qaban kara higsankara asaaggaa qarannimo hitiqin kara isku duubni hanan kara dad saboola hagi kara himillada xil furan kara taariikh la hadhi kara hal-abuurka sharafka leh murtidooda heli kara hoodaale noqon kara? Maxaad boog horeetiyo haydaar daweysaa dadkii sawtan haadkiyo haanraawe boobeen. Afartaas heshiiskii huriwaa ku magacaw hakad iyo tilmaan saar hinji nabarka qalinyohow hohe leebka igu mudan. waxba hawla kala hadhin. Hal kalaan xusuustee hogolyahay aduun baa ku habsadey dushaydee miyaan anigu heegooy soo haabo kugu idhi? Baaruudda huguntee ambbatee habawdee habili'i sokeeyaha ku hawaawi duushee hadhka yeelataay yaad hungo madhan inaad tahay ka hadoodilaysaa? Hamta iyo digtaadii dhulka hogag la yaabliyo haaray ka jeexdoo hanfariirka meydkaa hayn waayey luxudkoo Haabiil gilgilashada hanqalkuu la boodoo hanbadii aboorkiyo harag iyo lafkeliyaa hanbaberey dareenkoo hurdadii ka toosoo hiyigayga waxa galay nimankaad is hayseen kala hoyatey guushee Gaarriyow hireydiyo hayayda iyo qaylada dhul fog baan u haystee ma hareerahaygaa?. Hooshaarka aarkiyo huntutuulka dhidarkiyo hangagaarka baqayaha handashada waraabaha raqda heelka taallee laga haagay ii sheeg. Hiyigayga waxa galay nimankaad is hayseen hadhadoodi weeyoo waxad kala hufaysee kala haadinaysiyo hirka dhiigga muuqdaa ma halbowlahaygaa? Haybad iyo xishoodlaay waayeel habsooboo hangabsiga dhawaaqiyo higsanaaya beeshoo hollashada culayskii hadiwaayey socodkoo hindiwaas tallaabada hakinaaya jaantiyo hablo maydhax diirtiyo hibashada xanuunkiyo haydaarta xanaftiyo ma hadhada ajarankii ummul fool hallawdoo abidiyo hurgumadii hoosteeda yaalliin qaryad weerka hooggiyo hengel iyo asay xidhan hadal barad gurguurtoo hawadiisu caaniyo hooyo naaska joogtiyo habaqlaha aroorkiyo horashada ku jeediyo jidib iyo hangoolliyo habartana ma geydaa? Hawsaryohow gurxamayaa hodaddaabadaadiyo halkaan kuugu tala galay hal-xidhaale noqotee galley iyo hadhuudh iyo ninka halo ku dhaafsaday hayntiisa kugu gaday hindisana ku tab galay mu kugu horjoogsado hororkiyo cadaawaha hawo damac ka soo gab hiddihiisa gobannimo halistana iskaga jiro haybaddaada gaarka ah ma inaad heddiisiyo hooggiisa joogtaa? Hadimada Garoowiyo hanaq go'a Nugaaleed halka aad tummaatiday waxa kaga habboonaa dar kaloo i hawlee huqdaad reebtay weynaa hibashiyo ladh kululaa. Colka Bari harraatiyey hubka Mudug ku talax tegey Allaylehe hubsiiniyo haki buu u baahnaa. Adigaa halyeygiyo hanaddada ku dabar go 'ay himilooy u baahnaa. Hebelow laguu sheeg ummaddaad hankeediyo hilbaheeda gada taa hiilka kaaga baahnayd. Hawsaryohow gurxarnayaa caku halalacdaadivo habar wacashadaadee ku hawirantey meeshaad haab haabanaysee kor u qaad hinaasaha dadka haybi weligaa hilimmadana kala baro. source: www.aftahan.com
--17.Daahyaley Kor aad
Daalacan warkeedii Iyo faraskii Doolaal Dalan-doolka maansada Dar-dartiyo wacdarihii Sida danab u laba dhacay Dadku maqalyey shaalle. Dedda kaca rogaalkiyo Daahyaley car-caraaheed Maantana dinaahyaha Dayax Weerar baa sida Gaarriyow ku soo durug Malmalkiyo dab-qaadkii Iyo weliba deebaaq Dabray oo haddana furay Misna daah kalaan rogey Deelley wankeed qalan Daaheedu waa furan Hibashada dareen kacay Degmadeenna beer-qaad Sida daadka maanshee Hal-abuurku duunkiyo Dhul damqaday ka faalloo Ninba garashadiis direy Darka cagaha soo geli Sii durugtay sheekadu Dumarkiina soo biir Rag darmaano soo fuul Ragna dalawadiisii Iyo doobigii keen Ragna deer-cadkiisoo Baar-baq dooblyayaa wado Bandhigii ku soo daa Nin dameero soo horay Yaan la odhan denbuu galay Billay duunyadiis tahay Waxes iga dardaarana Ninka daaqasanaayow Dafac laa gosheediyo Dixda hayska joogtee Yaanay nagu dannaaniyin Ama geela naga didin Nirgo daaddah baradaa Derrimaha madheedhka leh Sida digirin jiifee Yaanay naga danbaabidhin Doqon yahay masayrkiyo Danni lagu abuuree Deeqdii Illaahay Deelqaaf ka mudataay Adigiyo dangaladaa Da'kastaydin qooqdaan Waxa aydin dihataan Daratiyo ma caal baa? Maansada dunteediyo Waxa lagu dir-soocdaa Degelkiyo dhirteedee Heellada ma danadiyo Dibowgaa ka gurataan? Murtidiinnu dakhariyo Dalab iyo lanlaamiyo Daldaloolo badanaa? Ma dareere miirtiyo Duddun bahal galeenaa? Dardartii aftahankiyo Dilladii farshaxankiyo Dux abwaan ma sidatoo Diiftii saboolkiyo Daal baa ka muuqdee Gabaygaba ma ducashiyo Dawersaa ku keentaan? Mise dagan ma dhaaftiyo Duul baa ka gadataan? Dhul dellegan ka soo xada Mise luuq dahsoon iyo Suuqa doqon ma garatiyo Ku-dhacdaa ka dayataan? Marka geel dar loo horo Diin maxawgu heestaan? Haddii reerku lama dego Meel daaq ka dheer yahay Degel oomman furan yahay Dadka guriga joogiyo Waxay duunyo haystaan Diihaalka wada qabo Daruurana ka hooraan Meel durugsan goortaas Maxaa daanka oo qudha Ula doogsin carartaan? Gudin-yahay dulbaaxdiyo Dufan lagu afeeyee Dareenkeedu laaciyo Milicsiga ku deexdee Danbarsiga cadceediyo Dabayoodka luunka leh Weligeed ku darartaa Maxaad doodad beeshiyo Danta qaranku leeyahay Dusduskaaga foofkiyo Damac uga hor marisaa? Noloshaba ma dirashiyo Damqashada calooshiyo Dalqadaa ka barateen? Midha-Daray raggiinaa Duudduub ku liqayow Kolley geedka duuggiyo Taariikh la daastiyo Laga diirto magac hadha Sida diirta xagatoo Dadnimada arradisee Dib maxaa u dhigateen Duniduba ma maantaa? Dab cunaannu idin nidhi Maansadu dan guud iyo Dalka hanashadiisiyo Dadka wada-jirkiisiyo Dawna way ku socotaa Dawladnimou samafala In kastoo dirkeediyo Dulucdeedu saas tahay Misna loo dardaar weri Ka hor yimi nin diiddani Deri iyo u yeel tuur Dunjigeeda maydhaan Xistegeedu daba gure Dibinada shirqoolka ah Inta boholo loo dedey Kaga gudubtey daanshood Digashadu ma saamayn Dhibta waw dul leedahay Dibin daabyo hoosiyo Dabra, weerar caabbiya Duullaanna waw hadhay Dibso aan nidhaahnoo Ha dekaanto mooyee Dabarkeeda geenyada Geedkee ka diirraa Qorshahaba laguma darin Doc wareenka sheelka ah Iyo saymo dawdilan Kuma dagato maansadu Xinka way ku darartaa Kulka way u dirantaaa Dabka way ku carataa Haddii jeedal lagu dayo Deeddankay ku badisaa Dakharada la yeeliyo Hubka lagula daalee Ha ku debecdo lagu wado Dardar bay ka qaadaa Haddii dayro laga dhigo Derejaabay tolataa Calan bay deldelataa Haddii seyga laga dilo Doqon geesigeedii Ninka daray billaawaha I dumaal tidhaahdoo Dakanada illowdoo Danka kale u durugtoo Diga-rogata maahee Timahaabay dabataa Dunta waxay ku xidhataa Wiil dardaarankeed qaba Magaciis Dulmane yahay Duqa dhalay sabool yahay Danyar hooyadiis tahay Inta xeerka dumisyo Deni waa ka garanuug Dacwadayda Ciinow Dire dire umaan tiring Deel-qaaf ka xeel dheer Uma jeeddo daw dhaaf Daandaansi kama wado Ka da'weyni ruuxaas Derejiyo xil-qaadkeed Nin u dudaya maan ihi Damac wayga xaaraan Dilla gabay ku faankiyo Doqonniino hadalkiyo I dayaay wax kum falo Maba lihi dareenkaas Waxa qalinka igu diray Dadku way tirsanayaa Deyna waa ka maqan yahay Dana jirena waan ahay Danyartiyo saboolkiyo Anigiyo doc-wadhantuna Isku digato miihine Daawaannu leenahay Diilalyada cuslaysiyo Daalaa-dhacoodaan Aniguna damqanayaa Xaq haddaan ku daakiro Ma deyrkii Maakaan gubey? Danbarkiyo karuurkiyo Caanaha durduurta ah Dadku haw sinnaadeen Haddii laygu dilo taas Taariikhdu duugeed Dirirrada sidkod go'ay Door-roone haw hadho Dibna mooyi saw noqon Dal Allee Dharkaynow Haddaad maanta dagan tahay Ninka duunyo kaa wada Afka kama daboosheen Maxaad deelka maansada Dacar iyo dhunkaal iyo Duumo uga arkaysaa? Maxaad uga didaysaa? Uga dhigi wax kuu daran. Armay doorba kuu tahay. Haddaan waawey roob da'ay Dayra-dhaafka jiilaal Guri laga dugaashado Aqal laba deryaala ah Dadabtiisu nooshahay Celin kara daroorraha Docaha iyo raartiyo Dhan kastaba ka dalab tiran Ummadduna dugsoonkaas Dermo qaran ku jiifaan Bulshadoo dar hoogiyo Taalla dooxa geerida Hadii daad u soo galo Miyaan waayey deelkiyo Dareensiinta dhiillada Duunyo waa la foofshaa Daaqna waa la geeyaa Doorna waa ilaashaa Isha daymadeediyo Digta luuqdu waw wehel Duhurkaa la ururshaa Tiro lagu dabbaalaa Dabadeed la hooyaa Kol hadday dareeraan Deegaanta raacaan Dildilaan ku goosmaan Wax daryeela waayaan Daaha hiimammowga ah Maqal daaqda lagu tebo Cawa-daran la raad guro Dibjirtaye ma been baa? Shilna wayna daan-weyn Demmanaanta kama foga Xoolaha dayacanta ah Inuu daayo mooyee Kam durugsanaan karo Doon-doonisteediyo Day-dayashadeeduna Darayada libaaxiyo Ninka damalka ka hadhsaday Deleb waw gudboon tahay Haddaan waayey doobkii Xilka doonnantiisa ah Dayrada u noqon laa Danyar habaqlaheeddii Duddo habalku kala tago Miyaan waayey deelkiyo Daba socodka qaylada Hayin sida dadweynaha Dalaggiyo dhaqaalaha Duuggiyo wixii nool Haddii layska dabo galo Hadduu aar dalaafiyo Arko belo ku soo diran Nafta dawdab roorka ah Daran doorri orodkiyo Durdurada ka buuxsado Maatada derderan iyo Deli iyo jar kala dhaco Dooggaan la maarayn Dibna looga soo kaban Didmadiisu keentee Haddaan waayey dabarkii Dhacdo lagu daweeyoo Lagu dagagaraa jirin Miyaan waayey doohdiyo Doobirtii la odhan jirey? Danta guud mudnaanteed Gobonnimo daryeelkeed Damaciyo hankaygii Haddaan waayey dawgaan Is lahaa ha lagu dego Berri degel ma dhaafaan Dadka wada jirkiisiyo Isku duubnidiisii Lagu doorshey reer reer Kala daadsan laga dhigay Mus duleedku xanan yahay Qarannimadu dagan tahay Gudahana dab kaga kacay Dawankiyo carooggiyo Miyaan waayey Daalacan Sengehayga Doolaal Ama faras dirkiisa ah Dayax-weerar oo kale? Ragga daawadii furay Ama daacaddi jaray Ama qaranka duudsiyey Hantidii dadweynaha Dacallada ka buuxsadey Dalku eed ku leeyahay Rag la deydeyaayoo Dedan oo qarsoonoo Damacooda xeel iyo Ku darsaday tab hoosoo Wixii deyn ku soo baxa Berri diidi karayoo Dufankiyo karriinkii Iska duugey maahee Sida buurta Daalood Dal fog bay ka muuqdaan Diricaasi waa kuma? Dawdar weeye shalay jirey Durba sawkan jeedladay Dhistay aqallo daah weyn Tolow duubka yaw xidhay Hadmuu tobanka doonyood Dekedaha ku soo xidhay Hadmuu dunida gaarkeed Intuu daawashaw tegey Demesh iy wixii yiil Sida daad u soo rogey? Kaftankaas dareenka leh Danyartaa ku heestee Dadka maanigaa baray Derejada hummaaga ah Magacyada dul-saarka ah Dorraad soo gadaal baxay Maxaa laygu digayaa? Dooddaa aan ku soo xidho Bi'I waaye deylooy Adna darayga hays dhigin Xaajadu dalluun iyo Dalow bay ka lulataa Ha ka tuurin daaddeys Anna hay dardaar werin Deelleyna aan faro Duco iyo sidii roon Dawgaagu waa sahan Dadku waa abbaartaa Isku dira bahdeediyo Kala dila ha noqonnine Isku dara ha lagu dhaho Nin xumaa daneeyoo Waxa jira damqanayee Yaanu xagal ka daac iyo Gol daloolo kaa helin Xidho duubka nabadeed Daacaddiyo runtaba sheeg Daaraanta magacaw Cadowgaagu duurkiyo Hadduu doogga cawskiyo Dareemada ka badan yahay Adiguna dab baad tahay Digo shidan hadduu yahay Adna daad socdaad tahay Damal adag hadduu yahay Adna danab dhacaad tahay Baaruudda duushiyo Dubbe culus hadduu yahay Derbi soo ceshaad tahay Mugdi lagu dayoobiyo Gudcur dama' hadduu yahay Qorrax duluca furatiyo Dayax buuxsamaad tahay Hadduu aw dillaaliyo Qalin duurre faashiyo Yahay fiqi dammiinana Cilmi durugsan baad tahay Dulin dhiigga miirtiyo Dulmi hilan hadduu yahay Xaq dillaacay baad tahay Nin qabiil daftiisiyo Sita daramalkiisoo Ku dan qaba hadduu yahay Qaran dawladaad tahay Hadday daana daaniy Dawliil ku heesaan Waxyi soo degaad tahay Inta dunidu raarkiyo Deyrka hoose leedahay Qof dulmani ku nool yahay Ilays daaran baad tahay Wed jiraana kuma dilo Anigana bir danantiyo Dabran iyo melmelan iyo Deldelaad ha lay sudho Duuggaygu waa adi
18. DAALALLEY Kor aad
Marka hore dad baan ahay dad dad reebay baan ahay dunji dhalan rogtaan ahay hadba fadal durkaan ahay Qof dooran baan ahay han dareersan baan ahay hiyi durugsan baan ahay da'da'deeed u talisoo ugu damac fog baan ahay Dunidaannu wada naal Noloshaannu deris nahay Dalandoolka geeddiga Dan qudhaan u jeedaa Haddii taas mid lagu daro Ama daadku halis yahay Iinta mudan wax doorshaan Inta daran u leeyahay Dab waxa ku guban kara Intuu daaro mooyee Nimaan xeel ku damin Karin Docse aniga way wehel Iyo dulucda guulaha Intaan daw ku laalla. Daray waarayaan ahay Duufaanku ima lulo Dulin hoose ima galo Dardaraale ina rido Digdig beena kuma ruqo Cirka danab ka soo dhacay Deli igama raarrido Kuma dumo tab iyo xeel Dibin daabyo mooyee Digaxaadhku ima tiro Nin danaystay ima tebo Nin darjiidhay kama naxo Nin u go'ay daraadday Isba garey daraadday In dalleemo lagu huro Nin dushayda ku xajiyey Iska daansha daanshoo Siduu iigu diran yahay Ayuu iigu dagan yahay Nin Dagaar fog iga koray Anaa daaf u soo roga Marna waxaan dammiintaa Nin dil iigu xidhan geed Danni kuma tallaabsado Wax dahsoona uma tago Demmanida shil kama dhigo Ma aqaanno digashada Haddaan lay dardaar werin Dib waxaan u dhigan karo Degdegeeda kuma qalo Waxaan daadshey baa jira Intaan daastey baa badan Daymadaydu waa gelin Duur-xulkaygu waa seben Dul-qaadkaygu waa guun Digniintaydu waa boqol Diidmadaydu waa kow Hadday daahdo waa labo Dardartiisa gaarka ah Qofna iguma deeqee Dalabtaanan moogeyn Inaan dayro lagu mudan Qofna xagal ka daaciyo Dal-daloolka kuma naco Nin la yimi dedaalkiis Anigaa wax ugu dara Marna waxaan daboolaa Xubnihiisa derida leh Dedda kaca hayaan dheer Nin dekaanka ila lumay Inaan soo duwaan furan Hadduu daal la kala dhaco Dul la saaro kuma gabo Uma dudu karaankiyo Waxaan daafad loo hayn Doqonkana anaa xila Si aan dawga uga xidho Waracana anaa dira Si daddaabba lagu furo Damacana anaa dhiga Halka dabinku ii yaal Ninka daacad igu nacay Duudsigayga kuma helo Wuxuu doonayee baas. Ninka ii darraadow Anba waw darsanayaa Dibin-daabyadaadee Tirtirsiga ha iga deyn Carrab dananka laasima Wacdi dowdab lagu yidhi Ninka ii dudubiyow Kuma deexdo hadalkee Wax kaloon daneeyoon Ku damqado ma haysaa? Duni aanan weli maqal Nin I daawisiiyow Kuma arag daraandaro Midabbada dalxiiskiyo Ku dalaysan dheehee Dux la'aanta gadantee Wax intaas ka door roon La dugsado ma haysaa? Waxaan daanka soo marin Dalqadaaba celisee Wax dareenku iga jiro Ninka ii dardarayow Taas dameero loo sheeg Dirxi iima dhuuntee Midho daray nin jecelow Ku liq adigu duuduub Ninka dayday kaga dhacay Dad intuu u xilan jirey Noloshiisu duug ma leh Bad daruuran baan ahay Laygama dabbaashee Ninka doonidaydii Kala degey halkiisow Anba doonnidaadii Kala degey hankaygii Damdamtiyo shirqoollada Dirashada dhufaannada Shaxda dalagta lawlaban Waa laygu dagayaa Xadhig qoob la duulaa marba lay debcinayaa nin I deydeyaayow dhuka qaar ha iga deyin nin dorraad ogsoonaa halkii Daado lala maray jidh dubaaxi maayee nin gar iigu dudayow dermno haygu kala bixin duhur lays hor-joogaa la'I deedafeeyoo duqaydiyo wax garadkii dhulka ugu da'weyneyd dunbukh baan u dhiiboo meyd bay dul yaallee miyaan geedka damalka dooyaysan karayaa. Naxariisi kuma duxin Dhegihii dorraatee Hadday ii daloolaan Damqashaa ku dhalisee Dayo toobad laga filo Denbigeedu ma oggola Dawliilka hadalkay Nin qabow ku durataa Wax u dihin shar baa jira Shacigeeda dura baxay Dawadaydu kuma taal Da'day maanta joogtana Haddii loo kitaab dayo Waxay daaqdo mooyee Waxay deeqdo lama cuno Malaa waa duqawdee Haddii layska deyn laa Dulmigay ku tarantoo Dacawooyinkaa badan Boqol baa ku daba jira! Intuu daalac leeyahay Ninka doonan karayaa Dacwad qoro ma liqi karo. Marka deelba deel cuno Anaa tayda diirtee Toban daawo lala galo Derejiyo xil lagu taxo Ama duunyo lagu qubo Uma korin darmaantee Waxaan duullan u cuskaday. Inaan duug ku hubin karo Madal iyo shir ila da'a Inaan dood ka odhan karo Inaan daahan garan karo Dibnahayga bari karo In la diidi karo yeel Anigiyo dedaalkay Inaan door ka filan karo Anoo doogsin cararkii La durduriyey haamaha Inaan roob I daba maray Ufadiisu igu digan Debeciyo is dhigashada Haddaan duulo halabsiga Inaan hoos u degi karo Dersi qudha ka dhigo laba Dakharrada kol igu dhacay Misna inaanay doog noqon Ilaa daayin igu shidan Daribtayda malabka leh In dugaaggu nici karo Inaan doogistaydiyo Danahayga labadaba Nin direyska igu qaba Dummaddiisa lagu xidhin Dad inaanu kala noqon Dangalooyin kala jira Si la dayaba aayaha Dur u tuuran maayee Dufan iyo nin jecelow Rido adigu daabaca Laba duni ku kala mudan Doqonkaba u kala mida Waxaan doortay taydee Dirgan waaga hurisada Maqashaa is dadabtoo Dalanbaabi noqotee Dib u guuri maayee Nin da' furay kalkiisow Dalka waan aqaannaa Bahal iga da'weynoo Dad cunii ma joogee Ma didee hargoolow Haygu tumin durbaannada Iyo daasadaa madhan Talo duubka lafa furay Degdeggana wax lagu faray Iyadaa durduro falan Sebenkay derderan tahay Xadhko lagu dabbaaliyo Qabashiyo diddii ma leh Dib waxay ka noqotaba Below doorkan maanta ah Adaan daacad kuu ahay Haddii laygu kaa diro Digashaan ka dhigayaa Adna diid nin kula faqay Samana waysu dihinnahay Gabadh ii dambaysoo Ii doonnan weeyaan Waxaan dayday leeyahay Degmo lagu aroosiyo Gole lagu dabbaal dego. Dibno iima gooyaan Dakanooyinkaygee Laba daw mid iga xidhan Iga dayrsan nacasnimo Iga deyran lahashadu Iga duuban googoos Boholyowna iga dedan. Ha is deyso qiil ma leh Dushaa layska eegtaa Dib baa laysu eedaa Haba diillin badatee Shaxi duud u kala rogan Siba deleb u kala guran Weligaa ha igu degin Godka daraya qoolka leh Daran doorri nabarrada Xagga hore u dalandali Ha durduuratee sii Ha is daashatee lali Ha is daasatee hubi Dadna wada dad maahee Dalladaa habeenkiyo Danbas buu huwanayee Sawnigii rag kala diray Kuwa dayrta iyo guga Sida diinka sugayow Anaa daaqa cawskoo Ku higsada daruurtee Ka hadh-gala diraacaha. Nimaan diiftu saarrayn Dusha sare ka qolof dhicin Dubatadu ku shaacnayn Nimaan daawa shiillayn Ama degel ku sheellayn Ama dibad ku sheegnayn Daymadaydu suurayn Waxa loogu digayaa Dohdu Waamo maahee Dirir baa ka socotee Firdhisada iskaga durug Marka dirir gabaabsiyo Isma dayada dhiifta leh Iyo duraha jiilaal Dayawgiyo kulka is wada Doorsoonka garashada Daaddduunka nugukiyo Doc ku dhiidhigeediyo Dar-wisiisigeediyo Dambabeera ruqankiyo Daabaan u jedankiyo Duul duuka Jaahweyn Anigaa ka doogoo Weligay danbeeyee Dhulka deexda dharabka leh Nin dallaallimaystow Dad anaa ku hadhayee Dhanka kale u diga rogo Anoo daaya mooyee Godobteyda daah iyo Dadab yaa ku xidhi kara? Anoo daadsha mooyee Dabka yayga dhiga kara? Haddaan doohba lay barin Dibso yaa I odhan kara? Rag dagaal isugu yimi Haddaan guuli kala dirin Ama duubi wada jabin Isma dooda dhuuxdee Marka dhaylo dubantee Digsi xanan kulkaan bado Iska rogo daboolkee Fadhi dagagar yeeshaan Garan dooca hadalkee Debci qori hay faro. Dirirtaan dhanna u dhicin Dillo aan cuskanoo Dabar ugu badheedhaa Docna ima hor-taallee Waxaan dani I yeelsiin Is dugaashan maynoo Dalqad baa ka taallee Ilaa laysu dayn baxo Waa duurxul nabadduye Anigoo wax dili kara Duco qaadan maayoo Nolol kuma dardaarmee Haba diirran oloshoo Danba haw gilgilatee Aaway dawladdii Xamar? Duqri may maqlaysaa Daratiyo kud iyo caal Durey iyo kul iyo daaf Waxaad duumo hidisiyo Waxaad hayso daacuun Annagaa daweynee Dabaq qudha isugu gee Ha ka tegin duruustey Rag isaga danbeeyeen Isku soo daroo keen Cirka sare badh soo dumi Waxaad hayso soo daa! Dala'siga xanuunka leh Dadnimaa ka dhalatee Nolol aan ku dirirree Darxumooyin nagu fala Aan doombir qodonnee Durdurada si naga dhaha Dhirta aanu daaqnee Guba dalagga beeraha Dekedoo dhan naga xidha Aan diinka qalannee Cagta mariya duunyada Aan direyska jamannee Dirka maradu leedahay Duni yaanay nagu hadhin Marka salabku deeddamo Daran doorri laba dhaco Ardadaa dillaantee Dadku haysu boodee Ku dalbada hubka is wada Dawersaad ku dhaqantaa Dixda dhagaxa yaalliyo Dogob aan ku furannoo Farsamooyin dayannee Keen dabaabadii hadhay Cabsi iyo dardaan iyo Dacwad iyo baroor iyo Dugey yeedhi maysoo Hengel waa la daayee Ha mashxarado dumarkuye Deldelaadda boqol boqol Kala daran isugu xidha Dacartaa ku shidantee Ha darrooro hilibkuye Daldaloosha xididdada Marka toban la dooxaba Annagaa kun dihannoo Badhba diir u gelinnee Dubta beerka caydiga Dunqulaalka madagtiyo Xololaddada ka daba hura Annagaa ku daarroo Qaybo degel gufeynoo Duni kale abuurree Duddun waayi maynee, Idinkaa wax dumiyee Daari yaanay taagnaan Idinkaa degdegayoo Nafta doojinaayoo Diihaal la sahayee Dux halkaad ku aragtaan Dardarsada wadaamaha Isku lura daldalashada Docolkiyo hareeriga Annagaa ka diirree Furta dahabka ooryaha Iyo duluca gaarida Diriciyo malkhamadaha Kala baxa dukaannada Inta lagu dekeeyiyo Inta lagu dingiigsado Inta daabac lagu dhigo In durraaxad lagu simo Adaa dawladee guro Anna weliba deeqdaas Waxaan kuugu darayaa Inta igu dul-saarka ah Marka ay dibbootee Nin hagraday ka daryshee Dugsi looga leexdaan Daba geli aqaannaa Markay ciinka daaqdaan Dabka ugu xiddigiyaa Nin dumaala baan ahay Degel fule ka bara kacay Nin ku diirsadaan ahay Maalintay u daran tahay Marka daawad lala tago Nin didsani iskaga hadho Annagaa ku dirirnoo Halka daranku dhicinoo Sida loogu dabar go'ay Deelley ka tirinnee Nin debcow dhan uga guro Dibadda iyo gudahaba Dacallada hor iyo gees Doc kastaba adoo jiga Isu baydh dad-qalatow Isku daya kas iyo maag Inaad xeesha dalabta leh Igu laba dibleysaan Isku duuba qorigiyo Birtaan daabka haystiyo Midigtayda daalacan Rabbi derejadiisiyo Deeqdiisa culus iyo Diintaan ku dhaartay Culimada ducaysiyo Lagu hubo daliilkee Digrigaan u dhaartay Xilka dawlanimadiyo Dalka iyo shinkiisiyo Dad leh baan u dhaartay Dooddigii Mandheeree Laga qaxay dayaankiyo Darban baan u dhaartay Dhabbad iyo Gal-dogob iyo Digtii warayaal iyo Duman baan u dhaartay Birjeex deedankeedii Laga diday kulkeediyo Degsan baan u dhaartay Lixle damacyadiisii Diric Ina Saleebaan Duxan baan u dhaartay Ifku Xaamud daariyo Khaliif doorrankiisiyo Digan baan u dhaartay Hurre doonnantiisii Gurey Ina Dawaarriyo Dar kalaan u dhaartay Islow dara-digiisii Danab Aadan Shiiniyo Dadban baan u dhaartay Karuur duur-xulkiisii Iyo damalki Koosaar Dedan baan u dhaartay Dil-dillaanka dhiiggiyo Inta nacabku dooxee Dahan baan u dhaartay Inta daahya dhagartiyo Ku xidh-xidhan dalluuntee Dabran baan u dhaartay Dalan-doolka caydhiyo Dingaraarka mudankiyo Dibjirkaan u dhaartay Inta cadowgu dayrshee Dibadaha u hoyatee Dulman baan u dhaartay Aqallada daloolee Doolaabo huruddee Dansan baan u dhaartay Garashada dareenkiyo Inta laga dab-qaatee I dirtaan u dhaartay Dacar iyo ladh jiifiyo Inta doogta kicisee Damaqdaan u dhaartay Dhulka hanad ka duuliyo Duriyaan ku geydee Daalacaan u dhaartay Dar-daraa barbaartiyo Inta dirirta geydee Diran baan u dhaartay Dedda-ruxanka maankiyo Daaraanta godobtiyo Dunbukhaan u dhaartay Doodaha sinnaantiyo Dimuqraadinimadiyo Daacadaan u dhaartay Deebaanka noloshiyo Diiwaanka nabaddiyo Duuggaan u dhaartay Dil-dillaaca waagiyo Dabka iyio cadceeddiyo Dayaxaan u dhaartay Qalinkiyo dawaaddiyo Dugsiyada aqoontiyo Dawankaan u dhaartay Dalawada la maaliyo Daableyda gudintiyo Doobigaan u dhaartay Darka iyo wadaantiyo Inta doojinaysiyo Dawliskaan u dhaartay Digirtiyo galleydiyo Durdurrada waraabshiyo Dibigaan u dhaartay Inta dhididku deeqee Dan xalaala jiratiyo Dubbahaan u dhaartay Da'da soo kacaysee Dummaddayda xilatee Dagan baan u dhaartay Hirka Daalalleydiyo Dersan iyo Rashiid iyo Duculdaan u dhaartay Inta diib is marisiyo Naxariista dunidiyo Dumarkaan u dhaartay Dab haddaan hunqaacdiyo Haddaad daacdo dhabataba Haddaad adigu doontiyo Haddaad adigu diiddaba Haddaad ii darraatiyo Haddaad ii ducaysaba Haddaad maato dabatiyo Haddaad doobta lalisaba Haddaad doolli noqotiyo Haddaad daasas fagataba Haddaad geelal didisiyo Haddaad daylo shabisaba Haddaad faan dudubsiyo Haddaad been daldalataba Haddaad kaara ducatiyo Haddaad geeri dihataba Haddaad dooddi oroddiyo Haddaad deeddan socotaba Haddaad soo durdurisiyo Haddaad xeel la durugtaba Haddaad waalli duushiyo Haddaad maan ku dirirtaba Haddaad daad faruurtiyo Haddaad soo da'fanataba Haddaad duusho kicisiyo Haddaad dawri carisaba Haddaad dawga xidhatiyo Haddaad deyr is marisaba Haddaad buur la deristiyo Haddaad dooxyo qodataba Haddaad doobir shidatiyo Haddaad diina taxataba Hadduu dhiigu daatiyo Hadday xaydhi dixataba Hadday guushu degatiyo Hadday daahyo rogataba Hadday qaanso debecdiyo Hadday shiish dellegantaba Hadday Daylo curatiyo Hadday deero tebisaba Adoo dool dhaqaaqiyo Adoo data mooyee Damac waa halkiisii Dabna waa dabkiisii Dusdukay ku dheregtee Haddaan daalku dheeraan Gabbal baas u dumin nabad Nin dalleensi lagu cunay Haddaan guuto loo dilin Dakharkiiba toban noqon Nin kastoo dun iga qaba Haddaan daab-cad lala dhicin Jannnada durduurta ah Haddaan daadku soo qubin Aqalada derbiga dheer Haddaan daaqad laga gelin Ninka dabin ka boodka ah Haddaan diirad lagu helin Haddaan duubka gogoshiyo Lagu dhuuman dalowyada Haddaan shaashka derejada Dallacaada laga nixin Dal Allay u kibirtee Haddaan iilka lagu degin Haddaan meydku duurkiyo Derrimaha ka fara badan Sanqadhaa dabayshiyo Haddaan fiinta laga didin Fadhigay ku daaqdee Haddaan soodhku dalandalin Halka doobi lala maro Haddaan raacdo daba gurin Dacfalaanka mahaddiyo Dardarsiga barwaaqada Iyo doosha subbaga leh Haddaan laysu dacarayn Inta daran intaw daran Haddan duulal lagu falin Haddaan deebta gumuciyo Lagu guban dabkaan shido Duhur laysla wada jiro Haddaan guusha lay deyn Alley-lehe docdaydii Ha Goblamo dad weynuhu.
