WAA QAYB KA MID AH MAANSOOYINKA ABWAAN C/LAAHI MACALLIM DHOODAAN OO AAD
SI TOOS AH UGALA XIRIIRI KARTID WEBSITEKA CAANKA AH EE WWW.DOOLLO.COM
1-B Alla tuug |2-C Aweytin | 3-C Callaamo | 4- Daba la' 1976 | 5- Dalxiis | 6- Dhab ka hadal| 7- Dhugasho
8- Digasho 1977| 09- Durraaqsi | 10. Falaadkii | 11- Feero dhagax 1963 | 12- Furdaamis 1980 | 13. Gar darro
14- Gar naqsi 1974 |15- Gocasho| 16- Ha midowdo | 17- Ha u liicina| 18- Hadii amxaaroy | 19- Halgaad 1979
20- Higlo| 21- Isweydiin | 22- Jagya luuf |23- Jilbo riiq 1973| 24- Jeeraaro 1973 | 25- Likaaco |26- Mardabaalow
27. Maxaa iigu jira? | 28- Mujaahid | 29- Ogaysiis| 30- Qalbi karbaash| 31- Qarjamuudle | 32- Qaydaraan surad
33- Qodob | 34- Saleello 1974 | 35- Shaamareeb| 36. Takartii maroodiga| 37- Toosoo kacaay 1962 |38- Tusaale
39- Uguma maadeyn
| 40- Uneexo 1962 | 41- Uus duugad| 42- Waa la mulkiyey| 43- Xaajadii 1976| 44- Xaawiyo aadan
45- Xullub socod 1975 46- Xuuraa baf | 47- Yaa dirsaday?? | 48- Yaa kasbaday? 1978 01. ALLE TUUG 1974 Kor aad 1974kii Cabdullaahi Dhoodaan markii uu eegay xaalka Soomaalidu sida uu yahay, dhulkii Soomaaliyeed oo qaar gumayste gacantiis wali ku dambeeya, dadkii la rabay in ay raacdeeyaan oo aan uba soo jeedin, dhallinyaradii oo si xun u wada ilbaxday oo sigaar, turub, iyo qaad la ruugo door biday, dumarkii oo asturaaddii iyo xishoodkii ka xuub siibtay, sakadii oo la bixin diiday, culumadii oo la istikhfaafsaday, ayuu wuxuu dacwadiisa u bandhigay ilaahay oo uu waydiistay in uu ummadda soo hadeeyo, kheyrka iyo wanaagna ku soo dabaalo. WUXUUNA YARI:- Boqoroow Allahayoow adaa baaqiyoo jira e bari iyo adaanay Galbeed kula balaadhnayne sawaariikhda adigaan ka baqin oo iska soo baxa e adaanay bir orod dheer ku helin amase baabuure baylood cirkaa mari adaan buur ka hoos gEline adigaa wixii aad burburin berina joogayne baryadayda ii yeel adaan kuu bandhigayaaye. Barashada cilmiga diinta baan baafiyaa waliye mas'aladi la baadhoo dhan baan baal ka taagnahaye in aad diinta ii badiso baan kaa baryahayaaye Nin waliba bilaadiisa wuu barako maalaaye baradaydi gaal baa fadhiya buuran tabarteeye man badheedhi karo ninkaa baaqsadaan ahaye inaad iga bixisaan raboon kaa baryahayaaye Boqollaal rag oo wada fadhiya badhaha suugyaasha oo turubka baandhayn hayoo adigu ii baaq leh oon baabka waysiyo salaad boqonta maydhaynin bogga naar inay dhigahayaan baabka lagu sheegye ummad baylahda u diid yaan, kaa baryahayaaye?? Bangi lacaga geel badan rag loo adhigu uu buuxo ooy baahi haynoo lo'dii bowdka miranayso oo aan bakhaylnimo sakada barina dhiibaynin bogga naar inay dhigahayaan baabka lagu sheegye ummad bixisa oon diidin baan, kaa baryahayaaye Xerow aan billowgii cilmiga baran kitaabkiisa oo imaamyadii wada billaa belo ku sheegaaya isaguna inuu baastar yahay baabka lagu sheegye barqankaa inaad bi'isid baan kaa baryahayaaye Barbaar aan cibaadada alliyo boqor addeecaynin oo baarka siinaay kalkeer bal u budlaynaaya?? oo buuri nuugoo ilkaha dabarku uu buuxshay inay bohosha naar galahayaan baabka lagu sheegye dhallin aan ibliis bi'inin baan kaa baryahayaaye Bogga kale haweenkiyo haddaan baal kale u leexdo iyadoon Billaaahiyo islaan nimo ku buuraanin asturkii kolkii laga baxey sii burburiyeene waxay baratamaayaan kob aad uga ba'aysaaye boggaa qaawan bowdada cad iyo naaska badhidiisa barta xaluska kaga taala iyo bari dabkii gaadhay adoon baadhin baad heli kartaa booska uu yahaye hablo badanka soo wada qarshaan kaa baryahayaaye Beeshii haddii aan wada maroon baal walba u eegay biyo lagu rogyaa iyo Jibriil baalka mariyaaba in halaag kusoo beegan yahay baabka lagu sheegye bulsho kheyrka wada raadisaan kaa baryahayaaye Aammiin ----------------- 02.AWEYTIN Kor aad03. CALLAAMO Kor aad Gabaygan soo dhammaystir oo, taariikhdiisiina soo raadi kuna soo hagaaji - www.doollo.com Waa taan cadaadley ka guday xalay cawayskiiye caado iyo intaan sirow tegaan caano geel dhamaye cosob iyo markaasay maryama ila ciyaareene citiraafna waan helay sidii dawlad caadila ahe Waana lay casuumaday sidii caalim soo dagaye ragna inuu catrado ii dhisuu iila ciil qabaye Cisigaa anoo heli karoo cudur la'aan seexday turumbadu markii ay cidee waaguna caasaaday cirkii iyo camuudii markaan cayn kastaba dhawray rag calool xun goortaan arkiyo calalo taanbuuga carmis inan ag joogaan gartiyo wali ciqaabtiiye caku aniga goormaa wajaaf laygu soo celiyey ? Carradii biyaa iga xidhoo waxan cabbaan waayey! cadar bay ahaydoo intaa caga-gubyey haysay! cagaag baa i mudayoo kabaan cidhibta saaraayey! shan nin bay casuumaysayoo fiidkii ma cashaynin! batar Ceerigaabaan ku jabay mana ciyaarayne! cirka iyo baqoolaan ku tegay cadale meeshiisa cusbalayna waan soo mariyo Ceelis gudaheeda cimrigayna meeshaan fadhiyo kama carraabayne! cawdaan ku jiifiyo hurdada caawa kama toosin sidaan u caweysimaayuu waagu ku caddaaday! niman bay canaantoo haddana ii calaalcalayey! ceeb baa la ii faafiyoo la ima caayaynna! hadalkaa calaamadale waad la cajabaysaane caynkaana waxa iigu wacan ciilka aan qabaye .......... .......... -------------------- 04. DABA LA' 1976 Kor aad Dabayaaqadii 1976kii ayuu Cabdullaahi Dhoodaan rakibay gabaygan isaga oo ugu jawaabayey niman dawladii Maxamed Siyaad ergo u ahaa oo gabayo usoo diray, nimankaa oo aad magacyadooda ka heli doonto gabayga dhexdiisa. Waxaa ka mid ahaa, haddii aan dhawr xuso, Yuusuf Dheere Maxamed Sugaal, Cabdi Sheekh Biixi, Siyaad Daa'uud, Yuusuf Colaad iyo kuwa kale. Gabayada raggaasi tiriyey waxaa ka mid ahaa Hooskii, Dalka Hooyo, Wargubtaanyo iyo mid Caynley la baxay. Jawaabtii Macallinkuna waxay ku billaabatay: Asalkiina hadal aan dadnoo daahle, inaan sheegno Iyo ku aan daboolayn inaan, dibadaha u saarro Labadaa dariiq baa miduun, dawga ku haboone Markii docadocays loo waday, daala dhaaf imane Sidaa iyo darted maansadii, layska daba keenay Ma diidaniye qaar waan hubaa, daw inuu yahaye Hayeeshee badhkeed waa daleen, amase deel-qaafe Kama dhigin macnaha doodif iyo, deero ka hal wade Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid is dabayaacay Danbas iyo wax nool kay yihiin, daa’imaan garane Dab iyo qiiqna waan kala aqaan, saa duq baan ahaye Deleb iyo shax labadaa mid baan, dheel u degayaaye Dixiyo dareemiyo ridhmiyo, duurba kala jaade Cagaar roobkii dayr hore baxshiyo, dogobna waa geede Haddaan damal ku weydiinayood, dhir isku duudqaado Dur iyo daabacay kala noqdaan, haysku daar toline Ninkii awr dibjiray goobayoow, duunyo hay odhane! Inaad doomanaysaan kolkii, gabay la doonaayo Hal duwaaya dulucdaad rabteen, looma daawado e Adoo xubinta sii daawadayoo, tii macna leh doortay Waa in midhihii lagu daabacaa, ha is dabooleene War maansooyinkuu diray Siyaad, amuu dabayl raacshay Ragga dookha Ina Ciise lee, dumarada u heesa Halkay daaranayd waa sidaa, dulucdu Caynleeye Mar labaad kolkaan dayo tixdii, deel ku soconaysay Kollay damacu waa fiican yahay, oo ku diirsadaye La durduri fariintaad lahayd, xuurtii dalandooshay Walow ujeedada duleed kaa, dadaal noqotay Waxaa jiray odhaah kaa dustoon, laga digtoonaane Doqonimiyo badow laysku sheeg, oo dacaayad ahe Kaftankii duleedada markaan, taa isaga deyno Daliil run ah markii lagu socdeen, daacadda u baydhno Diirdiiranaanshaba haddii loo, dacwiyo maanta Amaan lagu danbaabayninoo, beenta laga daayo Taariikh aan dumayn baa, u taal degalladeenaase Siyaadoow dadkeeniyo cabsidu, waaba kala duufe Hundo Dixa dul iyo dooxo iyo, duudo iyo laago Docda Nogob ah togag soo durdura, daacadii webiga Hadday tahay dhul reeruhu degaan, amase daaqeen leh Ama dooggii haro buuxsantiyo, ceel diraac-shubad leh Maansada dhulkii daraf ka daraf, Yuusuf kaga daalay Dabdhac geesinimo loo qiraa, waa intuu dego e Geerina dadkeenaa ma jiro, ruux ka didayaaye Cabdi Walina aan kuugu daree, tuu dareerinayey Kelmad dalab lahayd buu yidhi oo, waan dareensadaye Dogob iyo gidaar kugu dumiyo, daad ku jiidanaya Naftu wixii dardarayoo kalay, dhaax ka durugtaaye Marse hadduu dad kula qayr ahaa, sharaftii kaa diirto Siday kuu dulleeyaan haddaad, cadho la diihaasho Adoo dibinta ruugiyo isagoo, kibir la diidaaya Darbad kugu gubyaa iyo dibtaa, dacar ka leeftaaba Waa inaad dubaha qaadatood, kaga dig siisaaye War duudkaaga ceeb saran iyo, diilintiyo jaaha Waxaaba kaaga duug roon adoo, meyd dafuufa ahe In kastood difaacdo oo warmaha, lagugu daaduunsho Siday kuu danqaan nabaradaa, diifta kugu reebay Isagaba dilkaagaa u dhibiyo, dakharadaadiiye Baqaa door ah hay odhan Cabdiyoow, waa dameernimo e Daafidaanse kaa qubi kaa tidhee, digirta siinaysay Kamaad daadinayn dheef duxliyo, doobi caano ahe Waaba digo ka saydh taasi oo, darib u geedeeye Wararkiinii daanyoon markii aan, isla doondoontay Rag dayuurad iyo taangi loo, Saam ku diriraaya Oo ciidan soo dumi karoo, dawladnimo haysta Iyo qalab rag daydayan hayoo, dalal xoraynaaya Oon dunida loo sheeginoo, doocba laga haynin Oo hoosta laga duugayoon, dibadda gaadhaynin Oon deeq rasaaseed helayn, daynna cidi siinin Oo wali dakanadii maqnayd, diilalyo u hayso Oo dabar xanuujiyiyo hoggaan, lagu dadaabeeyay Labadaa dariiq baad miduun, degashanaysaane Dubaaqiinu suugaanta maag, walise diimoone Ina Biixi hooskii dayacay amuu, kasoo dayrshay Malaha wiil kun-doofaarre oo, maal dudada buuxshay Oon weligii doog iyo abaar, darar ka waayaynin Inuu buur dilaacshana karoo, xoog dardar ah haysta Oo guurkii dacar loo marshayoon, dumarba eegaynin Doob-guun sidaasuu rabaa, inuu duraantaaye Yuusufna waaba dow inuu yidhaa, da’ Allay badaye Nin da’ yari hadduu soo tirshooy, maanso xagal-daacdo Daldaloolkii ay yeelataa, laga dulqaataaye Kuwa lala degdegiyee dhawaan, dilaya taariikhda Haddaan madaxu idin daalanayn, amaan la doorsoomin Hal delagan maxaad ugu darteen, waa duntii gabaye Wararkiinii dayraa markii aan, isku duudqaado Haddaad dayr rimaysiyo haddaad, been durdurinayso Dabalaay inaad gugan dhashaa, taladii loo daystay ------------------- 05. DALXIIS GEYN Kor aad Gabaygan Dalxiis, abwaanku wuxuu kaga hadlayaa hodanimada iyo qaninimada dhulka loo yaqaano Ogaadeenya ama Soomaali Galbeed. Wuxuu gabaygu ka mid yahay gabayada naadir ka ah ee Dhoodaan. 1. Dalkayaga dabeecooyinkii, Eebe ugu deeqay 2. Dulwareejis guud baan tilmaan, kugu dawaafsiine 3. Ila daawo gabaygaygan waan, kugu dalxiis gayne 4. Hanfi dab iyo duufaano maleh, ama diraac dheere 5. Madaayaan daruurtiyo cirkuba, waana di-i-taane 6. Daafyahaa saraa noogu badan, karan darroorteed e 7. Umana doollin doog iyo xareed, wali dadkiisuye 8. Mana doosho duunyadu dhul kale, sidan daraadeede 9. Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso 10. Ee daan Galbeed iyo kor baan, kuu dalaandalinne 11. Waana dul iyo diillaha dhixiyo, duudo iyo buure 12. Durdur iyo dad haro uu qotiyo, kali dafoo buuxa 13. Tog durraaba laagaha dixdiyo, wabi kasoo daaca 14. Biyaha daadku dooxiyo hundaba, way dindimayaane 15. Markaasuu qofkii doonayaa, dalaga beertaaye 16. Ma dardugin farsamaday shacbigu, tacab ku doontaane 17. Harqoodkii dushiyo kootar adag, dacal u saaraane 18. Jiqirtidaan dabcayn Nugi durtiyo, kooshi loo dadabye 19. Minaaq daloolay baa marashadii, loo dusinayaane 20. Digiraday dafsiin iyo irfidaa, la isku daabtaaye 22. Xadhko dunniyo suun iyo qoryihii, laysku wada duubye 23. Sango dacayan dagal kaw sudhoo, lagu dabaabeeye 24. Markaasay dullaha qaadannooy, daba istaagaane 25. Alaabtaa carada dooxi bay, dibidu jiidaaye 26. Ciid abuurkii lagu daadinbay, kala dilaacshaane 27. Dhulkuna daahimaayee sidii, lagu dareemaayey 28. Durba midhihii oo doog noqday buu, soo dalacayaaye 29. Dheelidaa dabayluhu lulaaan, maalmo dabadeede 30. Hadana way ka dabargoyn ristiyo, caws dugsiin kara e 31. Doc katuure laamuhu sabuul, firi dahaadhnayde 32. Waliba shay darxumo keeni baa, laga duwaayaaye 33. Waxay ugu dikeeyaan sariir, daakhilkeeda ahe 34. Doofaarraday kaga ceshaan, amase daanyeere 35. Wadhaf bay ku daafici shinbiro, duulayaa jira e 36. Mudday laydh dabaalane kolkay, diir-cadaad noqoto 37. Qof dibjiray haduu soomariyo, socoto diifaysan 38. Looguma darree beerta waa, laga daryeelaaye 39. Wixii deeqi karay baa martida, looga sii dubiye 40. Qofkii oon degmada gaadhin bay, sii dibiriyaane 41. Qodaal darisa waa lagu ogaa, daawo iyo xeere 42. Way ugula dillaamaan mandado, kii dalbada guuse 43. Bakaar duugte xero oodan dayr, oo karoor dade 44. Qofba wixii dorraad kayd u yiil, wuu diqdiqayaaye 45. Dhulkani deeq Allaalehe intuu, naga durduursiiyay 46. Wixii Daa'in naga dheefshay iyo, qaar ku sii dihinba 47. Dibno kuma idlayn karo sadkuu, noogu daabacaye 48. Duuduub ahaan saricii waan, kuu dulleed maraye 49. Dabrocelinta hoos iyo Bari baan, kuula daadagiye 50. Tanna ila day waa daaqsintiyo, geestii duunyada e 51. Inkastoo darraanshihii batay iyo, dacatigii maalku 52. qof daman oo kuwiisii dacniyay, ama darbaynaaya 53. Isba caydh dagaagtiyo fakhribay, dani u gaysaaye 54. Dango malaha duunyadu hadaan, layska daayicine 55. Ma darsaan damiin jaahil iyo, doqontu waa mooge 56. Iga daase hadalkaan damcay, tani duwaysaaye 57. Maansada dariiqii horaan, kuugu daadihine 58. Gu iyo dayr dabaylood xagaa, ama diraac goodle 59. Afarta xilli dacalka Bari, waa isdabajooge 60. Dagmadiyo siday ugu dhaqmaan, ceel-shubkiyo doogga 61. Durdur iyo magaalaba anaa, kugu dalxiis gayne 62. Sheekada aan lagu daalin baa, daawo miidhan ahe 63. Waxba yaanan kuu sii daldalin, sheeko dabadheere 64. Ma daynine dulkaasaan hadhow, daadah kaa odhane 65. Maantana halkaa noogu daa, haysku sii diline 66. Diyaar noqo hadana saadanbaan, daqaqamaynaaye Cabdi Xiis ayaa gabayga ka qoray cajaladdii uu ku duubnaa. Mahadsanid saaxiib. ---------------------- 06. Dhab ka hadal Kor aad Gabaygan khatarta ah ee ay ka dhexmuuqato inuu Macallinku mariyey kolkii uu ka baxsaday dawladii Maxamed Siyaad iyo taariikhdiisiiba soo raadi oo nasoo gaadhsii muggii aad hesho. Dhabbe saxan dhayaalkii makrigeed u dhalandhooshay Fikradaad dhiraandhirin jirteed dhaaxa daba joogtay Halgan dhanba adoo bari dhexgalay oo kusoo dhididay Inaad dhaliso gool iyo inaad dhimato mooyaane Dhexdhexaad inaad kaga hadhaa waa dhabcaalnimo e Fikradaad dhiraandhirin jirteed dhaaxa daba joogtay Dhukusaad mar bay yeelan iyo dhuudis gaadmo ahe Kolla orod dhabaabaca noqdiyo waa dhakhso u roore Dhadhaab kaa horjeediyo adoo dhiibo filanaaya Dhiigiyo naftaadana huroon dharabo eegaynin Oon dad nacabku dhaansaday hadhow yeelan dhaxalkaaga Dhadhamiyo dhamcaatiyo adoon dheef u xilanaynin Dhammaanteed adoo saa u garan ama u dhawraaya Halgan dhaawac loogama hakado dhimasho yeelkeede In dhawayd dhawaaqii badnaa waanigii dhimaye Mase dhoofin mana dhuuman mana dhaqaaq dayne Ma dhabarin is dhuudhuubiduna ma aha dhalankaye Dhajiyaha xinjiro dhaadhigiyo dheri karshaagiisa Af-weynaha dhargiyo kaan la dhiman dharagse diidaynin Wax kalaa dhuftay leeyihiin malaha Dhoodaane Dhankalaaso waanigii aqiin tuugu dhaygago e Dharbaaxooyinkaygii cuslaa waan la dhacyaaye Intaan dhabarka kaga joogsadoon dhiico ugu yeelo Waa inuu dhafoorkuba qarxoo dhaga dilaacaane ... --------------------- 07. DHUGASHO 1972 Kor aad 1. Soomaalidaan dhiidhiyay, ugu dhamaynaayey 2. Dhan kastaba ha joogtee dadkaan, dhiirigelinayaayey 3. Dadkaan dhiiga hoosiyo qalbiga, wada dhalaalsiiyey 4. Runtii aan u dhakaabiyo dadkaan, dhaabadda u sheegay 5. Dharaar iyo habeen qayladaan, kor u dhawaaqayey 6. Ujeedada dhankii loo wadee, layska dhaadhiciyey 7. Inta dhinac marsani waa kuwaan, garasho dheereyne 8. Caqligay ka dhaawacan yihiin, waana shay dhab ahe 9. Oo dhaandhaamo baas waxa ka dhigay, dhuuni raacnimo’e 10. Shaydaankay dheesha u tumaan, wuu dhakaandhabiye 11. Umaddan dhabaalyeyn jiree, aan u dhawaaqaayey 12. Dhabar dhabar hadday wax u fahmeen, yaa dhibaato ahee 13. Dhaqankiyo asluubtaan macanaha, kugu dhansiiyaaye 14. Raggiise aabbayaasheen dhalay baa, dhaafay hadal weyne 15. Maahmaahyadey noo dhiseen, midaan ka soo dheegay 16. Dhinacyada hadduu kaaga jiro, nacab ku dhaylyaaya 17. Intaad sacabadow dhigan lahayn, nacab ku dhuudaaya 18. Si uu dhoomo inaad buuxsatoo, dheregtay kuu moodo 19. Dhafoor xumiyo cadawgaagu yuu, dhuubni kaa garane 20. Waxaaba loogu soo dhaashadaa, dhuux sagaaro e 21. Markaad hadalku geestuu u dhacay, sii dhadhamisaanna 22. Dhudhunkeeda taa lama lahayn, dheef ka raadsade e 23. Macnuhu waa dhiggaa lama beryee, ceeb ka dhawrsade 24. Dhirta iyo dabayshiyo dhulkiyo, dheefta iyo ciidda 25. Wax dhulkeena lagu dheehay oo, dheeriyaa badane 26. Inkastoo dhallaan iyo gabow, ciidda lagu dhaarto 27. Dhaqdhaqaaqi meelaan casrigu, wali ku dheereynin 28. Dhallinyaradii aan sheegaayiyo, taan dhegaabinayey 29. Maskaxdaa dhan hadalkiina, way dhihi yaqaaniine 30. Dhimir iyo garaad way qabaan, fiiro dhumuc weyne 31. Oo qaarkood murtiday soo dhuftaan, waabad dheygagiye 32. Dhabbahaan marayniyo libtuna, way isu dhaw dahaye 33. Dhaqso horumarkoodiina way, dhagagsanaayaane 34. Isxilqaanka noo dhimman maxaan, uga dhabcaalownay 35. Dhurde ma laha dhuux iyo laf iyo, dhiibsanow muruqe 36. Dhirtana waa ka miidduu ka dhuray, lala dhamaayaaye 37. Intaan ubuxu dhadhin ee ku yaal, laanta dhaladeeda 38. Ee uu mankuba dhaadan yuu, tacab dhitaystaaye 39. Hadhow buuse wuxuu sii dhigtiyo, malabkii dhuuqaaye 40. Haddaan eegno dhuunyaalihiyo, anigan Dhoodaana 41. Billow aadmigii aan u dhashaan, yara ku dhaamaaye 42. Geedihii dhulkiyo hawlkarnimo, igaga dheereeye 43. Aboorkuna dhareer iyo wuxuu, ciid isugu dhoobay 44. Ee uu dundumada uga dhigay, amuu u dheeraystay 45. Waa jidhacuu dhiilada ka qabay, inuu ka dhuuntaaye 46. Haddaan cadawga soo dheelmadka ah, la iska dhooroofin 47. Dhexda maalintuu kaa galee, dhagarna kuu geysto 48. Dhirif iyo cabaad sida runta ah, kaama dhiciyaane 49. Dharbaaxadu intay kaa fogtee, soo dhabbacanayso 50. Lama dhagabsadee waa inaad, dhab u dareentaaye 51. Markaasaa dhangado loo gurtaa, dhaax la diriraaye 52. Oo dhawrta lays kaga gudbaa, dhacamo waaweyne 53. Geedaha dhafmaa lagu yidhaa, waysku dhoon kaniye 54. Dhig baan udub ku taagayoon ku xidhay, shay dhegaatiyahe 55. Mana dhalleecsan hadalkii anoon, sii dhubqaaliyine 56. Ruuxii i dhageystow macnihii, waan ku dhaadhicine 57. Cudurada wax dhaawaca jirrada, lala dhukaamayo 58. Ee sida dhinbiilaha dabka ah, kaga dhagsiinaysa 59. Iyo gumaysi dhuug iyo ka daran, baalcaddii dhagaxa 60. Oo inuu dharkaba kaa furtiyo, dooni dhaxalkaaga 61. Labadaaba wixii kaa dhacshaa, ma aha dheeldheele 62. Mid walba waa dagaal dhiif leh oo, dhuubka loo daro e 63. Dhanka kale waxyaalahan dharaar nool idhaa, taaba maan dhuganno 64. Dhakhtarnimo ka soo qaad bal waan, kuu dhildhilayaaye 65. Caanaha dharkaynkiyo haddaan, dhirindhir soo hoorsho 66. Oo aan dhammaajiyo ku daro, xabagta dhiigsaarka 67. Oon dhiil xareediyo intaan dheri, ka soo buuxsho 68. Oo daboolka aan u dhuujiyoon, dab u dhardhaarreeyo 69. Kolay boogta dhaymo u noqdaan, lama dhalliileene 70. Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay? 71. Haddaanse laamo dhaadheer ka qodo, dhuundhas xididkeeda 72. Oon xadhig dhan kaga soo xidhoon, dhinac u laadlaadsho 73. Oon weel u hoos dhigo biyaha, way dhidhibicdaaye 74. Inuu dhibiq tifleeyaba qoryaha, waxa ka soo dhiiqa 75. Haddaan waliba dheecaan Mawiyo, dhamstana u geeyo 76. Oon dhaal ku wada shiilo oon dherilo, ka soo buuxsho 77. Inay dhabarka daawo u noqdaan, way u dhawdahaye 78. Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay? 79. Markay Uneexo rays dhaadhidee, dharabka doogowdo 80. Dhawr geed haddaan soo rujoon, dhamac yar taabsiiyo 81. Markay dhuudhi roortee humrigu, dhidid ka soo daayo 82. Dhudhun lagu maroojiyo intaan, xoog isugu dhaabo 83. War dhaydaan ka tuujiyo waxaan, dharaq ka soo miiro 84. Kob dhawrsoon intaan sii dhigtoo, dhababo oon huursho 85. Oon Jinow dhanaan iyo haddana, dhoon Tobboga keeno 86. Oon tiina taa dhiil qarsha ah, kula dhadoobeeyo 87. Dhuubaan kolkay soo baxdoo, dhiin casuus noqoto 88. Qof dhilmaayo soo tuurtay oo, kaar u dhimanaayey 89. Haddaan xidid sintaa kaga dhuftoon, dhash! kaga siiyo 90. Dhaqso inuu bogsoodaaba way, dhici karaysaaye 91. Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay? 92. Dhafaruur dhunkaal lagu qasiyo, Dhayga badhidiisa 93. Dhiqle mayna reebteen waxbaba, yey dhurwaa diline 94. Dhiidhiitiida kama liidateen, laygu dhacayaaye 95. Ma dad dhoohan baa nahay, maxaan taa la dhugan weynay? ------------------------ 08. DIGASHO 1977 Kor aad Digasho wuxuu Macallinku tiriyey dabayaaqadii 1977kii. Dawladii Soomaaliya markii ay si buuxda dagaalkii u dhexeeyey Soomaalida iyo Itoobiya usoo gashay isla markaa ay inkirtay inay dagaalka ku jirto ama ciidamadeedu si toos ah uga dagaalamayaan Gobolka Soomaali Galbeed (Ogaadeenya) ayuu wuxuu Dhoodaan is yidhi hadda ay dawladdii Xamar taladaadii qaadatay ugu yaraan sida ay muujinayso. Kolkaa ayaa isaga aad ugu faraxsan sawirka Soomaaliya bixinayso Xabashidan ku diganaya wuxuu yidhi:Wixii daalo dhaaf badan yaqaan amase doolaalo Kolkuu dabar go'aa way dhawdahay, ee la dumiyaaye Isticmaarka geeridii dishaa, waa damaaciga e Amxaaradii wax badan daanyada iyo, nabadda diidaysay Darandoorigiyo weerarkaan, dhab u dabaalsiinay Xabbadihii sidii roob ku da'ay, ugu darooraayey Duloow hoose middaan ugu ridnay, ee ololka daacaysay Dab markaan liqsiinay ee cadaab, daamanka u galinay Uma daxandaxayno ee kolkaan, gowrac kala daallay Ha la dooxo mooyee kolkay, diir u naxa weyday Amxaaradii dabuurtiyo ahayd, gaalo dabaqleyda Dafuufane wataa laga dhigay iyo, meyd dibiro weyne Allay lehe nabsigay darariyeen, waw danbariyeene Baggaa dhiig xun laga daadiyey, oo la dafirayaaye Dab cadaab ah lagu jiifiyoo, shiil la daba qaadye Dameeraha cidoodoo kale iyo, nolosha daanyeerka Daqsi iyo haddii xoor duburi, eyna lagu daabo Dabeecada ibleys waalan iyo, garasho daanyeera Haddii shayba shay lagu daroo, laysku wada daabo Intaasoo jid lagu daabacayoo, diin qalbigii taala Xabashida dubaaqeedu saa, kama dunnaadeene Waa waxaa Ilaahay dilay een, diintuna anficine Een xeerka aadmiga dabriyo, qodob dabaalayne Ummadaha waxay kaga durkeen, sidaa daraadeede Afrikana duqay waanisa oo, diiran laga waaye Oday xumaha daanyeyn kariyo, daacad baan jirine Doqonta aan dulmiga baaji nidhi, wayba noo dudiye Laba dirirtay waa duuf inay, kala daweeyaane Daanyadooda waanu iska dayn, doofillada baase Inaanse dayanno waa dacatiyee, diirmadoobidiye Afrikadan dayacan kii la daga, ama la daaweysta Ee daris walaalnimo ka suga, wuu dib-jirayaaye Jabhadse loo diryaa iyo madfaca, lagu duqeeyaaba Diintii Rasuulkiyo sharcigu, nala dabaalaaba (scw) Diirdiiranaan loo dhashiyo, duca ku laynaaba In kastooy durbaanka u tumaan, daalinkiyo tuuggu Annagaa kasoo deldelan, waxay ku diiqaane Allaba waa dawacii Kastaro iyo, Ruushka dawdaraye Hadday dunida oo dhan u tidhaa, sharacalee daaya Xaqaygii daboolaa anigoon, diirka ka cadaynin Dagaal jooja waa nagu danbiye, ciddina yey daalin --------------------- 09. DURRAAQSI Kor aad 1982 markii ay ururo badan oo mucaarad ahi ku kaceen dowladii Maxamed Siyaad, jabhadihii gobonimo doonka ahaa ee Soomaali Galbeedna ay amarkiisii diideen, arintuna ay ku ciirtay ayuu wuxuu is tusay in sidda kaliya ee ay dawladiisu ku badbaadi karto ay tahay in uu Soomaalida iska horkeeno oo uu qolo qolo iyo qoys qoys u qeybiyo iskuna dirro. Wuxuu haddaba abaabulay dicaayad ah in dowladu Daarood tahay dadka ku kacsanina ay yihiin Isaaq iyo Hawiye. Wuxuu Daaroodkii ugu dacwooday in laysku dirayo, in la falay, in la asmeeyey, iyo in uun iyaga duulaan lagu yahay oo la baabi'in doono. Wuxuu haddaba isugu yeedhay niman badan oo gabya, xaafado ayuu goglay oo lagu hilbo qashay wuxuu amray nimankii gabyi jiray inay gabayo tiriyaan kuna raad goobaan midnimada Daarood. Waa kaligii taliye iyo gadiisiiye, wuxuu damcay inuu sharciga Soomaaliyeed isku mashquuliyo oo uu dabadeed isagu dhex ku bari noqdo. Waa madax weyne oo runbuu sheegayaa bay is yidhaahdeen oo sidii uu faray ayey yeeleen. Gabayo badan ayey tiriyeen. Waxaa kamid ahaa kuwo ay ugu yeedheen Deyro Abwaan, Dood Nin Leh, Durbaan Dhiilo iyo mid kale. Gabayadii waxay ugu wada yeedheen Ergo Daarood. Cajalad ayey ku duubeen oo dabadeed mashriq iyo maqribba u duuflaaliyeen. Cabdullaahi Macallin Dhoodaan oo mudo dheerba ku kacsanaa mucaaradna ku ahaa dowladda gabayo badan oo cambaarayn ahna ooda kaga soo qaaday ayaa cajaladii loo geeyey isagoo joogo magaalada Diri Dhabo. Kadib markuu dhagaystay cajaladii ayuu jawaab halkaa kasoo diray oo intuu cajalad kusoo duubay usoo dhiibay safaro Xamar usoo jeeday. Gabaygii jawaabta ahaa ee uu Dhoodaan tiriyey wuxuu u bixiyey Duraaqsi oo uu ula jeedo in aysan dhibaato kale Soomaaliya ka jirin ee ay tahay uun xukunkii Maxamed Siyaad oo cantatabay dhinac uu u ciirsadana la'a, Soomaalidana inuu isku habaabiyo oo uu Irir iyo Daarood, Isaaq iyo Daarood iyo wax noocaas ah u qaybiya rabba. Ergo Daarood iyadoo dhan ayaan ku haynaa sanduuq kaydka ee doollo.com, laakiin nasiib daro siiqada uu ku qaadayo ninka duubay daraadeed way adag tahay in wax badan laga fahmo. Bogga dhagaysiga ka eeg Ergo Daarood oo dhan. Haddiise aan halal kooban kuusoo qaadno waxaa ka mid ahaa Ergo Daarood: Daarood Ismaaciil sidii, deero kala yaacye Mare lagu dareershiyo falbaa, deegta loo sudhaye Waryaa Daarood Ismaaciil aheey, durugtay ceebtiiye Falastiin halkii lagu dagaan, daaqad ka arkaaye Iyaguba darxumaday qabaan, dar Alla ma ahayn Dukaamadiyo beertii kolkii, daarti laga iibshay Ee dalkiiba laga saaray bay, dibad u yaaceene Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye Raggaa faraska doolaal ah iyo, goolkiibaa dagan leh Sharafteenii bay doonayaan, inay dumaalaane Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye Darajada walaalkeen sitaa, waa mid noo dan ahe Waxba yuusan deeq badan kusiin, ama duubaax hooye Hadduu kuu daraadana nin kale, kaaga................... Shisheeyuhu kol uu kaaga dido, duubkuu kuu xidhane Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye Haku darina diraceena go'ay, kaa dudada taagan Intii laysku kiin diri lahaa, idinku daaweysta Dubaaxdaad shisheeye u kadeen, siiya doqonkiina Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye Qofka duday waxuu ka duday, doona xididkeeda Nin rag ahi dudii kalama hadho, geel hadduu dido e Anna dooda maansada tolkay, baan ku dumayaaye Inuu daawo yeeshaan rabaa, ubadka Daarood e Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye Gabayo sidaa u socda ayey ahaayeen Ergo Darood. Jawaabtii Dhoodaan waxay ahayd sidan Hoose, isagoo abwaanku su'aalo u badiyey gabaygiisii. Wuxuu yidhi Dhoodaan: 1. Muqdishiyo docdaa gabay dhawaan, igaga soo duulay 2. Gabay daallan aadna u dalfaday, oo durqumi taan leh 3. Gabay dood abwaan loola baxay, ama durbaan dhiilo 4. Oon kuba dareerayn xilliga, doorku yahay maanta 5. Oo doola bay soo dardaray, waanan daawadaye 6. Soomaaliya intaynaan u dagin, teedi daakhiliga 7. Nimankiina darandooriyee, gabayga soo duubay 8. Falastiin gumasigi dafaad, uga daraateene 9. Dalkan Yurub Israa'iil dajine, xoog duldhige Naato 10. Uma dixan-dixaysaan agow, waad ku digateene 11. War xoolaha damaankiyo, sidii qalab dukaan yaala 12. Danbiil lacaga, doolar iyo dahab, ma gooyaane 13. Dhulkuna ma aha daaqada dhariyo, daas qof leeyahaye 14. Umadaa cayda loo diiqayaa, ma aha dawgoode 15. Ha iskana dulqaateen anaa, xaal dagdaga siine 16. Soomaaliya ku soo durug, bal aan dayno Falastiine 17. Dagmo, balad, in dallag beeratiyo, daaqsatada guurta 18. Shacbigaan danqaabiyo dhex ool, dira-diraa toona 19. Shacbiga isu deexdee kalgacal, wada dalxaynaaya 20. Umadaa wadaniyiinta eed, dooni sharaf tooda 21. Walaalahan isdaaraynin ee, ooda wada dayrta 22. Maxaa loogu doolaabayaa, duhur in lays boobo? 23. Kuwase qaar falbay nagu dabreen, cid u dareensiiyay 24. Waxna furdaamis bay dooni yidhi, sixir la daandaamay 25. Danbigooda lama dhaafayaal, waysku dilayaane 26. Soomaalina danteed kama hadline, waa dariiq lumise 27. Kaa dunuunucaayow adoon, duulal kale caayin 28. Adoon daala dhaaf iyo af xumo, qaar dacaayadinin 29. Soomaalida dalka u siman adigoon, kala dambaysiinin 30. War duuf iyo dhaleeciyo adoon, ceeb dusha u saarin 31. Danbas aad ku saydhiyo adoon, deeb marmarinaynin 32. Kaad durraamanaysiyo intuu, deeqi hadal kaagu 33. Eed Daarood kusheegayso maad, aayar daydayatid? 34. Dafdaftiyo maxaa meel kadhaca, idin dabaalsiiyey? 35. Kuwiinaa dardaarmiye lahaa, aafadii darartay 36. Ee Daarood sidii sheekh digriyi, ugu garaar daayay 37. Ma tu laydin dirayaa dirqigu, waa ba dooc kale? 38. Mise waa dubaaq iyo waxay, damacday laabtiinu? 39. Xukunkii dakhaakhulay uunbaa, show duraaqsadaye! 40. Ragga gabayga dirayow hadaad, nabad ku doonayso 41. Ood xumaha diidoo samaan, ugu dacwoonayso 42. Soomaalida maxaad uga duwdeen, idinba Daaroodka? 43. Dacdariyo dareenbey ogtahay, dhiilo danantaaye 44. War qaylada dannaaniday, anoon daalacba u raacin 45. Dad Soomaliyaa wada lahaa, calanka doogaayee 46. Maxaa keenay Daarood haday, dowladnimo joogtay? 47. Hadiise dacayda loofuray qabiil, sidanna loo daaco 48. Duntiyo kay wadaageen jinsiga, ama degaankoo dhan 49. Soomaalidii aan Daarood ahayn, dibad miyey aaday? 50. Mise roobab duufaanle baa, daad iyaga qaatay? 51. Dadyowgii kalee Dir u badnaa, tolow damiin yow ah 52. Kolkaanse baaqa loo dirin ayaga, maw dardaarwarisay! 53. Soomaliyi makala daah adkayn, dayro iyo deeqe 54. Diif hadduu badh qabo reer majiro, daranyo beelaaye 55. Dacatigiyo waa loo sinaa, deexsi nololeede 56. Inta qaar ladaayacay miyaa, gobol la baar daajay? 57. Dubbayn uga ma jeediyo macnaha, sii dacaayadiye 58. Dabroo celi su'aalihii madayn, ii dihnaa waliye 59. Dhulka waad kasoo dayriseen, daakhil kiina ahe 60. Dildilaacintoodaan rabnaa, wararka dihimoonee 61. Dakaniyo haday timid colaad, lays ku wada dooxday 62. Dabbow duur gub hoosaa jirtiyo, ollol dareemooye 63. War duumiyo, dabayl cudur ah iyo, durrayga yaa beeray? 64. S-du haday dabbuur tahay, D-dana eega lagu doorsan 65. Soomaaliya dabeed lagu badalo, magacan Daarooda 66. Ma qabyaalad baa dami kolkaa, sow dallici mayso? 67. Dayaxa Afrikaad baan nihiyo, Xamar qabiil duugtay 68. Maba durugsanayn taa kolkay, soo daldalayeene 69. Daarood qudha maxaa wacay, inuu kaligii daaduumo? 70. Is durraamad kiinaa bixiyo, dhawr dublaa jirada 71. Ku darsoo iblays darajaliyo, doofillaa wadaye 72. Dhibaatada daryaantee sidii, danab u yeedhaysa 73. Balaayada markii lala dardhaday, dakharka yaa gaystay? 74. Ragiise loo dabaaldagi jiree, Xamar ka doobyaaya 75. Inay nabada daanyo u noqdaan, ma isku dayi waayay? 76. Badhkiin eray duxluu noogu daray, tii uu daabacaye 77. Waxaana maansadiina u da' wayn, doona xididkii e 78. Qofka dudaya duulbaw gafaye, sheeg ninkii didiyay? 79. Dallanbaabigiyo oohintiyo, ciil la dabandeebka 80. Sida lagaga duudsado hadaad, wax u dabiibayso 81. Horta dibada maad soo dhigtaan, kii danbiga gaystay? 82. Doxor iyo danaystaa ku jira, dayrka reeraha e 83. Taliskii dakhaakhulay unbaa, show duraaqsadaye 84. Idinkaa duliga sheegayiyo, dacarta kii qooshay 85. War Daarood maxaad uga dhigteen, boqor dumaal yeeshay? 86. Hadiise maamul daadihinayaa, dulin abuuraayo 87. Daalimiinta iyo daacadii, ha isku duubina e 88. Kuwa idin dakhaakhullahayee, ruuxba ruux dubo leh 89. Ee dhaardusmayn jiray miyaa, idin leh Daarood dheh? 90. Dibindaabyadii laga cawdiyo, dawgalkiyo eeda 91. Markaan dayay ujeedada ku dahan, tiina dulucdeeda 92. Saw malihid Irrir baa isku dira, qoladan Daarooda? 93. Hadalka qaar diciif kaa dhigiyo, dawdar baa jira e! 94. Tol baan dumida aad leedihiyo, daawo maan xidhano 95. Haday malab dibnaha kuugu tahay, qaarna wow dacare 96. Ma dalliil cadeeyaad i siin, taa in lagu diirsan? 97. Mise doobabkay badin, inay dacawada u loogto? 98. Daleel madhan ciyaar looma digin, kaydun deydeyi e 99. Markuu didayo Daarood sidii, deeradiyo cawsha 100. Dhaqankiyo dabeecadu ma ridin, dayradaa culuse 101. Waxaan daayinkood horay u dhalan, yaa dorraad curiyay? 102. Diilintiyo maxaa gubadka dhigay, dagaladii beesha? 103. Xeradii dugsiya een lahayn, diga xajiimaysa 104. Ardaagood dab weyn ugu shiddiyo, dogob la soo jiiday 105. Haddaan neef libaax kaga dhex dilin, amaan col duubaynin 106. Sidee nimanka deydey lahow, geelba uga daatay? 