Homeaamaguul DoolloGolkhatumoHoygasuugaantaGabayadakaydAfmaalGoogleYahooHotmail
Horta yaa gunimada leh? Gobonimo u gaar tahay? Sidee baan ku garanaa ? Dadyahaw loo gorfeeyaa? Gobtaana aan u sheegnaa? Gunimana ku baranaa ? Gobta waxa u caado, Garaad fiican weeyaan, Dad garaaba weeyaan, Gedi samaha wada jecel, Geed ka fuula xumahoo, Ku gadaaman sharaftoo, Ka gaabsada xumaatada, Guntana waxaa u caado, Gunuus aan dhamaaniyo, Guux xumaan ka buuxdiyo, God daloolo badanoo, Marna aan garawshiiyo, Garta inay u aqaataan, Guurtidu siday tidhi, Garanayn dadkaygoow,
MUTIDA IYO MAANSADA
Muqaawamo
Dawlad
Dawladnimo
Guubaabo
Sahwi
Gobannimo
Amakaag
Caymis
Daryeel
Dulmidiid
Galguduud
Gurmad shacab
Heshiis
Muran & mutuxan 1 2 3
Qaran & qabiil
Mahadho
Takoor cadow
Maslaxo
Islaax
Hoggaan lumay
DEELLEYDA QARNIGA 21aad
01- Dareen
02- Dooxada Hargeysa
03-Dulmigii Shaamow
04-Dayax
05- Dabo taal
06- Dawo
07- Dedaal
08- Dacwo
09- Dulmi diid
10- Darajo
11- Dayacan
12- Deelaalyo
13- Shacabkaa dembiilaa
14- Dano sheeg
15- Dabran
16- Dabiib (Jawaab)
17- Damac Rag
Markii ay go'doontee Gobonimadii dhimatee Gawraca la geeyeee Dalkii gebi ahaantii Dabka lagu ganbiyee Guryihii la ololshee La gumaaday maatada Ayaa geesi soo kacay Gurmad eebe soo diray Guulwada shariifoow Geesigii qarniga iyo Gobonimo udirirkoow Guushani ku raacdaye Gaashaanka noo haay Geyigiaad u dhalatiyo Gurigii dhabta ahaa Geeskii aan ku noolayn Go,doon baa la geliyoo Gaasas aan naxayniyo Guluf baa la geliyooo Waa la gaabshay gebigeed Gocora aan naxayniyo Garmaqaatayaal baa Gam ka siiyay maatida Ka gilgilo xumaatada Garo waajibaadkaaaa Guyaal iyo guyaalbaan Guusha caawa noo timid Geesiyaw sugayneee Gacantaada eebaaa Ku guuleeyay maantee Gadhwadeen nadiifoo Garyaqaaan cadliya Noqo ruux gaaraadloo Gobonimo udirir ooo Geyigoo dhan gaadhsii Nabad lagu gam, oo wacan Googol qudha isugu keen Gardarada ka dheeroow Gooni haysu taagine Garabahaaga nimankii Geesaha ka joogeeee Guusha kuu horseedee Geesiyaashii waydii Garashana ka kaashoo Garo waajibaadkaaaa Guulwade shariifooow Geesigii qarniganaaw Dadkan kala go,doome Gararkaa ka kala dhacay Guryahoodii wada keen U gargaar agoontooo Garab qabo haweenkoo Uguntoo dadkoo idil Cudurada gumaadiyo Gaajada haleeshiyo Geerida dhamaysiyo Garaad xumada taaliyo Jahligaa gardaadsaday Ka gilgilo xumaatada Garo waajibaadkaa Danta reer galbeedkiyo Gocorada itoobiya Inta guushayada neceb Inaan horumar gaadhnoo Weligaa ka gaabsooo Gogoshooda haba gelin Haw garaabin weligaa Ha garawsan hadalkood Guurtida dalkeeniyo Geeshkii aqoontaaa Garabkaaga joogeee Gargaar dibad ka yimid Ha guuxin cadawgaaa Ka gilgilo xumaatada Garo waajibaadkaaa Xilka aad gudoontee Garabkaaga saarani Guushii dadkaagiyo Galaday sugaayeen Guuloow ka yeeeloo U gargaara gudoonshaha Ilahaaw la garab qabo Guul iyo baadhaadhi Gobonimo midnimo qaran Guuloow na gaadhsii Gulufkiyo colaadiii Soo gebegebeeyooo Soomaaliyeey garaadsada Garbaha is qabsada oo u guntada wanaagiyo xaqa wada garwaaqsada W/Q Cabdiraxiin Hilowle (Galayr) abdirihiin1@hotmail.com
MAQAALLO KALA DUWAN
Ciidan tuugo ah, ceebna ka cabsoon
Warqad furan ee ku socota DFKG
U dabbaal deggii Geerida!
Maalintii Xorriyadda.
Yaa Gob ah, Yaase Guna?
Amakaag iyo Af kala qaad 1
Amakaag iyo Af kala qaad 2
Amakaag iyo Af kala qaad 3
Dagaallo aan dhammaad lahayn.
Budhcad-badeed mise badbaado badeed
Taariikhda Qabqable diimeed 1
Taariikhda Qabqable diimeed 2
Taariikhda Qabqable diimeed 3