31. Gudgude Kor aad
Gedgedoonka maankiyo qalbiga, gocasho soo boodka, Xaajada garlayliga jartiyo, Gun u saluugayga Gibladiyo mashxaraddayda iyo, farax la goohayga Gandoodkayga taahayga iyo, goobo xaradhkayga Gurmadkiyo haloosiga taxmiyo, guluf alooskayga Gama'li'ida reenkayga iyo, jiif galgaladkayga Goobyaalka caga-jiidka iyo, Meel-ka-gabargaalka Gucla orodka seeraarka iyo, geyllan dirirkayga Haddaan geestan eegana cabsida, gaarkay igu raaran Gabranaanta qoollaalligiyo, mala gorfayntayda Gadoobnaanta yeelkayga iyo, kala gantoobnaanta Garab lida soodhkayga iyo, gooninnimadayda Goofkiyo xabaalaha shixnadan, godadka buuxbuuxa Cagta go'an lugaa iyo gacmaha, gabawar duugoobey Naafada garbaha kaashatee, sumucu gaagaabshey Geerida shinkeed dhaaftay iyo, Guri dambayskayga Goodaadsigaygiyo hiyiga, garar tallawgiisa Kol haddaan wadnuhu kuu garrayn, geydha kugu yeedhye Garasow anaa kula hadlee, gacalkayow heedhe Nafta gororaheediyo haddii, galowda lays taabto Geesteyda waafule ninkii, goob ka saahidaye Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadaye Guri ba'ayna waa cadow ninkii, raarta sii guraye Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye. Ummad geeska loo tumay habeen, gocasho soo jeeddo Haddii aan tashiga loo golayn, amase gaashaanka Fallaadhiyo gabooyaha haddaan, godobta loo taaban Iyadoo gadoodiya hadday, fadal garmaammayso Hadba nabar gataatiya hadday, gebi dhac tuuryayso Galladdeeda oo dhow hadday, gaadhi kari weydo Inta gudashadeed tahay hadday, geysan kari weydo Iyadoon garaysnayn haddii, gacantu ay daasho, Gamaarshaa ku dhaca amase way, gabax tidhaahdaaye Gabbashay liqdaa amase way, gamashi luuddaaye Way kala guddaa amase way, kala go'doontaaye Ways gawdhisaa amase way, feedha gurantaaye Guushay nacdaa amase way, gubasho oydaaye. Inkastoo guddoonkii burburay, loo gudcura joogey Inkastoo go'aankii dulliga, geesinnimo diiddey Inkastoo giyigu waa xormee, gaadhka lagu meershe Inkastuu gaggaabkii cuslaa, garangar duul duulay Xaajada god-raaca leh haddii, loo gabbala eego Sida ay u kala geysan tahay, way gun dheertahaye Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda Inta maanku gaajeysan-yahay, guuli waa weliye. Gashigayga way dhaqanyihiin, gaasaskii qabaye Weli gaaf dugsoon bay hurdaan, ganacya weyntiiye Dibjirkii gidaarrada hurdaa, laysu soo guraye Gebegebe rag lagu keenay baa, layga gadayaaye Erey gara haddii loola tago, godol ma waayeene Gargaarkoodu wuu dhimi lahaa, guul-darrada taalle Lafa gerina wayjebin lahayd, maalin gudeheede Gobanimana way dhalin lahayd, loo gudboonyahaye Gacalnimana way hubin lahayd , aan la goyn karine. Weli gumucu meel baydhsan buu, gawda ku hayaaye Gariirkaad maqlaysaan ka dhow, goobahaan rabaye Gadhqaadkeedu waa leexsanyahay, waana gudayaaye Garar loo maleeguu ku ridey, guura socodkiiye Guudkeedu waa wada fin iyo, gaatir iyo booge Hadday gooli-baadh tahay, waxaa gabay raggeediiye Guyaal iyo guyaal bay rarteen , gocorro shaydaane Iyadoon goblamin baa haddana , geelo loo hadhaye Gol-dalooladeedaa ka badan, galalka ciideede Gelin looma wada sheegi karo, xaajo geda weyne Gawdiidka iyo quusta waa, lagu gumoobaaye Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye Geeddiga cagaa daaliyaa , lagu geyoodaaye Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan habaqlaaye Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye Gargaraaciddeediyo ha deyn, geed ka didinteeda Garashadu hadday ruux la tahay , suu u garanaayo Garaadkiisu suu qabo haddii, loola garan waayo Gardarruu u qaataa ninkii , yidhi garaadkiise Xaajadu markay gobo'da iyo , gawda culus joogto Keligii nin gaashaantay wuu, gola ka fuulaaye Gadaashiisa uun baa durbaan, laga garaacaaye Labadiisa geesood ma jiro , ruux ku gelayaaye Arrin lalama guulee warkuu , gura yidhaahdaqye Dadka wuxu u gacan haadiyaa, qof iyo gaarkiise Gendi iyo dhukaan buu qabaa, cudurro guumeede Gogol wuu ku shaashoonayaa, loo gudboonyahaye Sida goray fallaagoobey buu, Gooni joogyahaye Kol hadduu nin mawd lagu gudbadey, tiisa uga guuro Xil uun buu guddoontaye ka baydh, gudashadiisiiye, Ka galgaley habaar-qabe halkuu, gool ku cuno weyne Nin hadduu tashiga guuto faran, keli ganaanaysto Gaaraayucuuntiyo shinnida, gurucya dhaadheerta Giiryaalayaashiyo fulaa, laguma guuraanka Gumarta iyo maajeenta iyo, geed-xunkiyo tuugga Gungunnaafka iyo maarta iyo, gocorka aan quudhin Kun ninoo guraangura hadduu, goob isugu keeno Guufkiyo haddii hooda iyo, giniga loo qaybsho Dadka kale intii gudan haddii, gararka loo jiido, Ninka gaaban meel dhow haddii, looga geda-sheegto Guubaabadeedii haddii, loogu godadleeyo Hadallada galoofta ah haddii, loogu mala gaaxsho Guryo-noqoshadeedii haddii, lagu gawaan-raacsho Gabbal daye sidiisii hadday, laba gar-daymooto Shimbiraha gabraartiyo hadday, galow wax weydiiso Kol hadday galaydh soo kallahay, laabta uga guuxdo Garba-raar cadhaysani hadduu, gooyo taladeeda Guulkeedu dheeraa sidii, geenyadii Bixine Weligeed fal baa loo guntaa, lagu guhaamaaye Mar uun bay gadooddaa siday, gees lo'aad tahaye Galab xiisaheedaa wakhtigu, kaga gaboobaaye Ninuun baa ku guuree iyada, geeddi waw weliye Marka wiil ku guro Naarta iyo, godadka Yaahuuda Ayay kii Jannada geyn lahaa, dayasho goobtaaye Marka uu galaa buu iyaga, guba yidhaahdaaye Markay raar guraysaba nin bay, gudub tidhaahdaaye Gabno ugubi way quusisaa, gaawe Cumarowe Garab-daar ninkii lagu bokhraa, geedad sare waabye Gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunudye Marka uu gadaan iyo gadaan, Gacan-togaaleeyo Ayuun buu waxaan ganac lahayn, sii gorgoriyaaye Seetada nin goostaba, wuxuu gesto lala yaabye, Mar hadduu tallaabada gurguro, gaatan iyo booddo Dhaaxaa gadaal laysla tebey, wiil galbaday jeere. Toojaba waxaa lagu godlaa, say u gaar tahaye Gurranidu mar waa dhalasho iyo, gacanba qaabkeede Marna waa calool garac siddiyo, xaal ku soo gala'e Kol haddaanay maankaaga gadin, talana kaa geynin Gurracnaanta qiil lagu saxoo, loo gudbaa jira'e Gudboonaantu way daalisaa, ruuxa meel gurane Nin hadduu go'aankiyo sharciga, gawrac ugu jiido Hadba goondhabaaliyo hadduu, Gooddi-furan keeno Gacalnimo hal loo yidhi hadduu, gubasho sii beero Guudaan haddii uu ku liqo, ereyga geedeysan Runta wuxu u guul-guulayaa, way gun-dheer tahaye Goldaloolo qudha maaha iyo, goonnidaa taliye Gedaan loo filayn baa jirtiyo, Geel-la-daaq kale'e Hadba geed-is-maris baa u hadha, guul dad leeyahaye Miyaan Geeddi-Baabbow arladu, gelina waayeynin. Gole miiggan, geed sheegan iyo, garangar muunaysan, Gudban iyo cod laba geesa iyo, guurti kala soorta, Garnaqsiga mudducigoo tashiga, gooni uga showrey, Geda labe maddaacaley hadloo, dhaabad Wan geystey, kala gurasho meertiyo rogaal, la isla guur guurey, Maahmaaho wada guuna iyo, gabayo raac raacay, Guddoon dhacay hubaal iyo go'aan , layku gacan qaaday, shan god oo murtidu leedihiyo, gororka suugaanta, Gedda hadalka loo ruga geshiyo, marin gobaadeed dheh. Gobannimadu waa libin ku taxan, geeddi nololeede Waa gumaro aadmigu hantiyo, guusha ugu weyne Guddoonkeedu waa faral siyaal, loo gafaa firine Geduun buu ka leeyahay khalqigu, maalintuu gado'e marka uu gabaabsiyo xilliga, laga gu'weynaadey Ayuun baa ninkii gudan karaa , dhan ugu guuraaye Qabyadeedu waa guun intay, gaadho weligeede Galab noolba ooddeedu waa , gudinta loo hay-ye Nin gufeeya mooyiye ma jirin, ruux gunaanadaye Gelbiskeeda oo qudha hadduu, tacabku kuu gooyo Adigoo gadaashaday hadday , guure kugu dhaafto Gommodkiyo yaboohdeedu way, goora badataaye Haddii aan gantada loo adkayn, amase gaafaanta Guddo iyo waxay yeelataa, gulufo shaydaane Gaadaa dhexdeedaba ka kaca, maalin gelinkeede Gacmaa lagu xejaa amase way, galab dhaqaaqdaqye Waa lagu gam'aa amase way, geeri badisaaye Gob baa lagu noqdaa amase waa, lagu gumoobaaye. Garan maayo maalmaha intuu, soor gad leeyahaye Mar hadduu gidaad bahal qabaa, gaajo kula ciiro Gujo-dhaadhigeediyo hadduu, taabo gorofkeeda Waxba kama go'aan ruux ku shubay, xeedho gudaheede Hadduu gaar u maamulo qof, waa geel nin leeyahaye Inkastoo gantaal iyo wed iyo, gawrac lagu hooyo Meel loo gun-raaciyo haddaan, gogol dhig loo yeelin Mar haddaan garaad loo lahayn, wayska gubataaye Geedkeed ba'waa sixir haddaan, garasho hilayne Hadduu gaws dhurwaa ruugi karo, waa lafguri taalle. Gunti-furey nin caashaqay haddii, guudka loo sudho'e Galacdeeda uun baa indhuhu, golongol eegaane Giniis iyo hadday kala dhaxlaan, Gaar-la-ababkiisu Waa maro gargaranoo adhyaha, lagu gabraartaaye Mar hadduu waraabuhu gashado, Giiro waa halise Iyadoo gashaantiya sidii, Loola gogol dhaafay Guurkeedu tuuguu ahaa, Gaabsi iyo beene Iyadoo garoobiyo markay, Guudka fidhanaysay Inanuu gumaystuhu dhalaa, Gaadhka ka ahaaye Gaboowgeeda way doonantahay, gedaha waayeele marka ay geyaan sheelataa, garacu yeeshaaye Hadba wiil is gaalaynayaa, loo gu'tiriyaaye Nin dharaar wuxuun laga guntay, guushu jamataaye Gobannimadu ruux kuma xidhniyo, Giib ninkii dilaye Agaabaynta maalmaha gudbiyo, galaha taariikhda Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade Ganba-xoorka waayaha haddii, laysu minan guursho Dad uun baa ma guurtada lahaa , goobihii baxaye. Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede Nin uun baa guddoonsha'e xil waa, laysu gororshaaye Galladduna waxay saaran tahay , wax isu geygeyne Inkastuu wax galo ama wax gudo , ama wax weyn gooyo Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye Noloshana galgalaheeda iyo, gebi ahaanteeda Waxaan geesi karin baa jiroon, gaar ninawfaline, Xaajaba gan baa loo unkaa, talaba waa goore Ummadyahay tiraa kaa gedmane , wax isu geygeyso Ninkii aad garaaddiyo shaxshaxo, saartay garabkiisa Kol hadduu dharaar goonya kulul, kaa gelgelin doontay Waxaad galabsatuun baa jiree, gaado kale yeelo Ninkii aan gondaha kaala dhayin, gololo hawsheeda Gardaadkaaga yuu baran inaan, taada lagu gaadhin Hadday gibili kaa saarantahay, gocomo hooseeya Waxaan geedna kaa qarin indhuhu, yay ka gabargaalin Hadba soo gadaal eeg ninkaad, gadato hiilkiisa Gol dalooladaaduu nin ogi, galagalaystaaye Aduun bayse kaa go'an yihiin, maalmahays guraye Godan baa la yeeshaa xadhkaha, haysku wada giijin Geyigiisa wiilkaan ahayn, gibilka mooyaane Gun-dhigiisu meel kaa fog buu, geed ku leeyahaye Si aad uga go'daba ruux ku neceb, gaarar kala yeesha Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaannin Godobtaada meelee intaan, gacantu kaa boobin Gacalnimada noolee intaan, gocasho kaa oodin Guddoonkaaga reeree markay, kula gudboonaato Gamaaddaada muunee haddaad, geeri huri weydo Guntashana xusuusnow waxaad, godolba soo joogtey Gurgurshaana haw raran nimaan, gudasho kuu doorin Garashana ogsoonow inay, xaaja badan goyso geeraarku waa sude hadduu, kuu ged-bixi-waayo Adba goor is weydii intuu, gabaygu kaa dhaafo. Cir gadoodey, dirir gaamur da'ay, galayax waalaystay, Onkodkoo gariirkii ka baxay , galowgu yaab yaabay, Guulaamo sawsaba kortiyo , dhibic garaaraysay, Guluuluco mareegeysey iyo, gabadhle miish-miishtay, Fad godladey, mahiigaan dhex galay, mayay ku soo gaadhey, Waqal gaaftey jarar soo gabradey , gebiyo soo ciiray, Gibil bururtay, gale foos burburay , galangal leexastay, Gurdan baxay, xareed-gala1-jabtiyo, godanno midaystay, Dadka oo intuu nabad gogladey, godob la'aan toosay, Qorraxdoo garayskiyo martii , gees isaga xoortay, Dayaxoo intuu gaadh ka degey, gacalo muunsooday, Tigaaddoo ganbada uunsatoo, shidatay geed-saaqa, Marka geela laantiisa dheer, gabantu soo reebto, Guryahoo haleelada sidkani,, gaabis ka fooftay Marka gorarka naasaha fatahay , goba'da deyn weydo Galabuu kulaylkii ka jabay, gubayey jeedaalka, Qorraxdoo gollaha kuulatood, gaari wacan mooddo, Gaaraabidhaankiyo markay, taranto goobaantu, Caweys ay gabdhuhu boodayaan, golaha saarreyda, Dayaxoo galshada meersadood, geesi ba'an mooddo, Xilligay gammaankiyo ifaan , quruxda gaarreydu, Dhulka oo galaaluhu simeen, gun iyo baarkiisa, Cosobkoo golxada fooraroo, laba gardhaalaystay, Qorraxdoo gelgelimaysatoo , goroddu laallaaddo, dayaxoo goyaal wada cas iyo, shaal galgala qaatay, gu'xasilay, gudgudayaal habsadey , adhaxda Gaaroodi, Marka awrku goojada ka simo, Gaasa-baya dhaartay Qorraxoo guduud lagu bokhroo, meel garba ah saaran Dayaxoo intuu garab la baxay, gooddi uga muuqda, Gararkiyo taraaraha madow, Kala geddoonkooda, Gabbal ururay, waa soo gurguray, labada worood dheh. Ged ninkii ogaadaba shillale, guuto loo wacaye Inta aan gar- waaqsaday intaan, garasho diidaayo Inta laygu gaad gaadayaa, iiga geed ba'ane Cishaday gabnowdiyo intay, gelinba heerjoogtey Girif-giriftu way igu badnayd, gu'iyo jiilaale Inaan gaabsho mooyiye cishana, tayda maan gabine Galka seefta kuma haysan jirin, maalin gulufeede Misna geeladay, gocoraday, iiga gaws kulule Goonbaartu eelkay dhigtaba, gaari baw xidhane Godobteedu waxay saarantahay, meelo aan geyine God markaan daboolaba far baa, laygu godayaaye Nin gefaaba lay tirinayaa, garasho waa yaabe Waxan ahay nin lagu saan gatoon, raadba soo geline Garraantayda qaar iyo, lag iyo, gaasas baa necebe Gabbashayda duul iyo badh iyo, goosan baan rabine Haddaan gaasho yeeshana dar bay, gawl la leedahaye Hadba waxaan ku guul seegayaa, lama garaystaane Garba-duub waxaan ugu xidhnahay, maan gurracaneede Inaan geenyo buubsaday haddii, guuxu welijoogo Gadaal baaba lay eegayaa, gool tirsaa jira'e. Ummadyahay dib uma guuri karo , gooshkan maanta ahe Gosha hooyo waa laga koraa, goodir kay tahaye Gashi baxana waa lagu dayaa, geed ka hadalkiiye Hadday gudubto yeedhaydu waa , sheeko ii gadane. Geyigaygu waa kow intuu, waajib ii galo'e Dhulka kale intaan gaadhi karo, waw gol leeyahaye Adduunyada go'doon kagamajiro, garangar loo yaalle Garaadkaygu waa dhaafsan yahay , xaajo goboleede Dareenkaygu gooddiga sibuu , ii gilgilayaaye Guhaad iyo canaan buu hiyigu, ii gab-leeyahaye Inta garasho ii meel la'dahay , tayda maan gudane Hadba waxan galiilyoonayaa, goobo lay tebaye Asaaggay wuxuu galo ayaan , anigu gooyaaye Anigiyo kuwii lagu goblamay, waa gudboonnahaye Qayrkay intuu guul suntaday, gooni iifarane Nin kastoo ganbadu saarantahay, dunida guudkeeda Gurmadkayga waw baahanyahay, ruux la gaasiraye Taydana ninkii igu guntadey, waw gar leeyahaye Marba gooha dhiillada halkii, igu galoollaata Karaankayga waan geyn intaan, geeri moogahay Waxa ina rag ii guulayaa , tiisa gaarka ahe Anna waxaan go'aansaday inaan, lay gaboodfaline. Garawshiiyo jeeraan ka helo, gaanka dunidayda Jeeraan galaa baxo arlada, gooddi iyo gooddi Jeeraan gufaacada ku tago, meelo geriyaada Gaaliyo Islaamkaba ilaa, taydu wada gaadho Barigiyo Galbeedkaba ilaa, laygu gacan qaado Gurey iyo Islow iyo Hurrow, gabaygu waa beene Godadleysan maayee tashiga, waan guddoonsadaye Waxba yaan indhaha laygu gubin, gaabsi ma aqaanne. Gudcur laga tallaabsaday ilays, baadi lagu goobtay, Gamas iishay, gaashaan burburay, gawrac laga maarmay, Dunidoo giblada iidsanoo, gacal walaalowdey Gudboonaanta xeerkeeda iyo, garasho nuurkeed dheh
02. Af ku siran Kor aad
Bismillaahi oohow! Runtu aydin maahee Bal adeentideedii Oohow! Ka oohow!. Dhulku waa ammaanee Abbaan-duulihiisow Adhi raacistiisii Ma-Orgaad ka tahay weli Asaraarka maantii Ka il nugul habeenkii? Bogashada iddiisiyo Wax ka maqan asaaggii Nin ku helay il-duufkow Hadba doqon-aroorkiyo Hadba oon-ku-fuliddiyo Indha-garashadeediyo ILLowgeeda badan baa Gelin qudha intaadiyo Kugu baray er’erigee, Haddaad aammin-doon tahay Eedahaaga biiraa Aqal maaha laga galo Arrin lagugu leeyahay. Marba waxay aslaysaa Asal lagu-xumeeyee Asliddeeda mooyee, Isu eeddo weeyoo Arbacaa ka werisoo Waxay tidhi Isniintii Ku idlaatay xagashadu; “IL-baxnimadu waa yaab, Maanta iibsadeediyo Axaddeedu badanaa! Weli waa ayaantii Lagu cunay ayaankee Immisaa ka hadhay tolow Berritiyo amaahdii Lagu qoray albaabada?” Afo waa ninkeediyo Arbe dheelli tiri kara, Aarna waa dhiggiisiyo Oori laysku dherersado, Aragtida midaysiyo Dadna urur ku qaan gaadh. Wacashada Ibleyskaa Indha-beelka sidatee Dhulka obolos baa shilay, Waxa lagu agaasimey Asaroorintiisoo Erayada tix-gelintiyo Ummadaynta ficilkiyo Innagaa ka madhatoo Hadba inan qolaystiyo Isagaa ku badatoo Magacyada Ukulidiyo Alabbada fal-tuuggiyo Anigaa ku tarantoo Asma lagu xabaaliyo Werwer bay ku aaseen. Dhal Aboodi weeyoo Intatabo ma weydee Adhaxday ka jiiftaa Addinkay ka tahay maya ILLinkaa fal kaga jabay Cabsi bay ku oodeen. Waa adduunyo teedii Ifafaalayaashii Aammanuun ka soo yiil. Waa iliilaheedii Agankiyo lurkeedii, Waa Aroosanteedii Indhal-furashadeedii. Marna Ayro-jookhiyo Ula-dhabanta soofkiyo Amba-qaadka jaantaa Kasha lulan ilaysoo Tabashada ob-siisoo Ha ekaatadeedaa Af-yaqaanku seesaa. Marna waxay ku ururtaa Agagaarka calalkiyo Raqda eegideediyo Ubbadeeda dacarta ah, Ajo-weerarkeedaa Arammidu qunbacataa. Marka lagu akeekimo Marka lagu ormeeyee Falan lagu af-duubee Marba eel ku gororee Hirashadu asqowdee Ulashadu hungowdee Asalkeedu guuree Ambisadu xidh-xidhatee Babbisadu ku orisee Is ahaanta kelinnimo Dadku wada-ammaantee Odeygeedu waashee Ina belo ka taliyee Lagu amarro-qooqee La-ILaahyo sheegtaa La-awoodo beenshaa. Marka laga dul ooyee Asaydeedu badatee Alwadkiyo hayaaydiyo Kolba aah! ku firidhaa Axdigeeda nabadeed Lagu aammusiiyaa, Bixisada ku oloshiyo Agaraa-damteedaa Ifisadu ka beridaa. Waa ammaaraddeedii Ardal loo qab-qaban jirey. Waa astaamaheedii Marka laga inaabsado Shimbirkeedu iman jirey. Waa awaaleheedii Allaheedu furan jirey Runta lagu asturi jirey. Waa Arooryadeedii Al-aloosku dhalan jirey. Waa Islaaminteedii Marka aadun laga dhigo. Waa abaabulkeedii Askarteeda lagu yidhi; "Xadhko harag Abeesiyo Urta bahalka hoosiyo Abur beena lagu dedey Usha ba'an ku sii daa" Waa ummuuraheedii Itixaanku saarnaa. Waa abraaraheedii Lagu kala astaysnaa. Waa ardaa-dhiggeedii Ninka aabo xidhatiyo Xasan Guure odhan jirey; “Mar hadday or'orod tahay Ragannimo abkeedaa Lagu iil-bannaystaa” Xil adduunyo waa qool Labadeeda aadka ah Waxa laysku aadshaa Marka labada aadka ah Midba dhinac ku aad yahay Laba dhinac ku aadaan. Orrob lagu bariistiyo Marka eexo-dirashada Lagu gabo arbeebbiga Af-ku-siran cad loo rogo Ereyguna ku madi yahay Alleylehe nin baa yidhi; "Arartaa gun noqotoo Kuma aaddo hawshay Dadku odhan lahaayeen Alle mahaddi weeyaan" Dadka oof dalooshiyo Ammin baa sugaysoo Waa ayaamo jiratee, Orka Gabay nin sugayow Irbad baa wax humisee Wax ku soo dar aammiin. Anda-qaadka hubantidu Qofba wuxu ishaartiyo Idan lagu cawaystiyo Ha ahaato maahoo Ficil baa ansixiyee Imminkaba garaadow! Arrimaha dad lagu yahay Ha ku xadin Allow sahal. Naftu weyska oydaa Marka aammuskeedii Cunto loogu iibshoo, Waxay eersi badataa Markay iimo badatoo Fadhigaa arradiyoo Baryadaa awaadhee, Haddaan aano loo hayn Anafada masayrka ah Cidi kuma irdheysoo, Kol hadday asturan tahay Cidi kama adkaatee, Halka aayaheediyo Awaydeedu yaalliin Alamtara fogaatiyo Abataqan ha kaga dhigin. Isirrada gobtoodiyo Agabaynta liileed Unkiddii fal-samidiyo Abyantii dalaysnayd Alabada farshaxannimo Halka ay ku ururtiyo Wax abuur ku talax-taga Axadkeeda mudanka ah Ma abaaddadiisii Galladdii adduunkiyo Wax-ku-oolladeedii Bilicdiyo As-gogolkii Mahaddiyo ug-baadkii Dhulka lagu ilaa-xidhay Noloshiyo ilayskii Indha-korisadeedii Allannimadu saarnayd. Idil halabadeedii Uduggiyo cuddoonkii Quruxdiyo il-waadkii Ugubnimo ku dheehnayd, Onkodkiyo hillaacii Afaggaalladeedii Ashqaraarradeedii Dadka baray aftahamada, Ula-jeeddadeedii Lagu sugay abbaaraha Nafta lagu abaabulo, Asalkiyo hufnaantii IIdaanka noqon jirey Hadba oonta lagu liqo, Ishin-buuxsankeedii IImaanka dhali jirey, Qumanyada afuuftiyo Ku xusuuso aynfaad. Ergadeeda dunidii Uhu bay ka qaaddoo Arxan gooyeheedii Ka baxsaday asxaantaa Ka dhex galay ilaalkii Ka baxsaday inkaartoo, Ibo-laalankeediyo Awaydeeda gurantaa Isha deeqi waayoo, Hadba soo ur'ururkiyo Abshirteeda fagantiyo Aayeheeda jiitiyo Idifkiyo rifnaantiyo Afkan sii balwanayee Hadba idhan durkinayee ILko sii qor-qorayaa Nafta aamminkeedii Anfariir ku dhaliyee Aga! Aga! Nin yaabow! Addinkaa deg-degayee Haddaan Aadan soo noqon Aga! Agada! Maantaas Aga! Kale ku doon-doon. Aafadaada mooyee Dhulku iin ma yeeshee; Waxay eersanaysaa Dadka alamsigiisiyo Insi iyo Jin weeyoo Laba-aabbudhkoodaa Asaddihinta keenoo Garashada ablowdiyo Gudin jecel abaartaa Marba aag bannaysoo Erigo'an ka yeeshoo Ufadiyo dabayshiyo Omoskiyo basaastiyo Waxa umal hadhsanayaa Waxa uumi shidayaa Waxa oon ka hurayaa Waxa oog ka baxayaa Waxa olol ka kacayaa Waxa uus ka hirayaa Waxa baas ka urayaa Waxa eel ku da'ayaa Ruqa-udubbadeediyo Arradkeeda buuxaa Ololaha birtaadiyo Hubka agabarkiisiyo Aragtida hunguriyo Ambadkaaga weeyaan! Dabashada Atoorkiyo Qalashada Ugeybkiyo Ummul-raaca Maqashiyo Waxa Dheri olkamayaa Waa Abaydinkeedii Lagu cunay amaahdoo, Naca Aynabkaagiyo Argagixisadaadaa Urugada ku dhaliyoo, Waxa damal Ab-guuree La engegey harraadkee Berkeduu asqeeyeen, Waxa Lebi agoonee Ehelkiyo bahdiisii Olloggii ku xeernaa Laga guray unuunkee Cid-la' keli ku awdalan, Jabka eleledkeediyo Axda geedka dhacayaa Isir nugul damqaayoo, Boqol-eefiddaadiyo Aabigaaga waxa lumay Nin ‘og baa xusuustoo, Hadba waxad abbaartaa Barta lagugu eediyo Godka ooda-rogankoo, Carra Edeg haliilow! Ayax baad ku noqotoo ILLashada hammuuntiyo Ardi baad ku gadatoo, Ahminkiisa nuurka ah Ababkiisa naarta ah Okholaad ku shubatoo, Arroweeladaadaa Ku addoonsanaysoo, Waxad tahay Af-madhan-diid Abxaddiisa gaalka ah Weligiis la iidoo Dhulka arah ku joogoo Hadba ubaxa laaciyo Aslantiisa diirtoo, Urtadiisa dabadeed Ku abqaala ciiddoo Uskagaynta mooyee Abdo kaama dhalatoo Waxa eel dul-yaallaa Waa areebadaadee, Mar awoowihiisow Mar ayeeyadiisow Waa abaal-gudkaagii Rabbi kugu aqoon jirey! Waxad tahay Arkaa-qaad Ibtilooyin badanoo Marba Saar eryanayoo Hadba aafo dhabatiyo Ololayso kicisoo, Mahad lagu idlaystiyo Marba deeq af-rogayoo Axankiisa cunayee, Ha ku eeran bixisada Marba lagu-ag’ dhigayee Ajashaadu sudhan tahay. Dadku waa ab culus yahay, Ohli maaha weelkiyo Lagu rido alaabtee, Ha addoomin garashada. Waxad tahay ugaaskii Hanashada adduunkiyo Ifka loogu hiishee, Ha la biqin awoodaha Lagu furo albaabbada Xujadoodu adag tahay, Axdi baa Ku-xidhayee Magantaad ka oday tahay Marti Adigu haw noqon. Alkun laga war qaatiyo Murti lagu ul goostiyo Waa adduun sarbeebo ah Waa abuur wacdaro badan Waa astaanta hirashada Waa abbaarta xilashada Waa ilayska barashada Waa aqoonta gudashada Waa ammaan-ku-sugashada Waa ILaah-ku-garashada Nafta lagaga eed baxo. Asli weeye raarridan Waana amarro-weyn tahay. Orgobaynta hororkiyo Gudmo lagu ugaadhsado Adyad looma soo rogin. Idan bay ku joogtaa Duluc iyo ujeeddiyo Ahab bay ku tahay duni, Eray bay ku timi qudha Misna lama astayn karo Erayadu ma koobaan Alleheeda mooyee Af tirshaana maba jiro. Sirta unugyadeediyo Alifkiyo ya'deedaa Hadba sii ekaadoo Dadbanaa Aloolkiyo Abjedkeeda dahan baa Marba adag gashanayoo Ibaheeda sudan baa Marba aasan dhalayoo Waxa aadmi garan karo Ibir madhan ka dhigayoo Indha-daalis weeyee, Taxanaha arooriyo Udbaheeda Saantaa Wax aqooni hubisiyo Waxay eegmo baratiyo Ino way ka badan tahay. Nin ku ayni-dhaafiyo Qof ayaamo milicsaday Oommanuu ka joogaa! Orod laguma jiidhee Axadhkay ku tahay samo. Ifafaale mooyee Kol haddaan oddorosyada Berri alabbadeediyo Runta lama-awaalka ah Sina lagu ogaan Karin, Wax-aqoolka taladiyo Fulintiyo awoodaha Ta-ahaata weligeed Cidi oolin karin taas, Way ka ood shishaysaa Ardaygeeda waagiyo Nin aroorta sugayoo Nin aflaxay tin kama jarin, Nin irmaanta qaadiyo Axad jiraba waa been Afartiisa weedhoodh. Isa siinta taadiyo Anigiyo Anaa huba, Runtu kuma idlaatoo Ikhtiyaarka gaarka ah Cidi kuma ahaatoo Qof iskii is-mahadshaa Maba jiro adduunkee, Asalkeeda garashada Ha ka dhigin ogaalkaa! Haddii looga Awr-dayo Sadarrada agnaanka ah Lama helo asaaskee Waxa lagu ilaashaa Isir-barashadeediyo Wacad oofinteedaa Aayaheeda weligaa Hanashada ku eel-saar, Oogsigeeda faralka ah Xaajadeeda ugubka Lama-aragta kowda ah Ku arrumi xadkeedii Marba loo akhriyi jirey. Ma irmaana weligeed, Igadh maaha yu’ashada Lagu ibo-salaaxee Marka ay asooshiyo Markay uurka leedahay ILma-rogashadeediyo Ku baxnaani iimaan. Samaheedu waa iib, Ha amaahan teedoo Oogadeeda waxa yaal Ha ku urursan boobkee Oggolaansho weyddii. Asturkeeda mooyee Yaan ayaanku kaa noqon Furashada ab-guurka ah. In ka gooso mooyee Ha ku agagas dheeraan. Ashkir weeye qurux badan Inannimo carteediyo Ugub kay ku tahay shay Araggay ku wacan tahay Afka laguma gaacshee Indhahana wax kaga guro! Wuxu waa adduunyoo Lama sudho ‘agtaadee Waa la-aakhireeyaa! Way ammaano jeceshahay Waanay eeso badan tahay Ma illowdo godobaha, Ashtakooyinkeedaa Fara badan ayaantay Ka lahayd afeeftoo Eedeheeda lama galo Utunteeda lama xigo Aanadeeda kugu maqan Nafta laguma aamino. Abhinteeda badatiyo Ergadeeda maragga ah Ayo! laguma gees maro. Denbi-oogiddeediyo Aarsigeeda lama sugo. Indho lagu xaqiijiyo Runtu aragga maahee Aaminkeeda weeyaan. Dhulku Aayad weeyoo Lama oga xogteediyo Arrimaha sirteedoo, Xarumaha Aboorkiyo Aqallada Dhalleydee Shimbiruhu ka oriyaan Agaraadam maahee, Arar luuq-ku-qarintiyo Ma-amuumiyeyntaa Asaraar ku geliseen? Dhagaxiyo Aleeluhu Dhego awdan maahee Aammuskay ku nooshahay Waxa dhacaya ku og tahay Eegmaday ku tahay ruux, Waa ummuur ku-dagasho ah Lagu dayo qof Aadmiyah. Isa-sudhanta kayntiyo Aydu maaha keligaa, Ooshu waa naf iyo reer Ummad baad dhex joogtaa Amarkeedu culus yahay Agahaagu waa duul Isha ba’an ka saahidey. Lama uubateeyee Yaan asluubtu kaa lumin! Wax ka awr-ran baad tahay Habka Eyda dheregtee Haki ababa’daadiyo Afar-qaadka kibirkiyo Alalaaska nacaska ah. Ummushooda huruddiyo Abi-xoorta dhalatiyo Ubadkooda kala quban Aashaa! Ka aashaa! Addimmada ka dhawr-dhawr. Awrka qooqay Jinacyada Waa Abeer ku-carashee Al-alooska hawlaha Ha ku ridin amaagguur! Bullashada Amuurkiyo Xerta alabaskeediyo Ardaydooda shiranta ah Nabaddooda eexee, Cagta aayar dooh-dooh! Mulacyada arooska ah Colka inan-la-yaalaka ah Ooryahooda diibka leh Kal-amaarka Shalanqada Nafta idibbilkeediyo Uunsigeeda baaqa ah Ha ku yeedhin uugaan! Dhirta oday xidaariyo Awliyaa ka dhalatoo Waa akhyaar la-moog yahay. Hal-abuurro magacliyo Waa Abwaanno qaarkood Laga qoro af-tahamada, Dadka way in garataa Qofka waw ab-tirisaa Ka ilaali dala'siga, Afka lagu xubeeriyo Ixtiraamka kula hadal. Ahlantaa xasilisee Ha ku uur samaatee Ehelnimo ku xadantee. Yaanay oodda kaa rogan Isha yaanay kugu gubin Yey Afkeeda kugu xaman Bahal yaanay kugu odhan Axmaq yaanay kugu qorin Yey asaasaq kugu tolin! Arlo lama maleeyoo Uumiyaa Ku-filayoo, Isirrada dad weheshaa Wax imbiiga maahee Ku aqoonso qirashada Aayadaa ku soo degey! Edeb baa hor joogtee Usta! yaanay kugu hodin. Ka-ka urursanaadee Anshaxiisa jira noqo. Abdo kuma-shidhaystiyo Dadna looma ooyaa Arag lagu xasuustaa Yaanu eersi kaa geyn Arrimaha xuduudka leh. Arxankaa garaabee Doqon baa la-eedaa Yaan asxaantu kaa madhan. Egmashada dadnimadiyo Ku dhex joog aloosnaan, Amranaanta kula dhaqan. Dadku waa addoomoo Lama siin awoodaha Alle lagaga maarmee Keli lagu ahaadee Ha illaawin baqashada. ALLAA MAHAD LEH. Tifaf-tirkii iyo diyaarintii: Dhuux Digale Dualeh.
10. Barabaraale Kor aad
Iyadoon bartiro jirin Wax la yidhi lixlaha biig Haddii Baashe lagu dilo Marka qaybta laga baxo Boolaynta laga dhigo Shaxda booli-tuugiyo Sharci boob ah lagu wado Afar turub nin barashada Ka bogtaa ku gacan gala Baandheeyaa weligii Wax ku beela qaabkaas Waxa adag ka bowsadey Isagaana badin kara Shaashowdey bilicdii Ban martoo la garan waa Badhxantoo la maydhaan Waxa lagu balllaysimay Indho buuryo-goyseed. Buurrantu muuniyo Barkhad kaydsan maahee Barar taws ah weeyaan Bugtadiyo xanuunkuna Haddaan baadhay waa ciil Bahalow shabeelow Hooy bara baraalow Waaryaa nin buureed Bulsho waxay ku leedahay Beri waxaan ogsoonaa Adigoon ka soo bixin Casha boholaheedoo Dhirta baaxad-weynta ah Baarkeeda seexdee Maqlay inad bannaanniyo Timi badhaha hawdkoo Bulbullow libaaxii Boqortooyadiisii Duhur ugu badheedhoo Burjigii ka furatoo Bili qaadi weydee Beelahanagtaadaan Kaa soo bariidshoo Budulkay la soo galay Barkintaad ku jiiftee Waxba baadi xoolaad Beryahaas ma kulanteen? Bahalow Shabeellow Hoy bara baraalow Waaryaa nin buureed Bulsho waxay ku leedahay Beri waxan ogsoonaa Adigoo baruurtiyo Cunin bulad Ammaankoo Riyahaaga baadhee Bishan iyo bisheedii Boqol iyo lag baa maqan Wanankii Ba-Ceeblee Badhi iyo leg goormaa Boholyowgu kuu galay? Balse waxa la yaab dhalay Nin barwaaqo haystoo Ka engegan badhaadhee Bishmahaagu Caarrow Maxay kuu basaaseen Ma buskaad is-marisaa? Bahalow Shabeellow Hoy bara baraalow Waaryaa nin buureed Bulsho waxay ku leedahay Dadka baylahdiisiyo Baloolleyda tebiska ah Koromada berdaa-le'eg Iyo dibida beyga leh Barbarriiji weligaa Tarab tarab u boqol goo Isku biirso liqanyada Isku baano yeelkaa Balse waxa la yaab dhalay Barta aad ku qalatiyo Baradaaada caydha ah Raqi kama cidhaantee Ma laftaad burbursaa. Bahalow Shabeellow Hoy bara baraalow Waaryaa nin buureed Bulsho waxay ku leedahay Badda iyo nafleydii Balliyada ku noolayd Bogan waaye jiifkoo Wadnahaa babbanayoo Beerkaa legdamayee Xaggay bayr ka yeesheen Biyahana ma joogtaa? Bahalow Shabeellow Hoy bara baraalow Waaryaa nin buureed Bulsho waxay ku leedahay Maxaa haadda buubtiyo Baqayaha daruuraha Balwadiisu noqoteen Wax la baratamaa jirin Ama booddo lagu qaban Baqdintaada awgeed Bogga uga qadhqadhayaan Miyaad baalal leedahay? Bahalow Shabeellow Hoy bara baraalow Waaryaa nin buureed Bulsho waxay ku leedahay Bari iyo Galbeedow Haddaad baahdey aashaa Qalwo bogox ku leedahay Bidixdana ku furan tahay Midigntana badhkaa yaal Nin boqol ku tala-galay Dhankee kaaga baydhaa? Dhinaceed u badan tahay? Barbarkee ka maqan tahay? Bismillaahi yaahuu- Degelyohow barkuma-taal Bulsho waxay ku leedahay Bisiq iyo xangeyiyo Banji iyo dharkayniyo Bilcilkaaga hawliyo Dhirta boocda mooyee Tolow baad la daaqiyo Miyaan cawsna kaa bixin? Degelyoho barkuma-taal Bulsho waxay ku leedahay Beertaadu hoog iyo Bacad iyo habaas iyo Bacow iyo qaniin iyo Badso io shirqool iyo Burso iyo khiyaaniyo Beeraadka samihiyo U buseelka godobtiyio Boqon goynta nabaddiyo Booraanta jarankiyo Boholaha asaydiyo Cabsi iyo ma been baa? Biyaheedu dhiig iyo Xinjir bururinteediyo Ma baroorta dumarkaa? Balka iyo sabuulkuna Ma banbaane ololiyo Waran iyo billaawiyo Baaruudda huguntiyo Birta lagu idlaadaa? Baaq baaqu daab iyo Bishil iyo ma soofaa? Waxa lagu bislaystiyo Badarkeedu dhimashiyo Baga iyo ku digashiyo Ma busaarad dhegalaa? Bahalow Shabeellow Hoy bara baraalow Waaryaa nin buureed Bulsho waxay ku leedahay Beryahaagan ka horow Bahda habar-dugaag yahay Marka ay biciidkiyo Koran buuran loogtaan Inta boodhku qariyaa Waxba yay badhkoodiyo Helin bawdo hiliblee Kolay biixii ruugaan Marka biidhi-qaatiyo Qawluhu is-boobaan mid afkii ka buux samay wax ka bililiqaystaan badanaa ma qadi jirin raqda baallaheediyo badka kama maqnaan jirin saw tan Buulalleydii ku bakhtiday ag-taadii. Burrusow Dameerow Biyo ceel ma keenow Hadba dhaan ku biirow Beelaha aroorka ah Iska daba boqoolow Bulsho waxay ku leedahay Geela baadi soocdiyo Sumaddiyo birqaabka leh Boodaanta wada xidhan Meeyey baarqabkiisii Baqal looma tu'iyee Yaa baacso kugu yidhi?