107. Kolse haduu dilaamihii kacayo, sii dardaro bowdka 108. War geelii dudada jeexayee, dibadaha u yaaca 109. Ninka soo dabaal yidhi miyaa, saamo dabo jiiday? 110. Haddaan waliba doocdoociyeen, tiina uba daayo 111. Dayac tiridba how dacal ordiyo, damici shaaleeye 112. Ma daryeela wawga dari, dhay madaacuhuye? 113. Dumar iyo da’ waayeeshay iyo, diliq caruureedba 114. Durduriyo bilaash kuma neceen, dagalladoodiiye 115. Maba daqaqamaynine shacbiga, yaa dagaajinaya? 116. Xagiinaba kuwii faras dalbaday, ama dorraad fuulay 117. Iyaba way kusoo daba socdeen, kuguma diimayne 118. Waase daabad loo wada sinaa, nin iyo doorkiise 119. Ragga calanka doolaab ah iyo, goolkii baa dagan leh 120. Haduu iguday yidhi waaba daw, inaad u daysaaye 121. Xil uu daadahayn karo maxaad, kowdii ugu diiday? 122. Xoriyad doomanaysneyd intaad, dawliska u ridato 123. Shubaal lagu daliiqiyo adoo, maaxdii dawdabaya 124. Kolkaad doqonka Daarood tidhaah, wada dibaax siiya 125. Soomaalidii kalaa dulmanoo, daris ahaydeene 126. Miyaan diric kaleetiyo wadani, daacad ihi joogin? 127. Duunyaba halkii lagu darbayn, waa ka durugtaaye 128. Gardaro iyo daandaansi ba'an, qoomkii lagu doontay 129. Hayeeshee dulqaataye idaa, maanta dabadeed leh 130. Raggii dilay darbadahaa kolkuu, waana daminwaayo 131. Ficil lala dirganayaa jiroo, way digiigaxane 132. Ku danqaaday mid kibir diidsanaa, waa la diriraaye 133. War Daarood maxaad uga dhigteen, boqor dumaal yeeshay? 134. Daarood qudha maxaa wacay, inuu kaligii daaduumo 135. Duq dhixiyo hadaad daanyo, tahay ood dacwadi qaado 136. Dar Allaaban kugu dhaarin iyo, diinta Eebahaye 137. Dahaadh maleh cadaaladi gartee, labada kee dow leh? 138. Dagaal waajib ma u yahay kuwii, dhiiga laga daadshay? 139. Mise dabar go'ooday sugaan, jeerkii laga daalo? 140. Oo way dagdagi baad odhan, la isma daafoco e? 141. Dabci jaahil baan sii daniyi, meeluhuu duriyee 142. Diyaar siduu difaac ugu yahee, duurxul uga yaabi 143. Dulalaati buu dalaq odhan, waa ma laydagiye 144. Kuwaa gabayga daranyayn jiree, deelka fiirsadayna 145. Xigmadaan durduursiini waa, kaga digtoonow e 146. Taliskii dakhaakhulay wakaa, sii duraaqsadaye 147. Ka diidanee ku daran jiidhayoow, dan iyo yeelkaaga ------------------------- 10. FALAADKII Kor aad Gabaygan khatarta ah wuxuu Cabdullaahi Dhoodaan tiriyey horraantii sanadkii 1973kii. Ma furfurin abwaanku gabayga oo siddaa duuduubka ah ayuu u socday. Dowladdii Ina Siyaad Barre iyo falaadxumaday kula dhaqmaysay dadka Soomaali Galbeed ayuu yoolka gabaygu ahaa. In kasta oo ay adag tahay in gabayada Dhoodaan mucdooda iyo macnahooda qaaliga ah aan wada fahano, haddana waxyaalo badan ayaa ku tusaya xariifnimada iyo aragti dheerida uu isticmaalayo Macallinku si uu u mucaarado dowladii manaxdada ahayd ee uu hoosteeda ku noolaa xilligaa isaga ah. Wuxuu yidhi: Falaadkii adduunyada haddaan, fiiro ugu laabto Ilaahay farsamadiisu waa, ta ugu fiicnayde Eegana haddii laga fakaro, say u fududaatay Fasahaaad inay gaadhay baa, laysu furayaaye Waxse kuma fillee meel xunbuu, fallagii haystaaye Fahmaddii wareer baa ku dhacay, faylasuufiga ee Garashadu markay foorarteey, faalo dhimataaye Kol hadday finiish iyo fanaash, geed walba u fuushay Danba haatan kii faalin jiray, woow fadhiyi meele Fooruhu ayaantuu kacee, fiintu ciyi wayday Fiidmeerta shaadhkii maxaa, looga wada fayday? Caanaha falleedha leh maxaa, loogu fura gooyey? Isagoo faraadhyo leh maxaa, udubkii loo fiiqay? Fongor buuxda sowtii lahayd, fanaxda yoow jeexay? Ragaad bay fadhaayeen shantii, wiiga fooraraye Kuwa falanfalxada maalayaa, ha isu fayteene Beertii faraacida haddii, faashka lala seego Qudahay fajaastee biciid, ma u fangali wayday Fiddidiinka cawshaan hadduu, fiidkii soo tagaye Wayba faraxsanaayeen kolkay, ceebta fuliyeene Kii u feedha buurraa sidday, Faadumo u diiday Fanacowdu qaarkood armay, ficil darro u gaysay Shirkii dooda culus faanbiyee, dooda kulul faagay Fagaaraha dhaxdiiseey dorraad, kala faqaayeene Arintaa fadhoociga ku jirra, yaa fashilin doonee Fardo gulufa bay fuushan tahay, oo fariin wada e Hayeeshee ninkii fiirsan jiray, faalkii garan waaye Feedh bay ciyaar ugu jiraan, fuusto riixyaduye Gugii Furuqle fooxay shideen, qiiq fatahi waaye Hilibkii fantada loo karshaa, xuudku faanbiyeye Jinni fuudkii laga daadiyoo, fiixdi laga boobye Sheydaankii fuuqsaday waxbaa, foodda kaga yaale Kuma jirro findhicilkaad ogayd, foolasha Iblayse Waxaa faanka lagu eedayaa, faarafaaraha ee Farsamooyin adag bay dhashaa, fookanayntuba ee Falxad bay u haystaan wallee, gaal fashiista ahee Doofaar finaaqeey hadhow, furar ku maaleene Wataa subaga faarka leh cuntee, faraxal yoow dooni Iyadoo fidoo kala baxdeey, qaar u fidhayaane Fayoobaanta Eebow kariyo, inuu furdaanshaaye War faa’iido waa tii Allee, ha i fadqalalaynin Gabaygu ma dhamays tirna oo intan in la eg ama ka badan ayaan maqan ee Haddii aad hayso ood jeceshahay inaad nala wadaagto fadlan nala soo xidhiidh. ---------------------------- 11. FEERO DHAGAX SAAR 1963 Kor aad Gabayga inta maqan iyo taariikhdiisa doon:- Indhawayd farsamo gooniyaan, aad u faaqidaye Sidii facaylkii waa, baan ka fooraraye?? Faqa kaligay baan meel cidla ah, ula fogaadaaye Feker iyo wareer bay diliyo, faal aan ii bixine Laakiin ficil idaariyo ma jiro, cid aan ku foognaaye Fahmina waayey xaajadu dhankay, noola foof tahaye Furaashkaba haddaad weydo waa, feedho dhagax saare Foor tawsan xaajaan arkaa, oon la filanayne Inta hadalka laga soo furtiyo, feedhaha iyo uurka Waxay faaladii uga tageen, way fajacayaane Faruuryihiyo afkuna way naceen, faafi sheekada e Fahmina waayey xaajadu dhankay, noola foof tahaye Fariid nacas xun waa laga dhigaa, fool adkaan jiraye Fulayna geesi waa loo rogaa, fadallo waynaaye ... Furuut iyo farshiyo caano iyo, fuudna lagu qooshye Biyo faar leh maantaan arkoo, fudad dhexyaalaane Fahmina waayey xaajadu dhankay, noola foof tahaye ... Tixraaca: Garnaqsi, Qore: Maxamed C. Gurxan ------------------------------------ 12. FURDAAMIS 1980 Kor aad Fadxi-Laahi kama quusaniyo, farad uu keenaaye Anoo nabi fadligii Eebaheey, noogu fududaynin Waxaan kaaga faaloon hayaa, xeel aan fududayne Intuu finanka ciil iga baxsheen, cadho la faadhyoomay Fakaloolkii igu gaaxday iyo, murugadii faartay Afkii nala fureeyiyo xaqii, waayo laga faagtay Fursad iyo wakhti baa ii dagmiyo, goor fateelin ahe Firaaqiyo rag saan kula falamo, falagu ii keenye Waxay foolataba eega, waa haysku foodhido e Run faseexad lagu dheehay, baan aad u falanqayne Soomaaliya fakaag waan u rabay, loo furfuro buugge Waxay fadhato xidid fiilo dheer, nagu fogeeyaanba Maantaan u fooqfooqyo goyn, oon fujinayaaye Faan iyo bilaash kuma lug go'o, fulayna yeelkiise Dagaal inaan u faytaa maryaha, saaka waa faral e Dadkay naga fidmeeyeena, waa inaan furdaanshaaye Waxaan kaaga faaloonayaa, xeel aan fududayne Amuur sida faleedh iyo dhega, baan haatan faaqidiye Waana laba farqiye, tii horaan kuu fasirayaaye Cadow taladii faahfaahiyoo, fiiro badan yeeshay Oo falaadha iyo tooridiyo, waranba kuu fiiqday Feedhaha markuu kugu dhuftee, faysha kugu gooyo Tumaatida fashliyo widididii, kugu fashaaqaaya Oo farsamaan aqaan oon hadhow, kugu fayoobayn leh Sidaa nacabku faro kii fishaa, soo wax falan ma aha? Faqa soo dhamaaday ee, ogaan loogu fulinaayo Nacas fooraraa yeela, iyo ficilka doofaare Fariid kamaba suurowdo iyo, geesi fool adage Rag fidaa'inimo sheegta, oo meel facshara taagan Runta anoo ka fuuryeeli, waa inaan shir feydaaye Markii aad shacbiga fuuqsatee, dili fariidkaaga Soomaaliyaad faa'iido u tabciyoo, way ku faraxdaaye Garaadiyo fuluus bay dabeed, kuu fasaxayaane Loomaba fadhiyin waa amuur, xaal fashiiste ahe Darajada faduusha ah, waxay fadhato kuu siisay Amay faraqa lacagtaad ku shuban, kuugu fidinayso War soow taa in laga fiirsadaa, meesha kuma fiicna? Qofkii beero faagtiyo midkii, xoolo foofsanaya Faruuryahooda waxa kuu diree, dhawr leh fanaxdooda Ee yidhi lacag baan kuu fatihi, ee jara inta u fiican Firxad iyo figtiyo tooxsigiyo, caydh la kala fiijo Markay fudayd dadkaagu u madhaan, eed firkaba goyso Alif weeye waxay kuu fidshaan, eed ka filataaye Fadhato u shaqaysaye, maxaad adigu faa'iiday? War ma facaayilkaa baan, anfaco kugu fadeexaynin Falsafadaadiiba way, kaa fasaqayaane Soo taa in laga fiirsadaa, meesha kuma fiicna? Fanacowdu maxaa taa, inaad fahamto kuu diiday? Faraacida malayn ee, waxbaa Eebe kuu fadaye Kiina feeyigaadaba markay, godad u faadhfaadho Foodanna ka toogta idin tidhi, keena tala fiican War soo taa in laga fiirsadaa, meesha kuma fiicna? Oo soo fidaa'igaad sheegataa, kaa fashilan ma aha? Fanna cawdu maxaa taa, inaad fahanto kuu diiday? Faataa dhuglayntaa batiyo, Xamar faduusheeda Amarkaa xuneey idin fareen, kiinii fulin waaya Ee foolax-goodiga nacee, diida Reer Filigga Fikrad waajibuu helay, qofkaa faataxaysanuye Waxba nimanka fiidhoon, anoon tooda sii fananin Ragbaa xamar la fuulo u noqdiyo, farasba qeyrkoode Nacabka soo fangalayeey, dhulkii uga fataalaane Faliidh naga dhex duuluu iblays, faagtayoo qorane Filgin buu noqdaa iyo hangool, kuu faraadhyo lehe Fujaasadu markaasay dhacdoo, fool la daray dhiige Siddii falanfalxada dhayda iyo, caano furar yeeshay Wuxuu fiitanayn kaasi waa, fuudkii hooyadiiye Fujaan ehelkii lagu fiiqsadiyo, waa fundhaal cadowe War feenfeeno gacalkaagiibaa, fiicni loo baraye Waxay facalal kheyrka u tusaan, waa fadqalalayne Maansada farshaxan liiliyoo, faarisaa wada e Falkin weeye xaajadu ninkii, fahan wareeroowe Faleedh iyo dheg oo laba farqiya, yaan mid faaqidaye Ilasoco fannigii soo hadhaan, kuu fasirayaaye Dameer laba qof wada fuushan tahay, ii fansaar ma lehe Soomaaliya fakhriga haysta, iyo fadha-madhnaanteeda Dhulkeedoo fush iyo xaaluf iyo, faaruq iyo xeeba Falaadkoodii waa waxa ka dhigay, kii falaagada e Eey dunida sidii ruux fanto leh, uga faquuqmeene Amay qoloba fay ugu xidhaan, fiidba waa dhinace Markay dawlad shalay faaniyeen, maalmo furin siisay Fujuq laga xanaaqiyo intay, cay ku foorariso Fagaarihii la joogaba af-xummo, tay ku figix siiso Iskagama filaatee barreey, faragad weydiine! Wadan talin fadaro maamuloo, dani fadeexaysay Doqon baw faxaaxsada waxbay, kuu faraqayaane Waa xukaamad fidhiqowday oo, loo fongoray ceebe Madaxdaa adduunkii fajacay, faasuqnimadooda Falxad iyo rasuulnimo kuwaa, sidii Fircoon sheegtay Fasahaad intay nagu rideen, oon fiinbabaa noqonay Ooy firinbi noo yeedhisay, bay firiq na siiyeene Fadhfadhle iyo tuug kama cabsado, duul fakarayaaye Run faseexad lagu dheehay, baan aad u falanqayne War foocaaligaa beenta ah, iyo Xamartan fawfaw leh Faanoole sheegiyo waxbaan, soo fatihidooda Fujur iyo fashlaha wiiq