11. Beeraad Top
Aan baab tusaala ah Ku bireeyo heestee Waxa iga ballaysina Bismillaahi waa kow Cabdiyow ba'lagu yidhi Beertii jacaykow Haddii siinki buuq iyo Badhax iyo cindiid dhalay Kaftankeenna balliyo Ba'ba aan u rogannee Waynoo baloolley Lugta bidix ka jaamee Barni iyo Saluugliyo Basradii Hargaysiyo Burco Saxarladeediyo Cabdiyow ma beenayn Ballankii Suleekhee Sed bursiinyo doon baa Beled-weyn I geysoo Badhidaan leggeedii Is lahaa ku biirsoo Waxaan buuxi leeyahay Haantii barwaaqee Bi'I waaye Qaysow Hawshayda kala quban Xilka aan u baydnahay Barashada xusuusta leh Ha ka dhigin bar kuma taal Ana baadi hadaftoo Iska badalli roortiyo Hayga dhigin nin biya-dhacay Sheekada bu'deediyo Baaceeda sii raac Gunta hoos u sii baadh I baxnaani saaxiib Ruuxaad ba'iisiyo Iintiisa baratee Bedenkiyo calooshiyo Kuu baadha feedhaha Boogtiisa Qaysow Lama sii banneeyoo Bacda lagama jeexee I banbaani saaxiib Beerlula warkeediyo Buundada korkeediyo Baaxaa deggaygiyo Kalgacaylka beermiyo Taliyaha I badhi-furay Berigaas wixii dhacay Bandhiggii nin joogow Sheekada ka bogatoo Uma baahnid faallee Adiguba barbaartiyo Bulshadaad la socotoo Barbar baad ka saarayd Baabuurka dhoofoo Batarkiyo ciyaartaba Adigaa ka boodee Cabdiyow baroortuba Ka badh weeye meydkee Beybeysigaagiyo Beeraadka iga daa. Ragna biime weeyee Taladii bir lagu jaro Hadday baydu furatoo Xadhkaheedu buubaan Lama baraq nuglaadoo Bishmahaaga Qaysow Baqe lama qaniinee Waxa loo badheedhaa Biyo dhiijinteedee Haddaad bayr ka leedahay Biyo jira kashaadiyo Buro adiga kugu taal Boholiina lagu dhacay Ma bir baynu xidhannaa. Iska booqi maayoo Bulxanka iyo qayladu Wax bilaasha maahee Beesheenna weyn baan Ku baxaan baxaayoo Hadba dhinac ka booqdaa Hablaheenna biligiyo Bilic lagu majeertee Loo soohay baarkaa Timahaa ka badannoo Iyagaan bad iyo webi Ugu baaqayaayoo Anna biligta laafyaha Baxsanaanta jaahaan Ku baarugaayoo Hadba tii I baabtee Boholyow I gelisaan Kalgacaylka Boodhari Ku bariidiyaayoo Boogaha jacaylkaan Siiyaa badhkeedee Waxa kuu bushaara ah Berritana Jamaamiyo Baar-Dheere iga eeg Ido boqol kun gaadhoo Barqanaaya doog baan Hadba baal u rogayaa Bahalaha ka rebayaa Barkan maayo gacantoo Baashaali maayee Cabdiyow bal ila soco Aan baab gunaanada Ku bisleeyo heestee Waadigan ba'iyo siin Labadaba bilkeedee Anna baadi doonkiyo Budulkaan ku joogaa Belo waa danbaysaa Ha is boobin saaxiib
12. Beledweyn Top
Bi'i waa jacaylow Boodhari inuu diley Been baan u haystee Bi'i waa jacaylow Boog aan la dhayinoo Cidi baanan karino Beerkiyo wadnaa iyo Bogga kaaga taalliyo Inuu yahay bir caashaqu Been baan u haystee Webigoo butaacoo Beeraha waraabshoo Dhulka baadku jiifoo Dhirta ubaxu buuxshoo Canabkii bislaadoo Badarkiyo galleydii Laga tuuray baalkoo Bulladiyo ciyaaraha Lagu waa bariistoo Beeluhu gu' joogaan Sow beri-samaadkii Beled Weyne maan tegin Dhanka bari magaalada Sow boqorad joogtoo Biyo dahab la moodoo Cilicdii haweenkiyo Bili loo dhameeyoo Timo boqonta joogoo Baal gorey la moodoo Baarkana casaankii Bidix midig is gaadhoo Bul-cad lagu xiddeeyoo Badh ku xeexanaysoo Barkanaysa qaaroo Huwanaysa baaloo Igu beertay lahashoon U buseelay maan baran Sow goor barqa ahoo Bishu ay siddeed tahay Aniga iyo Beer luli Isku maannu soo bixin Sow bariidadaydii Iyo bedashadeedii Buundada ciyaartee Beled Weyn ku taallee Biyo lulata guudkood Badhtankeeda maahayn Sow bixiso weeyee Ballan maanu dhiganoo Beeri joog imay odhan Sow bayd go'aygii Layguma bushaareyn "maantaa la baxayaa bulshadii imay odhan" Sow waa bastey oo Socod beegsan maayee Ina baaja caawoo I baxnaansha maan odhan Sow taliye baasoo Ba'anoo war-moogii Taydii ma beenayn Sow badiba kooxdii Goortay badheedhee Baabuurki fuulleen Anna baal kamaan korin Boholyow daraaddii Sow baraq nuglaantii Belo lagu ducaystiyo Baryo kumaan maqnaynoo "Biri may xumaatoo batroolka daadshoo ka wadaa bukoodoo bogsan waayo" maan odhan Sow beriga waagiyo Barqo kulul dhexdoodii Geed baaxad weynoo Dherer iyo ballaadh-loo La yidhaahdo Baaroo Bilig dheer hirkiisii Ma bidhaan sanaynoo Bulxankiisa yeedhiyo Ma maqlaynin baaqii Sow baaxad soorii Iyo laba boglayntii Maan noqon bestey oo Bacadkii ma dheelliman Sow galab-baqoolkii Annagoo barwaaqiyo Meel baadle joognoo Tumanayna Beerrey Sow maan baraarugin Riyo beena weeyee Sow baalla daymii Baabuur lalaahyood Haad baalle mooddoo Fananaaya buur dheer Isma odhan ka boodoo Nafta sow ma biimayn Nin Banaadir joogoo Beled-Weyn la haystoo Waxaan ahay la baabee Sow baadi doonkii Weli baafi maan ihi Beled-Weyn Allahayow Ka dhig xiro badhaadheed Beerlula Allahayow Belaayada hareer mari Beled-Weyn Allahayow Ka dhig guri barwaaqeed Beerlula Allahayow Beryo samo ku noolee Beled-Weyn Allahayow Ka dhig beerta raaxada Beerlula Allahayow Ka barii wax yeellada
13. Bulsho Top
Talooy go'an baydahaa Xujooy taran bedenbedkaa Hawooy balaggaa furfuran Sengow dhimay badalligaa Biddoow camalkaa ku sheeg Badeey adigana muggaa Hirkaagiyo baaxaddii Buraashad miyaan ku dhuray Ballaadhkiyo mowjaddii Bilaale miyaan dardaray Shantaa hore bidix lisee Caroog kulul baa balwadey Babtiisii baa la naxay Dad baa isu soo bulladay Dhankee babbisadu jirtaa Baquhu yuu saaran yahay Ninkee boholaha Xargaga Balbalo u daboolan tahay Bulshaale wad buu sidaa Bahdoon buu maaggan yahay Ul boocuu ugu tukubay Berdaa lagu kala negaa Dhexdoodii buu ka baxay Dhammaa beydbeydsigii Ban weyn baa layska helay Fallaadhuhu gun iyo baar Bartii shiishkay hayaan Biciidkuna wuu arkaa Xaggeese la beegsadaa Badbaado miyay dhacdaa Belaaydu yaab lahaa Wax bay buun buunisaa Nin jeeday bararisaa Shantaana ballaysinkii dheh Bulshoy adigaa milga leh Ninkii boojimo ku yidhi Shalaad barataannu nidhi Bayluulida haw furfurin Bariidana kaama geyo Ninkii ballankaaga qaaday Ka baaqday xilkaad u dhiibtay Ka baydhay ujeedadaada Ku boobay adoo sabool ah Ku wiirsaday baaba'aaga Adoo bogan waayey taada Ninkii u buseelay raaxo Huwaday bulbushii libaaxa Buruudkiyo shaashka qaatay U booday cirkaa dusheenna Bilkeeday laboontidiisa Buurtuu koray waarin mayso Heddiisana baajin mayso Kub iyo bawduu ka jabi Shantaana umal fool bashiishtay Berdaanka xusuusta ii dheh Bulshooy adigay boqraday Beerkayga adaa gogladey Bogeyga adaa huwadey wadnaha adigaa barkaday bishmaha adigaa furfura Markii lagu bililiqaysto Markii baaqagu yeedho Ayaan boholyoow gabyaa Dareenku baraarugaa Bulshooy adigay boqrday Adaa bili igu shakalay Baruudka adaygu xidhay Haddaan ahay wiil bir kulul Burjiga adigaa iska leh Badheedhka adaa i faray Dagaalka adaa i baday Belaayo haddaanay dhicin Dantaada haddaan la bi'in Haddaan baradaadu guban Miyaynu is baran lahayn Haddaan wanka badhida weyn Baraarkana loo qalqalin Ninkii cunay booligaaga Haddaan buro loogu darin Saboolka haddan la badin Haddaan boqol ruux la korin Dhulkii beeraha lahaa Haddaan basanbaas ka dhicin Bal iyo xaab laga idlayn Dadkii qabay berisamaadka Haddaan badhax loo shubshubin Barwaaqadu tuugsi noqon Haddaan badar loo kaltamay Biyaha sixin looga dhigin Basaasta ninkii huwaday Badhaadhnay haddaanu oran Naftiisana been ku furan Miyaynu is baran lahayn Haddaan waa kuu beryaa Bayuur iyo ummal ku tarin Haddaan berritiyo sed maqan Bushaara lagaaga dhigin Baxnaanadu kugu adkaan Haddaan sida Baar-caddaa Baloolliyo badowyaley Naftaadu ku ciil belbelin Qabiilka haddaan la bilin Haddaan boodhka laga tuntumin Haddaan is bahaysigeenna is biirsiga wada-jirkaaga Budh iyo xoog lagu furfurin Bartaada haddaan la dhicin Bukaanka haddaan la nicin Haddaan bogso lagu daweyn Miyaynu is baran lahayn Barbaarta haddaan la layn Billaawuhu dhiig matagin Ninkii ku bud dhigi lahaa Haddaan baqayuhu ka lalin Halyeyga badbaadadaada Haddaan bahaluhu ku shirin Haddaan bir ma geydadaada rasaas loo berentensiin Waraabuhu baan ka dhigan Baroorta qofkii lahaa Haddaanu u rogan bil-khayr Belaayo xijaab ka dhigan Wixii hadhay baylahdaada Haddaan buntukh loogu talin xanuun lagu baraq nuglayn Nin bayr lihi salow ku gelin Miyaynu is baran lahayn Basaas iyo oon dartii Haddaan dhulku baali noqon Haddaan sida bagagidii Banaadir indhuu ka nixin Bariiso haddaan la qixin Boqoolku is daba taxnaan Bugaan bugtu gelin Xijaas Badroolka haddaan la yu'an Hablihii boqorkiyo dhacalaha Baftada lagu wada yiqiin Haddaan baxsadkooda dheer Baxreyn laga soo qab qaban Haddaan boqorrada Carbeed Amiirada baalka xidhan Kun jeer baryo loogu tegin Miyaynu is baran lahayn Haddaan bari ina qalayn Haddaan bogox ina fantayn Beelahaa ageheenna yaal Haddaynaan buro ku noqon Tukii baallaha caddaa Adduunyadu baadideenna Bannaanada kaga xeroon Boogteenniyo dhaawaceenna Haddaan baga laynna odhan
15. Ceel Walwaaleed Top
Wahe dhalashadaadaan Farxad waalan gaadhoo Weedhkiyo dabaylaha Ama weriyahaagii Goortaan waraystaa Werwer ii dhammaadoo Wahab layga qaadoo Lugtu weerar mooyee Wahsigii illowdoo Wadar iga lib-haysaan Wiil curad sidiisaan Wanan kuu bireeyoo Waayeel duceeyaan Wacayoo u yeedhee Walqashaadii maadaa Cunay waaxyaheedii? Weger iyo ka waaweyn Tani waa ka waasacan Hadday ceel Walwaaleed Ku go'aan wadaamuhu Waan-waani dhacantee Wadnahaan farta ku hayaa. Inkastaanu weydeyn Waranlaha ilaashaa Waadaasha xooluhu Iyadaa waraabaha Wehelkeeda mooddoo Woohowda diiddee, Waddo halaq nin moog baa Waabay ka leefee, Wed hadday ka nooshahay Waageed ha gaadhoo Waxaraaha raacdaan Wakhti kuugu simayee Goormaad wadaadkiyo Weliyada sidoodii Ii waaninaysaa Wacdi ii furaysaa Werdi ii rogeysaa Weger iyo ka waaweyn Tani waa ka waasacan Hadday ceel Walwaaleed Ku go'aan wadaamuhu Waan-waani dhacantee Wadnahaan farta ku hayaa. Isla-weyn qabkeedaa Wiyil aan jaraysnayn Ugu wadha maqaarkoo Lugta webi u geliyee, Haddaan weel gun laga tolin Waayaha adduunyada Xog-ogaal la weydiin Ruuxii gu'kaa weyn Lagu odhan wax ii sheeg Taladaadu wiilooy Dalab waayi maysoo Qofna waari maayee Mudanaha walaalkaa Haddii weerar lagu dilo Isha lalama waabtee Weerkiyo baroorta Dadka lala wadaagaa. Weger iyo ka waaweyn Tani waa ka waasacan Hadday ceel Walwaaleed Ku go'aan wadaamuhu Waan-waani dhacantee Wadnahaan farta ku hayaa.
14. CAJEB Top
Cajebey cajiibeey Cawo iyo ayaaneey Caqligaad xadaysaa Caku barashadaadii Iyo caabuqaagee Sida faras cag fududoo Cadda-horor yaqaannoo Gulufkiyo colaadaha Ninka lihi cad-goostaa Raggu kuu cugtamayaa Anna caashaqaagaan Hadba weel u culayaa Cimri-dherer hadhkaagaan Riyo kula caweeyaa. Dhulka oo cagaaroo Cosobkii dul-saarraa Isagaan car-jabin weli Cabbanaan daraaddeed Ciidda hoose raantiyo Kula ciiray fooddoon Cagta meel la saaroo La cuskado lahaynoo Calcalyada xareeddii Halka godan cuslaysiyo Fiid-cawl horraantii Cirka oo daruuruhu Midab wada cillaaniyo Ku dhigeen canjiidaha Xilli ay cadceeddii Dhar cashmiira xidhan tahay Sagal caasha saaraad La wadaagtey caanoo Haddaan caawo kale jirin Cidi kaama garateen Geed cal iyo buur dheer Carro-hodan ku yaalloo Cokanoo irmaanoo Dhirta kale ka caynoo Cimilada agtiisiyo Rugtu qurux ku caan tahay Dusha sare caleentii Laamaha is-celisoo Hoobaan casuus lihi Cartamayso dhinacyada Ubaxuna tin iyo cidhib Kaga dhigay cabbaadhyada Shimbiraha ka ciyayaa Intay heeso curiyeen Isku camal wareereen Dabadeeto carashada Markii laysku cayn go'ay Isu ciidan doonteen Halcabbaara goortay Isu calan walleeyeen Cadho kala maqnaayeen Cadcaadiigsi geedkii Ciddiyaha ku qariyeen Codka luuqda heestiyo Carrabkoodu kala tegay Carcaraha is daba maray Cudur jirey ku baaba'ay Dhallin caana diiddoo Guryihii ka caagtiyo Cadraddiyo barbaartii Sida goob ciyaareed Ugu soo carraabeen Calaf waa halkiisee Hadallada cawayskaas Ku calmaday u badan tahay Carshigaa nasahan baad Biyo wada cabteenoo Haddaan lay cadaabayn Rabbi ii cadhoonayn Dadku in ku caashaqo Madowgiyo caddaankuba Ku caleemo saaraan Sow kuma canaanteen
16. Daalacan Top
Maansadani waa maansadii labaad ee silsilladda Deelley ee uu Gaariye Bilaabay. wuxu yidhi Hadraawina: Ma da'furin ogaalkay Xaska dabada maan gelin derejada ilhaamkiyo hibadii dalaysnayd uma dhiibin duudduub Weli Dalawadaydii Doobigeedi may dhimin Dibu-dhigasho mooyee Wax is doorshey may dhicin Afartaa xan durugtiyo Danni jira wax sheeggii rag hadduu dagaal galo Danta guud xilkeediyo U dareero fuullaan Ashkir deeddan badiyaan xakamaha la doontaa Duullaanka kama hadho gaarriyoow dugaalkiyo Shaxda Delebka taallee Daawashiyo cayaarba leh Sirmaqabe ku diirsaday Aniguna hog baan degey Digba waa digteedee Deelleydu waa laba Afartaasi waa duud Arrin wadata diirkeed Dulmar gabaygu lee yahay marka dooddu kulushahay daldaloollo muuqdaan Doogashada qabiilkiyo Dacar iyo ladh soo kaco Nabaradu dillaacaan dadku kala qaloodaan Marka dhidar ku daadego Booraan dahsoonoo Hilbo laga diqoodoo Damac-beelay yaalliin Dabadeedna uuskiyo Duufkiyo xumaystii debedda ula soo baxo Dadku shaamareeraan Neecaw delleganoo Doorsoontay uriyaan Waxan ahay dareenkii Noqon jirey daruurtee Sidii roobka di'i jirey Dalka wada dhammayn jiray Indhaweyto daaf iyo Cudur daansha socodoo Duulduulay baa jirey Daacuunse maahee Asal-tira-ma doorshuhu Duraygay abuureen Ma og tahay nin doorkiyo Inta neceb dir soocee Derejeysa qarankiyo Durdurrada aqoontiyo Qalinkiyo Dawaadiyo Deelleyda curatiyo Innagaa ka daba tegi Durbaankay tuntumayaan Dawankaynu sidannaa sida danaba u baab'in Dugsadaha qabiilkiyo Dib-ka-naaxa shaac baxay Diga-rogashadeennii Iyo dawladnimadii Dib inay u celiyaan Qorshahayga kuma darin Nin kastaa ha duudsiyo Ama dala'si haw xado Ama duurka haw xulo Ama dabinno haw dhigo ama duhur ha weeraro Ama damac ha dhaafsado Gobannimadu waa degel Dayax iyo iftiin nool Dumimeyso weligeed Anigaa dabka u sida Dal-jirkeedi baan ahay ninka xagal-ka-daaciyo Goldaloola iga hela Isaga iyo digtoonkii Anigiyo dagnaantay Taariikhdu duuggeed Diiwaanka qarankiyo Wixii deyn cad ii qoran Dirirtiyo rogaalkay Dahabka iyo maartiyo lacag aan Dur wadannoo Laba daabac sidatiyo Dalaga iyo beeraha dacalada Shabeelliyo webiyada dugsaniyiyo Danbarsada labeentiyo Dirirradu habaaskiyo Dusha sare ka maydhaan Daarahan casuustaleh Kolba midab la doortiyo Diibka lagu mariimee Shanta Datsun yaalliin Hanti aan dal dheer iyo laga keenin dibadaa Karti iyo dedaaliyo dardar lagula soo bixin Duullaanna loo gelin Duco waalid soo hoyn Carshigana ka soo degin Deeqdaa la yaabka leh Ninka weel darsanayee digashada saboolkiyo Ku darsaday badheedhaha Miyaan eedi daba ool Godobtiisu dedanaa Bulshadeenu waa duul Daacad iyo xishood badan Dun xariira weeyaan Cidna uma darraadaan Dar Allay ku dhaqantaa Dareen waw dhegweyn tahay Ogow doqonse maahee Qofka maamul dalabliyo Dabbaal-joogto hoosiyo Dibindaabyo ugu maqan Degdeg uma tilmaamaan Nabar kulama duulaan Dib bay ugu muddaystaan Dulmigiisu waw kayd Afartaa dun quruxliyo Diillimaha Biciidkiyo Dildilaha farshaxankiyo sida delebka ma dhigay Mid kalaase ii dihin weli dooddu ii furan Maansadan dabayshiyo Duufaan sidiisii Dalandool u socotee Dalladii qabiilkiyo Xidhan waranki deyllaa Laga furay daboolkii lagu gado dukaamada Miyaan xeer dabbaaliyo Sharci laba-dibleeyiyo Dar u qaybsan loo hayn Toloow daaya yaa yidhi Duumadan xanuunka leh Kuwa luuqda daba dhigay Denbi miyaanu qabanayn Dulucdiyo ujeeddada Runta aan u daadego Ducda hadalku waa hee Inta gaajo doob tahay Derbi tahay laxaad weyn Dufan-jecesha ururtiyo Dibna-leeftatarantee Doorka maanta soo baxay Dabatadu sad roon tahay waxa yaal daldalayaan Danyartiyo saboolkuna Diingaraaro jiifaan Dadku kala sarreeyaan In qabiilku dabar-go' Ama dumo ha eegina Cilmi diidayaa jira Deegaanta noloshiyo Darantiyo samaantana Ninkii doonayoow taas Daw loo maraa jira Umad yahay daryeelkaa isku duubnidaa iyo Adigiyo dedaalkaa Dawadaadu waa taas Dhan hadday ka debecdana Gabbalkaa dam weeyaan Ma dardaaran baa hadhay Deexashada tusaalaha Ama talada deeqda ah Miyaad dood ka leedahay Geenyadaydi Daalacan Dabar saari maayee Dibso aan idhaahdoo Dagagara ayaamee Sulmakii darbane mee Dalandaliska Naylaha Doonnanteenan boqorka leh Deelleyda baaqa ah Darka laaska beeshiyo Duunyadu isugu timi Dalbashada wadaantiyo Adaa doojinteediyo Haya dawliskeedoo Dulqulaalka xanankiyo Dogobkiyo Huuddiyo Waxa tahay Bir-daaqeen Ardaydiisa dooddiyo deeqsiiya hadalkee Sangahaagi Doolaal mar labaad ha dananee majaraha u sii daa Sheekadu ha durugtee Dawi Maxamed Xaashoow Aniguna ku dayashada Haddaan dayro kaa dhigo Anaa daawadii furay Waa innoo dantaas guud Deelka-xeel-la'aaneed Carrab dalab-la'aaneed
--19.Daalo Top
Daaloo korkeedii Figta iyo daruuruhu Isku soo durkeenoo Ceeryaamo daahii Ku dallaalimaysoo Dirir gaaxdey mirayoo Todobaad ku da'ayoo Danabkiyo hilllaacii Isu daba mareenoo Onkodkuna dayaankii Dhulka dakharo yeeloo Casar gaaban daadkiyo Durduradu kulmeenoo Isku soo darmeenoo Isla dulundulceeyeen Jarar moosa dumiyeen Hadba daw samaysteen Shinbiruhu mar duuleen Marna soo degeenoo Damaloo dhan qariyeen Dananka iyo foorida Darandoori heeseen Dayaxiyo cadceedduna Dacallada ka joogaan Isha daawanaysaa Kola daali maysee Bal aan daaha aan rogey Halal kale ku sii daro Dal ahaanna waa gobol Dullo iyo baannanba leh Badna way la deris thay Duni weeye cimiladu Dardarteeda dhigatoo Waxa loogu daray taas Inta qurux u damac roon Cirku dooba kama dhigo Degmo weeye hodanoo Dooxooyin madhaxliyo Deegaan ma guurtiyo Ilo wada darrooriyo Doog aan is dhalan rogin Dayib geed la magic baxay Dahab hoosta yaallaa Dalag looga dhigayoo Cudur kama dilaacoo Dulin kama abuurmoo Dabar-gooye kama dhicin Waa degel qabow oo Qorrax diib is marisoo Jidhka aan damqayn baa Loo soo deldelayoo Dadku kuma gabooboo Nimankii Darwiishkii Kula jiray dagaalkoo Weli doob la moodaa Birta daabka haystoo Gala duullinmaadkoo Iyagaa dorraatiyo Taariikhda duuga ah Dhul fog looga doontaa Duunyadiisu waa geel Daran iyo tigaad cuna Ido deexda lagu dhaqo Ardo lagu dabbaal dego Carro weeye dihinoo Dirka magac ugaadheed Lagu soo dareershoo Farow iyo dibtaag baa Derrimaha ku fara badan Cawl-aan didaynoo Cidi aanay dilinoo Qofna aanu dabannoo Dibindaabyo aragoo Dannigii ka ba'ay baa Dugsanaysa xoolaha Dad ahaanna waa qaran Waa duul is wada dhalay Qalo iyo dir sooc ma leh Dab dhexdooda kama huro Weligood ma diriraan Isma doca-doceeyaan Dumar kama baroortaan Dooxatiyo wereentiyo Budhcad duusha kuma maqal Daandaansi ma oggola Xumo uma dulqaataan Nabaddana ma diidaan Deeq kuma masuugaan Doodna waa yaqaanniin Diricyaa ka kacay badan Damdamtiyo mashxaraddiyo Sacabkana ma daayaan Danna kama fogaadaan Nin dabali wadatoo Waxaan ahay dalxiis iyo Doolaalo keentoo Deg-deg baa I soo galay Dibna waan u kacayaa Dunta gabaygu leeyahay Kama xulan hal-doorkii Dulucdiina kama bogan Balse daymo halacsiga Kolley doorkan manta ah Halkaas aan ku dagagaro
21. Daryeel Top
Markaan daafta hoosiyo arko daymo-bogashada ararha la daadshiyo dhirta lagu daleeyiyo waxa buuro daah wayn lagu daabay ciidiyo bado laba dibleeyaa ishu damac i gelisaa. Markaan daawashada guud dayixiyo cadceediyo dildilaanka fadadkiyo onkodkiyo dayaankiyo danab laba dhacaayiyo dardaraa hilaaciyo arko hogol darroortaa runtu igu duxdaayoo derejada Ilaahay dib usoo xasuustaa. Haddaan doogga cawskiyo deegaantu saarayn dhulku duug ma yeesheen dihaal mareebeen qofna kuma daneysteen Rabiyow dushiisoo, dunidaada eebow adigoon cid dirranbaad todobaad ku dadabtoo iyaddoo dambarisoo sida doonan gabadheed inta timaha loo dabey dunta lugu afmeershaa laga furey daboolkoo dalagkaad ku beertaa ninba weel darsanayaa. Inkastuu qof diintiyo dar illaahey jecel yahey labadaan af yeeshaa koley waa dambaabaa hadduu kaa abaal daro dadka kaad u roon-tahey adigaa dul qaatee, Rabiyow hanugu dumin cirka duudka weynoo, Rabiyow aannu nala degin dhulkan aanu daaqnaa, Rabiyow hannugu didin bahalaha derderanoo, Rabiyow hanugu dirin dabeylaha cartamayoo, Rabiyow hanugu dirin duufanadaadoo, Rabiyow hanugu darrin durdurada rogmanayoo Daad xoor hanaga dhigin. Rabow duunyo nool baan ka awoow dugsanayoo dibnaheygu caaniyo dux baruurleh mooyee uma baran wax doorshee, Rabiyoow diraaciyo jiilaal dab-kululoo dibad joogta cowshiyo dabar gooya xoolaha Dibirtooda naga hay Raboow roobka deyrtiyo guga doogsintiisiyo Dirirada xareedaa dacalada hanaga marinee. Rabow duumadaadiyo inta cuduro duushee Docwareenka feedhaha, sambadada dalooshiyo Dacuun hanugu ridin. Rabiyow dagaaliyo dabley gaatamaysiyo doofaarro badan baa musduleedka joogee kuwa diidey nabadiyo belo laga ducaystiyo manaxaan hanoo dagin duulaan hanagu jebin. Rabow dowladnimaduna kuma iman dalxiisoo doorroonayaal baa u daldaley naftoodoo dumar baa hugoodiyo dahabkii u iibshoo Doondoonisteedii dhiig baa ku daatee, Rabow dawlad curatoo ubadkeeda deeqdoo dakhrada bogsiisiyo dawa la isku baantiyo ka dhig malabka doocaan. Rabiyow dirkeygii gobolaa dambeeyoo u dib jirey caddaawoo darrayada gumeystuhu daran-doori lagu dayey rabiyow ka soo daa Dibin-daabyadoodoo shanta dagal isu keen. Rabiyo dadkaygana danwadaag isjeceloo darjaysa qarankiyo bulsho laga dabqaatoo Carro Edeg ku dayatiyo ka dhig ul iyo diirkeed. Rabiyow dugaalkiyo dugsi waa dhul hooyee dibad ruux u sahan tegey duli waayi maayee!! nin da'diisa tuugoo dawarsadey asaagii doqoniimo weeyee! dalkayaga Ilaahow dheregiyo daryeel iyo Wax nadeeqa nagu sii. Rabow doodda akhiro marka ay durbaankiyo dawanadu is dhaafaan dadku kuu yimaadaan deryka soo fadhiistaan rabiyow hanagu darin inta aad ku digatee u dareerta Naartoo labadaada daraarood rabiyow ta door roon Kuwa dagaya naga yeel Amiin Allahayow Amiin Allahayow!!!
22. Deyn maayo heesta Top
aabtu way hugmanaysaa Afku way hud-hudayaa Hadal buu I leeyahay Anna waan hor joogaa. Wax la hado shil bay roon Wax la helo lib bay mudan Wax la huro naf baw culus Wax la hubo wed baa jira Senge hoohadaa baxay Habaqlaa ka daba tegey Inkastay habaaskiyo Ka dhergeen huq iyo ciil Hafashada asqoobeen Boqol jeer hungoobeen Weli way handanayaan. Ma hillaabni laan-deyr Ma hagoogni waabay Hagar-daamo kuma jiro Hurin diiddey nabaddiyo Wadar ii heshiisoo Huminaysa dhagar baa Hubku iigu tuman yahay Sacabkiyo haloosiga Hogolaha ku soo degey Haradiyo jidhaamaha Waxan hooyi-waalaha Ugu shubay hadhuubbada Dadku inu hamuuntiyo Kaga baxo harraadkee Hilin kale in lala maro Ama hawdka lala xulo Haanraawe daba galo Foolaadka kala hadho Hororradu bakhtiistaan Hiyigayga kuma jirin Hiirtaanyo lagu dhacay Haaraanku fara badey Higil iyo faq dheeraa Huradadii la deyi waa Habar wacasho lays gurey Hebel hebel canbaaree Hebel kale ka marag dhigey Nin hayaanka beeshiyo Danta guud ku hawshoon Hafarkiisa lagu dhaqan Hilbo ceedhin lagu waab Ninba harag u saynsaab Hataq madaxa loo geli Hoosaaso lagu qaley Beladiila halabsaday Hugunkeedu dami-waa Nin hinaasay deyn-waa Hibashada qumbacashada Hengeshiina furi-waa Hor Allaa la tegayaa Wax hanbaysta baan idhi Garta hubiya baan idhi Runta lagama hiishee Xaqa halacsadaan idhi Hawraarsan laga waa Haye way ku adag tahay Wax hallaaba mooyee Wax hagaaga ma oggola Qaska way horseedaan Xanta waw hiloobaan Guusha ay hufnaantiyo Si haboon ku waayaan Xisti bay ku hooyaan Hunguraa wax lumiyee Hawadoodu kama foga Haasaasa maalmeed Murtidoodu huubiyo Hal-dhac bay u badan tahay Ma karaan higgaadiyo Halxidhaale toolmoon Haamaha gun-dheerta ah Hilaygiyo lingaxa sudhan Ma helaan sarbeebtiyo Isha hoga-tusaalaha Sugaanta hodanka ah Hindisaha aloolka leh Ereyada hal-doorka ah Hab kalay u weriyaan Hawraar nin tiriyoo Hanaqaada ma oggola Ninka hooto-dhegaley Nabar hoos ka tuuroo Dadban igu halgaadow Hangaraarac baan ahay Lugo habay hal iyo laba Kuma hadho tummaatida Dabka aydin huriseen Hakin maayo socotada Hoogaansigaygiyo Hebednimada guudkiyo Hayal-samida muuqiyo Haaheyda malabka leh Ha ku dagan sabaalaha Hayin aan la raranoo Lagu qaadin heeryoo La hoggaansan baan ahay Hamrashada asaaggey Hooyaday iguma dhalin Fula-guulka harawsiga Hanjabaadda kuma dido Hataqaha si dalagta ah Haadaanta kuma jabo Dabin haad ka roor dhigay Yaan hilaaddu kaa lumin Halla waa ogeysiis Inta hoogga dacarta ah Ku halaan-halaysaay Hunbanida is gurataay Ladhka soo hinqanayow Nin haadaafa lama odhan Haybta nolosho kaa xidhan Nin habsadayna kama tegin Himilada adduunyada Nin la hago xil kama dhicin Aniguna hed mooyee Inta hibada Eebbiyo Hawraarta maansadu I hareera yaalliin Hal-abuurku ila jiro Hiyigaygu nool-yahay Hammigaygu shidan yahay Hanku igu lammaan yahay Waxa aan higsanayaa Dhul of iiga hirayaan Haasaawe furan yahay Qodob laga hadlaa jiro DEYN MAAYO HEESAHA Hollashada mijiiraha Nin hannaanka gabayada Hanan waayey naaskow Hashu waa ammaanee Haaneedka sii daa Hogga aad daboosheen Halistaa maleegteen Shilka aad habayseen Habbisada falkiinniyo Isla hela awaytida Habaarkiinnu ima karo
24. Dibed yaal Top
Deelley karaankeed Inkastaanay duuduub Demmanaha wax ugu odhan Hadalkana u duur xulin Ama daaqsin geel marin Doc qudhay shifeysee Dhanka kale ma daaweyn Nin sharaystay kuma duxin Dhego debecsan kama helin Ma hirgelin dabuubtii Dooddiina lama garan Ama waa la dala'sadey Lama baanan doogtii Dakharkiina lama dhayin Wuu sii darsanayaa Daldalookii sii korodh Daba-keenna faalkii Ku dayow xiddigiskii Dugtey xeegadiisii Dildillaaca maraddii Wax la sii daneeyo La dugsado ka weynaa Misna deylo bixisada Dhaw dhawdu kama degin Gaarriyow dabuubtiyo La dardaarankeenii Doolaalo dheeraan Dira dire ka soo qaad Dabaqyada dhunkaasha ah Ninkii duubi kala baxay Durba soo rogaal celi Dooraalayaashii Weli ways dalbanayaan Damac iyo hungurigii Sii durug hankoodii Darka laysu mari waa Xaajada delleganta ah Weli dawliskeedii Dandan buu ku dhacayaa Qalinkiyo dawaaddii Weli ways dul-yaalliin Dul-fiqaarna lama dhigin Qubanaha la duudsiyey Isagana dagaal faran Daanyeerku laan buu Weli dacalka haystaa Bahal ceedhin deyn waa Anna waxa la ii diray Daaraanta godobtoo Nabarrada damqanayaan Hadba dacar ku noolayn Ilaa daayin abidkay Dawankaan ruxruxayaa Falla waan ku darayaa Marka doobi buuxsamo Intaan deebshey gaawaha Danbarsaday irmaantaas Adigaa hal-doorkiyo Suugaanta derida leh Dir ku kala kexeeyoo Midba dara-dhigiisiyo Dhirta looga diiriyo Dillo ugu abtiriyoo Dantu waxay u magan tahay Darka fayl is dhaafiyo Daran-doorri shubidee Inta aynu dirirtiyo Dood wadaagga leenahay Dabra celinta xeeshiyo Shax dalaynta togoshada Hindisaha godkaan dego Ku danbee Rashiidow Jire waa ii duufaa Jarta haygu sii deyn Intaan deebshey gaawaha Danbarsaday irmaantaas Wax la yidhi nin dooloo Beryo dibada meeroo Dani baajin weydaa Caal waa dib ugu kacay Degelkuu cid ku ogaa Fadalkiyo durduradii Wuxuu dacal ka soo galay Dooryaanle waagii Didibkii la oollaa Daaqsin buu ka halacsaday Dayr-dhaaf nin jiilaal Shitay dogobbo waaweyn Waxa duunka hoosiyo Damaciisu kula faqay Ninkaas daartay xaabada Wax u dagamsan baa jira Lugihii degdegayuu U duwadey dhankiisii Isla doonasho Illaah Doobku waa walaakii Waa ninkuu dad iyo maal Dummaddiisa kaga tegey Durba laysku soo bood Degdeg laysu gacan qaad Wuxu yidhi "bal soo durug" Hadalkana I deeqsii Marmar baan daraaddiin Degdeggiyo kalgacalada Odhan jirey ma duushaa Meel bay dalooshoo Dal tabyaa I haysee Duni waa ku dhaqannoo Dareen lagama waayee Degmadii ma nabad baa? "wuxuu yidhi Dareen ma leh" degmadana shil kama dhicin dadna waa fayow yahay kuye "dooddigaygii dardartaan u yeellaa imminkaan debcinayaa" ninba dabada meel saar warku sii dabayl raac laysu daaddeg toyashada Wuxu yidhi "hal ii daran Goreygii dufka lahaa Ma rakaatay doobtii Shinbiraha ma didiyaa? Wuxuu yidhi "ku daayaa" Maxaa daarey buu yidhi? Wuxu yidhin "dabaalkii Lafii Daabbad qaarkood Sow duleedka kama helin Duf ku bexe wedkiisii Doqonniino gurayaa Nacasnimo daldalayaa Dabadeeto eedyaa". Wuxuu yidhi dul-badanii "doonnidii la raran jirey ma nafbaa ka daydeen mise wuu dibboodoo dugaag caydha baa helay? Kuye "daayinkiisii Denbi dhaaf ha siiyee Sawti duugti loo qalay Ducadii adoogeen" Wuxuu yidhi "duqeennii Degta inagu sidi jirey Isaguna ma dubuq yidhi?" Kuye "seben ummulo doox Dabayaaqadiisii Intii aan duqduba hoyan Dabra weerar nagu dhacay Duullaan ku dhimayaa." Wuxuu yidhi "ma Daadana? Kuye "daad la orodyaa Daaddeys ka xooryaa Intaan danabadaaddii Ubadkiyo durriyaddii Dahrigaaga laga jaray Subax keliya duudduub Lagu darin xabaalaha" Wuxu yidhi "dabayshaday Dayaxay madoobaa Gabbalkay dam weeyaan Da'yartii cuddoonayd Iyagana docdoodii Ma daleel bannaan baa? Kuye "duumo xaaqdaa Intaan Dahabadaadii Duulal raacay loo tiring Iyagana ka daba gee Wixii aakhiraw degey" Kuye "Dahabadaydii Iyaduna ma duug baa Maxaa loogu daw-galay?" Ma dumaashiday baa? Kuye "waaban daalee Sawtii Duleedow Daandaansi keentee Jin dagaagay maagtee Aqalkii ka dumisee Lagu helay danbiga culus Sawtii la doorshee Dalandoolli laga dhigay Intaan xoolo dabar go'in Duugowyey xiisii Dirga waayey hadalkii Indhuhuna is daydaye Wuxuu yidhi "dad yaa hadhay? Maxaa duunyo weli nool? Kuye "duunyadeennii Daratiyo kud weydii Dadna waa anoo qudha". Duleedoo aqoonsaday Inaan guul danbaysoo Lagu diirsadaa hadhin Ayaa daymo murugo ah Dibno jiitamaayiyo Deelqaaf ku yidhi ciil Danab iyo warjaaf iyo Daacuun ku kala goo!!! Reerkan daaha loo rogey Dubbihii Illaahay Darandoorri ugu dhacay Dam daguugan laga dhigay Miyaad guul darraystow Nabad iyo dardaan iyo Igu tidhi dereen ma leh Waxa duur-xulkaagani Kaa daarran yahay sheeg! Dibadyaal kal adakaa Naxariisi kuma duxin Jidh dareen umaba dhalan Damqashada walaalkii Weji duban ku baabi'I Af daboolan kula hadal Ma degdegin jawaabtii Docdan iyo docdaas dhawr Dib xasuusta ugu noqoy Mirashada ku sii daah Dabkii xaabo saarsaar Madax diiran baaqbaaq Taataabey dakharrada Qosol buu ku yara daray Wayska dagagar jiifee Deexashuu la soo kacay. Wuxu yidhi "degmadayada Dugsi keliya baa jira Diric keliya baa dhiga Dersi baanu baranaa Dulliga iyo beentiyo Doqonniimo faankiyo Qoqobkiyo dirsociyo