leh, iyo gabadha fiidmeera Fatatooshka iyo heesahay, faashle ku amaani Afar fooq ha joogtee wax kale, uguma feestayne War fuuf fuuf cidla ah bay waddaa, fookanays badane Firdhin iyo balaayiyo intay, weerar nagu foogtay Markay fidhadu duushay ee, shacbigii gees walba u fiigay Kuwaa fiitamiin naga dhigtiyo, faanto la cabaayo Ee shacabkanagii faasexdee, nooga dhigi feefar Fulaan fulaanto waa magacyaday, nagu fideeyaane Soomaaliya faceedaa yaroo, looma fiirsado e Fallise oo gumaysiba ka weyn, aafaday faliye Muqdishuu fadhoociba degiyo, tuug fadlinayaaye Falkin maayo hadal faasidoo, layska faanbiyo e Aadna waaban uga fiirsadaa, faaladaan jirine Intii ila fahmaysiyo ra'yigan, wixii ku faayoowba Markhaati baad sidaa iigu furi, fulayna yeelkiisa Sidaa maragga waad iigu furi, fulayna yelkiisa. ------------------------- 13. DAR DARRO Kor aad Gabayagni wuxuu ka mid yahay gabayada uu Cabdullaahi Dhoodaan tiriyey horraantii 1972kii, waxa uuna ku sifeeyey gardarada iyo dhibaatooyinka ba'an ee ay dadka u gaysato. Waa gabay sheekada uu gardaro ka sheekaynayo ay u dheer tahay wadaniyad iyo kicin guud oo uu Soomaalida ku kicinayo. Ujeedada gabayga ayaad ka famaysaaye, wuxuu yidhi: Gardarooy waxbaad geysataa, goor iyo ayaan e Gafkii aad samaysaa batiyo, godobahaagiiye Gashi aan yarayn baad qabtaa, jeer lagaa gudo e Waxaad goyso moyee lawaa, nimaad gargaartaaye Gurigii barwaaqaysan baad, gubi taqaanaaye Oo ruuxaad gadhqaadaa wallee, guul ma xoogsade e Adiga iyo geeridu dadkii, waad gablamiseene Adigoon gadaal uga hadhayn, mid iska kaa giijay Qofkii tabartii gees kaa mareey, wax u gaboobaane Gaag baa uso hadha kollay, ruuxii kaa gudo e Adoo gabi ka tuuruu arkaa, kii garaad xumiye Adaa gaanbiyaay howl yaraan, soo galaangala e Adigaa dhibaato u gasba oo, reer gadaafo ahee Adaa garab ku taaglee yidhaa, geesi baad tahaye Gaasaar nin kale beertay baad, guro tidhaahdaaye Markaasuu garbada kii lahaa, gama'a diidaaye Anaa gaafidan lahee iiga guur, golal markuu sheegto Anaa galabta jooguu yidhaa, gocondho shaydaane Gogoshaana laysugu dhigtaa, goobayoow badane Mid waliba gafuurkiyo wuxuu, ganafka taagaaba Guddi loo xilsaariyo waxay, guurti bixiyaanba Xeerbeegti guushaa waxay, hadal gudoonshaanba Gabogabo dhigoodii markii, lays af garan waayo Eey taladu soo giirateey, gowda la istaago Guracanihii gowdhaafayey baa, aad u goodiya e Garaarteey dabeed kaga dhegtaa, kii la gaabsadaye Inuu golol cadhoodaana waa, ficil gadiisiiye Isagooy guduuteen indhuhu, oo gilgilanaaya Guushii iyo geeridii oo markaa, is garab yaala Labadaa midood inuu galuu, goosan dabadeede Guntashada xigtaa waa dagaal, ha u gardaadsado e Nin gabadayse cadhaan guurta hayn, ama gurguurtaaye Gurxanka iyo goohaba intuu, gununuco oo reemo Ways kula ganaa waa ninuu, ciil ku gaaxsamaye Goorada intuu kaga dhaco oos, guudka kaga boodo Oo gadh iyo laba daan qabtoo, gudub usoo tuuro Markuu aad u galalaatiyo ees, dibir gawaan raacsho Lafihiisii waa inay gotaan, giigtirnaan jiraye Oo uu guuxa weyntiyo ka jabo, gulibidaa dheere Oos war i gunaanada yidhaa, gaal kastuu yahaye! Guubaabadaadii wataa, say ku gorortaaye Kuway gibishu kuu saaran tahay, waa gaday mudane Caqligaad gamuun kala heshiyo, gudumodaadiiye Indhahana go' baad kaga xidhaa, ood ku gunudaaye Dhagahana gufaad kaga jartaa, kuna gamuurtaaye Halkaad gaysanaysaaba waa, god iyo booraan e Waa kaad gandaalka u sidaa, ood u godoshaaye Waa kaad goofaadhidaa, eed gagabisaaye Waa kaad gafsiisaa ra'yiga, eed ka gudhisaaye Gallad inuu qabuu moodayaa, waase ruux gab ahee Adaaba guuldaro usoo sidee, wuunan garanayne God aan laga baxayn iyo waxaad, goof u qarisaaba Gabal dhiciyo saad dooni waa, meel gudcur ah keene Garab bay lahayd daadah iyo, maliyo gaadaane Nabsi qabaha guubaabiyaay, saa adoow galiye Biyo gororay goortay dagaan, waa halkii godane Kibir bay guntaadii dhanayd, gow kusoo tidhiye Oo geedada waxaad kaga jirtaa, kii gumaysta ahee Gobonimo qofkii doonayaad, garab-wagliishaaye Iyadoon barwaaqadu gudhayn, gu' iyi jiilaalba Oo gayiga Soomaaliyeed, Gureey u baaqaayo Gayigaanu joognaba wixii, soo gashaad tahaye Gamuunkoo mariidliyo intuu, waran ku googooyey Gaashaanka tii lagu dhuftayee, gowda laga saaray Ee guutadii qaabishiyo, gabaska hayn weyday Ee jeeray gacmaha hoorsadeen, gaasku daba joogay Ee ay waraabaha u gogleen, gudurideey loogtay Ee uu gabaabsiyey qabkii, meesha daran geeyay Gugumana codkiisaad ahayd, geedo qaaqla ahee Muddo gaaban gaar iyo intaad, gooni naga joogtay Gashin kale adoo muujiyey oo, galab caraabaaya Gadmataye haddana goor dambaad, noola timid guuxe Subaxdaana geesh dhaartayoo, gaydh u diriraaya Oo Maxamed guubaabiyoo, gabayada u sheegay Gamaankiina soo fuulayoo, dhab u gadoodaaya Iyo gobol Daraawiish ahoo, geeddanaa yimide Wuxuu galalafkeenii batoo, la is garaacaaba Markii gulufkii Soomaaliyeed, libin ku geeraaray Isticmaarkii noo soo gudbay baa, goob xun joogsadaye Ganba dumarta waa tay xidheen, Reer Galbeedyaduye Ninse gataati dhacay waa inuu, gadangadeeyaaye Muddo gaban ah shaale intaan, gowle tumanaynay Waxaad soo gadiday baa ahaa, gooshi xeel sida e Waase god aan ilduufnoo kale iyo, leylo goboleeye Mar aan gama' sanayn iyo mar aan, gole ka doodnaaba Siddii dhays lo' gugeed buuxsamiyo, ama shinkeed gaadhay Geed qariya saakaan lahayn, ciil gadhoodhsamaye Gumiciyo bilaawaha naftii, lagala giigaayey Gaaguun tirkeed wakaa, loo gudoonsadaye Is gaacoodinaysaa danbuu, gaaruf kuu imane Galaayuuska xiimiyo intaan, gaylab kugu heesin Gurmo-go'anba waxaa kaa samayn, goodirada howde Murugada guraabaastay baa, kugu galaydhyeyne Goorahana saadaashu way, kugu gandoodaaye In aad kaalintaa gabtay buu, galowgu sheegaaye Guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey Isba gamashigaaguu arkiyo, gaajo kuu imane Sababtaadii oo gaamurtiyo, gabawar kuu baaqye Garuun wadkaa sitaa, guul fadhiisiya ahe Boolidu goggay naaxisay buu, golongol haystaaye Gamboor weeye geedkuu cuniye, haw malayn Godore Galaxsigiyo kaa waw bilaash, gaawe buuxsiguye Waxa lagu ganbiyayaaba waa, gorofti caydheede Gasac iyo geraax diiday oo, dhimatay googaaye Goonkiyo guxuusaagii aad, kala gunaynaysay Guulaamadaa muuqataa, soo gabaanadiye Oo daadkaa gufaacada wataa, kaga gariirsiine Ganbiiraashkii aad soo bartiyo, gool cunkaa hodaye Dhaaxuu libin ku geeraarayee, goojaduu barane Is gundhin iyo guul guul haddii, laga gayoon waayo Gabgablayni kuma caawisiyo, faan gobshaysiguye Nabadii garoobaysay ee, loo gayaxa duubay Kol haddaan gidiba loo helayn, amay is guunguuntay Ninkay godobsanaysaa intuu, laad usala gaabsho Waa in uu gadaamada jaraa, ooy galgalataaye Markii laga gilgilo baydidaa, kii gunada haystay Goros iyo is gaylamaan iyo, gadhadhac mooyaane Inuu giriftamaa waa waxaan, goorna la arkayne Waase gogosha doonkii intaa, kaad galaafanuye Gardarooy ninkaagii adaa, gowracaa badiyee Gardarooy ninkaagii adunbaa gowracaa badiye ------------------- 14. GAR NAQSI 1974 Kor aad Garnaqsi wuxuu abwaanku tiriyey 1974kii. Dawladdii Maxamed Siyaad ayaa jahawareerisay ururadii gobonimo doonka ahaa ee gobolka Soomaali Galbeed ama Ogaadeenya ka dagaalamayey. Cabdullaahi Dhoodaan sida ay dawladdu u majara-habaabisay dhaqdhaqaaqyadaa in badan ayuu ka hadlay mawqifkiisuna wuu caddaa laga soo billaabo 1963kii. Shacabka gobolkaa iyo dawladdaba tusaalayaal maangal ah iyo digniino wax ku ool ah ayuu siiyey. Wuxuu jeclaa inay dawladdu madaxbanayso Jabhadda Xoraynta Ogaadeenya si caalamku ugu arko mid gudaha Itoobiya ka kacay oo xukuumadda Addis Ababa iyo dulmigeeda ka gadoodsan. Wuxuu diidanaa in jabhaddu ugu muuqdo wadamada caalamka gaar ahaan Midowga Afrika, Midowgii Sufeeti iyo Reer Galbeedkaba ismaandhaaf ka aloosan xadka kala qaybiya Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya. Indheergarad gobolkaa ka soo jeeda ayaa dowladda la xaajooday iskuna dayey inay fahamsiiyaan muhiimadda ay madax-bannaanida jabhaddu u leedahay shacabka gobolka iyo dowladdaba laakiin Maxamed Siyaad arintaa wuu garan waayey wuuna diiday in halganka Soomaali Galbeed uu madaxbannaanaado. Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo tii Arimaha Dibadda ayuu si toos ah gacanta ugu galiyey maamulkii Jabhadda Soomaali Galbeed. Sidaa iyada oo ay tahay, ayaa 1974kii waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kalfadhigii sanadlaha ahaa ee Midowga Afrika (OAU.) Damacii dadweynaha iyo doonitaankii waxgaradka gobolkaa ayaa haddaba dardar hor leh ay rag door ahi galiyeen iyaga oo is leh ka faa'iidaysta kulanka madaxda Afrika. Raggii arintaa waday ayaa dhammaantood xabsiga loo taxaabay si aanay si qarsoon ula kulmin qaar ka mid ah madaxdii gebranayd Jubba iyo Curuba. Ragga xabsiga la dhigay waxa ka mid ahaa Maxamed Diiriye Uurdoox, hoggaamiyihii hore ee Jabhadda Xoraynta Ogaadeenya oo la xidhay April 1974kii. Uurdoox waxaa si toos ah xidhidiisa u amray Maxamed Siyaad. Khilaaf hore oo ka dhashay maamulka jabhadda ayaa keenay xidhayga Uurdoox. Sidaan soo xusnay, Siyaad wuxuu doonayey in jabhadda 100% laga maamulo madaxtooyada iyo laamaheeda kala duwan, Uurdooxna, sida Dhoodaan, wuxuu doonayey dhaqdhaqaaq madax bannaan. Nimankaa marka gaalshireha loo dhaadhicinayo Cabdullaahi Dhoodaan wuu xanuunsanaa oo wuxuu jiifay Cisbitaalka Digfeer. Cudur dhakhaatiirtii caajis galiyey oo ay saari waayeen ayaa hayey. Caloosha ayaa barartay oo sidii buufimadii in badan ka hormartay jidhkiisii soohnaa. Maalin maalmahii cisbitaalka uu jiifay ka mid ah ayaa waxaa soo booqday laba nin oo ay saaxiib ahaayeen. Nabdaado gaaban ka dib, wuxuu Cabdullaahi Dhoodaan butaacay gabaygan oo uu nimankii ka codsaday inay Xamar ku baahiyaan. Maalintaa tii xigtayna fay ayuu yidhi oo lugihiisa ayuu cisbitaalkii kaga baxay, cudurkiina dib looma arag. Garnaqsi wuxuu ka mid yahay gabayada Dhoodaan oo ay adagtahay in la kala hormariyo kuwa ugu horreeya. Haddii gabayada Soomaaliyeed mar uun la baratansiin lahaa, waxaan qabaa inuu kaalinta ugu horraysa galayo sida ititibsan, maangalka ah, inna aan wax turxaan ah lahayn ee uu u garnaqsaday iyo mahadhada uu reebay ee uu anfacay qof walba oo mid kale wax ka tirsanayey awgeed. Garnaqsi dhexdiisa waxaad ka helaysaa ugu yaraan10 maahmaahood oo midiba ta kale ka daran tahay, lix sheeko murtiyeed mid kasta kaligeed cutubyo laga diyaarin karo, iyo 19 balan-fur ama khayaano oo gobolka Soomaali Galbeed ay ku sameeyeen nimankii Jamhuuriyadda ka talinayey iyadoo waliba dadka gobolkaa kasoo jeeda ay daacad u yihiin. Reer Soomaali Galbeed qudhoodu ma eed la’a sida ay Cabdullaahi Dhoodaan ugu muuqato bal wuu dhaliilayaa oo wuxuu u arkaa inay gebidhaclaynayaan, taladiisiina ay diideen. Wuxuu ku laabfayow yahay inuu yahay libaax ninkii ganay iyo kii galladay kala garan og, inuu si hufan u garnaqsaday gudoonkuna u yaalo Soomaalida ama dhagaystaha iyo inuu qaawiyey oo qeexay khayaanadii qaran ee ay ku kaceen nimankii dalka hoggaanka u hayey. Wuxuu yidhi: · Cabdi Gorad garaadkii markuu gabayga saaraayey · Gablan talo adduunneey wuxuu ugu guraabaasay · Macnahuu ka gooraamayaan Biixiyoow galaye · Kol hadday garkaa iyo garkaa geesna qaban weydo · Inaad gebi dhacdaa way xuntahay ood galgalataaye · Bari iyo galbeed xaajo waa mid u gawaan raace · Ha yeeshee gadnaan doodifeey geeri loo dhalaye · Kurus gool sideed jira mar bay guduri dhaantaaye · Guduudane marbuu kuu noqdaa aar gaboodyo lehe · Gendi weheshad baa kaaga roon xuunsho guluc dheere · Gudcurkiyo caddadu waa midkaan gibilku saarayne · Gojoxada ka weynee guntiga lagu gufaynaayo · Iska gudub gantoobkeedu sheeg taana way gabiye · Ka gilgilo gantaal kugu dhacaa kaaga gu'i waaye · God-dhaw goori iyo gawracdii laysla garan waayey · Cilmigaan ka goodiyahayaa taa ka guda weyne · Gogol-dhigadka maamaahdu waa gabayadaydaase · Gucunkeeda maansadu halkay gacan-toglaynayso · War guulaanti xididaysatiyo guurti laga yaabay · Goljeex iyo madaba way helaan inay ku goobaane · Ma gartaan gibbaankoo dhan iyo jaale goray-ciile · Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhane · Gocorkiyo ardaa niijiyoow hooy gabaan idhiye · Halkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baare · Af gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaaye · Haku guban dheh waa guluc shishiyo goobadaan xidhiye · Hana moodin goof laga bixiyo gaaman laasa ah dheh · Galalaati mool howgu dhicin gawyalaan faraye · Gamuunkaan cirka u riday halkuu dhigan gafuurkiisa · Ha arkeen gulaamadii batiyo uur-ma-gaaxsade e · Onkod galaw ka diday baa odhan geesinimo doone · Markaasay gabrada laacayaan saa gobbay koriye · Amay goosan xabag gawlaliyo maydhax gumareede · Giddigiin ka soo guda halkaa goor horaan idhiye · Adigaa garaad lehee Cabdiyoow nimankan gaagaaban · Guddoon waxaad u sheegtaa ergada kii aad garan weydo · Galoofyahow garaadkaa intaad gaar isula shawrto · Shaki hadduuba kaa galo adoon goolka dhalinaynin · Kubbadaa gabaacuulsan laad haw giraan-girin dheh · Tix gamuuran oo gaaban oo caynka lagu giijay · Waxaan arar gadaanka ugu sudhi amaan u guud saaray · Suubaan galgalineed kolkuu marayo geeleenu · Waa say awrtu ugu guuxdo ooy halo u goojaane · Gondadegay galshadii aan dhuraad galaxsan doontaane · Gorod iyo gammaan iyo lo' iyo xiliyo gaadiidba · Gabaahiir dad laga joojiyoo gaydh qabaan nahaye · Igadhkaan gandaalka u sidnaa gaagaxoo lumaye · Anna galalafkaasaan rabaa cidaan galaaftaaye · Galbi dhabadka ciil iyo guraan goonidaw nahaye · Gaboodaha xajiinta leh jarcada kii aan kaga gaaray · Gofaniyo abees gaamuriyo weliba goodaado · Iyo gabaska waabeeyada ah hoosta ii galiyey · Goga junida kaan uga madhshiyo halal gamaareeya · Garaad-laawe moog waliba suu ii gabaanadiye · Golxaaliyo galaayuusna waa ficil ganbooleeye · Markuu caga gubyeysnaa ninkaan jaamaha u galiyey · Isaguna kabtaydii gubaan gacalkay moodaayey · Markuu geed koraayaba ninkaan badhi-gantaalaayey · Isna laanta ila goynayaan gacalka moodaayey · Gabadhuu jeclaadiyo ninkaan gaaridaw mehershay · Isna taydii iga guursadaan gacalkay moodaayey · Guri aan furaashiyo ninkaan gogol macaan seexshay · Isna dhaxanta igu guuliyaan gacalkay moodaayey · Gurgurshaaga kii aan u rareen gabanada u saaray · Isna kaygii soo gowracaan gacalkay moodaayey · Gacantii maroodiga ninkaan galab kasii daayey · Isna gaws libaax igu ridaan gacalkay moodaayey · Markii laga gol roonaa ninkii aan u garbaynaayey · Isna shalay gollida ii dabraan gacalkay moodaayey · Ninkaan xoolihiisii gudhnaa godol kusoo taagay · Isaguna hashaydii gujaan gacalkay moodaayey · Galooftii madhnayd iyo ninkaan gorof u aabeeyey · Isna gaawahaygii jabshaan gacalkay moodaayey · Ninkaan cidhibta qodaxda uga gurayeen gunnada siiyey · Isna waranka ila gaadayaan gacalkay moodaayey · Ninkii aan galoolada ka jaray een gegidana u xaadhay · Isna gocondhi ii buulayaan gacalkay moodaayey · Garabgal iyo taageer ninkay Goobba iga keentay · Isna ganafka igu duugayaan gacalkay moodaayey · War gaaska iyo guutadu markay gabagabaynaysay · Ninkaan geela uga reebay een gaade ka ilaashay · Isna gulufka igu weeraraan gacalkay moodaayey · Markii laga gol roonaa ninkii aan u garbaynaayey · Ama gurro iyo ninkii aan guhaad goor walba u diiday · Isaguna i guulguulayaan gacalkay moodaayey · Ninkaan buurta guradeeda dheer anigu gaadhsiiyey · Ee gunteeda iga sheemayaan gacalkay moodaayey · Hadba gooshigeedee markuu libin ku geeraaray · Ninkaa igu garwaanlaystay baan gacalkay moodaayey · Garanuugta yaacdiyo ninkaan goodirkaw celiyey · Een biciidka geeska u qabtiyo faraw gadoodaaya · Isna geenyadaydii didshaan gacalkay moodaayey · Sidaan ugu gadaanaa ninkaa looga wada giigay · Een geedankiisii noqdayow waxaad i gaadhsiisay · Si aan uga gayoodaba adaa guuldarro i badaye · Gonda-gooye ma ahayn waxaan kuu gardaadsadaye · Nabsi guratay goor aad heshaba waana ii godobe · Maskii good ahaa iyo ninkii loo gar qaadaayey · Guurtida markii loo wacee taladii loo guulay · Cid gungaadha xaajada kolkii goobtii laga waayey · Waxay gocotayoo eersatayoo gabgabo u diiday · Waa masaartu xidadkay gashiyo gabankay aaseene · Nin ganiyo libaax waa ogyahay kii galadayaaye · Adoose goomanaadaa kolkay ila gudboonaato · Nacab aan iskaga kaa gudbiyo hiil gabaabsiye · Geeridii aan kaa celin jiraan gudin u soofayne · Garnaqsaday guddoonkiina waa nin iyo gaarkiise · Gadaafada haddaad odhan lahayd laguma gaadhsiinin · Ninkaa gebiga igu soo dunshayoow soow ku garan maayo -------------------- 15. GOCASHO Kor aad Sida muuqata, gabaygani wuu dhutinayaa oo ma dhammaystira, hubaalna ma aha tartiibta ay meerisyadu u kala horreeyeen. Taagtaydu intan unbay hadda heshay. Qaybta maqan keen inta hoos ku qorrana soo sax haddii aad taqaan. Wuxuu yidhi: ... Agoow gabadhkii qowqowle da'ay, sahankii guureeyay Geeddiyo nagaadiba mid way, ugu gudoonsheene Gobonimada way sheegayaan, garanna maayaane ... Godobtu uma soo waaridiyo, eed la ganac haysto Garashada baqaysiyo inuu, geesi fulayoobay Gabayadaan kusoo sheegi jiray, gool xawariyoobay Iyo guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey Garnaqsiba intaan kuugu daray, geed ka fara weyne Miyaan kaala gaabsaday maxaad, iila garan wayday? Tanood gudubto guul weyn inaad, gaadho la arkaaye Gorayadu ciyaarta lugtooy, galiso mooyaane In ayna meesha gaynayn ta kale, soo ma garanaysid? Awr-gaal nabarkuu og yahay, la gagabi waaye Gafarkaan la jiidayninee, goofka lagu tuuray Gunta dharo ka jeexnayd baruur, gadowga loo saarye Gaajada qamaamaysa waw, gaardaymiyo ceebe Fardo guul aroor iyo cokani, looma kala goyne Geelaan ceelka tubay looma darin, gaawe maax kulule Gargaar Eebahay baa la siin, sharaftaa goomoone Gudguduudkii waagaa u baryaye, galabba ma ahayne Qof walaalkii gaday meel shishaa, laga ganaaxaaye Gar fidaa'i lagu jiifiyaa kii baday gugiiye?? Gacal uu xigaalkood hagraday, gocosho dayn waaye Haddii awal gafuurkii xidhnaa, jiitin laga gooyey Gabayadaan kusoo sheegi jiray, gool xawariyoobay Iyo guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey Garnaqsiba intaan kuugu daray, geed ka fara weyne Miyaan kaala gaabsaday maxaad iila garan wayday? Lib gadaanka saarnayd majirin, ood u gaardidaye Hashaan soo godlaayeyba markii, layga gaagixiyey Miyaan kaala gaabsaday maxaad, iila garan wayday? Gurmadaha run sheegiyo itaal, beena geedada e Gulufna raadkay hayaan waa curyaan, daba gurguurtaaye Godobtu uma soo waariddiyo, eed la ganac haysto Gabowgoobi inay soo wadoo, laaska gudhinayso Imisaan galbeedka uga digay, waa gu'yaal badane Wakhti aan gadoodaba dan baa, iga guclaysiine Aqoon dheer haddii lala gabado, xeeshu gaasirane Kolley mooyi sida loo gadiyey, garashadaadiiye Gargaar iyo gunaad igu dartaa, kii ku gowracaye Siddii wuxuu gandaal kuu sidaad, daba gablaysaaye Meel unbaad ka gaasirantihiin, guulahay magane Gagabada malihiina kale, waa il-gabadhlayne Miyaan kaala gaabsaday maxaad iila garan wayday? ... War gaaraabidhaankuu la tagay, waa gugubihiiye Xuunshadii guyaal badan fadhiday, garaska baalkiisa Goodaado inay raadgadoo, good ku soo fidhiyey Intaan idinku guubaabshay waad, gama'sanaydeene Waliba qaar gadaal soo socdoo, geesaasa kaa bixiya Ood cadho garaarta u dhacdoo, kaa gilgilasiiya Iyo gocondho kuu muuqataan, goor dhow filayaaye Waxba kama gadayn faaladaan, jeer gunaanadaye Tixda eraygaa gaashaamaneen, kaaga soo gurayo Gedgeddiga saddexan baan rabaa, inay gorfeeyaane ... ---------------------- 16. HA MIDOWDO Kor aad Tix gammuuran oo gaaban oo caynka lagu giijay Waxaan arar gadaanka ugu sudhi amaan u guud saari Suubaan galgalineed kolkuu marayo geeleenu Waa say awrtu ugu guuxdo ooy halo u goojaane “Dhoodaan waa adiib weyn, waa nin naqdiya waxa jira, gabaygiisuna ma laha waxa loo yaqaan ‘laqsiga’ sida naago ammaanka iyo jacaylka. Waa nin ka hadla dhibaatada jirta sida khiyaamada, axdi ka baxa, caddaalad la aanta, is gumaysiga, iwm. Wuxuu gabaygiisa ku muujiyaa in axdi ama ballanqaad la galay laga baxay. Waa abwaan weyn oo adeegsada qaabka balaaqiga… Ma qabo inuu jiray abwaan aragtidiisa oo kale lahaa oo maanso ku cabbiray naqdigiisa, mid hore iyo mid hadda noolba. Waxaase ku dhaw dhaw Sayid Maxamed Cabdille Xasan.”[1] Sidaa waxaa yidhi Professor Faarax Dhaameel. “Miisaanka gabayga Dhoodaan, iyo lafta iyo luddiisa waxaan ku tilmaami karaa inuu yahay kan ugu sarreeya ee gabayga Soomaalida. Intaa waxaa dheer waddaniyad uu ka daacad yahay” [2] Sidaa waxaa yidhi Halabuur Cabdullaahi Baddal Cabdi Qamaan. “When dealing with weighty social and historical circumstances, Abdillahi Dhodan’s command of Somali language and poetic insight is in the same league as the legendary poets, such as Ragge Ugas and Qamaan Bulhan.”