Ducadiyo yaboohdiyo Inta laga diqoodiyo Dawersigu ka kow yahay Digashadu u mudan tahay Marka qalin daraalaha Dilla sheega la cuskado Intixaanka loo dego Ka dul dhiga jawaabtiyo Doorkiyo wax-garadkaaa Inta daadataa u badan" Wuxu yidhi "degmadayada Dibnahaa la cunayaa Qosolkaa la deexdaa Adigoo il dabayaa Dadku inaanay kaa garan Misna lagu dedaalaa Marka aad Duleedow Sidaad doonto weydaad Sidaad diiddey yeeshaa" Wuxu yidhi "degmadayada Si dareenka garashadu Aanu nooga noqon duug Dawrigaan hayin ahayn Ma dagmaha indha qaba Tiisa waw daboollaa Waanu daadahaynaa Wuxu daymo boganlaa Dulmar bay ku gaadhaan. Ka dheguu daloolaan Daba gala wixii dhacay Xanta durugsan heli kara Dooca waw gufaynaa Deeqsiinta hadalkana Farahaannu dirannaa Iyagaa ka door roon Dibno sheega godobaha Hayska dagamsanaatee Yeedhow dam weeyaan" Wuxuu yidhi "degamadayada Roobabkiii ka di'I jirey Dirirradu ma baahaan Dalka uma sinnaadaan Annagaa daruuraha Deebaanka haynnoo Meeshaanu doonnaa Lagu soo dabbaalaa Dooxaannu seerraa Deyr ooda marinaa Hogolaha darrooraa Marka ay ku daataan Deegaan ka saaraan Waxa doog ka soo baxa Yaa daaqa ma og tahay? Inta duunyo dhaqatadu Docol ruug tidhaahdee Markay xaabka daaftiyo Inta dacaydu gaadhiyo Daab gaabta laastaan Dhirta hoose diirtaan Xoolaha dar-leefka ah Jeenyaha dul-saaree Laamaha duxleyda ah Damac fuul ku goostee Daamankaan wax sii marin Dira waxay haleelaan Gawsaha dalqada ku leh" Wuxuu yidhi "degmadayada Ninka ragga daryeelkiis Ama duubka sharafkiyo Derejada la siiyaa Dabar iyo nac weeyaan Darbbo waw ma dhaafaan Deldelaaddu xeer ma leh Kol haddaan xaq lagu dilin Denbi meesha kama dhicin Deero deero ma hirddiyin Sama diidna loo qaad Meydka waw baroor diiq Dumarkana hugoodiyo Diibkoodu waa weer Dacar bay ku dhaashtaan" Wuxu yidhi " degmadaydu Boobka way la dirirtaa In la duro garsoorkiyo In la dumiyo ma oggola Badi waxay danaysaa Dadku inay sinnaadaan Kefedaha dalooliyo Miisaanka dalabta leh Waxa laysu dacal sudhay Dibindaabyo maahee Waa daryeel sida u yaal Danyar loogu tala galay Si aan laysu daba gurin Dulmiguna xaqa u cunin Dayaxaannu awdnaa Qorraxdaannu daahnaa Nuurkaannu damiinaa Mugdigaannu daarnaa Dabadeeto fulinaa Sharcigii dalka u yiil Cir da'furay habeenkii Dallad baa la qaataa" Wuxuu yidhi " degmadayada Dahab baaanu shiillaa Lafta dhagax dixeedkiyo Bir-lab aan dubnixinoo Dabcin baannu shiidnaa Derbiyaannu fanannaa Daaraannu taagnaa Digir iyo galley iyo Dalag baanu keennaa Daacaddaannu beerraa In yar oo dalxiiskiyo Weriyaha dan-fulintiyo Marti daansha socotiyo Ragaan lo darraan Karin Lagu dararsho mooyee Isku dubnideedaa Dekedaha la geeyaa Duniday u dhooftaa Dulmigaannu gadannaa Dibadaha ka keennaa Waa daba qabsiye garo. Qabqabtiyo durbaannada Daran doorri dhacayaa Diihaal ma reebaan Dayac beel ma haynee Dundumaanu maydhnaa Sida ogaxda diinkaa Daymadu na korisaa" Wuxu yidhi "degmadayada Cudurrada dillaacee Aayaadka diintiyo Dadku uu Quraankiyo Daa'inkay ka magan galay Waaba lagu ducaystaa Haddaannaan dagaal ridin Ama ciidan soo dumin Dawliil ku naalloon Ama duul xeryo u goyn Ama keenin daacuun Ama daadad soo rogin Webiyada durdurayaa Jiilaal wax naga dilin Daba-dheer na salabayn Diigaanyo nagu dhaban Miyaa daasadaa madhan Dirham noogu dhacayaa? Wuxuu yidhi "degmadayada Ruuxii la duugaa Marka laga dareeruu Dardar soo ceshaayoo Dib u soo dhashaayoo Durba loo mashxaradaa" Wuxu yidhi " degmadayada Dadku waxay la yaabaan Dan quntaa u fara badan" Wuxu yidhi " degmadayada Dibida iyo weylaha Waxa dhala dameeraha" Wuxu yidhi " degmadayada Waxa jira Duleedow Habar doobir kululoo Dhererkana Dijaal le'eg Dadabkiyo ballaadhkana Dhirta daray ka xoog weyn Dhakadana il dooftoon Dawo Karin ku leedahay Mar inay wax dihatoo Ubad daaddahaysay Si kastaba u doontoo Markay ciil dellegantee Toddobaatan dayrood Dedan iyo si daalacan Nafta damac u gelisee Baryadii ka daashaa Rabbi deeqsi weeyee Ducadeedi ka aqbalay" Da'baa wiil gurracanoo Falanoo derderanoo Denbi iyo xasarad badan Curad guri danbaysana ah Dirqi iyo si fool adag Hoosteeda laga deyey" Iyadoo ha dagantii Digta qalabka reenka leh Kaga dannaninaysoo Demman guulaheedii U dabbaal degeysaa Suul-Cayn durduriyoo Dubur buu ka xulay Hawd" Damdamtiyo ciilkii Dib waxaan u dhici Karin Duqdu sow khalaawaha Wax kastaba iskuma deyin Dulucana umay xidhan Kolba daw shixnadan bay Sanqadhaha docdeeda ah Hadba ruux la duushaa Markay dayma bogashada Weji dadabka quusta ah Isha daawisiisay Qofkaan duud carrale noqon Daad xoor ku tuurtaa" Illaa maalintii dura Sidii bay Duleedow Xaajadu dudduuc iyo Deji iyo dul gee tahay" Ninkii dalawadiisii Duhur geed ka seexdee Dib jiree habeenkii Bahaluhu durduurteen Dildillaaca waaberi Dalag dalagta raacdada Ku dul dhacay raqdeedii Runta Magan is diidsii Indhahana dib ula noqoy Ruuxeeda doon doon Dad kaleeto weydii Wuxu yidhi " degmadayada Danbbar laguma maalee Dar-xumaa ka oloshoo Dalawadu nin moogow May gabin dadkeedee Waxa loogu daw galay Ninaan daawo xidhinoo Ilaa dalan-dalkiisii Doofaaro dhiqi jirey Duluglaha is haystiyo Dibiyada herdamayaa Dixda ay ku shaxayaan Waxa damashi weyneyd Dhirta looga dabar jaray Durba haysu muuqdeen Kibir haysu dooxeen Dacawaa basaastoo Dufan looga shubayaa Dooh doohdu waa been Nin dalaafsan baa yidhi Waxay daarran tahay waa Isku didi ibleysow Mid ahaan duxdiisiyo Daribtiisa noo loog Degelkaad xusaysaa Ma dal buu ka weyn yahay. Naf adaa u dudayee Afka sow ma hadal deyn Kuye "daba-likaalow Alleylehe dad baa ba'ay Waxaan doogsin cararkii Diihaal la orodkii Habeenkoo dalool tegey Socodkiyo dawaafkii Didmo caymadkaygii Deli iyo jar kala dhacay Wixii doox rogmanayaa Igu daray badweyntee Daad-xoorta iga dhigay Dalo iyo dir-soor iyo Waxaan diif la golongolay Dalan dool u yeellaa Daalaa dhacaygii Rugtaan soo duggaashadey Miyaa ii darraatoon Ugu imi dardaar werin Maantana degaankay Ma Dagaar u guur baa Iyo diillintii Gurey? Wuxu yidhi "Duleedow Dilalyada ku haysaa Amba iima dihinoo Intii ay dabayluhu Hadba meel deleeliyo Daaddeys ku dhigayeen Wixii daad mahiigaan Dal shisheeye kugu furay Dabataan ku noolaa Dhaxan baan dugsanayoo Anba dayro ku ahaa Dibadyaalla kula baxay Dooyeysigaygiyo Dunqulaalka hoosiyo Digsigaan babbinayaa Gacma daalis weeye Dux inaanan kala bixin Malaa daawashada guud Dunjigaygu kugu filan Haddaad diidday maandhow Bal ninkaad u tahay deni Iyo xaaji soo degey Saadaasha kugu daray Isna tiisa daymood Ninkii duurka caydha ah Duufaan ku soo ridey Halkuu daalac heli laa Markii dayn ku sii go'ay Intuu duubi quusiyo Dib u liqay candhuuftii Dirri-xaradh ku hawshoo Wuxuu yidhi " dulmanidaa Misna gacan degganidaa Aaway dawladnimadii Iyo doorarkeeddii Ma dad baan arlada jirin Ma nin baa daraaddii U daddaaba xidhantiin Caku aaran dubatada Iyo dooxatada baas Dabar maad u goysaan Xadhig maa u diirtaan Dibso maa tidhaahdaan Colka wadhaf ku daydaan Nafta deeq u bixisaan" Wuxu yidhi " degmadayadu Dareen way ka siman tahay Doogna way gudboon tahay Doorna waw midowdaa Libna way ku dirirtaa Xilla way daryeeshaa Daba gelisyadiisiyo Dad-qal way ka adag tahay Danna way wadaagtaa Duddadaa u kala rogan Mana kala dab qaataan Dadab baa ku kala xidhan Kala durugsanaantiyo Digadana nin baa shiday Dawaduu ku huriyaa Rag inay ku damiyaan Dannigoodu farayaa Gaas bay ku darayaan Meel daad u baahnayd" Waxes jira Duleedow Dibirrooti kulul baa Dingaraaradiisii Xaska lagula daatee Dakharrada la geystoo Waa daanno culusoo Rag iskaga danbeeyaa" Malaa wayla durugtee Aan soo dabbaalee Tartan laba ku dirireen Dahab loogu beretamey In la seexsho dacawada Danta laga lahaa waa Inuu diinku guul helo Dulmarkiyo ujeeddadu Dadka waxay baraysaa In dedaalku wacan yahay Dhanna dulucda sheekada Duur-xul baa ku yara jira Iyo dala'si laga wado Duqu inaanu dheerayn Sida loogu daran yahay Iyadoo ka diimmoon Dayo moog habaarkaas Awgiis ma daaree Isna duubka hibada ah Doomaarta cawskiyo Daristuu ka jecel yahay. Doqonniimo lama dhayo Hedna lama daweyn karo Dadka aad ka dhalatiyo Dalka aad u dhalatiyo Nin la yidhi danta u tali Hadan laga dabqaatiyo Diric iyo fariid noqo Dibin daabyo ku ogow Duco iyo xusuus iyo Duug aad ka dhaxashide Xilka daacad ugu hay Ha dullayne gaadhsii Meeshay daraaddeed U galeen dagaakii Diiftiyo kulka lahaa Dib u dhaca ka maaree Dumar iyo rag hawl geli Kartidooda deeqsii Derjow sugnaatoo Guul baa u dagatee Alla doori saw kaa Darka jiidhay Maaweel! Waxaan dooddi kaga baxay Hdalkana ku daa idhi Nin dab liqay Rashiidow Dhuxul buu ka daacaa Ma darmaanta booddee Didday baan u jeedaa? Ma daliilka muuqdiyo Dhamac hoos ka darartoo Is dallaallimaysiyo Danbas baan aqaannaa? Halka Deyr wakhtigu dhigo Dib baa looga sheekayn Kaddaraa u magac bixin
23. Dhahar Top
Dhamme Maxamed Xaashow Ina Xaashi Dhamacow Dhaadmada dareenkiyo Dhacdada iyo waayaha Ninka ila dhadhamiyow Jiilaalku dheeraa Dhulka xaabki ka idlaa Dhalma deys cirkii noqoy Dabka dherigii saarraa Dhagxantii bislayn waa Inkastoo dhir xoogliyo Dhamac yaab leh lagu shiday Ma dhadhaab nuglaadoo Sida dhaylo suulkiyo Lagu goosto dhooshoo Hilib laga dhishaa jira. Dhamme Maxamed Xaashow Ina Xaashi Dhamacow Dhahar waa ninkiisii Garashadu dhibtiisiyo Dhaawaciisa weeyaan Dhalanteedka beentiyo Dhaymihiisu waa faan Shilka dhacay ma moogee Isagiyo dhanqalantada Dhacantaa u kala rogan Wuxu yidhi "dhibaa jira Dadku baahi dhigatoo Lafahooda dhuuxdiyo Dhugatay la jiifaan Arrin aan dhegeystoo I dhacaysa maahee Waxa aad dhafoorkiyo Dhabannada la haysaan Maqashay ka dhegalee Hadday tahay dhismaa guud Ka dardaarmay dhawr jeer, Hadal kuma dhabcaalayn Dharaartiyo habeenkii Dhawaaqaygu ma hakado Waxa weliba ii dheer Dhanbaalkiyo wareegtadu Weligood is may dhimin Annaa guusha dhaliyee Dadka wada dhergaan idhi Waxa hadha dhigtaan idhi Dhux-dhux iyo faq hoosiyo Dhagar qabe ha joogee Weli ruux dhammaysoo I dhalliila maan arag Dhugashada kormeerkiyo Dhaabaddiyo fagaaraha Dadku sacab is dhaafiyo Dhag-dhag iyo mashxarad bay Igu soo dhoweeyaan Dhan kastaba magaalada Inta ay sar dheer iyo Dhabbo iyo jid leedahay Waxa dheeh farshaxan iyo Sawir wada dhalaaliyo Waxa iigu dhigan faan Dhaayihiinu ha arkaan Dhug u yeesha maansada Dhubbad-qaadka heesaha Abwaan dhaartay suu yidhi Miyaa ruux I dhaamoo Lay dhaafsho haysaan? Dhallinyariyo waayeel Dhabba aan u hadallee Haddaan dhigo xilkaan sido Yaa u dhiibanaysaan? Dhamme Maxamed Xaashow Ina Xaashi Dhamacow Kolley buuxsan dhiilkii Toban saniyo dheeraad Lagu dhurayey ciilkoo Lugtu jeeni dhaaftee Dhaadashada ma sugan tahay Dhumuc iyo ma xoog baa? Dhillowyahankan geedkii Lagu beeray dhiiggiyo Dheecaanka wadhatada Dhexda tolow iskaga maray Dhirta maw abtiriyaa Sida dhalashadeediyo Dhaqankeedu kala yahay? Mise wuxuu ka dhigan yahay Habartii mar dhooftee Doonnidu la dhacantee Badda dheelligeediyo Dhaxantiyo dabaylaha Dhawawalan ka qaaddee Iyadooy dhaqaaliyo Nafba kala dhaqaaqeen Ka dib dhawr ayaamood Salka dhigatay ciiddee Dhulow kaama kaco tidhi. Dhamme Maxamed Xaashow Ina Xaashi Dhamacow Cashaday dhaharatee Geelu dhimo hadhuubkee Dhaqayiyo galoof yahay Rag ka dhoofa baa jira Dhamac yo hannaan iyo Saddex dhaqan wadaagtoo Isu dheelli tirantaa Dhuuni lagu bislaystaa Gaarriyow dhardhaarada Kol haddii mid laga dhigo Rag dhuyaala baa jira Maalintay dhanaan tahay Rag dhirbaaxo guudheed Inta ay ku dhaashtaan Xiddigaha is-dhalan roga U dhufaanan baa jira Inta qaran dhiskiisiyo Dhidibkiisu taagnaa Dheeraad nin dooniyo Nin ku dhega xaaqiisoo Dhacsanaayey baa jirey Dhederbiga colaaddiyo Rag hadduu dhabiiltamo Fule dhimashadiisaa Dhawr jeer noqnoqotee Wax la yidhi dharaartaas Ninkii dhiirran geeridu Isagay la dhalatee Hasha dhaxal wareegtiyo Dheeha furashadeedana Keligeen dhunkaashiyo Dhugtan kama go'aynee Haddii laysu jilib dhigo Kumanyaal dhigeenoo Waxba dhawrsanaynoo Sida awrka dhaameel Dhoomuhu gubeenoo Dhibta kula wadaagoo Isu dhaarsan baa jira Dhamme Maxamed Xaashow Ina Xaashi Dhamacow Dhidarkuba xabaalaha Kuma dhaadhaceenoo Kuma dhiirradeen ruux Celinkara dhawaaqee Kolkuu meydka dhiilliyo Dhaqdhaqaaq ka waayuu Hore ugu dhowaadaa Dhinacyadiyo feedhaha Muruqyada ka dheegtaa Kol hadduu dhawaaqii Dhicisoobey gabaydii Dheg ka maqal ha joogee Lumay dhaqan galkiisii Sheekadu Dheg-Dheer iyo Dhoor-doolis noqotee Gaarriyow dhammaadkiyo Dhakhso mawgu gudubnaa Bulbullahan dhabacashada Ku madhsaday dhallaankii Lafta dhabarka ka habsadey Waayuhu dhirbaaxeen Dhaadhaada taahiyo Dhuun-yeedhis mooyee Sida kale u tamar dhigay Beri buu dhinbiil iyo Dhuxul daba ka kululaa Weli lagaga dhawrsado Xaajadu ha dhabaqdee Dhabba maw abbaarnaa Dadka dhiillo culus iyo Dhakafaar ma gelinaa Wedka maw dhadhaminaa Dhagar maw badheedhnaa?
27. Gabar madow Top
Goonyahaygu waa dhagar guudkaygu waa xeel garayskaygu waa seef guntigaygu waa ciil gudahaygu waa yool Weligay gu´ iyo dayr guul oomman baan ahay hantidayda gawriyo gabayooxna lgu beer dayaxay u gudubtaa anigana gelgelintiyo garab rarato kama baxo gadh wadeennadayduna giddi inan-la-yaal iyo guur-doonno weeyaan geyaankoodu waa damac utintayda lama gudo gashigayga lama bedo galladayda lama karo dibnahaa ka gaabsada guubaabadayduna kama foga guraa-baas Guuguule yeedhii. Badi waan gadoodaa Cidda aan galaaftaa guurtidayda weeyaan anigays gunaanada hadba waxan ku giirtaa guuleedka ii kaca geeddigaygu sahan ma leh geenyo hadaftey weeyaan goob-yaalka milicsiga gabar-gaalka lahashada gacan haadis bay dilay iyo laba gar-daymood gurrantayda bidixdiyo garabkayga midig baan midba gelin u jeestaa ka cabsaday god naareed jannadana ma geli karo gooddigooda ku anbaday duniduna gabaabsiday. Tiradaa gedmaysoo i galaa baxaysee maxaa goolal igu maqan? dheeshan laygu goobtee gefka lagu heshiis yahay mee gar-sooreheedii? Geeddu xeer ma leedahay? Mise waa lug iyo gacan labadaba ku garangari. Goohu yuu kasoo baxay guurowga yaa wadey, maxaa keenay gabayada? Inaan gabadh madow ahay cadrad lagu gabbood yahay malaa waad i garateen? Sheeko gaaban baa tidhi;- "Nin ay gaajo haysaa guri yimi duleedkii soddoh garasho dheer uu gabadheeda qabay baa dhito godollo sheellayd ugu geysey meeshii.. ..Isaguna guddoon yiri, laysu guud mar toyashada caanaha gadhoodhaa inay guura-guuraha weelka gaararkiisiyo gunta badi ku ururaan waa ged lagu yaqaannee, godankii isugu tage. ..Isaguna ka geyn waa inuu dhiilka gororsado gacantana ma dari karo. Isagoo xil-gubashada u daruuray gaashaan Isma gabe wuxu yidhi:- "Markii ay na gelayeen, waa nala gilgilayoo inta nala gun-dhebey baa afka nalaku gaacsaday". ..wadnihiisu galow ma leh ku gadaangad ceebtii libintana ku geeraar xeeshiise lagu garay murti guun ah laga reeb. Jiiftada gar-dhaladka ah waxan uga gol leeyahay Allahayow gurracanaa marti goor xun socotood gobannimo ku soortood kugu tidhi gun baad tahay! Markii aan garaaddaha taariikhda kala guray illaa gogol-dhiggiinnii galabtaad is-wacateen taladana in lay galo Baarliin ku goyseen Ilaa gooshkan maanta ah hadimada i gaadhiyo waxaad geysateen baan gocahsda xasuustee maxaan reer Galbeedow godob kaa tirsanayaa? mise gabawar mooyee tolow maba garowdaan! Mxaas gaasas duuliyo guutooyin xoogliyo gurmad leedda-fuuliyo guluf weerar tooxdiyo dabley gaatan socotiyo geba-geba i saarteen? Maxaan goor la ssahdiyo habeenkoo gabbala-ridey laba gelin is-raaceen gaaf-meerka socotada iyo guura-bahallaha geesaaska fiintiyo galow fooridiisiyo galayaxa rasaastiyo col gurguuranaayiyo gellimaad ku sara kacay. Maxaad gaadde hoosiyo gurrac iyo shirqool iyo tabo igu gantoobteen? Maxaad garan-gartaydiyo guryahayga bi'iseen Gacal iyo tol wada yaal gobol gobol u u ooddeen laba aan is-gooyeen kala goonni yeesheen Maxaa laba gudboonayd midna garabka siiseen ka labaad u guusheen isku go´a tiraahdeen Maxaa wiilal gaammurey intaad ugu guduuddeen ha galgalan tiraahdeen Maxaa Gaanni ciidmiyo hanad aan gardaadshoo ku goblamay birayseen golxobkiinnu ku afuray maxaa geesi aan dhalay inta gowrac mariseen gorgor baahan siiseen Maxaa inan gashaantiya gayaxaha ka siibteen milgadeeda gawsheen ka xil baxay gayaankeed maxaad gaari weer xidhan godol-qaad ku daydeen Maxaa guul darraystiyo godadliyo hinaasiyo Gocor igu habayseen Giiba sow nin ma ahayn? Geeskayga bari yimi Maxaad gacan ku dhiigliyo gibil kala tabooriyo garma-qaate dhegaliyo garac igu abuurteen? Maxaad good mariidliyo gungumiyo abeesiyo goodaaddo jilifliyo garangoorri socotiyo inta bahal gurguurtiyo belo igaga guurteen. Maxaa gegi dabayliyo gocodhaley cagaagliyo galoof iyo candhooliyo geyi lama degaaniyo goonbaar habaasliyo guban lagu asqoobiyo gaajada rugteediyo gabno igu tilmaanteen? Goobtii harraadkiyo gurigii cadceeddiyo geedkii saboolkiyo gudcur maararrowliyo yaa go´doonka iga dhigay? adduunyada geddaas faray? gaasiray maxaan ahay? Maxaa gocayadiinniyo inta gaawihiinniyo gorof iga milaasheen gudhan iigu yeedheen Aaway guuyadaydii geeliyo lo´daydii faraskiyo gammaankii goolashaydi soocnaa? Aaway gaaxsantaydii dahabkii guduudnaa macdantii goshaydiyo gebiyada ku duugnayd? Warshaddiinna guuxdaa midhahay gadaysiyo miidday guntaysiyo ganacsiga abeerka ah xaggee looga soo guray? Guushkay tufaysiyo dheecaanka gabaxliyo xinxiraha galshaystiyo dhiigga gobo´leh yayska leh? Immisaa gabaarrey iyo garab-casigu koray? Maxaa gaatirtaydiyo galdaloolladaydiyo sida lay gabraartiyo garka laygu laylyiyo gedda lay salaaxiyo googgaa ku sabiddiyo gobortayda barateen? Dadku geed adaygiyo gudintay kol iyo laba lafa-geri ku dhuuxaan waxba kuma garaacdee miyaan tiinnu gaagixin? Maxaan geystay oo dhimay? maxaan galabsadee falay? anigoo la gamashiyey gondahayga seetadu waxay haar ku gedeftiyo Gurgurkii i saarraa boqol gu´iyo taartaar anigoo gun iyo baar korku wada gunaad yahay anigoo la golongolay sida caynku ii gubay gubuxsiga tallaabada graba-beekay dhowr jeer goob-joogna ka ahaa galab noolba waxa dhacay anoo uur-gululuca la gommoday dhibtaadii adoo gacan togaalaha gardarriyo is-yeel-yeel intaasoo gef muuqdiyo guul darrooyin igu falay maxaad weli guhaaddiyo gaadhka iiga haysaan? maxaa gumuca boodiyo gaara-bidhaantiyo hubka iigu gibisheen? Maxaad saymo gadataa dab gamaaray hurisaa Maxaad gawsahaagiyo miciyada golxaystiyo ciddi wada garaara ah shaadh u gelisaa maxaad geda-gedaysaa hadba geed is-marisaa Ummad geylameysoo gaarkooda taladii inta ay gorfeeyeen raba inay geyoodaan kuwa jira gadaashana gaadiid u celiyaan intaan gaasha-weyntiyo cawa-darantu soo gelin maxaa geeddigoodii gujis lama filaaniyo gal dad-liqa ku noqoteen? Hadba ruuxa goolmoon raba inad gunnaysaan ama guufaf timiriyo galley loogu sama-falo maxaa geeridiisiyo waran iyo gantaal iyo gaalleef u siisaan? U gurbaynta noloshiyo gacan-siinta nabaddiyo gudashada sidii roon maxaa kaa gabaanadey? Afartaas god madaleed gola-joog ku naanays Gaarriyow ka marag noqo ila gudubtay sheekadu geba gebana doontee bal aan soo gunaanado Ninka loo gol leeyahay issagaa is-garan kara sida goosan weer helay igu gaabi tuurtuur igu gado sir iyo caad halkaad gaadho taagtaa Aniguna il-galaclaha is-gamaarintaydiyo gadh-salaaxa maahdiyo gama´aan hurdo lahayn goroddaan lalminayaa gabbashiyo ma aha quus gar-naqsaan ku jeedaa talaan gawda ku hayaa Inkastaad gamuurteen geedka aan ka beerrahay ma qallalin guntaydii ganto xidid leh baan ahay dab baan soo gadaal-celin Gebi-dhaca i haystiyo gaalgaalka dheelliga ku guddoonsan maayee waxaan goobayaa raad jidkii guusha aadmiga gelbiskiyo mashxaradaha gafi maayo hawlaan guryo-samo ku tegi karo gaobannimo ku hanan karo. Guntashada xasuusaha gudashada habboonkay gabay gabaygan ciil-tira u ged-baxa falaadkay waxaan geysto magac-dheba Aan lahaanno goorteed.
28. God madow Top
Dumar geesi dhaaxay Gooyeen heddiisoo Ragna garabsi moodkood Ka gaboobi maayee Gunburreyda hoosaan Gurrac uga jarmaadoo Darantiyo gulaankaan Gebagebo ku dhaafoo Guban xeebaheedaan Sii maalin gaaloo Qorraxdoo godkeedii La gelaysa fooddaa Luguhu I gabeenoon Socodkii gadaashoo Gerriyaad dhexdiisaa Gudcur igu ballaadhoo Garan waa kaskaygii Geesaan u jeedoo Gabaddano naf joogtaa Gogol doonimaysee Dhaxantaan go'aygii Garbaha iska saaroo Good iyo abeesaa Igu soo gurguurtoo Gool qawdhamaysaan gondaheeda seexdoo naftu guure mooyee gama yeeliweydoo guntigaan adkayston marada isku giijoo waaygoo duduutaan goodiga abbaaroon eeyi laga hayaamiyo guri madhan is taagoo sida goraya cawshoo galab hoos u jeeddoo gu'barwaaqadiisio gaaroodi joogtoo baydiri gantaaliii geed ugula dhuuntoo ku gilgiley falladhoo meel halis ah gooyaa gucle iga dhammaadoo godollaan ordaayon sida awr gabrareed geeddiga higsanayo gobolkaan u jeedaa guulluhu I keenoo gabayoox duleedkaan weheshadey go'aygoo anigoo gandoodoo is-guhaadinaayaa waxaan geystey mooyee birta layla gaadoo inantaan gardaadsheen gaadiid sidiisii ku xambaaray guudkaa wedka ii guddoontee. Godob-reeb ha joogee Lay diid garawshoo Giddi habar-dugaag baa Waydaydu gaadhoo Gorgorka iyio haadaa Ilmo gabax ka siiyoo Garanuugta aydaa Geedaha ka soontoo Ma hallayn gartaydee Gacal baan u waayoo Golahay lahayd iyo Geedkeeda keenee Guddidaan u dhiibee Guudkeed xil-saaraa I gargaari weydoo Gaaliyo Islaamkaan Gacan-siin ka waayoo God madow dhexdiisaan Ku gunaanad seegaa Geeraarku joogaa
29. Gol janno Top
Wakhtigaa is gurayoo Hadba xaajo godadliyo Ged la soo baxaayoo Garashada damqaayoo Gudgudaa hillaaciyo Geydha iyo fooraha Xasan Ganey ladhkiisii Goljannaa ka dhalatoo Galabta iyo sheekada Gorgor iyo Hargeysiyo Geeskaannu joogntaa In dhoweyd guhaankii Gulcub buu dhalaayoo Gorgor iyo wax yaabliyo Tuke hilib gadaayiyo Xuunsho geel la joogtiyo Golli heeryo sidatiyo Rati gorod madow iyo Geesoole boqoriyo Saadaal gurracanoo Gurran waa la filayee Ninkii beesha soo galay Gonad dhigashadiisii Ri garbaa iskaga taag Marna saaryey gaaddada Mar gadhkeeda feedh feedh Afka godan ku kaakici Marna geesaheediyo Kaga weehaya goonyaha Marna caws u soo goo Marna sheemi gaarkeed Ka takooryey gacalkeed Gabankiyo haweenkii Iyo gurungurcoodii Gurxan iyo colaad iyo Guulguul u saar-saar Ku gadoodyey beeshii Habeenkiina gaadhkiyo Gaaf-meerka tarantari Warka lays galaa bixi Dabadeeto goobtii Gurmadkii isugu tegey Afka gacanta wada saar Mar la yidhi ridaa guul Gallad hoose wadatoo Cidi aanay garanayn Marna gacal xijaabtoo Gunno iyo xusuus iyo Laga gooyey samahoo Godka lagu illaawoo Isa-soo galluubtiyo Nin gargaar u dudayoo Gibil doorsan lagu sheeg Marna aayad gaaroo Xidid iyo gun dheeroo Rabbi soo guddoonshiyo Deg la yaab leh lagu sheeg Marna duni gablooshoo Isa soo guraysoo Socotoo gudbaysoo Guuraysa lagu sheeg Marna caashaq guunoo Goobaayey beeshoo Rida Garo jeclaadoo Guur-doon ah lagu sheeg Googaadu badatee Xasan Gareyna tiisii Biyo gebi ka soo degey Dalka ay ku jeedaan Gurdankooda sii raac Godankiyo ishii doon Gunta hoos u sii baadh Gorgorkii xammurraa Gacan haadis ugu yeedh Dadka goonni uga saar Gole xaadhan soo taag Googoos u kala bixi Gobannimo ku sooryee Gelbi oo lugaysii Geyigoo dhan soo mari Gobolkana wax uga sheeg Guji oo wax weydii Fuley baa wax gaadee Go'e yidhi iskeen sii Xaajada gun iyo baar Geeraar ku xadantee Gudbi oo is dhaafsii Ragna galangal soo celi Gabayana ka daba tiri Gudcur baa arlada jira Gogoshaa la jiifaa Gama' waa la maqan yahay Goonyaha cabaad iyo Gurxan baa ka baxayoo Reerihii badh baa gudey In la guuro weeyaan Gaadiid ma laylyana Gadh-wadeenka baashuna Gabadh buu ku xidhan yahay Iyaduna galbeed iyo Dhul fog bay go'doonkiyo Gocashada ku joogtaa Wakhti waa is gurayaa Goor danboo xisaabtii Geba geba ku dhowdahay Ayaa Gaarriyow qaar Gabrantii dayeysnayd Garaadkii ku soo degey Talo laysu geegee Dadku hawlo gaaxdiyo Gale baadi doonkii Gudcur laysla soo taag Gabadhii la weydii Geedka aan tagnuu yidhi Garta jilibka loo laab Hadalkina go'I waa Gudcur baanihiisii Markuu soo gunaanadey Guunyo keena buu yidhi Gucle orod la soo roor Goolal soocan loo miidh Ahminkiina loo gee Gudcur baa hadana yidhi Waxaa goobta keenteen Magtii Giibba maahee Gashigii badh baa hadhay Hasha gabanku maaliyo Gaadiidka beeshiyo Geyigiyo dhuloo idil Waxa geelal joogiyo Inta gorod madowliyo Geesleyda soo tuba, Iyadoon la kala gurin Hanti oo dhan loo gee Lagu yidhi guddoon hoo Inantii ma gadan tahay Yaa is gaadhey buu yidhi Googarada dumarkiyo Waxa aad go' haysaan Iyo googo lacageed Iska soo guru yidhi Guryihii la baadh baadh Guntintii danbaysiyo Kawlkiina loo gee Gudcur baa haddana yidhi Xinjir gaatamaysiyo Cadraddiyo gashaantida Inta wiil gantaashiyo Gaashaanka hanatiyo Ordoo geesigiinniyo Gaaridiinna labadaba Goobtan keena buu yidhi Codsigaasna loo gee Wuxu yidhi guddoonsadey Gabadhiina waa taas Guul-Allaa la wada yidhi Gaaridii la soo hoy Geesigiina loo door Guurkeeda hananlaa Gobolkana xilkiisiyo Geeddigiisa koowaad Gadh wadeenka noqonlaa Golihii la dheehee Harrarada la goobiyo Googooska lagu xidhay Gelbiskii rugtii yimi Gurxankiyo mashxaradii Dadku gooli baadhkii Gumucyada rasaasta ah Sida galayax loo tuur Isna goobta quruxda leh Hadba gees u daymoo Guurtidii isugu timi Mahad celin ku gaalgaal Markii waagu guubaha Iyo furay garayskii Gaafkiyo xusuustii Inta ubax guduutiyo Duco lagu gunaanadey Gaarriyow halyeygii Hanbalyada la gaadhsii Gacan qaadka lagu dhaaf Ka gadaala wiilkii Intuu gaadh u diray qaar Gargaraacyey aqalkii Soo gal baana lagu yidhi Gobaad foolku ka hor yimi Isha laysku galac sii Garashaa fogeysoo Gabadhuba ma heellana Wejigeeda guul iyo Gacaltooyo kuma taal Gacan qaawan soo fiiq Kaa geysan bay tidhi Xiisihii ka gaagaxay Hogashada gandoodkii Soo laabtay gorodkii Isaguna guhaaddiyo Guul guulka ka hor yimi Gabbashada is weydii Waxay tidhi "guntiga xidho" Go'a iga fur "buu yidhi" Gudin iyo hangool iyo Garab qaad is weheshay Tidhi "qabo guddoonshow" Gogol buu ku yidhi keen Ganbadh bay ku tidhi hoo" Gargariirka lahashada Cabashada is gabangabi Durba gaajo soo qaad Dib u guratay Joogdheer Eeg eegtay guritii Gudur meel halkana yaal Iyo gocay hadoodilan Ugu geysey meeshii Gurracow ku tidhi hoo Isaguna guddoon jidhi Baahiduu ugolon golay Gunnadii xujaysnayd Markii u gondaa dhigay Galladii ku rayray Hadduu gaar xil leeyahay Gabadhiiba kuma lurin Kaba goosey hadalkii Dadkii soo gadaal noqoy Hadba goosan soo biir Higsi laysku soo gaadh Gawraha duleedkii Gacalkii isugu yimi Golihii la weynee Dhagxan laysku soo gurey Shaxda loo garraaddee Lagu guulyey meeshii Sheekadu gabaabsiday Badh gataatigii ciir Galaayuuska hibashada Guuxa hoos ka tuurka ah Gocashada kor loo qaad Gorey baa ka ciyey meel "Gurayow war lagu sii gobonimadi waa halis geesku baylah weeyaan" Kaalay gawrac neefkaa? "Gurigiina dadab ma leh lagu gurey wixii yiil dadkii waa la gaasiray lama gadin xilkoodii." "Goosaradihii qaar Gurac kuuma dhiginaa"? "Gabadhiina waa ugub iyaduna geyaankeed guumeys ka noqotoo guudkaa u daban weli". "Sarar gool wan shilisoo geedaysan hooyaa?" Goraygiina yaabyoo Ka gu Qaafo buu yidhi.!!! Guray oo xuslinayoo Baahi geylameysiyo Gabaddano eryeysaa Gooddiga ka soo kudey Gobaad leexadiisay Meel dheer ka garatoo Waa gaal la joogii Yaradkiyo gabbaatiga Gudcur siiyey berigii Waa ninkii gumeystuhu Marka uu gabraar tago Garanuugta celin jirey Isna soo galaydh yee Iyadana talaw go'an Haan bay garaysiyo Ganbo iyo hagoog iyo Googgarad jacfaaniyo Maryo dumar u gelisoo Gunta iyo furkii bay Xinne ugu guduuddoo Waxay tidhi "Gadaan-Dheer Ninka soo gurdamayaa Gabadh doonimaayoo Gogol looma fidiyee Guushkiyo qadhaabkiyo Gawska ugu roonow Dhaxantana wax uga geli Aniguna gadaashiyo Guradaan ka baxayaa Gurigiina waa kaas Geyllankii xawaaraha Gurma go'an xaskeediyo Guban raran leh soo jiidh Dadkii qaar galaafaha Gaadada ku soo qaad Gurigii ku soo biir Gurrac xadhig ku taandhee Ku gaggabi tumaatida Garba duub iskaga reeb Ginbirkiina soo fuul Yidhi yidhi Gobaad yidhi Gacan dhiig leh soo taag Laye gooha soo reen Haantiina kama gurin Kol hadduu gobaad iyo Goosarado caammiya Is la helay ninkii Gurey Cidi lama gudboonee Hanbaddii ku gooraan Gufarkii ku naalloo Hadba goobo soo qaad Ku gufee calooshii Haki Maxamed geenyada Hash Garaw u yeedh yeedh Godol oo u gaal gaal Gabantana ka yara celi Wax la yidhi guyaal hore Bahal geed is-marisaa Maqlay gobol Islaamoo Wadaad gaasa baxay raba Gadh intuu samaystuu Kutub garabka soo sudhay Soo gaadhyey beeshii Hadba dadabta loo goo Hadba goolal loo loog Badhi iyo leg loo gee Gallad loogu roonaa Hoosna gaadhku kala socoy Gahan gaha abaaraha Sida weerka guuree Hadba reer ku soo gaas Hadba galab carraabaha Masallaha gabboodkiyo Hoos galbeedka soo dhigey Gelin qudha maqnaan waa Guryihii ku fara badey Galgal iyo xasarad keen Gacan dhaafna lagu arag Gungunuuska beenta ah Ku galgaley Quraankii Guudaankii dhayi waa Goosan lumay bariin waa Lagu barey gaddiisiyo Naan Geeddi Baabow Nag gunaanadkeediyo Garshada ku dheerayn Misna gogosha loo badi Isna laba gar-daaqii Hadba taako sii gudub Ganacsiga ku sii durug Guul-darraa ka salaglee Galab buu ka kacay meel Gegi laysu soo baxay Dadkii joogey goobtaas Kadin geela weydii Warka Geedi Baabbow Gujo iyo faq hoosiyo Isha laysku gaadhsii Waa dad soo gubtoo jabay Dhegahay gufaysteen Sii garooc hankiisii Gu'rin qaalinuu yidhi Yaa godkiisa hoosiyo Geysanaaya aakhiro? Shirkii ruux garaaboo Gacan taaga laga waa Iyadana ka sii gudub Kuye gacallayaalow Boqol shilin ha lay guro Goroddaa la wada lulay Ku go' baana lagu yidhi. Gonduhuu u sii degey Kuye geed is-mariskii Gini lagaca yaa hura? Laga gaabsey hadalkii Wuxuu yidhi galkiisiyo Yaa kitaabka naga gada? Gaw baa lawada yidhi Go' boodhka laga tumey La bannee gawaankii Dadku galab carraabaha Badhba gees u siigee Raabe raabe loo guran Golihii ku noqoy keli Goobtaas la kala dhimey Isna Geeddi Baallow Galalkiyo khamiiskiyo Garan gari kitaabkii Ged kaluu u diga rogey Miciyii gahaydhiyo Daba goojinaysiyo Gawsihii u sheellaa Gibishii u duubnayd Gashey saamihiisii Gaaleemadii tuur Gafi waa runtiisii Dadku gacan macaannaa Gobsanaa furfuranaa Gacaltooyo badanaa Gaarriyow shabeelkaas Gabbal iyo galaal iyo Maxaa gaasho loo qalay Maxaa goobo loo shiray Maxaa guulo loo qoray Taariikhda guunka ah Maxaa baalal loo gubey Immisaa garaaddiyo Billad gaara lagu tolay Immisaa g'sharafliyo Shaal guduudan lagu xidhay Gurey baynu haynee Hadda goosh labaadkii Aynnu guulihiisii Isla sii gorfaynoo Gurigii ku noqonnee Markuu guufafkii liqay Ayuu daaca goodlaha Guulaamo kiciyoo Geeribuu ku yidhi tali Waxay tidhi dadku ha gudo Golxobkana u diro sahan Dadka gees biciid dheer Guubaabo ugu lali Gurgurshaaga loo yeedh Lagu giiji caynkii Guryo samo allahayow Ku dareeryey geelii Luuqduu ku garan jirey Gosha lagu hayaanshee Goonbaarta wadatiyo Guuguuda hugunkiyo Goofaadhtankii yaab Codka gaban ka xoorka ah Hadba soo gadaal eeg Beeshu waa gawaan raac Dayax rogey gadaafaha Gudcurkiina sii baah La is waa go'doonkii Gelliyada dugaaga leh Hadba goosan lagu dhaaf Hadba guura raacii Laba guuto loo reeb Gamas iyo warmaa raran Halkan gaban yar baa qalan Halkan geesi baa yaal Halkan gaari baa wadhan Halkan waxa ku gawracan Guurtidii xulka ahayd Dhankan culimo gaariyo Gadh-cas iyo wadaad iyo Golfof iyo raq baa quban Gaadiidku waa naxash Gadh hayuuna waa mawd Waxa geeddi lagu degey Godadkiyo xabaalaha Dhulka hoose loo guur. Waxa la yidhi duq guunoo Golxoshoo idlaadoo Lafta dheeri godatoo Gaabshey oo cuslaadaa Guudadley ku soo baxay Mayracaysa galab adhi. Gooli baadhka sheekada Haasaawe goo goo Hadalkii gar adag iyo Gendel iyo alool saar Hadba garagar oodee Hadba gooddi kala bixi Galka ulo ku baadh baadh Goobyaalka inantii Garan weydey baanuhu Geesuu u dhacayoo Waxay tidhi geddaa hadal Aan is guursannuu yidhi Alla yay gujay tidhi Kol hadduu gedmado hadal Goobta waan ka dheelmaa Ayay gololadii tidhi" Wuxuu yidhi god bay hadhay Waxay tidhi Gadh Cawsow Adhigaa galbanayee Aan gadaal u soo rogo" Isna yidhi ka gaadhsii Guusha maanta kuu dagan God-dalooladiisiyo Guga faraqa haystiyo Gedihiisa qari yidhi Ganbaraashka sii luud Gumar buu ka jaray qodax Geed kaluu ku soo mudey Gabbashada ku soo noqoy Ku soo laabey goobtii Gabadhiina ugu timi. Gol castii dhacaysuu Go'a sare hagoogtiyo Gacantiisa ka hadhsaday Wuxu yidhi "galoolkaas Maxaa gaari dumareey Gunta hoose kaga mudan? Ma gammuun ku jabay baa? Ma fallaadh ku ganan baa? Ma gafuudh maxaadh baa? Ma atoor gadoodaa Geesihii mid kaga tegey? Geedka wey u jeedaa Waxa gaar u raacee Guur-doonku sheegee Gunta hoose kaga mudan Indhaheedu gabadhii Markay gaadhi waayeen Waxay tidhi inoo gee Runta aynu gunudnee. Fadalkaa la wada gurey Garo oo barbaarkii Gebgebtiyo is waalkii Wuxuu guudka kaga dhacay Hal fadhida gelgelin Sow ka sokaysa geedkii Qosol guuli keentay Hayn weydey gabadhii Isaguna gilgilashada Gebi dhaca is yidhi toos Misna gudub u soo ciir Gabaxdii is qaban waa Gadhka ciidda kula duul Show illayn gardaadkiyo Garab iyo shanshaa jaban Jaljalleecday gegiduu Ku burburay geyaankeed Laye Guud-haldhaaley Garangarisay laafyaha Isna gocasho sii dhawr Baalal goof ku yaalliyo Indha gudhay ka daba tuur Dabadeed galgalashada La gurguurey boodhkii Gawdiidsey meeshuu Salka dhigey go'doonkii Ku wadh wadhay gabaahiir Waxa hodey garaaraha Golxadiyo cabaadhyaha Goobtaasi hadal ma leh Goolkaasi dhalan waa Guurkaasi beenow Gabow baa da' mehersaday Gurey baan xusuustee Gobor iyo turxaan iyo Ninku gaatir badanaa Qudhun buu far geliyaa Marka gacal la yaabuu Guudkiisa mariyaa Gaarriyow ma naagtii Loo maydhay gacantiyo Gambadii la sheegiyo Gabaygii la tiriyaa!!! Gol jannaan ka shaxayee Goormaan dawaafkii Tegey webi Gannaaniyo Gabbala dusheenna ah? Waxba yaan ku raad gadan Nabarrada I gubayee Gorof legedka hoosiyo Gunta aan u soo dego Xaajadu galoof iyo Nin gawaan ordaayoo Cidla' gelelefaayoo Gariyaad jafaayoo Garab maray abbaartoo Iska gola ka fuuliyo Garo iyo jacayl iyo Gorgor iy ri maahee Murti gooli baadhiyo Gibil saran weeyaan Gudban iyo shax weeyaan Gunaad biiray weeyoo Gumac lala dhacaayoo Umal gaaxdey weeyaan Gubashiyo ladh weeyaan Gocashiyo dan weeyaan Gabay iy xil weeyaan Bahal loo gabbanayoo Nin geddiis yaqaannaa U gurguuraanaayoo Gaadaayo weeyaan Xasan Ganey tummaatida Ummaddana gudddonsii Gocorkana ku naafee Gunta taabey eelkii Maansada gef kuma jiro Hasha Gorey siddeedaba Waxa loo gayaxa maray Inay Geeska deeqdoo Saameesho gaawaha Ama garo ama ha garan Rag gudboon sal iyo baar Haddii geel isugu jiro Gar maqaate dhega li'I Go'aan wadari leedahay Hadduu goonidiisiyo Gaarkiis u maamulo Keligii nin gob yahay Inta badan gun hoosiyo Garax iyo qadhoon iyo Gaagaab ka wada dhigo Marka loo ged sheegtana Galka seefta kala baxo Wuxuu goosto keligii Ama geysto dabadeed Garashaa ku tidhi yeel. Ninka kale gilgilashada Hadduu giirto hibashada Ama goosto dabadeed Gacan inuu ku ciil baxo Dala'siga la gaasiray Garashaa ku tidhi diid. Dabadeeto goobtaas Dibno foolku goostiyo Gogoshoo la laaliyo Gama' oo la dayrshiyo Dhulka oo guhaad iyo Gubashiyo xanuun iyo Gulcub lala xarriiqiyo Godob baa ka dhalatoo Iyadana go'aan iyo Guubaabo tarantiyo Gurmashaa ka dhalatoo Iyadana gantaal iyo Gaashaan is jiidhiyo Baadidoo is guratiyo Gocondhaa ka dhalatoo Iyadana col gulufiyo Galow fooridiisiyo Geesi haadku loogtiyo Gaaridoo hengelatiyo Guryo laga baroortiyo Goblan iyo xabaal iyo Geeri baa ka dhalatoo Iyadana go'doon iyo Gacashiyo hagoog iyo Gacal kala fogaadoo Weji gabax is dhaafiyo Nabaddoo gurracantiyo Gob jabtaa ka dhalatee Iga gunud Rashiidow Geba gebada heestiyo Gabaygaygan kama wado Gaax-nuux la talintii Gabbal dhacay ka hadalkii Hadda galabta sheekada Waxaan uga gol-leeyahay Samihiyo is garabsiga Berri yaan la gees marin
30. Gudban Top
Waa duni la gaadoo Iyadoon gabow iyo Geerida ka dhow iyo Geeddiba ku talo gelin Seeftii qudh gooyada Galka looga siiboo Soo guur la yidhiyoo Waxay gaaxsanaysiyo Khasnadii guraysoo Daba goosanaysoo Is gunaanadasoo Waagii guduutaba Ged kalaad ku aragtaa Gurrac lagama waayee Sheekadu ged iyo xeel Af-gobaadsi weeyoo Raagaa sar-gooyoo Cali baa gardaadshoo Gadihii Qamaan iyo Gabaygii Salaan iyo Gudbantii Darwiishkiyo Murti weeye gibilloo Isku joog gun iyo baar Madabkii is-gaadhiyo Inan gacan farshaxanii Harraray garaariyo Gaashooyin marisiyo Googoos la saaroo Nin gardaadsha mooyee Ruuxii gudaanii Ka sal-gaadhi maayee Googgaa abwaankow Gabadh caana nuugoo Gugan maanta dhalatoo Dhul gurguurad mooyee Garanaynin socodkoo Gosha lagu xambaaroo Hayaanka iyo geeddiga Awr loo gureeyoo Gaadiid la saaroo Misna guudka dabatoo Garka aan furaynoo Debcinayn garayskoo Guurguurka noloshiyo Godadkii isdaba yiil Isku garab maraysoo Goormaan lammaanaan Ama lay gelbinayaa Taladeed ku gaw tidhi Waa xaal gurracanoo Gurranoo la yaablee Waxaan uga gol leeyahay Ruuxii gartow sheeg. Geel aan irmaan iyo Gabno iyo candhooliyo Madi guuto deeqdiyo Gaaniyo horweyn iyo Awr goola wadannoo Gaban daadahaynoo Gallad ciddi ku qabinoo Lala gelin hadhuubkoo Geedaha aqoonnoo Garow loo bisleeyoo Geeslow Biciidkiyo Garanuugta seenyoon Loo soo gabraaroo Misna guul-darraystow Ganac loo wardheeroo Cidi gaadhi weydoo Ninna goosan waayoo Dhaqankiisu gaar yahay Waa xaal gurracanoo Gurranoo la yaablee Waxaan uga gol leeyahay Ruuxii gartow sheeg. Waayeel godoodoo Gacalkii ku duuloo Guluf weerar saaroo Gamcihii dhiigii Gororshoo ku maydhoo Ma hadhooyin geystoo Misna loo garaaboo Godob reeb la siiyoo Inan loo guddoonshoo Gudbiyoo is dhaafshoo Gocor aan xil hanan iyo Nin labaad u guurshoo Ka gabbaati qaatoo Yidhi gaari maahayn Waa xaal gurracanoo Gurranoo la yaablee Waxaan uga gol leeyahay Ruuxii gartow sheeg
34. Hal abuur Top
Hal-abuurku waa geed Hufanoo udgoonoo Higil iyo caleen iyo Hoobaani fuushoo Ubaxuna kor iyo hoos Hilqadaha ku dhigayoo Hadh qabow ku darayoo Shinbiruhu hiraabtii Ka haloosiyaanoo Cidi aanay hurinoo Ishu haybta meel dheer Uga soo hilowdoo Higsi lagu yimaaddoo La habaarin weeyaan Hal-abuurku waa diin Bulsho hadalladeediyo Haasaasaheediyo Hinqashada dareenkiyo Hibo weeye Eebbahay Hanti aan la gadinoo Halladaad ku gelinoo La hagoogto weeyaan Waxa lagu habeeyaa Hiddahaad ku dhaqantiyo Himiliyo ujeeddo Waxa lagu hayaanshaa Hagar li'I dadkaagoo Waxa loogu hiishaa Lama hure dhulkaagoo Haqab-beelka noloshaa Horta lagu yagleelaa Hal-abuurku waa roob Hogol weeye curatoo Waa heego diriroo Ka hillaacday meeloo Dadku ruux hilaaddiyo Hindisaha yaqaannoo Jidka toosan hubiyoo Dhakhso ugu hayaamoo Hela doogsinteediyo Qof habaaba socodkoo Ku hungooba weeyaan Hal-abuurku waa deeq Waa Haro-Digeedoo Is harraartiyaysoo Dadku ruux hal adagoo Horu socod ku darayoo Ka hirqada xareeddiyo Hawo niman ka qabino Hayin gaadha waayoo Ka harraaddan weeyaan Hal-abuurka guul aad Nacabkaa ka hanatiyo Libin aad la hoyatoo Ku haloosiyaysaa Dabka loogu huriyaa Marna hoga tusaaliyo Maahmaah hawiranoo Noloshuba ku hiratiyo Murti hodana weeyaan Marna haan gun-dheeroo Hilanoo lingaxanoo Habaqlaha dhextaalliyo Halxidhaale weeyaan Marna hoy bulsheedoo Ku habboon caweyskiyo Halab lagu bariistoo Laga helo naruuriyo Haasaawe weeyaan Marna hugunka uurkiyo Hadimada ku gaadhiyo Hogashada gandoodiyo Hiyi kaca calooshiyo Nafta hibashadeedaa Kugu huriyaa naaroo Hal-abuurka nabar baa Hollo kugu yidhaahdoo Dacar kugu hulaaqdiyo Hiirtaanyo murugaa Hadba lagu bakhtiiyaa Marna hadashadaadiyo Isha halacsigeediyo Hengelaha jacaylkiyo Waxaa loogu heesaa Hablihii kalgacalkoo Marka aad hawootaa Lau hoodo sheegtaa Marna geenyo hororoo Hardaf waal ku socotoo Halis iyo wax yeelliyo Hagar daamo badanoo Heddu saarantahayoo Nin bartaa ka hadhinoo Ku hodeysa weeyaan Marna waa hummaaggii Qofka kula hadlaayoo Intuu soo hankaabsaday Iska rogey hillaabtoo Kugu yidhi hankaygiyo Habka maansadaydiyo Hiyigaygu waa kaas Hal-abuurku wa awr Sita heeryadiisiyo Hirar kale shisheeyoo Wa hilib mergiyahoo Isagoo hal keliyaa Dadku harag shabeel iyo Ka dhigaan bariiryoo Qof kastaa hab gaaruu U higgaadsadaayoo Waxay ugu habboon tahay Sida uu u haystiyo Halka uu la doontoo Gabadh weeye hensaha Hore loogu xidhayoo Shaqalkiyo hagoogtiyo Huga way ku dhalatoo Sida naas hablood buu Horaad iyo danbeed yahay Hal-abuurka niman baa Hawraar u bixiyoo Toddobaatan hebeloo Hana-qaad is xigey baa Hasha maali jirayoo Haaneedka Raagaa Qaban jirey hadhuubkoo Cali-Dhuuxna hooduu Ragba kaga horreeyoo Hidda raac Qamaan bay Habar wada jaqeenoo Ha'da gabay Salaan baa Dhigi jirey higgaaddoo Hammi Faarax Nuur baa Ledi jirin habeennoo Hitiqsiga Gamuutaan Hamrashada aqoonoo Mahadhada kal gacalkiyo Hodan iyo xusuusaha Cilmi haadka duuluu Fari jirey hayaydoo Sayid Maxamed hawlaha Halgankiyo dagaalkuu U hor kacay Daraawiish Hurintiisa jiiftaa U ahayd hal-haysoo Ha noolaatadeennii Hubka lagu dagaal galay Murti baa halbowliyo U ahayd hoggaanoo Soomaali hurudday Hoobey ku kicisoo Xamar iyo Hargeysaba Dhagax iyo hangool iyo Heellaa xoraysoo Wallee hoobalkaan jirin Libi sooma hoyateen Anna heesta luuqdiyo Hawraarta maansada Kuma xidho hunguriyoo Kama taliyo hoodoo Ummaddaydu haabkay Ugu heellantahay baa Hanti iigu filanoo Hangal-taagga xoolaha Waxa uga han weynahay Hambalyada salaantiyo Hadal haynta magacoo Hindisaha wax sheegiyo Hoga gelinta jiiftada Ma hawaawi tiriyee U horseed tagaayoo Horta waan u sahan shaa Marka aan hoggiisiyo Feleggiisa hubiyee Habaskiisu yeedhaan Hudi hudi idhaahdaa.
32. Haatuf Top
Cilmi sow hoggiisii hindisuhu imuu geyn Hambalyiyo salaan iyo Sow hees umaan tirin Hakan uu ku noo yahay Hanti wuxu guddoontee Hor Illaahay ugu tegey Hubi sow is maan odhan Hodan sow ma weydiin Sow waa nin hoydoo Ifka taar la haystee Kama helin jawaabtii Xalay fiid horaadkii Sow haatufkiisii Hud-hudkii u soo diray Gacan haadiskiisii Kama halacsan sheedoo Hurin bayla socotee Kama hadhin barbaartii Sow maan hor-gelinoo Hayhaato maan geyn Dabadeedna haybtii Haye kow ma aan odhan Wuxu yidhi halyeygii Ama haada soo faray Ku billaabay heestii:- " Ninka ila hadlaayee ii soo hiloobee hawdkiyo xabaalaha hiilkaygu keenee hambalyada isiiyee hogga iiga yeedhow hab-dhaceeda maansada adigaa higgaadshee anigana war iga hoo" "Waxay howli joogtaa ama lagu harraadaa hanad lagu cidhiidhyaa hanti lagu gumeystaa dumar hoodo leeyahay raga hoos u eegaan hoogtada adduunyee" "Qofka samir hanbaystaa godka kuma hungoobee ifka hadimadiisiyo dhibtu way horreysoo ma huraanta aakhiro anigaa ku haystoo hogol bay kor joogtoo onkod iyo hillaac baa dusha iga hadheeyoo haro aan g'ayn baan darayaa hadhuubkoo hoobaan bislaataan habaq li'i dhex joogaa ishu halacsanaysaa guri hoos qabow bay halabtaydu taallaa," "Naftu waxaan u habaya sida hooyo wiilkeed naasaa horaadkiyo haaneedka siisiyo nirig hooto nuugoo" "Hodan iyo jacaylkeed dani igama haysoo hablo Xuural caynaan haasaawiyaayoo huwanahay taftoodoo lagu yidhi u heesoo geelii hor weyn baa igu soo hormanayoon u hayaa wadaantoo hawl bay sugaysee haye nabad walaalow
33. Hablaha geeska Top
Ma geyoon ma gamashiyin Ma gommodin ma gaagixin Ma gabloobin maan gudhin Mana gabin halkaygii Gabaygiina maan deyn Geeraarradaydii Imminkaan gardaadshoo Weli maan gunaanadin Murti nimaam gunteediyo Baran gogol-dhiggeedoo Gonda degi aqoonoo Garab-daar lahayn baa Gawl-gawla hadalkoo Kolba dhinac garoocdee Sida Webi Ganaanoo Cirka godollo maaloo Biyihii ku gaaxdiyo Gebiyadii kusoo degey Ku darsaday gufaaciyo Gullama diriroo Galli jabay habeenkii Kolba gacan masoo rogay Qudhaciyo galoolkii Gunta xididka maw jaray Dhulka wada galaal iyo Gabbalaha makaga tegey Afartaa geddaydii Dhaha laygu garan jirey Gurmashada dagaalkiyo Gulufkiyo colaadaha Goobaha naf waagiyo Halka laysku gowroco Marka gorodda lays daro Haddaan dumarku goonyaha Guubaabo kicinayn Sida galowga dhiilloon Illaa geesi qayrkii Birta kuma gumaadeen! Gu´ hagaagay oo da´ay Dhulka geedo jiifaan Gurya-samo barwaaqa ah Haddii geeddi lagu furo Dhallinyaro is gurataa Gurdan raaca fiidkii Gole weyn ku kulantoo Cagta garan-garkeediyo Isu geysa jiibkoo Googooska luuqdiyo Gedda sacabka loo jaro Hablahaa u gaaroo Garashada codkoodaa Qof gaboobay kicisoo Gelbiskiyo mashxaraddaa Gama´kaa ilaashee Haddaan gabadhi boodeyn Illaa gegi cayaareed Wax ma dhaanto geriyaad Haddaan guudka laga jarin Gudihiisa xaabkiyo Cayayaanka laga gurin Marwo dumar garka u xidhan Illayn guri dugsoon maleh Gaadaha habeenkii Kelidaa galgalashiyo Ged-geddoonka dhalisoo Adigiyo go´aagaa Hadba dhinac u guuroo Barkintaad gabbood iyo Gaashaan ka dhigataa Haddaan guud haldhaaley Kolba gacan la saareyn Illayn gogoshu wehel ma leh Kuma galo adduunyada Ninna goonni-socodkoo Marwo garasho dheer baa Ninka raga u gudinoo Iyadaa guddoonkiyo Gadh-hayaa naftaadiyo Gaadiidka reerkiyo Gurgurshaaga noqotoo Arrin kula gorfaysee Haddaan gaari kula jirin Illaa noloshu guul ma leh Gocashada xanuunka leh Waxaan uga goleeyey Go'i waa barbaareey Gobi waxay ku dhaqantaa Garab waxay ka dhigataa Gallad waxay ku dheeftaa Samo waxay ku gaadhaa Gololadda haweenkee Hiddaheena gaarka ah Hablihii gabowgiyo Geerida ku sugi jiray Hablihii garayskiyo Xiran jiray guntiinada Hablihii gu' iyo dayr Sida baarqab golongolay Dhexda xarig ku goyn jiray Hablihii garaaraha Gaatan-socodka laafyaha Sida gorayga ciideed Gelbin jiray tallaabada Hablihii gun iyo baar Isha gacalo-eegtaa Gama aanay ledi jirin Hablii talada guunkiyo Gunti jirey xishoodkee Hadlakoodu gaabnaa Hablihii gef hooyiyo Qarsan jirey guhaadee Haday godolo soomaan Haddey gaajo liitaan Cidi aaney garan jirn Hablihii gammaan faras Iyo geela ugubka ah Guur doon ka bixin jiray Hablihii Gargaariyo Guuleed ku curan jiray Goldaloolo iyo ceeb Hablihii ka guban jiray Hablahaan gankoodiyo Hilibkooda gadi jirinee Haddii aad gujeysaan Guulguul ku leysaan Godol qudha ku moodaan Gabal kooda dumisaan Hadba tooda goosha ah Ganacleyda jabisaan Dadku gabanaa xooriyo Garrac ley yidhaahdaan Inagoo gumeyniyo Dhaqan guurey weeyee Gocashada xanuunka leh Waxaan uga gon leeyahay Godob aabbe faleybaa Ubadkiisa gocondhiyo Gumarshiga ku noqotee Gabi dheer ku dumisee Ninka inan ma geyda Golqaniin ku maalee Guraac kaga daneystow Waxaad gaax saneysiyo Gashigaad cuneysiyo Xumahaad galeysaa Ruuxey ka go’an tahey Gabadhaada weeyee Gafka aad faleysiyo Waxaad geysanasaa Galabkale ka sheekeyn Gebagebada sheekada Bal aan soo gunaanado Guddoonsiiyo jiiftada Gabigeed adduunyada Gobol-gobol u qaadoo Hablo weerar geli kara Hablo geela dhicin kara Hablo geesi dili kara Gobonimana hanan kara Hablo talada goyn kara Garta madal ka niqi kara Garashana iskaga mida Quruxdana ka wada gob ah Geesteena mooyee Gayi kale ma joogaan
36. Hambaber Top
Maansadani waxay ku soo caan baxday ama dadku u yiqiineen Hargeysi Ma Toostay Markaa maansada magaceeda dhabta ahi waxa weeye"Hambaber" waxayna soo baxday 1982 markii shacabka reer Hargeysa ay mudaharaadeen kuna kaceen dawladii Siyaad Barre Markaas oo uu Hadraawi joogay Muqdisho, sidaas ayey nagu soo gaadhay maansadu, Habeenada weysha Dhurwaa habarteeda Dorraad ku hiraabtay Haan-haabadka naaska Haaneed ka deyeysa Nirgaa hugun yuuska Halkii lagu ooday Hammuunta ka yaw leh Riyaa hoganaaya Idaa tuban heelka Cadceedda hagoogtey Haleelada weydda Dhaqaaq hidin waaga Hareeriga taagan Dantaa ku habsiisey Inay hakadaane Dhulkoo hanad joogo Intaan gadadh heerin Ka sii degin heerka Hadeer la yaqaano Intaan habqan beeshu Huluulaha oodan Ku saan go'in hawdka Intaan habac jiitan Badhkeed ku hallaabin Markay habaq baahdo Dugaaggu hilbaysan Intaan hawa boodka Fardaa higil raacay Kuwii higsanaayey Hummaaggu ka reebin Xayeeshku habaabin Intaan halladaadka Hayaanku is waayin Habeenku dhex qaadin Hadhow la shallaayin Hadaadunka naaftay Sidii habas daalka Hawaarsadey ciidda Anaa hiddiddiida Hobey hobe hooda Durbaankiyo heesta Ku soo hoga geyne Adaa hal abuurka Tixraaca ha'leyda Ujeeddada hoose Hawaala yaqaane Haruu orod Faarax Horweynta jiciirtay Hadhaaga u jooji Haydaartiyo doogta Hantaaqada ciilka Dareenka huqdiisa Qamuunyada haarta Caloosha hugmaysa Hiirtaanyada raagtey Dhinbiisha hulaaqday Dabkaan hurin doono Colkaan humin doono Hargaa igu laalan Dhowaan henggel baasta Ninkaan huwin doono Sabaanka hagaagey Barwaaqada hoortay Daruur iyo heego Waxaa hogol gaaxsan Hadhaysay dushayda Harooyinka buuxa Hoobaanta bislaatay Haraaciga daadka Caleenta hiraysa Indhaa halacdooda Hibaaqiyo laaca Naftayda hankeeda Waxay hibanayso Haddii wedku daayo Inay heli doonto Anaa huba taase Hambaaber dhowaanta Dareen ma hurdaana Dagaal wata heeso Hidday u lahayde Hargeysi ma toostay Hogaanka ma diiday Harqoodka ma tuurtay Inaanay hummaaga Hadoodilan yeelin Sidii hebel geel ah Heshii Nebi Saalax Horaadada dhiibin Hankeedu ma siiyey. Waxay hibanayso Ninkay la hadlayso Hagaag ma u sheegtay Hadday sama weydo Inay hantideeda Nafteeda hurayso Hubaal ma caddaysay Allaylehe waa hog Shax aan la hilmaanin Malaa Hugur tiisa Waxaabu u haystey Inaan hayal toosan Harraatii aqoonne Maskii Hilqadaale Ma soo hardaf boodey Horaanse u sheegay Inaan hadda beeshu Hadhiimo ahayne Haddeer waxa jooga Hadmaan ka afeeftay Hasaasaha muuqda Wallee hagar daamo Falkaagu habeensay Higlooy gabbalkaa dhac Hangaalli hungaalli Hegaan hega gaalli Hunjaalli hantoolli Bidhaan had-hadowga Hiwaali hahoodka Jibaanjib hunnuunnu Huraalka hiraalka Hambaaber mardaali Hadeedab mardaadi Kallaal himbiriirsi Hawaawir hayaayir Sadaad herimooya Hunnnuushle hannaashle Sareedo hamboori Hankooble hayooshe Falaad habbabbaale Hanquusle halowle Garaad himhimowle Hayaayub xumaanta Humbaalle dhaqaaqa Hallaallimo soofka Hallaasiga sheelka Harawsiga qaawan Hiliiliqa jeexa Higiishis boqoolka Galbeed hiyi raaca Maraykan ku hiilka Shirqool la hadaafka Habheeb alalaaska Hinraag qayayaabka Haraaryada neefta Hantaatac ergeynta Hagaas caga jiidka Walaaac haghagoodka Tawaawac higgoodka Hamuun taltalawga Calaacal hungowga Heshiis macaluulka Hunfey salsalaaxa Hinfaal wax u sheegga Wasiiro habaynta Hoggaanno samaynta Hadhuubada daatay Hareero ka leefka Jalbeebta hal leyda Rogaal halalleyda Hamaal shaqalkeeda Higgaadda shanlleyda Halkaan ka abbaaray Hadhauudhku Carraale Huftoo hufmi waaye Maxaad kala haadin? Intaas haqab beelka Hadhoodho horteed dheh Hal baase xasuus ah Nin tiisa u heellan Haddaan taladayda Hayaankiyo beesha Hoggaami idhaahdo In taydi haallawday Annaa huba taase Hadhow iyo fullan Waxaanan huraynin Inaan hadda yeelo Ayaa ka hagaagsan Qabiil ku hadaaqa Hobsheyntiyo faanka Masayrkiyo haybta Hinaase la boodka Holayntiyo maagga Hirrooda qab dhaafka Tollaay hebel meeyey Sidii horror waalan Hilbaa igu yaalla Halgaad kula duulka Colaad hurgumootey U sii hangagaarka Heleysada dhiiggu Markuu heleleyda Sidii harawaati Hamuun tiro ciidda Dagaal lagu hoobtay Halyey ku idlaaday Ka soo hindiwaaska Tabaalada huursan Hangoollada qaybta Fulaa halistiisa U sii gacan haadsho Halkay godobtaydu Ka soo hullanayso Ninkay huntutuulka Ku soo hullaanayso Inaan dib u haybsho Hillaabta ka qaado Ayaa ka hagaagsan Shirqool hadiwaaga Hiqlaynta riyaaqa Hubsiino la'aanta Haloosiga luuqda Hawaawi la boodka Hanuun la jibboodka Dhurwaa halab saarka Waraabe u heeska Hufnaanta kashayda Nin aan hibo saaray Xariir ku habsiiyey Markuu hal haleelka Sidii hurin yey ah U soo hal haliilo Anoo hadhsan waayey I soo hungureeyo Inaan hanqalkayga Sidii habla weynta U soo rogo hoosta Inaan af-lahaarka Harraati ku diido Ayaa ka hagaagsan Hanraawe I boobay Markuu iga haago Inuu hadhadaydu Hafeefta xanuunka Markay hurgumooto Hoosaaso afuufo Halbawlaha kayga Sidaas kula hoydo Nin haad I cunsiiyey Inaan horror siiyo Ayaa ka hagaagsan Hawraar iyo sheeko Haween laga reebay Beraa habar guurtey Hayaan rarygeeda Culaab iyo haamo Waxay hilif saartay Haldhaa kici waayey Hiyeeda gadh jiidka Markuu hollan waayey Ayey hindiskeeda Halaanhal ku keentay Midaan kolkaa haabka Markaa lagu haynin Waxay tidhi "Hoogey Hayaay Cabdi-Qaadir Hareer qabo awrka" Markuu hayinkeedu Hagaag isu taagey Ayey tidhi " haakah" Hebloo gabanteed ah Hilowna basteeda Malaa u han weynna Karaamadan hiirta Ku soo hormanaysa Hilmaanina weydey Wadaadka hoggiisa Ka soo hangallaystay Siduu ugu hiishey Ayaa tidhi "hooyo Muxuu horta sheekhu Inoo yahay haybta"? Waxay tidhi "heedhe Hibooy ratigeennu Markuu hingan waayo Ayaan huriwaaga Haleel cuskadaaye Habeen ma wadaagno Haddaan magaciisa Dantaydu higgaadin Ma soo hadal qaado" Ujeediyo haatan Nin tiisa u heegan Halyeynimadiisa Hashiisa ku dheelmay Iddiisa ku hoystey Inuu hantidayda Habaynta xilkayga Dhismaa hodankayga Hiddaa sharafkayga Waxaan nolol haysto Horsed ka ahaado Ka haayir idhaahdo Ayaa ka hagaagsan Hashayda nin maalay Markuu hordhaceeda Habniin kaga daalo Inaan hanbadiisa Hafriinyaha beenta Habeedda qalaysan Ku hoorsado weelka Gobaad ka hillaabto Inaan ku hagoogto Ayaa ka hagaagsan Anoo qaba hawsha Habeen iyo maalin Intaas sida heeryo Habaaska I fuushan Inaan ku hungoobo Hulleeka madhnaanta Hamaansiga quusta Hamuun la carrawga Heshiis ku ahaado Naftayda ka hiisho Hugaas doqonniino Hurrow nin I saaray Inaanan u hoogin Calaacal harraaddan Xaqayga ku haybsho Ayaa ka hagaagsan Habkii xidinxiidka Dugaag huwantiisa Horyaal ka ahaaye Markii hankakoobka La soo helay guusha Libtii lala hoydey Tukaa yidhi "hoy day Hashaan qalay saami Hagaagna u qaybi Hadhowna I toosi" Tukow hayedaadu Waxbay huwanayde Dantiisa ka haybi Qorshii hiyigiisa Halkay talo joogtay Ka sii wadey hawsha Ninkiina hilmaanyey Saqdii dhexe hawda Ninkii hurdey toosyey Hareeraha eegyey Raqdii ku hungowyey Hanqaar warwareegga Hankaag jaljaleeca Haqdii samri waayey Tukii hanfariirka Waldeys kula haadyey Gar laysu hankaabsey Hamuun gorayaale Ninkii Halac-dheere Wuxuu yidhi "hoy war Intaan hana qaaday Hadeer iyo caawa Haddee weligayba Inaanan hanbaynin Horaad u ogayde Maxaad igu hiifi" ? Ninkayse ka hoostay Mar bay hawireene Ka soo kabey haarta Bahaysiga haadda Hilbaa cuniddooda Habeen gama'iisa Inaanu haweysan Ayuu han fogaanta Halkii kaga dhaartay Ujeeddiyo haatan Rag waa hal adayge Heddeyda wedkeyga Inaan habalyeeyo Tubaa halaq yaalka Hog laygu qaniiney Ku sii hiradkiisa Ka haari agtiisa Ayaa ka hagaagsan Haddaanan haddaanan Haddaanan dhawaaqa Hireyda wireyda Hayaay ka kacayda Jahaadka Hargaysa Barbaartu hagayso Haweenka godoodey Ka qayb gelin hawsha Haddaanan haddaanan Intii isku hiila Hargaysiyo Bayla Intii la hal maasha Bakool hilinkeeda Heeraarta Kismaanyo Ilaa Hobyo geynin Hiiraan u tallaabin Runtay la hudmeene Haddaanan haddaanan Sidii hanqar yeedha Hillaac iyo maayad Dhulkoo dhan hadhaynin Banaadir ka heesin Wixii hurda toosin Halyeyada ciilka Ka haajirey ciidda Halkay talo joogto U sii farin haadda Haddaanan haddaanan Waxaan huro caawa Dhammaan huga xaaska Hayla maryahayga Sariirta hanbaadha Kuraasta hagoogan Ashuunka hunbuuca Haraaq iyo haadyo Waxaan jaqaf haysto Haddaanan xaraashin Waxay hanti goyso Intaan hub u siiyo Dadkayga habaynin Dagaal u hormaynin La soo hadhin guusha Hawraartiyo luuqdu Cabdow hadalkaygu Hawaawi kac weeye Ninkii hebel miihi.
37. Heego muuqdheer Top
Is helloo gabadhii is heli-mayno Huminnoo taladii hunsami weyday Halyeynimadayda kuma hadhin Hayntayda yaraatay bay hagratay Dan baa ka hor timi heshiiskii Hoh iyo caku heegantaydii Hilowga arradan bir baan ku hiloo Kashaydu hubaal ma heellana Hengel baan ka sitaa haween dumar Markaan ku hungoobay baan huray Haankiyo wadnahaa biyaa habaya Hantaaqo i gaadhay baan la hurday Huq iyo ma filayn hayaan kedisa Hayeeshe hayaaydi baa badatay Hammiga kalgacaylku waa habaqle Hed iyo waa dabayl hab soo tidhi Hiyigii lingaxnaa ma huriyeen Ma halabsaday geenyadii Hudi Hindisaa wax kalaan halkawgu socdee Hurintaan weheshaan ka hadhiwaayay Codkiyo hugunkaa isoo hagay Hoosaasada mayla hiishaday Haasaasaha muuqda hirigooda Caawana hambadaydu waa halis Horyaalka da'day hadhuub la dhantaay Hiddiyo dhaqan baad hagoogantahoo Waxaad huwantahay hugii sharafka Sidaad u habaysay heensaha Hadoodilka muuqa higilkaaga Haldhaaga sidiisa hooshaarka Hilbaha kugu yaalla heemaalka Hanqalkaad la kacdiyo hubkaad sidato Hab-joogga timaa hal-qooqa leh Hufnaanta xishoodka aad hogatay Hawaarta ku saaran heeraarta Hilqadaa boqorkiyo hariiryaha Habuurka, udgoonka, soo haarka, Sidii hayin haamo culus sida Hubsiino dhaqaaqa hanashada Hormaynta hannaanka laafyaha Hal qaadka tallaabadaad hollatay Lugtaad hakisaan hoggaansamay! Dhul habatacay ciidda oo hodantay Dhirtoo hamashowday doog hadhsaday Xareed hilo iyo harooyin degtay Hantidoo dhashay deyladoo horratay Haleello maqasheeda heel ku furtay Horweyno ku foofay meel hadow leh Haloosiga baarqab hoobala Higtiisa higgaadda dhiillada Haadkii diday keenay hoosiis Hibaaq ka dhalaalay Haadaamo Hareeri ka muuqday Heegaale Hoobaan ka bislaatay Hawd sare Dayaxoo himir iyo huruud marsadoo Caweys ka hinqaday hoggiisii Horseed la socdiyo hoggaanno wata Qorraxdoo halabtiyo hillaabta dhigtay Daruuro ka hooray hoosteeda Fad iyo hogol loolli habar wacatay Hillaac iyo heego soo curatay Sidii hir fog baan ku soo higsadoo Indhuhu ku harraade halacdaada Hubsiinadu way hagaagsantahee Hadhow iyo mooyi hawlo danbee Horjooggaagu heello igu dhali.. Hugiyo dharku haybta waa ka badh Hablihii kacay qaar hawaa lumisoo Xilkii hooyo way ka heermeen Hummaagay run moodayaan hodaya Hebliyo hebla hiil ka sugimaayee Hankaagu ka weyn hinaasaha Waxaad haysataa jidkii hore Sidaan hubo waad hal adag-tahay Hambalyaan kugu siiyay hirashada Hawraar murtiyeedda hadalkayga Waxaan hidiyaaba waa hees Hortaada, gadaal, hareeraha Hibaan ku daleeyay hilinkaaga Habeenkaagu waa mid hooda leh Ku hoyo nabad Heego-Muuq-Dheer. 39. Hoobal Top
Ninka hirarka dhaadheer Dadka kala hadlaayee Qof kastaba la haystee Ugu taga halkiisow Kolley waan hubaayoo Haasaasahaygiyo Waxa aad had iyo jeer La haloosiyeysaa Hibo gaar ah weeyee Hiddo maxaad ku dhaqantaa? Hanti maxaad ka leedahay? Hub maxaad ka sidataa? Adduunyadu hir weeyee? Maxaad haabanaysaa? Maxaad haybnaysaa? Waxa hoobal lay yidhi Aan kuu higaadshee Hiddo waxaan ku dhaataa Afkii hooyadeennoo Hanti waxaa ka leeyahay Suugaanta hodanka ah Hubna waxaan ka qaataa Hal-abuurka midhahiyo Hannaankiyo sargooyada Qalab lagu hufaayoo Lagu haadiyaayoo Hugunkayga yeedhaa Lagu hawl galaayoo Heellooyinkaygaa Bulsho lagu hagaayoo Ka hallawsan weligii Lagu hoga-tusaayoo Hawraarahaygaa Dhasha lagu habaayoo Dadku hadalladayduu Ka dhigtaa hal haysoo Dhegtu heesahaygay Hanqal taag ku maqashaa Hayhaato meelaan Halistiyo wax yeellada Ka arkaa hog dheeroo Hoydayda yeedhaa Nacab soo hillaabtiyo Horror lagu ogaadaa. Birta waxa u haystaa Hubka waxaan ku laayaa Qofka himiladaydiyo Neceb horu markaygoo Hagar-daamo taliyee Jecel hadimadaydoo Horsed sheelan baan ahay Hammi baa I lumiyoo Hogashiyo wareerbaa Hilbahayga laastoo Haraggiyo laftii baan Ku haddafayaayoo Ma haleelo dhaymaha Ma dhasado kalliilaha Mas ku jiro hoggiisoo Cawa daran la hoydoo Hurdo loo mar dhigay baan Anna haro-walwaaleed Hora hora idhaahdaa Inta aan higgaadiyo Hindisaha ku jeedaa Dadku iga hayaamaa Hore layga guuraa Inkastaan u heegnahay Xilka aan hagoognahay Misna habaqlahaygay Haadii ka dheregtoo Hanbo feenna mooyee Hordhac kuma badhaadhoo Hayinkaygu ima geyn Weli hogol da'aysoo Haaneedka uma qaban Weligey hal curatoo Duco iyo habaar baa I hareera yaalloo Waxan ahay nin hodanoo Hayntana ka madhanoo Adooigu hamiyayaan Waxba ii huraynoo Halac laygu dhaafiyo Gacan-haadis mooyee Qofna iima hagar baxo Adduunyadu hir weeyoo Hanti uma dudaayee Halis igu dardaarana Nafta haysan maynoo Mar qudhay hallowdaa Furataa hoggaankee Dadka ii han weynow Marka aad I hoysaan Waa in lay hagoogtaa Waxan hiil ka geli jirey Ama hoo ka tari jirey Hengel lagu taxgeliyaa Hadhow lay xasuustaa Hebbel lay yidhaahdaa.