[3] Sidaa waxaa yidhi Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi.) Hadalkaa waxaa si aan rasmi ahayn loogu tarjumi karaa "marka laga hadlayo waayaha bulshada iyo kuwa taariikhiga ah ee miisaanka leh, Cabdullaahi Dhoodaan kartidiisa xagga luuqadda iyo xirib-dheeridiisa xagga gabayga ahi waxay la heer tahay midda gabayaagii hore sida Raage Ugaas iyo Qamaan Bulxan." “Dhoodaan ma aha dadka gabayga laga keeno ee waa ilhaan markii uu wax tabo ama dareen ku dhasho gabya”[4] Sidaa waxaa yidhi Muxumed Baaruud Guraase. “Gabayga Dhoodaan tolkay wuu ku ciil baxaa ee wax kuma qaato”[5] Sidaa waxaa yidhi halabuur Cabdi Sheekh Biixi. Yuusuf-dheere Maxamed Sugaal oo ah gabayaa caan ah ayaa gabay mariyey: Faylasuuf ka weyn ma dhalan, faxalkii Dhoodaan e. Gabay kale Yuusuf-dheere waa kii ku lahaa kadib markii uu taxay magacyada ragga gabayadooda Soomaalidu ugu jeceshahay: sano nool abwaan baa murtida laga ishaartaaye, eeggana waxaa laga tabshaa adiyo Dhoodaane (adi wuxuu ujeedaa Hal-abuur Cabdi Sheekh Biixi) Maxamuud Cabdi Kaadheeri waa kii lahaa isagoo u digaya nin isku dhereriyey Macallinka asii Kaadheeri ugu muuqday nimaan Cabdullaahi Dhoodaan la heer ahayn: Boqorkaan dhacaynee murtida baarqabkii gabayga Billaddeeda wiilkii hantiyey barrihii suugaanta Haddaad beer adaygaaga tidhi waan u bixi maanta Naf aad birqooshaad siddaa ood budkaw qodiyee Is biimaynta qaarkeedna waa kuu baraarnimo e Ma gaadhaayo bayd aad furtaa Boqorka Dhoodaane Anaan baratamaynaa haddaad wax is bidaysaaye Billaawuhu markuu kugu dhaciyo baaska daba jooga Barkad-naxa barriiqada siddii bilista how yeedhin? Isaguba, waa Dhoodaane, waa kii lahaa: Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhane Gocorkiyo ardaa-niijiyoow hooy gabaan idhiye Halkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baare Af gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaaye Annaguna waxaanu leeyahay, Cabdullaahi Macallin Dhoodaan wuxuu ugu horreeyaa halabuurka Soomaaliyeed kuwii tegay iyo kuwa casrigan ahba. Aragtidayda, Sayid Maxamed Cabdille Xasan ma ahee, ilama aha inuu jirro hal-abuur la miisaan ah Cabdullaahi Dhoodaan. Waxaa la odhan karaa wuxuu gaadhay fidha ugu sarreysa ee halbeegga gabayga. Sidoo kale wuxuu yahay xeeldheere dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed, taariikhda iyo sooyaalka ummaddeena iyo Geeska Afrikaba. Waxaa intaa waheliya waddaniyad niyad ka ah iyo gumaysi iyo gardarro nacayb dhalamad ah. Wuxuu ka mid ahaa dhalintii u guntatay aasaaskii iyo abaabulkii xisbigii Nasru-Laahi. Xisbigani wuxuu ahaa dhaqdhaqaaq madax banaani doon ah oo ka unkamay gobolka Soomaali Galbeed. Xawliga iyo xarbahu haba kala duwanaado e, nus-qarnigii tegay wuxuu si aan kala hadh lahayn ugu hawlanaa halgankaa. Gabayada Cabdullaahi Dhoodaan mid walba kaligii ayaa buugag laga qorri karaa. Gabay walba oo uu tiriyo abwaanku waxaa si gaar ah uga dhexmuuqda xeeldheeri, murti wacni, eray xulasho, xariifnimo, macno iyo tarkiib yaab leh oo cid lala simaa aysan jirin. Carroqaadkiisu waa ugub, murtidiisuna waa agan, sida uu isba sheegay: gabay aan abuuraa hadduu aniga ii muuqdo, waxaan dooni meel ugub ahayd inaan abbaaraaye. Markasta oo aad gabay uu tiriyey dhagaysato ama akhriso, waxaad is leedahay gabay kan u dhigma waligii cid tirisay lama sheegin. Haddiise aad isla fadhigaa ku dhagaysato gabayga kaa xiga ee ay isku cajalka ku duuban yihiin, waxaad si dhib yar markiiba u iloobaysaa kii aad dhagaysatay daqiiqado ka hor oo aad kan dambe u qiraysaa inuu yahay gabaygii ugu cuslaa ee aad waligaa maqasho. Sababtu ma aha in adiga, dhagaystooy, ay xulashadaadu liidato amaba aadan aqoon hoose u lahayn kala sooca maansada. Sababta arintaa keentayi waxay hubaashii tahay gabayada Dhoodaan oo uu midba midka kale ka khatarsan yahay kana cibaaro iyo cilmi qodan yahay, in la kala hormariyona ay adag tahay. Kolka ninba dookhii iyo danta gaarka ah ee uu ka leeyahay gabayga ayaa kala jeclaysiisa. Waxaa lagu doodi karaa 100% gabayada Dhoodaan inay wadani yihiin. Waxaa la arkaa in la helo qof Macallinka ku khilaafsan mowqif siyaasi ah oo uu qaatay ama sida uu u cabbiray xaalad siyaasadeed oo xillli gooni ah jirtay. Waxaanse marna la arag ama la maqal qof dhaliila awoodiisa aan dhigga lahayn, aan gunteedu muuqan, awoodiisa la odhan karo waa awood caqli-ka-fooq ah ee gabayaanimo. Ma arkaysid meeris Cabdullaahi Dhoodaan ka sugnaaday oo aad isleedahay allow yaa kaa baddala ama muxuu saa u yidhi oo uu sidaa kale u odhan waayey. Intaa waxaa dheer inuu leeyahay codad iyo naaxiyado kala jaad jaad ah goonina isaga u ah oo dhagaysigooda Soomaalidu aad ugu xasisho. Sida uu ugu luuqeeyo iyo siiqada gabayadiisa ayaa waxay tahay si aan laga xigan karin oo isaga oo kaliya ahi uu awoodo inuu sidaa keeno. Bal dhagayso: Yaa dirsaday, Salleelo, Garnaqsi, Salleelo, Gardarro, Xaajadii, ikk. Ku luuqaynta gabaygu, gaar ahaan kolkii ay sida ta Dhoodaan u hufan tahay, waxay leedahay qiime iyo muhiimmad gaar ah maxaa yeelay marar badan ayaa waxaa la arkaa nin gabay fiican oo haddii gabaygiisa la qorro murti laga dhadhansan karro. Laakiin markii uu ku luuqeeyo aanu sidaa dhadhan u lahayn. Gogol-dhigadka maamaahdu waa gabayadaydaase Gucunkeeda maansadu halkay gacan-togaalaysay War guulaanti xididaysatiyo guurti laga yaabay Goljeex iyo madaba way helaan inay ku goobaane Ma gartaan gibbaankoo dhan iyo jaale goray-ciile Dhoodaan waxaa kale oo uu yahay aabihii iyo abuurihii nooca maansada ka midka noqday ee loo yaqaano Jacburka. Lama sheegin Dhoodaan ka hor cid gabay jacbur ah oo sida gabayga caadiga ah u macno badan danaheeda ku gudatay. Jacburku waa xikmad, maad iyo madadaalo yuururta oo ay Soomaalidu aad ugu qoslaan uguna raaxaystaan. Waxaa xusid mudan inay jiraan hal-abuur badan oo Cabdullaahi Dhoodaan kaga dayday samaynta jacburka sida Cabdi Saahid, Yamyam, Hadraawi iyo Shube, ikk. Badda riinjiyee baa u daran hawlaad qabataaye Xisaabtana dabayshood qortaa kuugu fara weyne Nin sigaar cabbaa wuxuu yidhaa anigu waan dayne Kolkuu dhammaystuu haddana laba midh doontaaye Gabadh aad jeclayd oo haddana gaadhi kula fuushay Oo dhinacan kaa soo fadhiyo ruuxay garanayso Ama aad guri kusoo booqatay lana ciyaarayso Hooyadeedna ay joogto oo waliba soo jeedo Adiga iyo inantaasi waad kala xishootaane Yaabbaa adduunkii ka dhacay wiiga maanta ah Dhulkii lagaba guuryoo cirkaa loo tartamayaaye Xiddigaha dushoodaa dhawaan la isku haystyaaye Aboole kow iyo toban baa kharibay dad aan la koobayne Suuqaa markii aad u degtaba buuq haddaad maqasho Dayaxay tageen iyo ma tagin muranku weeyaane Wadaadadii jiboodiyo casrigu way is dilayaane Ilkihii rag laga daadiyeey galabta sheegeene Yurigaa Giriigbaa la yimid hawshan oo idile Isagaa wareerkaaba baray dunidii fiicnayde Awal waa la wada diidi jiray oo la beensadaye Hadda unbay xaqiiqaynayaan waana la hubaaye Armstaroonba waa kii dayaxa ciid ka soo raraye Luna iyo Aboolaana dhigay calamadoodiiye Haddaynaan ina guurin oo meel kasii dayanin Afrikaanku baashuu lahaa waa la dagayaaye Haddaba talogalkeenu ma aha inaan taariikhdii Macallinka soo koobno, sifayn badan oo kale oo uu u baahan yahayna ma jirto. Waxaan kaliya doonaynaa in aan hordhac u samayno gabayada Cabdullaahi Dhoodaan ee hoos hadhsan doona boggan. Intaa yar ee gibinka ah ee aan kor kusoo qaadanay masoo koobi karto taariikhdiisa iyo gabayadiisa baahay ee nus qarniga socday. Mar walba oo aad soo booqato doollo.com waxaa la arkaa inaad ugu timaado gabayo abwaanku leeyahay oo ku cusub boggan. Haddaba biyo sacabadaada ayaa laga dhargaaye joogtee inaad soo gaadho bogga Dhoodaan si aadan u gafin maansadiisa qaaliga ah ee aan uruurinay. Wixii halkan ka maqan ee aad hayso fadlan noo soo tebi. Dhagayso, akhri oo ku xasil, isku maaweeli, taariikhda iyo taxanihii ina soo maray ka baro maansada Cabdullaahi Dhoodaan ee mid loo dhigaana aanay jirin. Haku guban dheh waa guluc shishiyo goobadaan xidhiye Hana moodin goof laga bixiyo gaaman laasa ah dheh Galalaati mool howgu dhicin gawyalaan faraye Gammuunkaan cirka u riday halkuu dhigan gafuurkiisa Ha arkeen gulaamadii batiyo uur-ma-gaaxsade e Onkod galaw ka diday baa odhan geesinimo doone Markaasay gabrada laacayaan saa gobbay koriye Amay goosan xabag gawlaliyo maydhax gumareede -------------------------------------------------- [1] Professor Faarax Dhaameel. Garnaqsi, Maxamed Gurxan [2] Cabdullaahi Baddal Cabdi Qamaan. Garnaqsi, Maxamed Gurxan [3] Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi) Interview by Dr. Ahmed I. Samatar, December 27, 2007. London. [4] Muxumed Baaruud Guraase, Garnaqsi, Maxamed Gurxan [5] Cabdi Sheekh Biixi, Garnaqsi, Maxamed Gurxan ------------------------- ------------------------- 17. HA U LIICINAAY Kor aad Gabaygan wuxuu ka mid yahay gabayada Cabdullaahi Dhoodaan uu tiriyey xilliggii uu guubaabinayey waxna ka abaabulayey dhaqdhaqaaqii xornimo raadiska ahaa ee ka socday gobolka Soomaali Galbeed, waa 1959kii. Xilliga uu Cabdullaahi gabaygan tirinayo wuxuu ahaa 17 jir wuxuuna joogay Xoddayo oo ahayd madal ay isugu yimaadeen rag badan oo halganka gobolka ku hawlanaa oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyihii Xisbu Taxriir Nasrullaahi fii Iqliimi Ogaadeenya (OLF) Cabdinaasir Xaaji Maxamuud iyo Ibraahim Xaashi Maxamuud. Cabdullaahi Dhoodaan shirka si rasmi ah ayaa loogu martiqaaday oo waxaa loo diray gaadhi khaas ah oo kasoo qaaday Walwaal oo markaa qoyska Macallin Axmed deggenaa. Mar haddii uu 17 jir yahay, shirka aqoonyahanada, culimada iyo indheergaradku isugu yimidna laga casuumay oo weliba aad loogu adkeeyey inuu kasoo qaybgalo, waxaad garan kartaa inuu ahaa gabayaa warkiisa iyo gabayadiisaba horay loo maqlay oo eray quwad leh iyo aragti hufan lagu xushay. Kolkii uu tegay shirkii Xoddoyo wuxuu Cabdullaahi Dhoodaan la kulmay waxgarad, mutacalimiin iyo dhalinyaro badan oo ka kala yimid dhammaan degaanka Soomaali Galbeed. Cabdullaahi aad ayuu ugu farxay abaabulka iyo agaasinka Xoddayo ka hirgalay wuxuuna mariyey gabaygan oo aad u dheeraa halkudheg badanna leh. Waxaa lagu garan og yahay meeriska ah: Haw liicinaay Xabashi waan lagatamaynaaye. Inta yar ee gabayga aan ka hayno waxay tahay: Inaan laaqsho mooyee waxaan, meel u ladi waayey Leyl iyo nahaarkii waxaan, maansadaw laliyey Lushna shira dhexdeedaa waxaan, uga likaysnaaday Isticmaarku siduu noo lunshaan, laxaw ku sheegaaye Wallee inayna laakiin ahayn, laydha socotaaye Libin baa dhow ruuxii jihaad, laabta ku hayoowe Lalabahaa waxaa shiday raggay, looxa u dhigeene Shacbigii lulmaysnaa wakaa, qaylo laasimaye Lugbaw kabantay Soomaalidii, baratay luufluufe War haw liicinaay Xabashi, waan lagatamaynaaye Nimankaa siddii dibi lix jir ah, luquntu waynaatay Intay legaga buurbuuranyiin, luun iska ahaad Laanjaha markay fuulayaan, lugo ku rooroora Barwaaqada intay leefayaan, luusa garawgiina Intay labanka daaranahayaan, lebi ku gaajooda Iyagaa sariir leexsadee, luumiyaha seexda Quruumaadka laydhiga Carbeed, laabis kala qaata Lafta dhabar siday uga jabaan, laaca waligiinba Libaaxdaa koraysaan nahaye, hayna loogina e Waagaad laxaadaysataan, lowga kala fiiqa ... Laakiinse maantaynu layn, waa laf-qabaleeye War haw liicinaay Xabashi, waan lagatamaynaaye ... Fadlan nala soo xidhhiidh haddii aad hayso ama og tahay qof laga heli karo gabayga inta maqan. mail@doollo.com ---------------------- 18. HADDII AMXAAROY Kor aad Gabaygan qiimaha badan abwaanku wuxuu badankiisa kula hadlayey uguna digayey