--40.Hooyo Top
Hooyooy la'aantaa Aduunyadu hubaashii Habeen kama baxdeenoo Iftin lama heleenoo Dadku uma hayaameen Xiddig hawd ka lulatoo Sida haad ma fuuleen Dayax heego joogoo Hubka laguma tureen Hawo laguma gaadheen Cirka hirar ka muuqdoo Hooyoy addoomuhu Halkay maanta joogaan Adigow horseedoo Intaad hanad xambaartee Haaneedka siisee Horaaddada jaqsiisee Habtay baan xisaab iyo Tiro lagu heleynoo. Marka aad nin hiilloo Laga baqo hashiisiyo Halyey diran dhashaa baa Hooyo lagu xasuustaa Marka aad nin hoo-loo Gurigiisa habaqluhu Isku soo halleeyoo Hayntiisa quudhoo Hor Illaahay geystiyo Lama hure dhashaa baa Hooyo lagu xasuustaa. Mar aad nin himilada Hilin toosan mariyoo Hir markii la gaadhoba Ku labaad hilaadshoo Haga maatadiisoo La higsado dhashaa baa Hooyo lagu xasuustaa. Marka aad nin hoogiyo Ka hor taga daalkoo Garta hubin yaqaanoo Xaqa hoos u eegoo Halistiyo colaadaha Dabka hura bakhtiiyoo Ku haggoogta dhiiggoo Dadka kala hagaajoo Kala haga dhashaa baa Hooyo lagu xasuustaa. Markaad hoobal caaniyo Hindisaa farshaxanoo Hab-dhaca iyo luuqdiyo Hawraarta maansada Heensayn yaqaanoo Rabbi biyo u siiyoo Labadaba hannaanshiyo Hal-abuur dhashaa baa Hooyo lagu xasuustaa. Dumar iyo haween baa Nolol lagu haweyntaa Kuwa lagu hammiyayee Sida hawd caleen weyn Rag u wada hammuumee Ishu calacsanaysaa Hablahaaga weeyee Marka guur la haybshee Gabadh heego dheeroo Hoobaan la moodoo Karti iyo hubqaadloo Quruxdana ka hodaniyo Hira laga aroostaa Hooyo lagu xasuustaa Hooyoy la'aantaa Higgaad lama barteenoo Hooyoy la'aantaa Hadal lama kareenoo Ruuxaanad habinoo Kolba aanad hees iyo Hoobey ku sabinoo Hawshaada waayaa Hanaqaadi maayee Hoygii kalgacalkee Naxariistu hadataay. Hooyoy dushaadaa Nabad lagu hubaayooo Hooyoy dhabtaadaa Hurdo lagu gam'aayoo Hooyoy taftaadaa Dugsi laga helaayoo Waxa lagu hal-maalaa Hooyo ababintaadee Hayin lagu badhaadhaay Hogol lagu qaboobaay Gogol lama huraaneey Dugsigii hufnaantaay Hidda lagu arooraay. Intaad hooyo nooshahay Hambalyiyo salaan baan Hanti kaaga dhigayaa Hamrashiyo xaq dhowr baan Dusha kaa huwinayaa Hooyo dhimashadaaduna Hooggayga weeyoo Hiyiga iyo laabtaan Kugu haynayaayoo Weligay hoygaagaan Ka dul heesayaayoo Hengel baan u xidhayaa Inta haadka duushiyo Idil habar dugaaggee Ifka hibo ku noolow Aakhiro halkii roon
41. Hud hud Top
Boqorkay huq iyo ciil Hagardaamo lumisow Hadimada kalgacalka leh Cilmigii u hoydow Heesaha baroorta ah Halqabsiga jacaylkow Hambalyiyo salaan iyo Hibo iga guddoomoo Kolley waan hubaayoo Hawlihii addunyada Heshay aayahoodee Hal yar aan ku toydee Jannadii ma hurudaa? Hadh qabow ma jiiftaa? Hoobaan ma gurataa? Hablo Xuural-caynii Sow kuuma heesaan? Waxa aad la haysaba Hoo kuma yidhaahdeen? Wedka lama huraayee Reer soo hayaamiyo Hayin raran ma kulanteen? Hor Illaahay adigiyo Hodan maysku aragteen? Ma is dhaafsateen hadal? Bal maxaan haweenkiyo Dumar ugu hilloobaa? Ama kula heshiiyaa Ugu hagar la'aadaa? Sowtay hir beeniyo Ku tuseen hillaacee Hogol aan da'ayn iyo Hanfi kuu aroorsheen Hirwo kuu garaaceen Hungo kuugu baaqeen! Sowtay ku hawleen Ku jareen halbowlaha Haadaan ku koriyeen Hore kuugu riixeen Hogga kuu dabooleen Hoos kuugu tuureen! Sowtay ku heereen Hengelaa ku saareen Gudcur kuu hillaabeen Ku dhigeen habaaskee Cidla kaaga hoyden Hororkiyo waraabuhu Hilbahaaga jiiteen Haadda iyo xuunshadu Hanbadooda feenteen! Waxaan ugu hamranayaa Hooyaa ka dhalatoo Naaskii habreed baa Iga hiilinaayee Wallee hawlahaan galo Iyo heegantaan dhigo Dumar lama haweysteen Ragba ma hungureeyeen Hanti lagama dhiibeen Guri laguma hoysteen Hadal lalama yeesheen!
43. Isa sudhan Top
Garan waayey sheekada Waxay gacallayaashay Geed iigu bixiyeen Dhirtu waysku gogol qudha Mase wada gudboonee Giddi maysku qaadaa Kay gaar u jeedaan May goonni sheegaan Maxay uga gabbanayaan? Gudub magacu waa hore Galbay oo la wada maqal Dunidoo dhan wada gaadh Gabdhihiina loo sheeg Iyadaan god loo deyn Gibishay I saareen Geestee u duubaa? Go'a lay huwinayaa Ma dhaliil gurracan baa? Gumar iyo ma ciin baa? Ma ganboor sunaan ahay? Gaagaabka cilinka ah Ma gadaal bax baan ahay? Mise gocondhadaan ahay? Mise gawlallaan ahay? Ma ammaan gayaxan baa? Gabre iyo madheedh iyo Ma galool mudhaan ahay? Mise tolow gobkaan ahay? Iyo lama garaacaan? Ha ka guban mar baan idhi Gacan baaban u holladay Inaan geysto dhawr jeer Misna waxaan gudoonsadey Horta inaan u kuur-galo Halka loo gol-leeyahay Waa goorma goorteed Gef dhacaan u haystoo Godob baan tirsanayee Sow waa gartoodee Garas jilif leh baan ahay. Guudkayga boqorrada Garaareeya heesaha Gallad qurux cod iyo luuq Shimbiraha u gaarka ah Gashan labada qaybood Haddii ay galaydhkiyo Galgalkiyo fadhiistaan Geesigooda caan baxay Gunta iyo salkaygana Goodaaddo nacabiyo Maska goodka halista ah Inta bahal gurguurtiyo Gungumaa ku shiri kara Waxaan ahay ma guuraan Gantadaydu adakaa Gaashaan biraan ahay Goblan tala adduunyooy Gabay jaaba-jaaba ah Jajab iyo guraangura Geel-kiiska maansada Suugaanta gocorka ah Xulka inan gumeedka ah Ninka maalin gelinkeed Moorkoos ka gurayee Garcan waayey baan ahay Alle gaarrisaniyaa Oo maxaase iga galay Intuu Gaasir ii wadey Googaalihiisii Anba ways gujinayoo Markuu gooddi meershaba Garashaan ku dirayee Ninku ways galaalee Murti wax ka soo go'ay Bal aan soo godlee qabo Isagoo galgaladkii La hadlaaya gabadhii Wuxuu yidhi guddoonshuhu:- "Samirkiyo dulqaadkiyo naxariista badan bay dadku igu ogaadeen nafta aad sugaysaan ma awoodahaygaa yamyam iyo qadaad weyn xataa caanaleydii booc uga tukubayaan markaan diiri waayaa laysii qodqodayaa" "Doofaarka ficil li'I naar loogu daayimi kol haddii dubbiyo waran duunkayga lala dhacay yaa dabarka igu xidhay horta maan dagaallamo anigu maan is daafaco" "Sow duruustu maahayn mudankiyo hal-doorkiyo marka geesi laga dilo dadku inay fadhiistaan waatan geenyadii Diran iska soo durdurisee duufaanka wadatee ma la waayey dabar adag iyo wiil dardara qaba ma inaan dumaalay dantu igu khasbaysaa? Duqu wuxuu u haystaa Dilku inu qardhaas yahay Dulmi lagu adkayn karo Duqu waxaanu garanayn Inuu dhiigga daataa Yahay dogobbo waaweyn Iyo xaabo lagu daro Dabka qoran kulaalee Lagu shido dareen guud Isagoo galgalad kale La hadlaaya gabadhii Wuxuu yidhi guddoonshuhu:- "Soddoh yahay la duufsaday sowdigaan bannaankiyo dibadaha u bixi jirin sowdigii dusuuddiyo weelkaaga xalan jirey yaa ciyaarta kugu daray kugu yidhi ku soo bood yaase kuu cimaamaday? Ma Rashiid Gadh-weynaa Kugu yidhi ganbooley Iyo guuri waayeel Garta waa u simanyiin? Ma ogtahay xilkaan sido Ruuxa soo damaaciya Inuu kiis bileys yahay Meesha yaan habaaskiyo Gabayooxu kugu dilin "haddaan doonto gaadhsii gaarriyiyo Hadraawiyo Gunxan iyo Burhaan iyo Ninkay Guush yidhaahdaan Ama Boobe ugu gee Gurigii Taywaan Bal aniga wax iga gura Horta garanba maynee Fara geliya yaa yidhi Arrimaha gudahayaga Xaggee bay ka kululyiin May shaqaalahaygiyo Xaajiyo khamsiintiyo Caasi waalideyntiyo Jinka naagihiisiyo Anigiyo darmaanaha Isu kaaya daayaan Jaas aanu dheellee Nin la soo kiraystoo Lacag doona baan nacay" Duqu wuxu jeclaan laa Ninkuu doono mooyee Dar kaloo ka geesii Daf inaanay soo odhan Dalan doolka Filibbiin Isba waxa ku dacal jira Dubatada dhallaankiyo Diin laawa-yaashee Wuxuu ii durkinayaa Wuxuu ii arkaa dool Nin dabaylo keeneen Duqu waxaanu garanayn Dunidaba sal iyo baar Inaan deyrku kala xidhin Ama diirku kala gurin In dagaalka joogiyo Dadku laba bahood yahay Isagoo galgalad kale Dadka gooni ula shiray Wuxu yidhi guddoonshuhu:- " Qarafsiga aroortii qadhaab doonashada guud qofna looma diidee haddii aan quwaax helo dadka kalena wada qado maxaa lay qaleeyaa? Ma wax baan qalloocshoo Qarankiyo dalkaan dhacay? Ma wax qiiro kiciyoo Laga qoomamoodaa? Dalku lacag ma haystee Shilimada ka soo baxa Qof haddaan la wada siin Qiyaash maashka ugu weyn Miyey qaybsamaysaa? Haddii laysku wada dilo Hadhow yaa mas'uul ka ah? Haddii berrito lay rido Ama geeshku igu kaco Anigaan wax meel dhigan Sidaan yeeli doonaa? Miyaan tuugsan doonnaa? Ma waxaydin jeceshiin Inaan daasad qaatoo Ceebeeyo Filibiin? Intii ay dhul weynaha Raggii dhoofay haysteen Sida awr dhufaanaa Usha laygu dhaqayoo Labadayda dhaban baan mid markay dhirbaaxaan ka labaad u dhigayoo intaas waan dhursugayee inta dhiisha qabada ah wuxuun iigu dhacayaan idinna maa I dhawrtaan? Wixii roob ku di'I jirey Wuxuu doog jilbaha dhigay Diihaal ma laqanyoon Dibnahaa qallalan weli Duqu wuxu ka marag kacay Danni horeba loo qabey In dorraad gumaystuhu Dusha sare ka raran jirey Duqu waxaanu garanayn Kol haddii dabuubtaas Dibnihiisa laga helay Denbi kale inay tahay Isagoo galgalad kale La hadlaaya gabadhii Dadka guud ahaantii Wuxu yidhi guddoonshuhu:- "Tartan xaashi tiris galay xujo socota weeye xabbad baahan haystaa ma xashiish can baan aha bilaash-xaytayaashiyo markaan naag asay xidhan xilka anigu aan sido u xayuubbinaayee xafiiskayga kuul iyo xinne iyo huruud iyo lala tegayo googarad" "Danyartay wad-wadatiyo naagtan waalaneey maqal dadka kuu gurmanayaa shalay daahir yaa shamis sawtay I doorteen wuxu diino badanaa" "Doorashadu mar weeyaan nin la doortay baan ahay sidii baan u doorrahay doorashoo dhan waan xidhay dabadayna lama furo haddii kale dab baa kacay imminkana digtoonow dib u jeesta oo taga ka su'aal ka keenow magacaaga ii sheeg ama diiddo weeyee anti baan ku qorayaa" duqu wuxu jeclaan laa midho daray had iyo jeer duuduub in lagu liqo waxse aanu kuba darin in la yidhi ha laga dayo dirxi inu ku hoos jiro isagoo galgalad kale la hadlaaya gabadhii wuxu yidhi guddoonshuhu:- "Madaxnimada Filibbiin ma dadkay u siman tahay miyaan aniga lay siin miyaan Riigan odhan hay kun miyaanan shay dilin kuman kalena dhaawicin kumanyaal xabsiga dhigin duqa iga sarreeyaa markii uu warkaas helay sowkii maqsuudee hambalyada qoraalka ah deg deg iigu soo diray hubka yidhi ha loo raro haddii aanan toosnayn sow muu cadhoodeen? Anna ima canaanteen Ma duruusihiisaad Igu beeninaysaa? Dal hadday ku badan tahay Deldelaada dhimashadu Dabar go'u bannaan yahay Hub markaaba soo dega Dawladiisu waa caan Inaan doorkan maanta ah Deeqdas cid kale bixin Dunidu way ogsoon tahay. Axdiyohow ha lumin Ugxan yahay ha dhicin Ashkiryohow ha jabin Ubax yohow ha dhiman Udub yohow galool Oggolow dhiggaa Nin cuskaday Illaahay Eebbay ku magan galay Kuma qado agtaadee Arrimaha Rabbow Soo uruuriyeey Adduunyoy hadduu Nin ku aaminaa Helo aayatiin Ha lagaa arkee Ishaarada nin goba Ha ka eexanneey Iima badan naftaydaay Dadku waaya-arag buu Hadba awr ku guuraa Wax Illaahay kuu qoray Cidi oolin maysee Ukuntii dillaacdoo Ababoo fogaatoo Kambalkiyo ardaagaad Ku ogeyd ma joogtoo Shimbir ay ku nooloo Laba baal aroortii Urur kale la duushaad Umal taah naftaydaay Ku ugaadhsanaysaa Ruuxaan aqoon iyo Axdi naga dhaxayn bay Dadku igu sidkeenoo Eebbow runtii bay Asaraarayaanoo Qof ammaanaddaadiyo Wacadkaaga iibshay Addin iigu xidhayaan Anna xuural-caynaad Rabbiyow abuurtoo Amranoo la yaabloo Ka qarsoon adduunkoo Circa oogadiisiyo Abataqan ku nooloo Qof ilaasha mooyee Cidi aanay aragoo Maalmaha Isniineed Iyo labada Iidood Eedaanka subaxdii Dhulka soo abaartoo Awliyada jacaylkee Arammidu ku mudan tahay Marta aqalladoodoo Wadne abur tufaayoo Olol iyo dab yeeshoo Aslanoo casaanoo Ooyaaya dhiigoo Dhexda eebo kaga taal Ku afura tidhaah-daa Indhahaysgu haystaan Ul madheedhahoon Hor Illaahay iyo Abaal laysu siin Orod lagu helayn Awood lagu hantiyin Ayaan iyo nasiib Ma ka adag yihiin? Adduun iyo kalgacal Haday wada ordaan Hal-abuur tolow Wax ma iibiyaa? Beer oodanoon Irrid furan lahayn Haddii ubax jacayl Ula sare ku yaal Naf oggoli talooy Illinkee martaa? Nin abwaanahoo Ka arradan gacmaha Ka irmaan dibnaha Tolow Ina Suldaan Afku maw gudaa? Hadday welli Alliyo Uur-ku-baale tahay Hadday aawadeed Adhaxdiyo wadnaha Waxaa iin ku yaal Kail-sugan lahayd Indhaheeda tolow Ilmo lagu samara Ma ka iman lahayd? Oda lama filee Afti iyo haddii Ergo loola tago Tolow aabbaheed Muxuu odhan lahaa? Urugiyo xusuus baa Asaraarka faallada Saqda dhexe abuuree Umal iyo ladh soo kaca Wakhtiyada inkaarta ah Maxaa lagu illoobaa?
42. Indho badan Top
God abeeso ninkii Illinkeeda degow Taladaadu iyaa Ma allow sahal baa? Arraweelo markay Laba eefka lahayd Igadh geela haddii Nin aroorsan lahaa Amarkeedu hor yiil Odhan mayno kolkey Awooddii rag dhintay Sii agaasimatoo Aakhiruu ku maqnaa Ugaaskay dhaxashoo Arrimii dhacay qaar Utintooda haddeer Lama oogi karoo Abba looma hayoo Sheekadaaba iskeed Ma amaahan karee Halka aahdu ku taal Waa la sii axadhaa Godob oofa ruqdaa Aabudhkeeda riddoo Alolkay jaratoo Ibahay furatoo Aslimayno dhaliil Odjamleedi durkee Immankaynu hubnaa Waxa eegga jirree Awgayow taladii Ifka maw rogannaa Naca jooji arbow Eela weynta hambee Ayaxow ayaxow Ayaxow weligaa Ayda waad dhilataa Eelna waad ka tagtaa Aafadaada miyaa Aagna looga gudbayn? Ashkirow farasow Aadyar baa la socdaa Orod kaagu labbaa. Ban aroori kaxaa Mar ugbaadku simaa Dhal aboodi halkuu Ogxantiisa dhigtaa Aadamuu mar jantaa Meel aboor degey baa Mar iftiin ka baxaa Gole aammus badnaa Mar mar baa idhi taas Anda-qaad ku bataa. Ma aqoon ma aqoon Ma aqaanno darkii Isagii han-hinnaa Waxa loo egmadee In dhoweydba sidaas Afartiisa rugood Agab baa la dhigtoo Oommanaa fadhiyee Ifafaalaha guud Abshir baa dhalatee Waxaan awda hayaa Ma ishaara san baa!? Ma abaabul shar baa!? Onkod gaaxdey miyaa!? Ma cir soo olkamaa!? Ma illiilo socdaa!? Ma xer tuugi Allaa!? Ma hayaan ulan baa!? Ma dagaal uganoo Laysu eeba gurtaa!? Ma col awdalan baa!? Ma ibleys qaxaya!? Ma insaa ma jinnaa!? Ma ardaa ma shinna!? Ma aleelo qubtaa!? Ma adeeri dhashaa!? Ma arraa ma urraa!? Ma awaarre kacaa!? Ma ufaa ma dabayl!? Ma asmaa ma Xanuun!? Ubaxeey Ubaxeey Indh yaab badanaa! Kugu eegma batee Maxay soo uriyeen May ayaamaha qaar Kugu soo ururaan Immisaa jirey waa Oontu kuu tirsanayd Immisaa jirey waa Arradkaagu sinnaa Immisaa jirey waa Noloshaadu adkayd Immisaa jirey waa Ajakaagu furraa Immisaa jirey waa Abaalkaagu sugnaa Immisaa jirey waa Ayaankaagu dednaa Immisaa jirey waa Adduunkaagu madhnaa Immisaa jirey waa Ishu kaa han-fogeyd Wax aqoolka haddeer Uskag baa ku jiree May ayaamaha qaar Korka kaa asturaan May ayaamaha qaar Wuxuun uu illiyaan Uurku wuu ku madhnaa May waxuun Ubaxeey Afka kuugu riddaan Adoogaa dabadiii May agoonimadii Aabbe kaaga noqdaan May illaahay hortii Irbad kuugu huraan Alif waa derejee Aqoon may ku geshaan Erey may ku faraan Loo adeegsado meel Aayahaaga hor yiil May ammaan ka dhigaan! Abeer baanad ahayn Oogadaan ku billayn Awrtan qooqday haddeer Abaar ba kulanteen Ummaddeennu jidkii Kii islaamnimadii Ahabtii faralkii Asalkii dhaqankii Isirkeedu lahaa Way ka soo ambatoo Aarankay dubatoo Ubaxeey hablihii Ololaa ku socdoo Ubaxeey sannadkii Boqollaal ugub baa Axankooda qashoo Ammintiiba kolley Inan baa dhimatoo Aqal baa dumayoo Udub baa jabayee Arartaydu malaa Asaraar ma gashee Ubaxeey warar baa Agaaha jiroo Olloggaaga badh baad Xog-ogaal u tahoo Adigaaba yaqaan Gabdho ooda rogtee Ba albaabkan garaac Ummul baa hurudee, Wax ku oogan xanuun Aamanuun gubayoo Umal baa shidayoo Ammuurii dhacay bay La asqaysantahoo Ilmahay dihataa Xalay eydu cuntoo Naxariista illayn Anshax baa dhaliyee Haddii uurka habreed Astaan gaara lahaa Hooyadii amranayd Arxan goysey markuu Xeer illow ku dhacoo Ubadkii magantaa Haadku eeganayaa Eerashoy bi'iwaa Iil dhexdisa haddaan Obocdeedu qubnayn Sow ma soo olosheen Aaway beer debicii Aabi baa lumiyee Arladeena miyaa Naas irmaani jiraa? Shan afraad shan afraad Birta kii ka aslaa Oori deydeyayee Aroosow magacaa? Ilko dhiigle maxaa Lagu aaminayaa Dhego awdan miyey Odayeyntu gashaa Irdha qaado ragow Naftaad aasi taqaan Waad abuuri kartaa Rag miyaad Ubaxeey Alabkiisa taqaan Asaydaada mar buu Ashqaraar huwiyaa Al-alooska gobeed Waa ka aar gudashoo Lama ooyo dhurwaa Ishinkuu legdadee Gabadh iilatay hooy Ayaanteeda madow Alwadkeeda ninkuu Alalaas geliyaa Uur ku taallada wuu Wuu ka iidsanyahoo Iman mayo halkuu Ka alaabo gurtee Ool waxay ka sidaan Ergo waa ta dhahdee Eedi hayga hadhee Waan afeefanayaa. Ubaxeey bahalaa Ku ilaashanayoo Ubaxeey hororaa Ku ugaadhsanayoo Araraa kugu dhow Orgobaa fadhiyoo Aarna waa gudayaa Iimo kaa deyayaa Geenyo aamus taqaan Tuugba waa eryadaa Mar baa ayrada geel Oohow loogu digaa Anfariirka dareen Adhibaaba didee Ahmin baa la gataa Hilbahaaga Ardooy Lama iibsan karee Aanadaada ha deyn Rag ul baa celisoo Ka adkayso qudhay Ammaantaadu tahee Waa arooryo horoo Orka kuu baxayaa Amba qaadka salad Weeye loo addimoo Hadal waa la abyaa Waa la soo ururshaa Arrintaada marwooy Wixii iiga ekaa Horaan kuu idhee Arbacuunkani waa Abhintayda danboo Waa ilayska hadeer Addinkaagu halkuu Ku abaaranyahoo Waa ammaano dadeed Amarkaan ku faro Waa asaaska halkaan Ka awaala digoo Axdigaas culus baan Adhaxdaada furee Sheekadaada ogow Idlaadkeeda hadhow Adduunkaa sugayee Af-dhabaandhab haddaad Oofin weydo xilkaas Way ahaan jirtey saas.
46. Jeegaan Top
Jeegaanta dhalatee Cirka lagu dhexroore Dayaxoo dhammaysoo Dhulka dacal ku haystiyo Qorraxdoo dhacaysoo Dhiganaysa baallaha Midba dhool ku mudataay Weli waxaan dhafoorkiyo Dhabannnada la haystaa Heegandan dhaqaaq-joog Waxay dheelli-socotaba Soo caana dhuratee Kugu qabatay dheeggee Dhammidaa tin iyo cidhib Kugu dherersanaysiyo Ta kalee ku dhaaftee Dhican kaaga rutatee Dhudhun kaa fogaatee Ha hillacday dhuuxee Dhibic iyo mahiigaan Ku dhirbaaxday ciiddee Dhirta wada ruxaysoo Waxa dhaygag ii diley Midabadan dhinbiilaha Dharka wada xariirta ah Dhexda kuugu duubee Midba dheeha gaarka ah Xubin kaaga dhiibshoo Waxa adiga kaadhigan Ama baro ku sii dheer Qurux kaaga sii dhow Middan dhaxanta jiilaal Dabka iga dhex shidatee Wadnahayga dhilatee Dhillow-yahan sidiisii Dhan kastaba u raacdee Xididdada u dhaaftee Dhiiggii ka shubatee Xinjirtii ka dhuratee Sida dhaanka jiilaal Dhabarkayga raratee Dhoomaha I saartee Jidka aan dhammaanayn Igu tidhi ku dhererow Waxba yaan ku dheeraan Arrintayda dhabaqdiyo Sunta igu dhalaashiyo Dhigtan udubka weydiyo Lurka dhaawacaygee Dhallinyaro rag iyo dumar Dhawr baan aqaannaa Dhugatada kalgacalkiyo Wada qaba dhukaankoo Dheehashada jalleecada Isu dhaafi waayee Dhede xidid ahoo qudha Dhaayaha ku wada yaal Inkastay dhaqmaadkiyo Dhalashada wadaagaan Dhayal iyo fudayd baa Wed u kala dhaqaajaa mid dhacdaa halkeedii ta kaleeto dhaxashaa nafta laba dharaar qudha isu dhiibi laayoo sida dhegaha oo kale isu dhiman lahaabay dantu oodo dhacameed midba dhinac u saartoo arrintoodu dhiif iyo dhul ku foorar joogtaa kala dhiman adduunyooy ninkaad dheriga siisaa intuu dhuxusha hoosiyo dhardhaarrada ku maqanyaa dhagarta iyo geeridu dhoobada u qooyaan dadba wuxu dhammadaa intuu dharabka doogga leh dhutis ugu tukubayee hadba meel ku dhaxayee maxaan kaaga dhololaa?
47. Jiitama Top
Dhudu geenyadaydii Dhex-yartii shakaallayd Dhirifkiyo wisiisiga Dharjadii ku tumatoo Jarihii ku dhabatoo Dhufsataye u sii daa Magaceedu waa dheel Heensaheedu waa dhiin Shalmad dhabaq-guduudiyo Dhowloosyo dahabiyo Sitaac dheeh leh baw xidhan Baal dhalalaayaa sudhan Kun hal bay u dhagantaa Dhanbaal bay siddaa culus Dhalandhoolka tiigta ah Hadday maagto dheemaal Ama dheelmad soo galo Dhudhubaha shareerka ah Iyo jararka dhiibta ah Iyadaa dhanbalatoo Dhabbadeeda falatoo Tubta sugan ku dhacantoo Abataqan dhoweysee Dhaxaad humhumatee Ma dhan tahay Sarmaanow Isma Dhiba ku soo bood. Sida badowga haw dhiqin Dhiiftu way cabudhisaa Yaanay dhaadin guul guul Xakamaha sal uga dhawr Ha la dhicin rakaabbada Nabar kulul ka dheeree Dhengeddana ha ku adkayn Yaanay koora dheelliyin Dhacadiidka fara badan Dhabarkaa ku daalee Dhaqdhaqaaqa tarantari Tabahana u dhiib dhiib Dhabdhab orodka booddada Ha ku dhegin majiiraha Hadba dhaad isugu taag Hadba dheeg iskaga looh Uga suul dhabaalee Hadba dhinac u diga-rogo Dhudhun iyo badh sii soco Isku dhereri gaaddada Bogga dhaxanta kaga qabo Dhulka gacanta saar saar Hadba dhagax ka soo qaad Dhanka kale ka soo fuul Hadba dhool ka muunsood Dhoorka raanta tuurtiyo Taataabo dhabannada Dhaw-dhawda kala quban Hal-abuurka dhabaqda leh Hawraarta kala dhiman Tixahaan dhugta lahayn Way ku dhega barjowdaa Dhudda gabaygu leeyahay Ereyada dhexroorka leh Suugaanta dhaladka ah Kula hadal af dhawrsoon Ha ka dheregto maansada Dulucdana dhacdo u yeel Nin la dhawrayaad tahay Waa lagaa dhursugayaa Yaan darmaantu kula dhixin Dhakhsaheedu waa laydh Badi soo dhirbaaxdee Dhag-dhagtiyo xawaaraha Yaanay dhaafin yoolkii Ina Dhamac ku sugi jirey Isba waa dhigaygee Dhoodaanna tala geli Dhugashada ayaamaha Haddaan dheehdo waayaha Sooyaalka dhaxalka ah Waxay dhaayo joogeen Hadda shalay ma dheerayn Waxa dhacay ma fududayn Weli dhaar ma beenayn Maalmihii dhanaanaa Wixii dhiif la soo maray Iskastoo la dhabar jabay Laysma dhiibin goobii Dhederbiga la geylamey Mana jirin qof dhawrsaday Dhaqan iyo hiddaa jirey Dheg la xeeriyaa tiil Dhaqashadu hal maahayn Dhiigna waa la huri jirey Dhumuc waa la ridi jirey Badna waa la dhuri jirey Guulna waa la dhalin jirey Dhiiri buu hubku ahaa Dhaadashaa hanku ahaa Marka dhabi dhabteed tahay Dhidar wayska tegi jirey Miyaan dheelallaysnahay Mise waan dhadhabayaa? Dhammaan guulahaygii Riyo iyo ma dholol baa Ma dhibaad nin bixiyaa? Ma runtaan dhacdo ahayn Dhagaxtuur ma been baa Labadii dharaarood Mee ninkii is dhinac sudhay? Miyaan daayey dhagartii Mise dhiilladaan jirin Mise tolow dhalooshaa Dhibidkeedu adag yahay? Dhirta waxa ku jira geed Wac wac iyo dhalaal badan Dhulka hoose kama baxo Dhuuni yaalla kama qado Damal dhuumo maaliyo Dhamastii hadhka lahayd Marka dhuuxu ka engego Ma ogtahay dhillowyahan! Hadduu dhaashto jiilaal Ama dhiibsho laamaha Naxariis la kala dhaco Dhardharraanta quruxdiyo Dhaaddanaanta liqanyada Si kaluu u dheegtaa. Maan dhabtayda faaqido Dhubbad-qaad la daba galo Cidla maan is kula dhaxo Horta ooda dhacameed Maan tilmaan ku kala dhigo Dhalliishaydu waa tuma Dhaymahaygu waa maxay? Dhabadaan ku taagnahay Hadday laafyo dheer tahay Dhowrteedu badan tahay mid ka dhow ma helayaa? Haddaan dhay la heli Karin Ama sixin la dhami Karin Maan dhunkaal ba heensado Dheeraad nin haystoo Aqalkiisu dhalo yahay Nabaddiyo ku dhaqan keed Hadduu tuuryo dhaafsaday Miyaan kiisa dhagax Karin Maan dhadhaabta xaabsado Hadday dheeshu laba tahay Anigiyo dhurwaagay Ka dhaxaysey guushii Dhiniciisa ka holladay Maan dhankayga ka guntado Qayl- dhaanta sama-doon Nin hadhkiisa uga dhacay Dhawaaqayga sahashadey Inuu ii dheg taagoo I dhegeysto maan baro Haddii awr dhufaanii Isku saydhay dhibidii Dhirta maan jejebiyoo Anba dhoosha ka cartamo Haddii dhoobi fara baxay Dhoobeeyey taladii Anba maan hengelo dhigo Nin dhukani hadduu jiro Anba maan is dhega maro Nin dhibtayda magan galay Anba dhiillo maan bado Dhaawacayga hoog iyo Dhimasho maan ku soo bedo Ninki Dheeha gawracay Hadduu dhuuni qaatiyo Hubkuu ciidda dhaafsaday Dhan kastaba iskaga xidhay Xilli aanu dhaadeyn Sida jibin dhinbilo kulul Ama danab dhanbala ridey Ama dhibic gudgude wado Dusha maan ka soo dhaco Hadday dhooftay nabaddii Cirka looga xero dhigay Dhoonbir maan ku soo rogo Hadday ceel dhexdiis taal Dhiigba maan ku soo guro Dhambaalkaasi waa baaq Dhawaaq weeye joogta ah Dhahay oo haddana dhahay Dhigay oo haddana dhigay Hadba dhinac ka soo diray Hadba midab u dhalan rogey Nin dhegaystey fara badan Ninse dhuuxay sheekada Wax ka dheegtey mooyaan Anna dhaawac igu gaadh Dhimashiyo hed mooyee Suugaanta dhacanta leh Dhibba haygu noqotee Inaan dhaafo lama sugo Ma intaan dhitinayee Arrintayda dhilayee Dhebigeeda qorayaa Bahalkii dhabbacan jirey Iga galay dhufayskii Dhayalsigu lur weeyee Ma dhabbiibyey nabarkaan Dusha sare ka dhayi jiray Dhulka iyo dadkiisii Intay dhiillo saarayd Toban iyo ma dhawr baa Dhaqaaq joogsigaygii Sannad kale dib may dhigay Intaan hawlo kala dhiman Dhirin-dhiris ku foognaa Maygu dhalatay Jiitami Dhaylo dubato caawana Ma ku iiddey dheel-dheel !!! Goobtu dhaygag badanaa Meydna waa dhex-yaallaa Dhiigna waa qulqulayaa Dhabataala cunayaa Dhamac baa la tuban yahay Dheella waa la tumayaa Ma bishii dhabcaalkiyo Dhaar jiidhka fuleyga ah Dharaar-maalka tuugga ah Nin gumeysi dhaansado Taladii u dhiibtaa? !! Ma bishii ma dheregtada Iyo dhaysa weyntii Gobanimada dhaawacay Nimaan dheefta mooyee Dhiska qaran ku hawshoon Dheeraadka siisaa Ma bishaan dhoweystee Dhololee ku dhololee Dhawraayey sebenkee Sugey dhalashadeedee Dhiciddeeda raadshaa Ma bishaan ku dhaatee Dhidibkeeda taagee Dhismaheeda ficilkiyo Dhudhunkiyo laxaadkiyo Ku dhabeeyey kaarkee Dhoobadeeda ciidda ah Dheecaanka seeddiyo Ku waraabshey dhididkee Dhaxan igu bannaysaa Ma bishaan u dhacartee U kal tiriyey dhaaxee Dhiilkeeda tolayee Ceeryaamo dhacantiyo Dhedo lagu hungoobiyo Dhalanteedka beenta ah Dhibicdeedu noqotee Dhicisee is nuugtee Waxba dhiiqi weydaa Ma bishii dhallaankiyo Dhallinyariyo waayeel Dhaddig iyo lab labadaba Dhammidood qalqalatee Waxba dhaafi weydaaa Ma bishii dhaqaaliyo Dhaqankii burburisee Isku dhuuqday labdaa Ma bishii dhadhamadiyo Dhafan-dhaafka hogoshiyo Wax la mariyo dhuuntiyo Qaran lagu dhillaystiyo Dharabbada u xilatee Dhulka lacag ku gadatee Dhirta wada arradisee Dalku dhaxal wareegaa Ma bishii la dhuuntee Sida eeri dhabankii Dhabbadiyo jidaashiyo Lagu jiitay dhoofkee Dalka laga dhuyaalaa Ma bishii dhanqalankiyo Dhawa-welanka hooggiyo Xabbad dheelli socotiyo Qabri laysku dhacanshiyo Xabsi lagu dhabriiriyo Dhaca iyo colaaddiyo Dhagartiyo shirqoolkiyo Dhimashada jideysaa Ma bishii laf dhabarkiyo Afarteeda kala dhigan Udubkiyo dhigtiisii Dhoomihii is celin jirey Dhaayihii is tebi jirey Gacal wada dhaqnaan jirey Hilbihii is wada dhalay Dab dhexdooda gelisee Dadku kala dhaqaaqaa Dhugucdada xajiinta leh Waxa loo dhab dhabayaa Toddobaatan iyo dhowr Ama boqol dharaarood Ama tiro wax sii dheer Nafta loogu dhibayaa Dadka loogu dhacayaa Dhaxan loogu joogaa Dhafar iyo hurdo la'aan Dibad loogu dhaxayaa Dalka oo dhan nuurkiyo Dharka loogu xidhayaa Dhaanto loogu tumayaa Dhaldhalaalka beenta ah Ayaan dhuux ka hoosayn Dheeha muuqa guudkaa Nuxur looga dhigayaa Hadii ay dhabeel tahay Dadka lihi ku dhaataan Wuxuu dheefa lagu qabo Dhag dhag iyo durbaan iyo Dharba looma baahdeen Ninka dhacanta jiitow Dharka ceebta qariyaa Hadal iyo dheh maahee Dhaqan suubban weeyaan Dhimashadu xabaashiyo Kafan laba dhudoodiyo Rubaddoo ku dhaaftiyo Iil dhexdiisa maahee Dhilashada jidhkaagiyo Sharafkoo dhantaalmiyo Dheg xumaanta weeyaan Haddaad dhuuxday bawdyaha Miyaa dhawrsi kuu hadhay Ma xanuun la dhaadoo Lala dheellintaa maqan Dhib waxaanku marinlaa Adigaa dhammaystee Haddii dhoof ku soo galo Adigaan is dhalan rogin Ama dhuuman saas yeel Haddii mawdku kugu dhego Dhabaqsigu ku sii hodo Dhamme kuugu soo galo Dhakhso iyo si kedisa ah Isha oo ku dhugatoo Ku dhalliisha mooyee Dhoonbirkaygu kuma geyo Nabar geesi kaa dheer Birsol kaa dharaarow Kuma darin dhallaankiyo Dhasha oo ku ximisoo Dheesha maarrarowga ah Kugu jiidha dhoohnaan Iyo dhoobo digasha ah Dhinbilaha I shidayaa Dhiciddaada maahee Dhulluxaad abuurtiyo Dhidhkaad reebtay baa badan Dhiilladaydu waa taas Hadal iyo dhammaantii Bal aan dhaarsho heestee Waxay dhaabadii tahay Marka dhamac la huriyee Dhuxul iyo dab ololee Dhirta nooli gubataa Gari dhaaya furataa Dhafoor taabashada qaar Ha is dhigan nin diidow Ha u dhuran waraabii Laftuu dhuuxay eersaday Adoo dhiibey hayntaa Dhaxdin iyo dalkii huray Adigoo dhashaadii Dhawaqiyo codkoodii Ku dhaqaajin waayeen Yaan ninkii ku dhaxal tiray Adoo caara dhuubtiyo Dhulka nabarku kaa yaal Dhaxan kaaga daba iman Dhillistiisa kugu dilin Yaan lagaaga soo dhicin Dhinacaan is bixin Karin Dhacadiid iska ogow Dhagartana is weheshada Hayska dhiman sidii neef Horta dhiig ku faraxalo Dhudhun kaa hor jeedaa Ku dhirbaaxi maayee Dhumucdaadu waar hooy Dhumucdaadu yay hooy Dharab-roorka kugu jebin Inantaada dhege culus Dhiidhiibso kula tali Gacan baa wax dhalisee Ha dhur sugin ayaamaha Hana dhawrin maalmaha Dheeshu xeego maahee Waa dhabiiltan gobanimo Dhidar fule gashaantida Boqorkiyo dhaclaa xidhan Yaanu kaaga dheerayn Baadi dhiilka buuxsamey Dhici guusha maganta ah Nidarkiina dhaqan geli
44. Jacayl dhiig ma lagu qoray? Top
Jacayl dhiig ma lagu qoray Weli dhuux ma loo shubay Qofna saanta dhabarkiyo Ma u dheegey feedhaha Dhabanada cad laga jaray Hadalkii ma lagu dhigay Xinjir aan is dhalan rogin Midabkeedu dhiin yahay Laga dhuray halbowlaha Weli dhiil ma lagu shubay Laba mays dhansiiyeen Sida dhayda xoolaha Dhag dhag maw wadaageen Weli laba is dhaarsaday Beryo dhacan nasiib iyo Dhul ku kala cillaalaa Subax dharabku kowsadey Dhedaduna cuddoon tahay Cidla aan dhir mooyee Wax dhaqaaqayaa jirin Jabaq maysku dhaadeen. Kulankii dhabta ahaa Riyo dhiifi keentiyo Dhalanteed ma moodeen Sida ay dhadhabayaan Dhawr jeer ma seleleen Af dhabaan dhab jamashada Ma ka dhoofay hadalkiii Bal dhaqaaq na kay tahay Dhihidii ma waayeen Ma ka dhabaqday xaajadu Ilma dhalatay xiisuhu Sida dhibic ma hiigaan Ma ka qubatay dhaayaha Ma ku qoyey dharkoodii Naxariis ma dhidideen Iyagoo dhanqalankii Dheel dheelli mooyee Dhegna aanay kaga jirin Kolba erey dhex roorkiyo Dhumucdii ka maqantahay Dhitinaaye keligii Ka dib tooban dharaarood Carrabkiyo dhanxanagii Dhirindhirid ma ku heleen Laba guul u dhalatoo Isu dhiganta weeyee Dabadeed dhabeeshii Hanadkii ku dheeraa Dhudi mays bariidsheen Dhubbad qaadka sheekada Qofba dhagarta caashaqa Wixii dhaaxo soo maray Ma dhex galay kalkiisii Ma akhriyey dhambaalkii Warka maysu dhiibeen. Kalgacayl dhito ahaa Dhamac iyo dab huriyeen Dhuxuliyo ladh soo kacay Hadba dhoon ma buuxsheen Kolba dhacan ma jiideen Dhacdadiyo u jeedada Qofba dhaadashada guud Qofka kale dhankiisii Inaan looga soo dhicin Ma ku dhaabadeeyeen Sannad mays dhegeysteen Ma dhalaalay waagii Dhag ma tidhi cadceedii Intay soo dhaqaaqeen Iyagoon ka dheeraan Dhaqankiyo xishoodkii Dhaymana u jeel qaba Iyadoo dhexdoodii Dhulka suxul banana yahay Dhibta maysla taageen Wax intaa ka sii dhow Ma ku dhiiran waayeen Dhayal laysu taabtiyo Dhallinyaro habkeedii Ma ka dhega adaygeen Dhadhansiga miliilica Isha mayska dhawreen Dhabbaday is taageen Qofba dhaabaddiisii Sara joog dhankiisii Kun habeen ma dherernaa Dhudhummada aboorkii Dhulka hoose kaga baxay Dhilashada jidhkoodii Ma dhanbalay sartii guud Ma dhammeeyey hilibkii Xidididada ma dhaawacay Ma u dhaafay seedaha Lafta hoose maw dhacay Dhiilluu ku geliyaa Ama waad dhalliishaa Dhagartiyo wedkaagee Dhimashada kal iyo laab Ma ku soo dhaweeyeen Dhoollaha ma ka qosleen Ubax dheelka subaxdii Naxariis ku dhaashtoo Afka dhiin cas mariyoo Dhaddigiyo labkisii Laba dhude isugu maran Ma is dhaafsadeenoo Dhaxal maysu siiyeen Dhuuni kawlka caashaqa Maysu sii dhadhamiyeen Ereygii dhinaa hadal Dhegta maysu saareen Dhafan dhaaf aboorkii Ma dhufsaday cammuudii Ma u qaatay dhoobada Dhab-dhabkiyo kabkabidii Labadaba ma dhalan rogey Dhismo kale ma soo baxay Ma ka dhigay wax yaabliyo Dudun dherer ku caanoo Dhumuc iyo laxaad weyn Dhalan dhoolka maantii Dadku dhacarta jiilaal Ma dhasaday dharaartii Ma ka dheelmay galabtii Iyadoon la dhaadayn Sheekada dhabteediyo Dhabar weyntan hooska leh In dhexdeeda laba ruux Runta kaga dhur sugayaan Haddaan laysu dhamanayn Nafta laysu dhiibayn Ama dhaxal tis qaadiyo Dhismo aqal la taagiyo Ubad iyo dhaqaaliyo Dhaqan reer la kala sugin Dhunkashiyo u jeedadu Tahay dhaayo guudkood Waabay la dhabaqsado Dhereg iyo markaas qudha Ama sida dhurwaayada Hilbo gabadh dheg roonoo Higlo loogu dhuuntoo Dhakhso loogu kala baxo Ninba waxa dhabbacashada Dabinkiisa ugu dhaca Dhidar iyo xabaashii Sharaf lagu dhabcaaliyo Dhawrsooni laga tegey Dhalanteedka beenta ah Bulshadaa u dhaawacan Hab jacayl u dhaqan galo Ma holladay ka ugu dheer Maamuusna ugu dhow Mise weli wax baa dhiman
45. Jacayl dhiig .. Has Love been Blood written? Top
has love been blood-written has marrow yet been poured for it a person peeled the skin from their back or ribs has expression of this been offered in flesh cut from the cheeks has blood extracted its colour still red uncoagulated been scooped from the arteries poured into a milk vessel have two people offered it one to the other as they would fresh milk have they shared it happily time-separated in spirit in body as by a thorn fence sworn to each other one morning have two after first soaking rain the damp mist dense in an unpeopled place where apart from the trees nothing stirred become aware of each other’s rustle did that true meeting seem a vision to them brought by love’s plight or its mirage from time to time as if suddenly waking out of a dream did their speech desiring utterance pass from a mouth if just a howl did words elude them was the situation soured by this did spots of ceaseless rain emotion’s tears spill from their eyes did it soak their clothes did they sweat compassion disoriented with but a stutter of movement they were stuck each time a word no link with others lacking substance limped out alone was it ten days later their tongue and palate found strength for it but they are born for success of equal standing parted for so long did they greet one another exchanging stories did each for their part pass on the trials sustained through their love did they read the message exchange their news love was a food store which when it was heated with charcoal and fire the glowing embers of emotions stirred did they fill a large pot time after time drag the enclosure’s night-time gate each one with tender eyes seeing nothing harmed the other did they listen thus for a whole year did the talking end did they then spend half a day in this silent way as the daylight fell from their staring gaze their inflamed thoughts did they pass that night like the camel herders in nocturnal endurance of cold and dark difficulties bringing illness did the dawn then glow and the sun call out approaching each other not crossing the boundary of mores and modesty longing for a balm with a mere forearm between them did they stand bodies held straight opposite each other avoiding the step of moving closer resisting the play-touch the youthful way the taste glimpsed in the distance did they just behold each other through their eyes they stood on the spot each one gazing standing upright did it last a thousand nights the legs of the termite emerged from the earth breaking the surface skin did it peel their bodies consume the flesh did it wound the veins pass to the nerves persisting to the very inside of the bone the bad news it places in you that you look on with fear is the trials and your death did they welcome it with their whole body and a smile there’s a flower which blooms after morning’s compassion has refreshed it with dew it brings forth a red liquid for the mouth to sip its stamen and stigma entwine like a rope was it this they exchanged offering as a legacy did they present it to taste as the last earthly food of love did they place at the other’s ear the word which was missing the termite gathered up sand and detritus forming clay diligently rendering and plastering did it transform those two did a building arise did it mould from them a structure of wonder a lofty termite mound famed for its thickness and strength roaming in the sun-heat of daytime did people in the dry season grazing lands rest in its shade then move away in the evening unaware of the reality of the story that deep inside this shady backbone support two souls await the outcome of truth if self sacrifice is not made the breath of life not exchanged if one does not wait for an enduring legacy the building of a house upright children and earthly sustenance then the kisses and intentions are nothing but superficial a poison sipped to satisfaction in that one same moment like hyenas snatching a girl of good repute as they hide themselves in the higlo tree to pounce out quickly each man is expectant for what will fall to him a hyena and his grave hole the honour he has trampled the modesty he has snatched the lying illusion this does society harm did he strive for the highest level of fulfilment of love that closest to honour or is something still missing Translated by Martin Orwin
48. Ka rog oohaddana saar! Top
Ka rog oo haddana saar Sabkax oo haddana seed Seemman oo haddana sulan Sidkan oo haddana sagan Sahlan oo haddana sudan Sal leh oo haddana sigan Sillan oo haddana sugan Subkan oo haddana solan Af Somaligaygow Wax sawaaban noqotee Maxay kuu sameeyaa? Ka rog oo haddana saar Waa lagu sugayoo Lagu saadinaayee Cabdiyow ma socotaa? Xeebaha sintoodiyo Ninka Saylac joogow Sagalkiyo daruuraha Wararkaagi saaraa Xamar bay bishii soon Saxal-qaaddu keentoo Sahankaagi noo yimi Sahaydiina noo keen Xagayaga sareediyo Waa Seer-ma weydee Maxaad saaka joogtaa? Ka rog oo haddana saar Tiro siman sagaal tuur Soddon keen sided hoo Waxa hadhay bal suuree Ma so'baa ma saan baa Saddex iyo shan waa kee Sakalaha ha laga guro Laba sulub ha lagu daro Guryo samo ha lagu furo Ka rog oo haddana saar Siinleyda maansada Haddii saami loo dhigo Dadku uma sinaadoo Suuganta hadalkiyo Cabdiyow sargooyada Lagu kala sed roonoo Rabbi wuxu ka siiyiyo Sida ay la noqotuu Ninba seylad keennee Ha saluugin Riiraash Ina Saalax haw dudin Af-qallooc ha saamayn Soomaali weyn baa Xaajada la socotoo Iyagaa ka seegiyo Ka sugaaya garanoo Kala sooci doonee Laba seeble yeelkii Ha ku lumo sursuuraha Sixirkiyo shan xuubluhu Ha ka dhaco sallaankee Xidho saanadaadoo Sulufkiyo colaadaha Samaydaadu yay jabin Ka rog oo haddana saar Badadheena Saaqiyo Samawada ku magac dheer Rag Saluugla ula baxay Marna Suuban lagu yidhi Sumaddeedu waa caan Kula siistay Baaruud Adna haygu sara tegin Waa Saxarla sheekadu Ka rog oo haddana saar Hararada sal iyo baar Lagu taxay sitaacee Loo soohay baarkiyo Saddexlaha ujeedaa Dhigta loogu saabboo Marti sama falkeedaa Koramada sagaal jirey Loo sudhay hoggaankoo Sooryaa la hurayaa Safar baa la furayaa Sumallaa la qalayaa Xididkiyo sokeeyaha Laga seexan maayee Salliyada xariirta ah Socotada u kala roga. Ruuxii saboolow Xilku saari maayee Saca maatada u godol Saadaal ku noolow Samirkana ha moogaan Ruuxaan wax sidinoo Shirka soo salaamow Adigaa wax sugayee Sarar iyo leg iyo badhi Kee baan ku siiyaa Sacabkaagu qaadaa? Iimaan sed weeyee mid haddaad saluugtana saddexdaba bal iga hoo. Ka rog oo haddana saar Sidig maqan ninkeedii Talo waw sar go'ay tahay Jid-Siraad korkiisiyo Suudaa la marayaa Sanadaa la dhaxayaa Sahay lagama maarmee Ha la jiro sibraarada. Ka rog oo haddana saar Saanteena guudkiyo Suntu hilibka dhaaftoo Sal waxay ku leedahay Saableyda uurkiyo Sambabada dhexdoodoo Maal baa la sarayaa Selel looma baahnee Kii seedayow toos. Ka rog oo haddana saar Soodhkiyo billaawaha Sinta midig ha lagu xidho Faraskana silsiladdiyo Seetada ha lagu furo Seefaha ha lala baxo Seeraa la furayaa Saryan baa la dabayaa Wiyil baa la sabayaa Xaajada sal fudud iyo Sakatiga ha laga jiro Sahwi yaanu kala ridin Sahal yaan wax loo odhan Dhulku waa sanqadhayaa Cagta saari maynee Socodkeenu xeel iyo Ha ahaado laba suul Sirna yaan la faallayn Murtidana ha saafina Ka rog oo haddana saar Maansadu ha socotoo Sida daad mahiigaan Dhulka haw sabbaysoo Kolba sabo ha gaadhoo Culimada salaaxdaa Senge hawgu joogtoo Ninba subax ha maalee Ruuxii suldaarow Garo inad sabool tahay Soddoh weeye xeedhadu Ragna waa u siman tahay Ninka suunka taabtee Ka sal gaadhi waayow Garo inaad sabool tahay Waa gabadh su'aal iyo Halxidhaale sidatee Ninka Abu sarnaantiyo Saddex qayda boqorka leh Kaga fura si-dalagtee Male kaga sinaystow Garo inaad sabool tahay.
50. Muliya Top
Muliya saaseey Hay saasey Muliyaa saasey Hay saasey Muliyay saasaa Hay saasaa Mulliyay saasaa Hay saasaa Yaa mullaaxda galool Maydhax looga jaraa? Yaa masaarriyo Hawd Maadha looga guraa? Yaa mageyno irmaan Dhasha looga maraa? Yaa hadhuub madaleed Moroh looga tolaa? Yaa maraa hadh qabow Maydal loogu xidhaa? Yaa marleyda haween Taan maqaarka lahayn Looga maarmi karaa? Qurux aan masanuun Male loogu tegeyn Yaa macnaysan yaqaan? Miyireey dhibtaydiyo Meeraysigaygii Dhegahaad ka maratoo Hadal mooyi keliyaad Ma huraan ka dhigatoo Maya baad ku koobtoo Il mugged wax joogiyo Midig baad ka talisee Hawraar magooshoo Ubax iyo man bixisaan Kugu meherin-laayoo Marriinkaaga hees iyo Maahmaaho yaabloo Nin magtii ka culus iyo Murti baan ka dhigillaa Mudan baan u noqonlayd Dumarkiyo marleydoo Masallaha jacaylkaad Maamuli lahaydoo Gabaygaan madhxinayee Hore ugu masuugaan Kugu madhin lahaayoo Cidi kulama maasheen Maskaxdaydan curatoo Malyan kula gudboonoo Muuqaaga aragoo Maqlay sheekadaadaa Ku majeeran-laayoo Inta gabadh is mooddaa Masayr kuugu iman layd Murankaagu duniduu Maan dhaaf ku ridi-laa Kuwa maqasha raaciyo Ma-kastaa ku baranlayd Jidka waxad ku marilayd Sacab iyo mashxaradoo Miyi iyo magaalaad Maamus ka heli-layd Midabbada dhabeesha ah Qurux daadan maydhee Rabbi kugu manaystaan Hadba meel ka sari laa Madaxuu ku socon laa Mar qofkii dhegeystaa meexaanahaygoo Midho laysku baantaan Kuu marin lahaayoo Muqdishiyo Hargaysaan Madadaalo waayeen Hadba mahadnaqaagaan Mirta dhexe la kicl laa Gacalkiyo mataanaha Wedka kala muquunshiyo Haddii mawdka geeridu Iga kaa hor mariyaan Kama aad maqnaateen Maankayga gelinoo Magic baad ka dhiman layd Marti soorka Eebbiyo Inta melg ag-joogtiyo Marwadii Rasuulkaad (S.C.W. ) Magan kaaga dhigi laa Qabrigaaga maansiyo Murugiyo xasuus iyo Mahadhaan ku qori laa Maka iyo Madiiniyo Halka Maxamed yaallaan. (S.C.W.) Calan kuugu mudi laa Muliyaa saasey Hay saasey Cishqi baan miraayoo Kolba mayracayoo Muddo dheer isagaan Majaraa u hayoo Guntii soo murdiyoo Kal gacaylkan madow Aan murwaadka lahayn Ninkii meel u hayee Ku muraadsanayow Hoo muftaaxa jacayl.
51. Quduro Top
Cabdi Aadab Qaysow Qoffi soconayaan ahay Qaro iyo laxaad iyo Qoton waa halkoodii Ul qallalan umaan dhalan Qurux kama madhnaan jirin Hana qaad filkaygiyo Ka da'weyni qayrkay. Hilbahayga qoonmiyo Qayaxnaanta jaahiyo Sida qaansadii godan Joogaan soo qandood sadey Qurubsiga tallaabada Qalqalloocan igu dhacay Ma lahayn qallaafee Qoontayda hoosiyo Waxa qaabkan iga dhigay Qisadaas ma haysaa? Maxaa iga qabyo ah hawl Wax ka qabashadeeduna Qayrkay ku xidhan tahay Maxaa qalinku sheekiyo Qubanaha dharaartiyo Kolba qodob la yaabliyo Mahadhooyin qorayaa! Maxaa feedho qaaxiyo Qulub kala kexeeyeen Qoomammadu damqaysaa Maxaa ciin la qooshiyo Waabay qadhaadhoo Dacar lagu qasaasiley Iyo quudhsi dabayaal Afar aan is qabannoo Cabsi loogu qumayaa Qamuunyada dibnaha iyo Qacda labada fool iyo Maxay qaawinta ilkuhu Qanja barar isku hayaan Maxaa qiiro hoosiyo Ilmo qubatay gocashadu Ha I qarin ku leedahay Isaguna qabaal iyo Qaba dheer ku shubayaa Maxaa ruux qaldhebayoo Qormadii rugtiisiyo Qudha laga toleeyoo Misna quusan waayoo Nafta quudhi waayoo Qarandida sideedii Qodanaaya booraan Godka meel qarkiisa ah Qoobley ordaysiyo Fardo qaxay ku jiidheen Maxaa seefo qawliyo Gudmo lagu qadhaabtaa Damal adag qarqooreen Dadku dhagar qaboobaa Qaantoodu fududaa Qarqarsigu ku adakaa Ninka qoofashee yidhi Qoorta hoos u wada roga Qoontooda badiyee Iyagoo qiyaamiyo Bad qaloonbiyeysiyo Ku dhex jira tog qawlay Qoyanaanta diidaan Iyagoo qaldhebayoo Qatannoo arradanoo Gabaddano qadhqadhayoo Nolol qaawan joogay Burka qaraf ka dhawraan Qawdan waa nin keliyee Haddaan qaybta loo burin Wiyil qoodh ah laga dhigin Qaran kuma hoggaansheen Qaadhaan gumaystiyo Qalle lagu hungoobiyo Qalam jalam hadoodilan. Ma lafaa qandoodiyo Saadaal qallalanoo Lagu qiil banaystiyo Riyo qabaxtankeediyo Qaadaa dheggeediyo Qashar iyo salool baan Qalalaasahaan gabay Ii gumiya leeyahay Ma quruumo ciiddiyo Qawlallada aboorkiyo Inta dulin qadhaabtiyo Qablantadu ku kulantee Canka lagu qadhiidhiyo Qabri lagu ducaystay Qabyaday ku xidhan tahay Ma qorshaa badheedhkiyo Quxub lagu hirgeliyee Qori tuurka Saadooy Lagu kala sed qaatay Qadder dhacay u haystaan? Jidku qarar xidhiidhiyo Qodax iyo dhib badanaa Qaringaynu joogniyo Qard-jeex yays baray? Dadka yaa qareenkiyo Qolo qolo u kala raray? Qoqobbada dhex yaalliyo Tolow qalada yaa baray? Qorannimada waa tii Qoor-gooyo laqan iyo Qaryad weer cad xidhatiyo Lagu helay qisaastee Hadmaa qaabkan loo roggey? Bulsho qudha la saanyadey Qaydar iyo galool iyo Qansax miidhan laga dhigay? Qandigiyo mareegtaay Qalwadiyo sursuurtaay Iyadoo qaskaagiyo Raggii aad qalqalatee Qawlaha u loogtee Tidhi qaybi dacawada Qoyan tahay raqdoodii Qummanii degaankiyo Qadhadheytiydiisii Qumayada dabkeediyo Lagu shiilay qaxankee Qunbeyaasha lagu shubay Adigoo qudhqudhiyoo Ku qubeystey dhiiggii Iyadoo qalfoofkiyo Hadhadoodu quban tahay Haddaad soo quturan tahay Ama weli qor kuu hadhay Qoysku waa hadhiinoo Qabku maaha beentaa Qudha loo kal tiriyaa Qusur kama fogaatee Ina Qayte yeelkii Ha qudhqudhiyo caanaha Qadda ruuxna haw dhamo Hadaan qaamudkay gelin Anigiyo rag ila qaba Qoomaasha murugada Qodkan bixiyey laamuhu Dabna wuu u qolof dhici Qaybdiid haddii uu Qado wadari leedahay Qoondaystay keligii Gaariyow nin qadanaa Qiimeeya noloshoo Weligii qadderiyee Qaska iyo colaaddiyo Kama naxo qulqulaadaha Qarfihiyo abaaraha Rati qooqan baan ahay Maskaxdaydu qayliyo Qiiq baa ka baxayoo Bulsho qawqab diidaan Bal inay qamaamaan Qabqabaha u tumayaa Nin qab ii dhigaayaan Anna qool u xidhayaa Qoortaydu waa iib Wax ka qaaya-weynoo U qalmaan u hurayaa.
52. Rag siyaasi wada noqday Top
Suugaan ka hadalkiyo suradiyo murida culus hadalada sadexa maran halka laga sameeyaa kolba laga salaamaa Duniyahay sabool diid siyayaaba badanleey majaray ku socotaa xumo lagaga saahiro sulax noolba waa guul laga helo sax iyo maan qofka xiga samaantay agihiisa sudhantahay ma ogola suldaameyn iyo diro ku sabashada Hadba sarakaceediyo sababaha ka dhacayaa nafta lagu sargooyaa labadeeda saanqaad marba kii sokeeyaa nafta lagula seexdaa dadku sogordaheediyo siraheeda culus buu u su,aalo badanyahay saridiyo rogrogidiyo marba saab kabixintaa hanku ugu sitiriyaa Sugidaa leh maahmaah iyo sawracgobanimo hiyi baa leh saadaal iyo saami lagu qado marba sadadu waa meel sabirkaa la qaataa badhna qaybtu waa sarar inaan suuska digashada Marka saacu gudhanyahay Waxa seeto laga dhigay dadku inay ku soomaan xilka sabanku leeyahay iyo weedha saaloon Sacab madhanba loohayn Sadarada laqaybka ah. Qof saluuga mooyee hadda cadaygu waa soor sirta waa ka dhigashada marka aan si kale jirin. Sange orod la dabagalo salyar buu u necebyahay codka salalka bayrtiyo Dadka qaar sacsacanoo sirqa ba,an ku noqotoo marba suuf ku dedayoo sawirkeeda necebyahay. Rag siyaasi wada noqoy wada furay silsiladaha hadba taanu suurayn Yidhi anigu aan saxo Sarif hadal ku daaldaal Marwo dumar ku noqooy saxal subkeey heeganteedii silicana ku keli yeel suxulada habaaska leh sabadiyo rugtiisii sarajoog ku laablaab ama jiif ku siigee nina seeg ku noqon waa xil sariirta kaligeed adna hooyo saxarlaay surin kugu banaanaa Aqalada xiimraa sudhan sigashay ku baridaa dadku sabanka maantii sahwi bay ku joogaan saqda dhexe habeenkii sardhadii ku lulanyahay surmi bay ku hurudaa ama ciil la kala socoy ama cadho la kala suur Dhasha saxalku hayn waa Surbacaadka raacraac Lagu qaad far iyo suul Mar salaada jiidh-jiidh Marna umalka seeraar Si sawaaban yeel yeel Dadku segeger moodmood Sunbo loogu yeedh-yeedh Dulucduna ka samarkiyo Nin waxsaaray maahee Sinji hirashadiisiyo Saameynta wadartiyo Xogta garashada aan sulin Sumad baanay weli hayn Cidna la gula saayido Mar hadday sirgacan tahay Dadku saangab wada yahay Sanadaha ku kala weyn Lixdan iyo sagaal kulul Kuma kala sareeyaan Kula mada sa waxanka leh Suti muranka yaaliyo Salowgooda baxayaa Suruq buu dugsanayaa Derejaan la kala sidan Kala soocda laba ruux Haki iyo sed baan jirin. Dhulka suur ku yeedh-yeedh Bulsho loo sanqadho badi Sac sac raaca loo diid Sakaraad lawada noqooy. Dhaqan lagu sariigtiyo Barigii sodohaleey Saranseer kadaba yimi Dadku wada salfududaa Sanifaada wada baray Iyo saarka tumashada Baday seef la boodkii Sunta qoosh la kala dhaxal Sahan iyo baxnaaniyo Noloshuba sansaan Ma dhexyaal sureerkii Haddaan soohdin kale jirin Waxaan suuragalin karin Dadku inuu sidalagtiyo Afka suuq ku kala baxo. Rabi samafalkiisiyo saka weeye garashadu lgu saanto xigatada Satiyada aqoontiyo noloshana sal iyo baar waxaa looga simanyahay waa siraad kadhigashada hadba tii ku seegtoo waxa laysu siiyaa salka lagu fadhiistiyo inaan seesku dheeliyin. Hadday saancad dunidii adoo sayn cad kugu tahay saymaheedu meel buu Ilaa saaka kuuyiil haddaan sooryo waayeel sanku neefle kuu hayn cid baan saaf la dheegtiyo xadhig soohan kaahayn. Haddii duul ku sahashado ama sebi xaq kugu luro sed kamaqan tirsanayaa sumalhaadka shidayaa waa saruurad haysee selel yaanay kugu ridin
56. Siddi qabax Top
Saaxiibkay Qaysow Marka hore salaan guud Marka xiga sedkaagiyo Waxa aad ku sugan tahay Waa inaad na siisaa Marka xiga silsiladii Murtidaadi soocnayd Subciyoo dhameeyoo Solayoo bisleeyoo Dabadeedna siistee Saaxiib ma nabad baa? Sumaddeedu waxay tahay Roob saaka da'ay baa Sar-ka dhaban la yimiyoo Anna seexan maayee Saaxiib ma nabad baa? Sumadeedu waxay tahay Heestaydu waa siin Sidig weeye dihinoo Waxa loo saddexa maray Dadka haw sinnaatoo Ruuxii sabooli Caanaha ha saydhee Saaxiib ma nabad baa? Heestaydu waa siin Waa sooryo xididoo Saxar laga ilaashoo Laa sugay bidhiiqoo La saluugi maayee Saaxiib ma nabad baa? Sumaddeedu waxay tahay Saxan-saxo ma roob baa? Seed geel ma hilib baa? Seko adhi ma xoolaa? Far-dhexaad ma suul baa? Sakaraad ma lool baa? Biyo sare u jeedaa Halka ay sul-dhigayaan Sahan raacay weydii Sumaddeedu waxay tahay Cabdiyow sabeenii Way sumal-xadeenoo Midi haysa sidatee Saddex dhalay warkoodiyo Waxay saaka joogaan Xogta aan ku siiyoo Sarta kaaga jeexee Saaxiib ma nabad baa? Sumadeedu waxay tahay Sheekadu sal-fududaan Ama socodka qaarkiis Kuma sama-falaysoo Cabdiyow ka saan weyn Suxullada la gaadhoo Sinta waxay ku haysaa Subulaha galbeedoo Ninka saylac joogaa Sanqadheeda mooyee Ma yaqaan sirteedoo Orgi sarara weynoo Sogoboo dhufaaniyo Inay tahay ri'seenyoon Kala saari maayoo Haddii looga sacab tumo Salmihii Gurracaneed Selel kama baxaysee Ha la boodin seeftee Saaxiib ma nabad baa? Sumadeedu waxay tahay Inta waranka sooyaan Samaydii ka maqan tahay Inta laba su'aalood Sakaluhu dhex yaalliin Inan dunida saabkiyo Laga saarin tiirkoo Qorraxdana siraadkiyo Laga siibin nuurkoo La afuufin suurkaan Rabbigay ka sugayaa Sumadeedu waxay tahay Ninka ootay seeraha Saxarlana ku guursaday Haddii uu nin sare yahay Aan laga sed qaadayn Saadaasha mooyee Si kalaan ka yeelaa Suuroobi maysee Aniguna sidaydaba Soddohaa rag kale qabo Kuma toobbad seegee Sumaddeedu waxay tahay Sidi-qabax shan maalmood Sahay loogu talo galay Soddon laguma gaadhee Hadal lama sudhnaadee Saaxiibkay Qaysow Waxaad Suuban leedahay Saca Faarso nacayow Sagaal beri adoo qaday Samsam iyo Bullaalaa Saarkaagu kaa hayn Saxarlaay ma kula tahay?
57. Sirta nolosha Top
Saaxiibkayow heedhe Safar baan ka imi dheere Marka hore salaan diirrran Marka xiga samow heedhe Ha ka nixin si-dalagtayda Sacab fara-madhnaantayda Suugaanta yaabkeeda Salka iyo fadhaa keena Marka xiga sugnaanteeda Socodkiyo falkaa sheega Xeerkeedu waa saase. Saaxiibkayow heedhe Anba saaka qaybteeda Sirsirraan ka joogaaye Xadhiggiyo bal eeg suunka Iyo sabarka gaadiidey Iyo salabka ii qaaran Iyo suudha guudkayga Hilaygiyo waxaan saabka U gilgiley Samaw haanta Subag inay ku dhiiqdaaye Saasay ku badisaaye Sannad weliba xeeshiiye Kol hadday silloonaato Samaheedu waa dhiige Sumuc talada loo dhiibye Sida sida sidaas weeye Si la yeeli jirey weeye Marka xiga Samaw heedhe Talo sibiq dhaqaaqeeda Soof-daran habawgeeda Sal-fudaydka hooggiisa Bal sallaankan fuul laalan Iyo sagabtan heensaysan Dhulka saas u jeedaali Sidan iyo sidaas fiiri Sidan iyo gadaal dheeho Raqda solan lafaa soogan Bal su'aal u celi meydkan Sababtuu u go'ay raadi Bal dhegeyso saylaanka Iyo salowga beer-qaadka Iyo sebiga yeedhiisa Waxaad aragtay oo saasa Waxaad maqashayoo saasa Maxaad odhan lahayd Suudi? Samalaho furfuriddooda Godka seer-ma weydaanka Marka ay sabbuux gaadho Si kalaan u dhigi taase Saaxiibkay Waayaale Suurtuu dhalaay heedhe Heedhee Sahraay heedhe. Waxaan adiga kuu saantay Dadka kaaga soo soocay Sahra kuugu yeedh-yeedhay Siduu aabbahaa heedhe Samo ii faraan heedhe Kuu siinayaa heedhe Sooyaalka taariikhdu Iyadaan salguurayne Murtidaan Sahraay heedhe Sadar kuugu qorayaaye Heedhee Sahraay heedhe Curad suubbaneey heedhe Summadii Rashiid yeelo Iyo weynidii Saado Iyo sawracii hooyo Sinjigii hablaa geeska Subaxdii indhaa kuulo Tintu saqafta yay waayin Iyo diibka loo saaro Subko oo xayaabayso Korka siigo yey taaban Ku illaali saabuunta Dharku siifad yuu yeelan Suyac iyo bar gaasheysan Ku ilaali saahoodka Garashadu Sahraay ruuxa Sed u gaara weeyaane Hadduu saamigaas yeeshay Qurux ma leh saluuggeedu Dadku siigga dida maaha Sogob iyo ri'weyn maaha Sumal iyo laxdiis maaha Rati iyo sabeen maaha Falka iyo sugnaantiisa Socodkiyo abbaaartiisa Dhaqan sida xishoodkiisa Dabar iyo silsilad haysa Iyo suun ma dhaafaan ah Wuxuu soofka xoolaaba Kaga soocan yahay weeye Waxan uga socdaa heedhe Naftu seeto yey waayin Hana falin sidaad doonto Hadalkana sar weedhiisa Una saaf qofkii waaya Ha ka tegin sarbeebtiisa Hana gelin sursuur oodan Hana lumin sargoyntiisa Hana liqin sangaabtiisa Ha ku saxan badheedhkiisa Runta sogordoh haw yeelin Ha suldaarin dooddiisa Sisibaa wadaaggiisa Sababee abbaartaada Hana badin su'aashiisa Sarrifkiyo tilmaantiisa Saddex erey halkii dooni Soddon yaanay kaa qaadan Siddi-qabaxi yay raacin Sare haw dhig-dhigin luuqda Gacantana ha saydh-saydhin Hana odhan wax sawliila Heedhee Sahraay heedhe Sarta hilibka dheehaaga Samaydaada dhererkaaga Sarajooga muuqaaga Sanqaroorka jaahaaga Dahab iyo xariir saran Uma baahna saantaadu Hadda silis ha xidhan maaha Luquntana ha sudhin mahaa Waxan uga socdaa heedhe Marka aad sunuud hayso Waxa suuq mug-weyn yaalla Ha la simin kitaab weeye Hurdo iyo Sahraay jiifka Marka hore sariir raadi Salli iyo furaash dayday Saddexdaba hadaad weydo Lama seexan kari waayo Hadda saantu qodox maaha Suugaantu gogol weeye. Ninku qaday Sahraay tiisa Hadduu seed liqliqiddeeda Ku saruurad goyn waayo Subag iyo baruur doono Sidu jecelyahaa been ah Dhadhan iyo sibraar kayda Sidig caanaheedaa leh Badar iy sarreen shiidan Iyo sixin ku iidaaman Wax la cuno sabiib baa ah Nin samaystay baa faan leh Waxaad haysataa saasa ah Ka sokow intaan sheegay Hadda soortu dacar maaha Dharku Saadhi qudha maaha Saylooni garan maaha Iyo sabarandaa giiran Mana aha surwaal biid ah Haddaan saarku kuu diidin Saddex-qaydu ceeb maaha. Heedhee Sahraay heedhe Sar daruuran oo maasa Mar Abu Sarmaantiiya Dhacle baarka loo seesay Boqor wada xiyaakhaysan Sildiyaal jiljila dhiibsan Tusbax dhawr sagaal laaba Iyo qool sunaar dheehan Subeciyad xiddiyo laaf leh Adigoo siddeeddaas hal Iyo timaha oo soohan Ku darsaday sifaa guudka Garashiyo sarriig sheegtay Ma qofkaa sitaa jooga. Hadda salamadhlow gaabi Ha ku jabin saqlaa waalan Sallow ololka hoy jooji Ha saloolan xayndaabka Ha ku bixin saloognaanta Ha sarriiran waayeelka Sakatiga ka daa beesha Saha iyo af kala qaadka Ha ka nixin hiddaa suubban. Gabdhayahow sidee waaye Ilbaxnimadu saas maaha Hadba suf karkaro maaha Sararaha bannee maaha Qorqor suunniyaa maaha Dhabanada sibbaaq maaha Sanka oo la mudo maaha Sakhrad iyo xashiish maaha Sawir iyo riyaaq maaha Filin iyo sarcaad maaha Saxan reer galbeed maaha Kabo sookal dheer maaha Suuriyo durduro maaha Salsalaw cid kale maaha Qof silloon ku dayo maaha Wax sawaaban noqo maaha Sinta iyo lafaa duudka Saddex goor jejebi maaha Dhaqankaaga saydh maaha Soomaali diid maaha Sidaad doonto yeel maaha Dhulka oon ku sidi waayin Samadoo la koro maaha Xilliyada wax saareenka Iyo saacadaa reebban Sabbadiyo rugtay joogtey Gabadh timi ma saalloona Ku salliya Rasuulkiina (C.S.W) Salka dhiga guryaa seexda. Sunsun falan siddaha feyda Sati fudud salaan sheegan Indha suhub af geed saarrey Hadba surin ka sheekeeya Sidan iyo sibaas yeela Ereyada saluuuggoo dhan Kuma lihid Sahraay meella. Sunbo iyo maraadaa leh Inta sibiq dhaqaaqdaa leh Sagan daaqa jiitaa leh Inta marinka seegtaa leh Waxba aan sugeyn baa leh Inta sharafta saydhaa leh Suuraafta maqan baa leh Xadhig lama sitaan baa leh Saca Faarsa nacay baa leh Barni sumal xadkeedaa leh Heedhe Sahraay heedhe Suugaantu iib maaha Erey iyo sunnee maaha Hugun iyo sitaad maaha Siddi iyo I daya maaha Sadho iyo xajiin maaha Laba saaq ku gado maaha Waxan seylad gelin weeye Sahdi iyo dareen weeye Bulsho saaasaheed weeye Samaheeda mudan weeye Sawdkeeda diga weeye Sacabkeeda kulul weeeye Marna baadi sooc weeye Sahan iyo tilmaan weeye Dhaxal soo jireen weeye Wax ku saabsan meel weeye So'da iyo ka guro dhuuxa. Heedhee Sahraay heedhe Sirta noloshu xoog maaha Dhagar iyo suryee mahaa Surma seegto dedan maaha Sibqi iyo hunguri maaha Sacab iyo ka leef maaha Sukhrad iyo fal xumo maaha Hadba seeb u rogo maaha Salfo iyo ku faan maaha Damac iyo sandaho maaha Derejiyo saldano maaha Saro io dhalaal maaha Sidan iyo sidaas maaha Hadda sadadu lacag maaha Heedhee Sahraay heedhe Bulsho saami loo tuurtay Shan siyood wax loo yeelay Samir inay xigtaan maaha Surka inay dhigtaan maaha Sas inay didaan maaha Inay suudalaan maaha Sardho inay galaan maaha Sixir inay dirtaan maaha Inay kala saftaan maaha Nin I sugayayow heedhe Anigoo ku sugey heedhe Maxaad ii sugtaa heedhe? Heedhee Sahraay heedhe Marka haaddu socod deyso Dhirta sare tukuu fuulo Gorayadu sanqadha reebto Adna soonka xidho maaha Mugdi talada sii maaha Berri iyo siday doonto Sug cadceedda maqan maaha Saqda dhexe habeen soocan Gudcur simay adduunkeenna Wax siraata noqo weeye Heedhee Sahraay heedhe Saran seerka jiilaalka Surbacaadka jaahweynta Sumal-haadka roob waaga Iyo solanka daaduunka Cirka oo sabaad guurey Dhulka oo huwadey siigo Iyo dogobbo soogsoogan Marka beladu sooyaanto Saadaashu beenowdo Saca nuguli kaa leexdo Adna sebenka raac maaha Inan sabadu duugoobin Sayax iyo ugbaad waayin Sudda iyo degaankaagu Surmi iyo harraad leeyan Ama saacu guur-guurin Sohda ceelku dheeraannin Adaa yeeli kara saasba. Heedhee Sahraay heedhe Saxariirka aafaadka Saxallada kal-meerkooda Sambabkuba col weeyaane Marka saymo loo iisho Ama soofku jaan qaado Ushu way sabooshaaye Ha ku dagan sidsidadkeeda Qalinkaa wax suureeya Kugu sima halkaad doonto Saaxiib kal furan weeye Sunto fara ku hayntiisa Weligaa ha sii deynin. Sisin iyo ku beer muufo Iyo laanta saytuunka Ku qotomi sungaan waarta Iyo nabadda seeskeeda Samo iyo ku doon heedhe Dunidiyo sinnaanteeda Ku dawee sawaaceenka Iyo siica daacuunka Ku burburi sarbaa mooska Iyo soohdimaa meersan Ku midee samuud raaca Midabada la sooc soocay Dadkan tobanka saamood leh Weligaa ha tumin seefo Iyo sabaradaha mowdka Dar samaysan baa yaalla Sancayahan gaboobaa leh Sahankaynu diranaa leh Nin sokeeyeheenaa leh Ninka sida xilkeennaa leh Ka sarjara heddeennaa leh Salab ciiddu hayn weydey Ninka sudhay xiddigahaa leh Nin sabuul la aayaysto Dhulka siib ku ridin baa leh Nin Sahraay adduunkeenna Sacad gubi karaa haysta Ninka sigay kun jeer baa leh Waxa nolosha saameeya Sako nimaan ka bixin baa leh Nafta saawa-saawaysan Santi nimaan ku furan baa leh Nin aqoonta soorkeeda Sida kale u rogey baa leh Ninka sulubka maadhiinka Ugu roon saboolkaa leh Nin samaa ku adag baa leh Sannadkaynu caydhowney Kaynu suus ka weynaa leh Naftu waa sir xeel dheere Nimaan suubin Karin baa leh Wedka qudha sameeyaa leh Sulda iyo xanuunkeeda Shalay iyo sadaaddeeda Iyo saawihii hoogga Naxdintii badh baa suuxsan Selelkii badh baa waashay Dad sawaaban baa buuxa Dumar waayey saygooda Hengashii sidaa muuqda Ololkii badh baan seexan Sarihii dumaa jiifa Qabrigii sinmaa jeexan Waxa saaka joogow ah Surrad baa I guud taalla Salabkii horaa tuuran Samadiyo dhulkaa buuxa Baddu waa sakalo miidhan Qalab suruc leh baa laalan Sanqadhuhu hub kacay weeye Sabarkii dadkaa baahan Saantii dadkaa qaawan Weli talo ma saalloona Waxa soo socdaa yaab leh Wershed suufiyaa daaran Waxay soo siddaa geeri Midhaheedu waa saymo Belo aan fan seeraarka Saxar loo mar-maran weeye Waxan ahay qof cayn saaban Deldelaad u sudhan jeebka! Allow yaa wax suureeya Salka dunida yaa dhawra Iyo seeska jiriddeeda Wacanaa sansaankeedu Badanaa sudaaddeedu Saxanaa hannaankeedu Allow yaan sugnaanteeda Saymiyo u rogin duullan Subax noolba dhiig daata Xadhig iyo silsilad shiilan Allow yaan sinnaanteeda Ku beddelin saraar oodan Iyo seere wiil qaytey Dadka saran guudkeeda Yaan ka dhigin sabool qaawan Iyo soobir caydh jooga Erey sami wuxuu gooyo Allow yaan ku jarin soodhka Garashada ka dhigan seefo. Allow yaa su'aashaasi Sida ay u tahay yeela. Heedhee Sahraay heedhe Dhulka iyo wixii saran Sare iyo wixii laalan Inta sudan intii seemman Waxa jira sir iyo caadba Rabbi qudha sax weedhiisa Sida uu ku yidhi buuxi Waxa hadhay salka iyo baarka Inta sool qarsoon joogta Inta seel xidhxidhan jiifta Inta saydha waabayda Maroodiga siddaa dheer leh Wiyil iyo sahboodkeeda Inta laga subxaanaysto Kolay tahay libaax sayn leh Marka aad Sahraay meel fog Uga suul-dhabaaleyso Deg-deg inay sujuuddaada Suxullada dhigtaan weeye! Sidashada awooddaasi Sahal io wax fudud maaha Qofba waa si garadkiisa. Heedhee Sahraay heedhe Badda iyo sulaaqeeda Iyo buurta saysaaban Onkodkiyo sawaxankiisa Salowgiyo jibaadkiisa Danabkiyo salsalihiisa Sarka dhabanka duufaanka Ha ka didin sawaxankooda Duni kuu sakhiran weeye Sayid baad u tahay caana Suubaali oo layli Ku sasabo aqoontaada Senge iyo ka dhigo doonni Sallo iyo ka dhigo oori Gabadh weeye caad saran Badi saayiraadeeda Iyo laab salaaxeeda Guro saadka guudkeeda Iyo sahayda uurkeeda Kordhi noole soorkeeda Iyo baahi saarkeeda Hubi nabad sugnaanteeda Iyo sabo negaanteeda Ha ku deyin xannun saaqa Ha ku badin saqaaf ciiddan Suluf iyo colaad waarta Ha ku saaxin naabaalka Iyo sulubka baaruudda Ha ku didin sabbeeyaanka Sabareynka boodbooda Iyo sukhula naareedka Ha la dhicin sawaariikhda Iyo saanadaa miiggan Ha sumayn macaankeeda Salabaha ha marin doogga Ha burburin sansaankeeda Quruxdiyo sureerkeeda Ha sadhayn hagoogteeda Sagalkiyo daruurteeda Ha sukuumin uunkeeda Saryankiyo ugaadheeda Ha furfurin sin-dadabkeeda Ha ka rogin dul saarkeeda Udubbada ha siibsiibin Ha afuufin suurkeeda Subax qudha ha duuduubin Sakaraadka taaheeda Uga xilo samaanteeda Sacabkiyo mashxaraddeeda Garashadu mid soofaysa Ha ka dhign sadqaynteeda Ha ku solo wanaaggeedu Ku sin inan-dumaalkeeda Kuwa saadanbee laalan. Heedhee Sahraay heedhe Seben tegey xusuustiisa Raad raaca Siinleyda Socod barashadii doodad Saxarliyo abbaarteeda Anigaan wax saaraynin Sannad iyo garaadkiisa Saadaashu been weeye Waxba samir ma liileeyo Ha sarwicin qof kaa jeeda Hana sugin nin kaa maarmay Hana sigan mar mooyaane. Nin ku siray ha faallaynin Sababana ha weydiinnin Ha u seeta dheeraynin Hana sidin culayskiisa Siriq iyo ku qabo baydo Hana falin siduu yeelay. Nin ku yidhi anaa saasa Ha ku odhan sidaas weeye Sida uu ku yidhi heedhe Haddii ay siniin weydo Ama sarin sanaan weydo Waxa furan sidaas maaha Qof saluugey maankiisa Ama suufay muuqiisa Ka sal kacay xaqiiqdiisa Qabku saami ladha maaha Nin sitaba bar baa saran Ninka sii sitaa jooga Raggannimada sooceeda Adigoo sagaal buuxshey Hal ku seegay baa yaalla. Sogotiga qof tegayaa leh Si hadday u dhici weydo Si kalaa u waan waan ah Dunidaa sidaas yeesha. Sooryana qof yimi baa leh Si hadday u noqo weydo Si kalaa u waaceen ah Dad horaa sidaad yeelay. Nin salaad u kacay oogan Sahwi galay xalaaleeye Adna sahankan beel loogan Ha ka dhigin socdaal baada In halkii sal hayn waayo Laga saba rogtaa doora In su'aal jawaabteeda leh Lala sara kacaa fiican Nin ku yidhi sinnaan mayno Adna buri sarrayntiisa Sidka waa wadaagtaane Ma sagaashan baa tiisu. Selelkaba hurdaa keenta Haba seexan goor baas leh Han sareedo loo waayey In saraayo loo daayo Sida aan u idhi weeye Bela saacaddeed joogta Sabti nabada haw riixin Subax dhalatay caadkeeda Ha ka bogan wax saarkeeda Adiguba samee maanta Berritona sargoo heedhe Noloshaba inaad saafto Qaabayso saabkeeda Waxaan suura gelin maaha Garashiyo sugnaan hoyso Falka sami ha kuu raaco Mana jiro sed kaa baaqday Ilbaxnimadu saas weeye Sirta noloshu taas weeye.
55. Shan ubaxley Top
Ugubey ma seexdoo iintaada hoosaan Uur-baadhayaayoo Toddobada ayaamood Kolba ood ka rogayaa. Meel uurku tebayoo Ergo kuugu maqantahay Indhahaagan haystaad Ku illowdey ruuxaan Cidi kula arkayn iyo Eegmadan jacalkiyo Ilmadaadan qubatee Dhabannada ordaysiyo Dhirtanaad arradisee Ubaxii ka madhisiyo Waxan kaa ambaday baan Indhashooda waayee, Arrintaada gabadh yahay Udubkeedu dheeraa ! Waxaad tahay qof uguboo Iimaanku buuxoo Sidan qabo Allaylehe Aqalkaad ku dhalatiyo Gurigaad ku ababtaa Alla lagu xusaayoo Awliyadu ku kulantaa. Badi wuxuu arooraa Arday macallinkiisee Edebtiyo xishoodkana Idil hooyadaabaa Kugu tidhi adkeeyoo Malaa aammusnaantana Iyadaad ka wadataa. Sida ruux abwaaniyo Waaya-arag da'weyn baad Arartiyo tilmaamaha Kolba madax unkaysaa Hadba dhinac aabyeysaa, Malaa aabbahaa baa Taliyoo arrimiyoo Gabadhyahay af-tahamada Isagaadka wadataa. Timahaagan adhaxdiyo Ka arooray dhabarkee Garbahaaga ootaan Erey lagu tilmaamiyo Hadal lagu ammaaniyo Wax asteeya waayoo Afartaada waaxood Indhal baysu haysoo Luquntaadu inanyahay Waa aaran geriyoo, Sanku waa abuurtii Fardo Adari joogiyo Ashkirkii Nugaashoo, Indhahaagu ruuxii Sal-fudayd ku eegay Ashqaraar ku ridayaan. Afkaan midabka luulka leg Mahadhada ilka furan Labadaba Allaylehe Ninka eeday waa ani. Dadkanuu Ilaahay Ka abuuray ciidee Goblantada adduunyadu Ka idlaysay dheehee Dhaxantiyo awaaruhu Araggooda doorsheen, Oday lama wadaagtide Ma cadceed arooryoo ]sagal oogadeediyo agagaarka geesaha kaga taxay aleelaad, uur wada gasheenoo ma cir-jiidha oogtiyo xiddigaha iftiimaad dhalad kula aroortaa. Ma hadlaa af-saarkiyo Indha saabka qaatiyo Amran xuural-cayntaad Isir hilib wadaagtaan? Ubaxley shan ubaxley Magacaagu waa udub Gacmahaagu eegmada Waa laba ulooddoo N.F.D ku yaalloo Unuunkaagu waa Xamar Adhaxdaadu waa Hargeysiyo Obokh bay ku beermeen Abtirsiimadaaduna Afrikoo dhan weeyaan.
54.Saxarla Top
Ku sinaan dharaartii la sargooyey dunidee Rabigaay sameeyee cirka sare u taagee xiddigaha siraatiyo dayax suudi meeriyo lagu sugay cadceeddee sagalkiyo daruurtiyo lagu xidhay sitaacee. Dhulka gogol laseexdiyo sabo lagu negaadiyo laga dhigay sin-dadabkee buuraha la saaree. Dhirta samayda ciidiyo salka loogu joojee, saddexlaab badiyo webi lagu yidhi sabbeeyee. Dabadeed la saanyee qofba meel la siiyee saldhigeedu qaydnaa. Cidi uma sinnaynoo dadku ruux sabooloo saranseer ku raagiyo guryosamo nin yaalloo sidka dhalay ku haystoo heley seermawaydiyo laba kala sadroonbaa subax noolba joogee. Waan soo socdaa kowdhe waxna waan sidaa labo dheh samir yeelo weligaa Saxarlaay ha fududaan. Salfudaydku Xaawuu jannadii ka saaree ruuxaad sugaysoo maqan waa la saadshaa sahan waa la dhowraa. Ha sahwiyin ha salelin sarka-dhaban ha noqonnin, ha saluugin qaybaha qalinbaa saxeexee. Waxaan Saatir kuu qorin ha u suul-dhabaalayn. Kala saar run iyo been kala garo sir iyo caad. In salaadu weligeed kala tahay sunniyo faral u ogow saxiyo maan. Inaad saamo jiiddiyo sanqadhtirasho kala daa. Naf jacayl sawaaboo sanka kuu dalooshoo kuu sudhay hoggaan baad u siddaa maqaarkee, haku daba-saqlaysee ha gaabin seetada sogsogtiyo cadaaddiyo ha ku saydhin laamaha. Waan soo socdaa kowdhe waxna waan sidaa labo dheh samir yeelo weligaa Saxarlaay ha fududaan.
58. Suleekha Top
Idaa subag laga lulaa Lo'baa saan laga baxshaa Geel baa sidig loo ogaa Sengaa orod lala ekayn Sareedo Illaahay baa leh Hablaa Soomaaliyeedna Haddaan quruxdooda saanyo Haddaan miisaanka saaro Sagaal tobankii adaa leh Suleekhaay araggaagu Nafta waw samir-siiso Saddex bay ku qaddaaye Ha ka goynin salaanta Sansaankaagiyo jaaha Sara joogiyo tooska Dhexda soohane tooxda Sayn fardoodda ka dhuuban Biixiyaa isa saran Gaaraara kala soocay Sanqaroorka la dhiibshaa Nafta aan sasabaayo Somal-haad gelinaaya Suleekhaay araggaagu Nafta waw samir-siiso Saddex bay ku qaddaaye Ha ka goynin salaanta Saatirkii ku abuuree Saluuglaay indhahaaga Saldhiggooda qorsheeyee Saxarkii ka daboolee Baalashooda ku saabshee Suunniyaa ku hadheeyee Hareeraa kaga seeraa Hibo gaara ku siiyoon Cidna kuula sed qaybin Suleekhaay araggaagu Nafta waw samir-siiso Saddex bay ku qaddaaye Ha ka goynin salaanta Saatirkii ku abuuree Qoortan aad samay mooddo Cabbaadhyaa ku sargooyiyo Sidrigaagiyo laabta Timahaagan ku seexdee Kolka aad doc u saydho Sararaa ka degaayee Sabarkaaga tegaayaan Samayskooda la yaabay Suleekhaay araggaagu Nafta waw samir-siiso Saddex bay ku qaddaaye Ha ka goynin salaanta Saaray baanad ahayne Saancad weeye jacaylku Surradaan la dhigaynin Heeryo weeye ku saran Soodh halbowlaha gooya Seef ku guud sudhan weeye Nin ka saahidey oonta Aawadaa uga soomay Saymo looma horseedee Suleekhaay araggaagu Nafta waw samir-siiso Saddex bay ku qaddaaye Ha ka goynin salaanta
59.Toddobaatan midabley Top
Dadka muuqa guudiyo Magac kala sinnaadaay Marwo dumar garaystiyo Marta kala sinnaadaay Doqontana masayrkiyo Mukur kala sinnaadaay Miidaamo dhegalaay Badda mawjadeedaay Kolba maayad keenaay Ruuxaan malaynayn Dhiigiisa miirtaay Maasaar afweyney Mindi lagu qadhaabtaay Marti uma shidheeyaay Magan kuma hagoogtaay Mahadhooyin reebaay Maahmaahda yaabkaay. Maandeeq irmaanoo Maraqeeda xoortoo Nacabkeedu maaloon Maqasheeda korinneey Mayey iyo hillaaceey Miiraale roobaan Manjaroor biyeyneey. Maydali fardoodeey Ashkiraan murkucanneey Madow iyo casaanneey Maariin dhallaalaay Magarkii la sheegaay Todobaatan midabeey Geedaan magool iyo Midho iyo caleen iyo Ubax iyo man dhalinoo Aan maydhax laynoo Lagu oodan maalkoo Milic laga hadh gelinneey Maartii dhalaashee Aan moodey dahabkee Milantee caddaatee Isku miir dillaacdaay Meydyohow qoslaayee Milgihii xishoodkiyo Maamuuska weydaay Manjihii ku daaloo Madaxaad ku socotaa Meelaad ku nooshiyo Muslinka iyo Gaalada Midka aad la dhaqantahay Mooyaan adduunkoo Ma huraanka aakhiro Madhax kuuma yaalloo Maantay xisaabtiyo Miisaanka joogtee Naftu kugu muduci tahay Maanlay afkaagaa Kugu marag furaayee Sawtaad I mudatee Igu muusannawdaan Fartan malabka kuu daray Sawtaad melmelateed Murdisada ka leefteed Mahad iigu celiseed Igu tidhi macaannaa Ma filayn abaal laay Maxrashoon kaliileed Ama maangad iyo hawd Waxa kuu maleegtee Danahaaga maamulay Muran inaad ka keentoo Midiggeys u baydhoo Moqorraysi baratee Mugdigaan u heesaay Gudcurkaan majeertaay Maansooyinkaygiyo Murtidayda lumiyaay Madadaalo beeneey Maaweeladaaddii Meexaanahaagii Iyo muhashadaydii Maankaan ka saaroo Kaa maydhay laabtoo Masallii jacaylkiyo Kuu dhigay maqaarkaad Maydhaamanaysoo Nafta kaa maquunshee Ruuxii merganayaa Miyir qaata soortee Laba midig ku daaqaay Kola miigan mayside Caawa yaad miraysaa Tolow yaad ku maqan tahay Cidhibtee ku mudan tahay Micyaha ku haysan.
60. Togdheer Top
Ninba waxuu ku taamaa ama hees ka tiriyaa tixo gabay ku sheegaa halka lagu talaalee hawadiisu taallee uurkiisu tebeyee, dumar taan ka sahansaday waa gabadh Togdheeroo Maxamuudi tooxwayn saddex-qayd ka tolatoo tusbax luqunta gelisoo tafta daraya-muuskii taakiyo badh muuqdoo dhaxalihii tarraxayoo sida boqorad taash xidhan hadalkeeda tirisoo hadba erey tukubisoo todobaatan jeerbaan soo toosay xalayoo Sidaan timo haldhaaleey ugu tebey hurdada xalay anigaba Togdheerbaa tusku iiga muuqdaa. Ninba wuxuu ku taamaa ama talal ku sheegaa ama gacan ku taabtaa halka lagu taftaafee Burco waxay ku taalaa xididdada tin iyo cidhib tebinaaya dhiigee hadba dhan u talowshee dayax taabba-qaadoo toban iyo shan joogiyo xidigaha tartamayee isku taxay dushiisaa tahan iiga hirayoo Tusmo barashadeediyo taltallaabsigeediyo taratarinta laafyaha meeshay i turuqdiyo tawstey i gelisaa igu sii tarmaysoo, sidaan timo haldhaaleey ugu tebey hurdada xalay anigaba Togdheerbaa tusku iiga muuqdaa. Tuke bari ka yimibaan tusay boogahaygoo u tilmaamay beeshoo tebi idhi dhambaalkii; taarkii ma geynoo isma tarin dedaalkuu u tabaabulshaystoo taab-gaabnidiisey naftu xadhiga towseed ugu turunturootoo latawaacaysaa. Miyuu tuuray hadalkii? Miyuu tiray jacaylkii? Mise tulud raqdeeduu ugu taaganyahay geed? Mise wuxuu tukanayaa faral iyo Taraawiix? Mise wuxuu taraarkii kala dhacay Tabciyo Sheekh? Sidaan timo haldhaaleey ugu tebey hurdada xalay anigaba Togdheerbaa tusku iiga muuqdaa.
53. Taawilo Top
Takri fale ma maqasheen Afkii toori dhooblaha Markuu gacan togaalaha Ku madhsaday tigaadii Tusmadiisa gogashiyo Tuugeysi kaga baxay Xagashada tammuuxdii Gujadiyo tantoomada Kaga tuujey mililkee Sida qalin tahliileed Tutuwaha cantuugee Yidhi "toojo wiilkaa Tooggadiisa kaa waa Isna tuurin kuu qorey Hadba tiisa kugu maal Taana waa naqaannaa Toobbadayna yeelkaa" Isagoo tigtiganoo Tawan oo werwerayaa Teelifoon ku soo dhacay Wahan tooxan loo dhiib Teneg iyo qabqaba maqal Taammilooyinkii dhawr Ka taweli astaamaha Wuxuu yidhi "tartiib hoos Igu timi cadceeddaan Toban guuraheedii Iyo weliba taartaar U tumaayey saantoo Waanigan tin iyo cidhib Tifta dhididka hooree Alleylehe tus baa jira" Wuxuu taa ku sii daray Weedhayda tooxnayd Warankaygi toosnaa Tubihii qorshaysnaa U tallaabi waayoo Tabahaygi maalmahan Togog soo rogmadey baa Dib u soo tufaayee Maxaa toobiyii helay? Wuxuu taa ku sii daray Tarmi weydey beentaan Taabba geli is idhiyoo Tiradaydu meel bay Ka takoorantahayoo Marka aan toddoba jeer Toban toban u geeyaba Taf kalaa furmaysoo Wadar aanan filanayn Iska kay tusaysee Bal tabaaladaa daya! Wuxuu taa ku daray Tahar aan liq idhi baa Igu turunturrootoo Waxay taagan tahay meel Taladeedu dhimatee Tolow yaa farreeya ah Wuxuu taa ku sii daray Wakhtigii tin laga goo Wax tashiilo igu yidhi Anna taawintaydii Idhi hay tafaafulin Isagayga toosnaa! Gaarriyow tareenkii Lagu tacab khasaaree Taabka riixi waayee Tamartiisu guuxiyo Tallan qudha ku koobnayd Mar horuu tolweynii Guradiisa tuurraa Tarab tarab u daadshee Tun ku shaashlayaashay Hasha wada tadcaarteen Ninba toogti garangari Tawstii bacaadkaa Teedkii hoggaankiyo Taxanaha wereeggiyo Tolommada burbirsoo Tayo socod ka dhimatee Biro wada tafiir go'ay Wuxu soo tukubiyaba Markuu taagi hoos yimid Toolmoonayaashiii Tuugna aanu xadi jirin Inuu daafta kaga tago Ayay sheekadii timi Waxay ugu tiraabeen Dhaxaanu tiirkiyo Tiska culus Samaalow Kaa tiirinaynee Hanna tuurin jaallow Wuxu yidhi "maxaan tari Ama idinku taakulin Iyadaygu turatoo Ina kala taxaabtee" Wuxuu taa ku sii daray Waxaa toogta feleggiyo Toommantiyo guhaankiyo Tusbaxaygu igu yidhi Xiddiggaagu tuuxee Toommo oodan buu galay Galbashada ku tiigaal Kula dhacan taraarkii Waad is tukhun tukhaysee Ama taarka kala goo Ama tab iyo xeeshaa Ka tallaabso oodaha Taxanaha awaalkiyo Toyashada ayaamaha Taawilooyinkaygii Runta iigu tudhi jirey Toddobaad ma gaadhay Tafta iigu laabeen Wuxuu taa ku sii daray Haddii yoolka lays tubo Naïf taada weeyee Anba waxaan hor taagnahay Taariikh I neceboo Qayrkayba taashkiyo Billadaha u tiriyee Haddii aad tasawdeen Anba tegey sidiinnee Maxaa igu tuhmaysaan? Bal tafeenahaygiyo Taagtayda milicsada Aniguba tib culus iyo Tukubaan cuskanayaa Kuma taagni lugahee Haygu tiirsan Laangadhe Dhan kalay ka taabteen Ninkii taarta Libaan Uma tooggo qumiyee Ma tix gelin dhegoolee Talan taalli laafyaha Cag jiidka taran tari Wax la yidhi tin caarow Looxa waad ku taallaye Haddii Alifki kaa tiray Ta'da yaa u magac dhaban? Wuxu yidhi sir baa taxan Tartankay ka mudan tahay Taban taabshaheeduna Nin tar sheegta ma oggola Waxes teeyo lagu dhaqay Halaan awrba loo tu'in Ninkii tuudiyaa falan Wax la yidhi "Tinniixow Tu Allaba ku biirsoo Xaggee taadu sudhan tahay Warka nooga tibix sii? Wuxu yidhi "tibaaxdiyo Toyashadu gar weeyee Hadday tuludi caadkeed Takar dhabasho badan tahay Nin turxaan ka filayaa Ka tabaabulshaystee Miyaan laba tagoogood Garashada u taba baray? Boqorkii tilmaannaa Mar labaad tareenkii Tooc tooci keligii Hadba dhinac u tooree Tabca saar qalfoofkii Markuu tiiradii horay Ayaa taayir boodoo Tafan toofe waa kaas Dib u soo taaraaree Alla taako yaw dhiga. Isagoo tarwadhayoo Tarshaduhu sitaan buu Tan-tannida ka soo degey Tacsidii dad baa yimi Tiiq tiiqsi digashada Turqe meydka weli nool Wax la yidhi "gol taahiyo Tiic tiica murugada Adigaa tallaashoo Tiiraaanyo beeree Ka cantuug tif yo daran Adigays taftaafee Ha ku taamin shaalkii Taabka aad ku haysee Siduu kaaga tegey sheeg? Tub hayowna aashaa Ha is taawin keligaa Waannu kaa tab haynaa Bulshadaa tixraaciyo Taladiyo gudoonka leh Wuxu yidhi " tawaawacay Turubkana sukaan degey Wax kaloon tammediyoon Tobanlaha ku waabshaa Taabkayga kuma hadhin Tuur tuurka geba gebo Toddobaale igu dhiga Lixle dhiirran igu tuma" Boqorkii tilmaannaa Taagtiisa kibiryoo Qayrkii ku tanaxwee Tagganaan ku raacdee Inay tiisa noqotee Tartankaa ku dheeraa Wuxuu tiigsanaayiyo Tuun-tuunsigiisii Taabba qaadi waayoo Tafa xaydadkiisii Labadaba tukaa cunay. Duni toocsi mooyee Ninna taab ku qaban waa Qofba wuxuu ka taransaday Teel teel ku noqotoo Inkastuu ku talax tago Wuxuu tabanayaa badan Tagtadiisa xiise Tiisa joogta haaraan Kaga daran timaaddadu Tixdu waa abbaartaas.
61. Weriye Top
Weriyaha socdaalkaan Ka hayaa war subaglee Weeye weeye ii dhaha Wanankii mid baa jaban mid kalaa wad-wadataa la walwaal Siyaadoo shan wasiir la socotaa laga wacay xabaashoo wefdi baa baxaayoo waaleed u kacayee ku dhakhsada waraaqaha wararkiyo farriimaha Dogobyohow walhanayaa malaa saaka waayuhu ma sitaan wanaaggii shalay iyo wacnaantii wakhtigaaga buuxsamey haddii weel ceshaa jiro weynayso xeedhada wadhidaada dib u dhigo dawliskii Walwaleed inaan waarna kuu hadhin bal dadkoo dhan weydii wir haddaad sal adag tahay iska waabi geerida wedka adiga kuu qoran ku wareeji qayrkaa inaad waarto goormaa waxyi kuugu soo degey haye dee wadaadkow xil wareejintii hoo iga qabo waliinjada anba waalli heensaday wadwadkeeda geeddee adna sii walaandee In Wilwilo ciyaar tahay Is waraari badan tahay Wiglo iyo hab leedahay Marna walax dagaal tahay Warmo iyo hub leedahay Wejigeedu laba yahay Waayeelba noo sheeg Wallee iyo Billaan maray Iyo wacad Illaahay Wershadaa saboolkiyo Wadhatada la qaybsaday Wiilay dhashaan ahay Weeraarta hoosiyo Waaheel rug sare furan Marka laysu kala waco Ninka labada waaxood Danyar weheshadaan ahay Waayo waayadeed dee Sow geel ma wadi jirin Weris caano kama dhamin Walacsiga nin hodaniyo Sow wiirsi kuma korin Sow aabbe weydiyo Waxma hayste ima dhalin Ina Walanwal maan ihi Hurre lama walaal ihi Derejooy wid lagu yidhi Wid widaanwid lagu yidhi Walahaana kugu raran Hantiyeyna kuma waco Woohowna kuma dhaho Weligeyna kuma sugo Wed haddaanad celinayn Nin ku sheegtay waarayn Maxaan kuu warsanayaa? Waxaad aniga ii huri Kuwa kugu werdiyayee Sida weli ku caabuda Ku wanaaji qayrkay Is wanneehintaadiyo Wadha hayla soo gelin Weysada ha iga jabin Alle weger haddana weger Weger iyo ka waaweyn Weger iyo ka waasacan Ma wadiiqo lulatiyo Waaq laan ku dhabar jabay Ma wartaan jidka ahayn Ma lugtaa wakala jedan Ma warkaan tilmaanayn Ma dhegtaan wax shubanayn Waar hooydu badatee Xaajadu wajaqanaa Ma waraabihii baa Wadhan iyo ka ciyey Togan Walbahaarka gocashada Iyadoo wash iga tidhi Waxa dhacay Cabbaasow Ila wabax tarareen Duni iyo wacaasheed Iyo werinta dhiilladu Wadnahayga shidayaan Ku wahsadey su'shaas Wydiinna kuma maqan Garashiyo war-celinteed Ayaa waaya waayaha Webiyada aqoontiyo Wacdaraha adduunyada Wixii laysla soo maray Waayaale hagar baxay Wacyigayga koriyaan Waddo ii jideeyaan Waayahay Diktoorkow Hadday weedhu muuniyo Walanqiyo dux leedahay Anba sow walaalow Wadar kela ma kaashado Sow wawga jiiftada Dadka waayahoodiyo Wejigooda kama qoro Anigoo werwerayoo Talo iga wansiixdoo Wana waani lulatoo Wiswis leexadiisii Igu weehanaysoon Wadha reer galbeedkiyo Weysaaqa Naatoo La walaac asqooboo Welwel jiifi waayoon Sida wiira wiirada Warwareeg ku lumayoo Hadba way ku kacayaa Warac meel ka ciidmaa Wax la yaable geystaa Wahad laydho keenaa Walwal soo afyeeshaa Waaceeni dhalataa Anigoo wadeecada Wantataca gumeystaha Wakinaaya socodkoo Wiiwiida dumarkiyo Weehaadka maatada La wareer sahsahayaa Dhulka waax madoobeyd Inta waa ku sara kaco Qorrax Gaandi weheshaa Wac ku soo tidhaahdaa Bulsho weerka xoortaa Aniguna wajiiniyo Waqal igu gadoodaa Wahabkii I saarraa Waanwaani dhaxashaa Dunidoo wajaqantoo Cagta lagu walaaqoo Inta weerayaal iyo Bahal iyo wareentiyo Kun waraabe boobeen Shan walleys u taliyeen Dad wanaag ku ledey xalay Inta weerar lagu furay Lagu galay war ma qabtada Shil ku waabariistoo Wadhantooda haaddii Ku wishiirriyaysoon Anna wadhida dhiillada Murugada wahwahayaa Weyrax meel ka toosaa Senge waalan fuulaa Isticmaar la wiiqaa Wabar lagula ciiraa Waydiisa taahaa Anigana wajaaf iyo Warmo layga siibaa Hadba laba is weydoo Kala weecanaysoo Nacab kala wareejoo Weji dadab is dhaaftiyo Sac warraaqa jiilaal Weyshiisa diidoo Weydaartey xeradaan Waanwaan dhex dhigayaa Hadba duul wahsanayoo Inta waayir lagu xidhay Wadhaaf lala hor joogoo Wanshax meel la jiifaa Wacdigaygu sooraa Hadba wadar la dhacayoo Inta ay wisiisidey Warmaheeda gurataan Ina wadiya leeyahay Hadba wiilal baxayoo Wacad qabe bahdiisii Wallihii ku baajoo Waddadiii ka leexdiyo Nin wabiina doontoo Wisin maqan ku duuliyo Waqle jiibka saaraan Wararkooda sugayaa Walamsade la tuuriyo Wadal lagu gadoodiyo Hadba meyd la wacay baan Digashada waddaacayaa Hadba wacal la toogtiyo Dadqal cayn wareegoo Inta wegeradkii go'ay Waabay kabbaday baan Warqaddiisa jarayaa Hadba waaq la ridey baan Weylaalistiisii Wilgaduu fadhiyi jirey Wasakhdii ka dhaqayaa Hadba damal wacnaayoo Webigii Ganaaniyo Salka gacanka Waaheen Waraqyada ku fidiyoo Inta wahan ka daba yimi Wiriqyada u bixiyoo Wakhti soo qandoodshoo Walcan go'a lalmanayoo Wegdihiisa laabtaan Ubaxii ku waabnaa Maqal weyd la togantiyo Waxaraha u tumayaa Hadba Shaah la waayiyo Boqor weer cad goostoo Inta wish la sara tegey Waaq waaq ka ridey baan Taajkiisa warasiyo Hanti shacab wadaagiyo Waqaf guud ka dhigayaa Hadba Janan wanjalanoo Dhulka laga wandaafshoo Cirka looga webiyoo Cidla dhex walhanayoo Wedku deydeyaayaan Waxa lumay ku darayaa Hadba feleg wareegiyo Yididiilo walacliyo Saadaal wil furatiyo Waaleeyo curataan Weelkeeda culayaa Wiyil dabarka goysiyo Hadba umal wallacay baan Werdigooda rogayaa Libin fool waliishiyo Hadba maalin weyn baan Wanankeeda loogaa Xinjir wararacdeediyo Hadba guul washiranoo War wareeg ku dhalataan Walqasheeda tiriyaa Onkodkiyo wannaaniga Iyo dhibicda weedhka leh Walanwalinta maansada Walwallaynta geenyada Wanqaraarka jiiftada Waxa looga jeedaa Ama loo wacwacayaa Wacdaruhu u dhacayaan Lugta waarrinaysiyo Isha waabanaysaa Ha ku waano qaateen Wegenkiyo colaadaha Nin dulmani ha weheshado Waddammada adduunyada Afarteeda waaxood Dhibta iyo wax yeellada Inta ila wadaagtaay Aan heeso weriyee Kici weerarkaagii I waraabsha geedkii Waxyigaygu saarraa.
62. Xamarey ma nabad baa? Top
Xayaabkii cir da'ayeey Daruur shalka xayddaay Xulad geenyo ugubeey Darmaan xoosh u dhalataay Xil-dhibaanka nabaddaay Xajkii Geeska Bariyeey Cadceeddoo xab-bururtaay Marna xabag barsheeddii Nafta xiisa gelisaay Xudduntii dhulkaygaay Xaruntii dadkaygaay Xamareey ma nabad baa? Xiddigtii bahdeediyo Xubnaheeda kala maqan U ahayd xusuustee Sumaddooda xaynkiyo Shanta gees u xidhataay. Xudduntii dhulkaygaay Xaruntii dadkaygaay Xamareey ma nabad baa? Laamaha xorriyaddiyo Xayn-daabka calankee Xejinaaya dhalashada Xididkay ka beermaan Xinjir laga waraabshaay. Xudduntii dhulkaygaay Xaruntii dadkaygaay Xamareey ma nabad baa? Carra-edeg xanteediyo Xaska weli dhex-yaalliyo Xaskulaha in laga guro Danahooda xigashiyo Xagal-daac in laga jiro Tii loo xil-saaraay. Xudduntii dhulkaygaay Xaruntii dadkaygaay Xamareey ma nabad baa? Isticmaarku xeel iyo Xanaf iyo wax-yeelliyo Xanan iyo dhibaatiyo Xadhko miidhan weeyoo Sida geed xajiinluu Xagxagtaa kor kaagee Xadantada gumeystaha Xaram lagaga maydhaay Xudduntii dhulkaygaay Xaruntii dadkaygaay Xamareey ma nabad baa? Danta inay xaraashaan Dembi inay xambaartaan Ama sharafka xooraan Isticmaar la xididaan Ama xeer la yeeshaan Nimankii ka xila-furay, Naftu waxay u xilataa Dhegta xeerinteedee, Nolol aan xarrago wadan Nimankii xanuunkiyo Xabsiyada ka door-biday Gobannimo xaq weeyee Inta geesi loo xidhay Ama xawda laga jaray Geerida xalaasha ah Nimankii xantoobsaday Halka lagu xormeeyaay Xudduntii dhulkaygaay Xaruntii dadkaygaay Xamareey ma nabad baa? Shinnida Xumbaaliyo Sida xaydha-weyntii Nimankay Xawaashiyo Xaab-qaaddu keentee Xagga sare ka soo degey Dhulka xaabadii tiil Nimankii xambaartee Dhirta xaalufka u rogey Dunidaan is-ximinnoo Xasillooni loo yaal Dadku kala xishoodaan Nimankii xaduurkiyo Xadaafiirta geliyee Inta ay xifaaliyo Xumo iyo colaad iyo Xiisadaa ku kiciyeen Xolad daba ku olosheen Xadhkaheeda kala furay Xidid iyo tol wada yaal Nimankii hub xoogliyo Xakamaha ku kala raray Kala xaday walaalaha Marwadii xanjeerrayd Nimankii xabbaadhee Xawawaray dhasheedii Kuwa midabka ximiyee Xaqlahana addoonsada Xistigiyo gumeystaha Birta looga xiiriyo Halka lagu xabaalay Xudduntii dhulkaygaay Xaruntii dadkaygaay Xamareey ma nabad baa? Sida xuur wedkeedii Xan ahaa ku maqashaan Amba xiisahaagii Xamarey la dhuubtoo Xalay waxan baraarugey Iyadoo xiddayseey Inta xaysku kuu da'ay Dhulku wada xareed iyo Xamash iyo ugbaad iyo Xilli yahay barwaaqoo Dayaxaagu xaynkiyo Xuubkii dillaacshoo Inta uu xanjaadkiyo Xagal qudha la soo baxay Dusha sare xinnaystoo Dhallinyaro xariiriyo Halbo Xuural-caynii Isasoo xusheenoo Xeebtaada yaabka leh Inta ay xaraaraha Laba laba u xaadheen Xusullada dhigteenoo Xeerkii kal-gacalkiyo Lagu jiro xisaaboo Xantu hoos u socotoon Aniguna Xayaad iyo Xiddigtii jacaylkee Shanta xaraf mid lagu daray Xog-waraysanaayoon Kolba xaada cududdiyo Xaradhkiyo garaaraha Il-badhkeed ku xadayee Xudduntii dhulkaygaay Xaruntii dadkaygaay Maxaad aniga oo xidhan Lahashada xanuunka leh Ii xusuusinaysaa?
63.xxxxx Top
55 Maanso Hadraawi Halkan ka sii aqriso in yar oo ka mid ah Maansooyinka Abwaan Hadraawi