Itoobiya. Wuxuu ka mid yahay gabayada uu wax ka badalay Cabdullaahi markii uu ka quustay dawladii Maxamed Siyaad ee uu dalka ka goostay. Wuxuu yidhi madaxiisa Allaha daayee: Hal-abuurka maansada ninkii, aadba garanayaa Mar haddii aftahan loo yaqaan, amuu abwaan sheegto Wax if jirra wax aakhiro jirriyo, waxaan la eegaynba Waa inuu ogaadaa sidii, uurkubaalaha e Afar-iyo-lixdankii anigoo, Eebe dhaawanaya Asgaruhu dhawaan ha is arkeen, waanigii idhiye Ayaantaa ayaantii xigtay baa, laysla oogsadaye Ajal dhimatay waatay xigtiyo, aalad qaraxdaaye Haddaan eegay eegana waqtiga, amaan ilaaleeyey Siddii ay dharaartaa ahayd, waw ekoontahaye Aadmiguna wuxuu aawilaa, dhaaxba la arkaaye Col iyo dhaanba inay kaaga iman, dhannaad u iilaysay Odayadii dhintaa sheegay iyo, aaqiliin hore e Amin soo socdaan wuxuu ahaan, waad odorostaaye Inta badan aqoon gaabantii, aan u ergaynaynay Ilyar gabagabay taagan tahay, waana eberkoode Aweytina aan sii raaciyee, ududsan maayaane Inaguna arimahaan wadniyo, uruursanaanteena Inshaa Allaahu Soomaaliyey, waynu aargudane Abshir baaba ii muuqatiyo, guul agteena ahe Wax soo aadan kheyr Eebahey, noo abaabulaye Ammuur weeye laynoo aqbali, oo ijaabo lehe Allahu akbar waxaan haysanaa, diin awood badane Islaanimada awgeed Kufriga, waynu ka adkaane Ashahaado ruuxii cuskada, amase iimaan leh Gaal uraayaa kama il helo, oo iblays uhuye Aayado caddeeyaa jiroo, taa Allaa yidhiye Walow aan sidaa aaminiyo, idam Ilaahayba Eebada markii lagu darey, na anfacaysaaye Geelii irmaana markii, oonka lagu daayey Ee qaalintii igadh ahayd, oloshay ee reentay Inankii yaraa waysagii, uubta dheer qodaye Dabeedna Araweeluu ku dilay, uumiguu shidaye Xaajana hadday awdantoo, talo asheedowday Aynigaana wixii aad lahayd, adiga kuu diido Ergo iyo asluub iyo haddaad, aayar kaga weydo Ashkatiyo adeertaba haddii, lagaga ay waayey Asxaan diid inuu yahay markaad, dhab u ogsoonaatay Itaal iyo sidii kuu eg, waa inaad la aadaaye Oo wuxuu abaalkiisu yahay, lala abaaraaye Ablaydana tus ileen waa kii, tuuray aaqibo e Oogadiisa waa inaad gubtoo, arami gaadhaaye Adoo umalsan goortuu arkoo, aano gudanaaya Istaaqfurulaa waa inuu yidhaa, edebna yeeshaaye Nabadda anbatana waa inuu, iib ku daydayo e Intaasi wayga arartii sokiyo, oodo dhacameede Ujeedada shishiyo waa inaan, ubucdii jeexaaye Dadkayaga adduunyada dhaqdiyo, beerta ka aslaaxda Ardadii magaalooyinkiyo, aaddanoow shicibka Iyagoo hawlahoodaa watoo, aanay noo imanin Artaleerigaan haysaniyo, aarmigaan sidano Iyo ciidamada loo unkiyo, xooggii la aasaasay Abtirsiga dagaalkana la baray, oo arma aqoon ah Calankana axdigii ay mareen, ugu adeegaaya Asalna geesinimada u dhashoo, sidii awowgooda Askar saas ah baan leenahoo, aad u miidhan ahe Utunna waaban kuusii qabnaa, aamanuu sabane Eediyo qolloocaan wax badan, kaa ebhinaynaaye Eeqooyinkii horre raggaa, kugu arqoofaaya Eed uus-xabaashaan nahaye, aara doonka ahe Onkod iyo hillaciyo intaan, uuro soo kicino Xabbad lagu asqoobiyo intaan, ololba soo tuuro Alaab waxaan ka hayniyo intaan, Idibal soo dayno Boodhkiyo awaaraha intaan, awdo samadoo dhan Argagixiso weyn iyo intaan, mawjadda afuufno Gummuca aalanaaxdiyo ka weyn, awrta madaxeeda Usgag badan lahaataye intaan, idinku aafayno Asuushiyo intay garashadii, idinka aynfaado Haddii aadan Amxaarow, Qarbiga oohin kula yaacin Eygaa Maraykana haddaydaan, aqalada u xaadhin Ingiriis haddaydaan u tagin, sidda ugaaskiinii Arligayga daayoo haddaydaan, tiinii ka abraarin Addis iyo haddaydaan Shawaba, orod kusii dhaafin Undurbaan haddaydaan wax badan, Laaji ku ahaanin Amaydaan ag tagin Kenya, waa ina-adeerkiine Iyana waa uduufee haddaanay, kuu arxami waayin Malaayiin unuun go'an haddaydaan, aydan kaga dhoofin Omoska dhaawicii yiil haddaan, boogtu ku abloobin Haddaydaan abxado Daafiyo, agab lasii roorin Aaran uu libaax gooyey iyo, adhi uu weer laayey Injir badan lahaatee haddaydaan, dhaaxba u ekaanin Ayaxii sunaysnaa haddii, laydinka aqoodo Haddaydaan ilamaha tuurin, oydaan maatada iloobin Ubadkiina meeshaa haddaan, lagu agoomaynin Oydaan naaga uurliyo ka tagin, aabihiin gacale Ooridda qurxoon iyo haddaydaan, inamihii waayin Anagaa aroosiye haddaanay, Macatabkii aasin Haddaanaan qur'aanka u akhriyin, oyna ku islaamin Isticmaarsan maynee haddaanay, waayo na adeecin Ashnaaqash taad lahaydeen haddaanaan, Aaminow bixinin Aagaba haddii aydaan ka tagin, siddii ugaadh fiigtay Geeska Afrikaad iyo haddaydaan, baashan ka irdhoobin Asxaabul-fiil sidoodii haddaanaan, kugu alalaasin Waa haddaan abuurinkayagu, dhab u aloosnayne Buntukh ugub Amxaarooy markaan, kaa afurinayno Annaga arrad bay noo tihiyo, barigii iideede Oo waa maalintay noo umuli, guul abeer uhuye Siddaan oofta kuu kala jaree, adhaxda kuu goyno Inaydaan dhaaxo soo oollin baa, loo afbadiyaaye .... ---------------------- 19. HALGAAD 1979 Kor aad Ciidamadii Soomaaliya markii ay kasoo baxeen gobolkii Soomaali Galbeed ama Ogaadeenya ee ay sida orodka ah uga qabsadeen, waxay si aan qorshe iyo aabayeel lahayn meelo badan kaga carareen askar badan oo dhaawac ahayd oo u gacangalay ciidamadii cadowga. Ragga dhaawaca ah wixii ka badbaada cartanka iyo cadhadii Itoobiyaanka jiidda hore waxaa loo dhaadhicin jiray magaalooyinka waa weyn oo daryeel caafimaad ay ka heli jireen. Dabayaaqadii 1979kii ayaa Macallinka oo fadhiya hoteel la odhan jiray Hotel Harar oo ku yaalay magaalada Addis Ababa waxaa u yimid Dhamme Xuseen Jaamac. Xuseen wuxuu ka mid ahaa saraakiishii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Itoobiyaanku qabtay iyaga oo dhaawac ah dabadeed isaga oo dhaawicii ka bogsaday ayuu si caadi ah ugu noolaa Addis Ababa. Sheekaysi gaaban ka dib, Macallin Dhoodaan isaga oo ka xun dhammeha iyo raggii la midka ahaa wixii qabsaday, dhulkii markii horre dhubuqdhubuqda iyo siyaasad xumada lagu soo galay, markii dambena sida baraqnuglaanta ah looga baxay, shacabkii degaanka waxyeelooyinkii loo geystay, iyo kala-dhantaalkii ciidamadii Soomaaliyeed gaadhay ayuu Halgaad tiriyey. Wuxuu yidhi: Rag hawaystay qaar kale hantidood, oo habaabinayey Hindisay wateen lagu hirgalin, himiladoodaase Wax la yidhi habeen niman dhac iyo, bowdfur ku heshiiyey Hayin reer intay xadahayeen, ama horweynkooda Hablahoodii qaarbaa hurwiyo, heello sii tumaye Hadda waxaa hilaadii ku yimid, ama hannaankii leh Soomaaliya intay ku hamiyeen, say u hano qaado Iyagoo markaa nala hubsaday, dawladii hurudday Xafiis iyo hareertana ma garan, hogagii xeeleede Markay horror kasoo hoyo tidhiye, haasta nagu qaaday Hoboow heeda waagay tuntaye, nagu hilaabowday Hiyi kaca danaysiga aheey, nagu hanqaaraysay Hal-jir iyo nin harag dhoofsadiyo, beer ku haramaysta Habarwacashadoodii intaan, laba ka haasaawin Hawhawdii Xamar ee sidaa, noo hawadinaysay Hantaqa waa markaan ugu dhacniyo, goof hadoodilane Huf iyo been hadh kaga saar ah bay, nagu hungeeyeene Hoheey waxaad habheebta u gasheen, waa isku halayne Dadkeenii hayaamayee xaggaa, loo habqaminaayey Waa isaga hanbaabicin jiree, waxa u hooseeyay Hanbooriba inay nagu wadaan, oo hurgumo jiifto Oo halaag Soomaaliya tihiyo, halis inoo baaqday Lama hadin hubsada ee aayar baa, loo hogaansamaye Hoheey waxaad habheebta u gasheen, waa isku halayne Halligaad inay nala damceen, had iyo goor taagan Hingalahay dadkeenna u xidheen, haatan ood aragtay Wali hanuunsigiyo beentii bay, daba hublayn qaare Rag haydaartadeenuba u tahay, halabadii guusha Hamhamtiyo warkoodii aan jirin, kama hadhaysaane Hoheey waxaad habheebta u gasheen, waa isku halayne Keenaa hulaaban baydin hodoon, hiiqin waligiise Markaasaad hadhuub caano iyo, hilibba siisaane Hararkiyo darmana loo goglaa, hadhacaad waabtaane Hadhuudh iyo qaxwana loo karshey, habacsan dhay geele Ragna hebadka waxa nooga dhigi, waa hangoolada e Hubkaad sidato badow haysta iyo, hoorri kugu dheelye Isagoon hallaba kuu ogayn, jaahil ku halleeyay Oo idiin hanjabayaad waqiin, u habranaysaane Hus baad odhan lahaydeene, waa leys hagranayaaye Hadhowto iyo Soomaaliyaad, haybadda u siine Hiiraan iyo Hargaysiyo asgari, dhaafay hilinkooda Oo haadkaagii soo galay markaad, hiil u daydayato Halladaad haday nagu tumeen, hubanti waad siine Hobyo iyo hadday tuugga Xamar, idin halaakaysan Halkana qaaqlihiinii ka tagay, lagu hagaagaynin Ummad hoogi baad ila tihiin, huuti yahay baase Garashiyo haddaad hadur ka tahay, maamul heer sareba Gobonimadaad haabhaabanee, lagu hadaaqaayey Haddaan hororba laga waabiyeen, kugu haliilaaya Maba hanan karayside maxaa, taana laga haybsan? Hayeeshee haddaad ku hammidaan, hodonso ciidaada Halyeynimana lays bidahayood, haysan kari doonto Hanti waaba lagu leeyahiyo, hoo adays ka lehe War heelada iblayskaa mindhaa, idin halmaansiine Muqdishadii habeediyo qalbiga, haarufta u yeeshay Hanbaggiyo war ay kugu qubtaad, hooy u leedahaye Haloosiga Af-weyniyo jinbaad, la hidiwaasteene Wixii idin haboowshaa badhkiin, sii hiigsanayaane Hagaga looma baahnee haddaad, hubanti doonayso Xukuumadaa haraadka u bakhtiday, way hantaaticiye War hawl yari dhulkay maaganayd, inay ku haaneedo Ee habeenno shicibkii lahaa, lagu hor maalaayey Inkastoo dad yari hawd galayoo, taagii hudinaayey Halaqiyo hangaralahuu dirtiyo, haramacadkii waashay Humaajooyin way nagu dhufteen, haayirka i boobay Hollin ma aha koobaade, way nagu halaaqeene Annagoo habsoow nagu dhacayoo, hiil isaga baahan Hanadadii Ogaadeenya oon, iskuba hawlin Horusocodkay noo soo dirtoo, haaligaa yimide Horimada malaysiyada iyo, wiilashii hudmaayey Hakin mayso fadhatee raggaa, oo hamuun qaba e Halhaleel cadaab ugu shidiyo, haawiyoo kale e Dadkay naga habawsheen walow, qaar hufadu jiidhay Ammase uu hareeraha gubayoo, heera badan laayey Haakaale waan rabey inay, fadhato hoogtaaye Madfac higliyo taangigaad, roob hanqadhi moodo Iyo holac dayuuraddu riddiyo, hawsar lagu boobye Kolkuu miig hadhkii aad u tumay, ammuu habeen laayey Ee taangina hawada baarashuud, kagala soo hoobtay Higtaa lagaga saaraye kolkay, hamugtu yeedhaysay Fadhatadii gacmaha hoorsatayee, hoobatee oloshay Haaheey dharkaa la huwadiyo, hub iyo gaadiidba Waxay heeladkaba soo dhigtee, ciidanna u haysay Shayna kalamay hoyan meeshanay, kaga hulleeleene Hiddina waayeen qalabkay, ka hanfariireene Hudh-hudhii badnayd iyo wixii, lays hiddiginaayey Himbiriirsi oybaa xigiyo, dib u hashlayntiiye Iyagoo hagoog foolxunoo, hayla jiidanaya Oo heema duufliyo ilmadu, hibitiqlaynayso Oo heedadaabayoo dagaal, hoorin kari waayey Kornaylkii habraha boobi jiray, dib u humbaalleeye Saraakiil huruur xumi iyadoo, Janan habaarayso Halkaa dhaawacay kaga tageen, Saajimmada hiifay Fadhatadii gacmaha hoorsatayee, dan u haraayowday Waatii halbawluhu go’ay, sii hundhudhayeene Dhir hoosteed shalay kaga tageen, hebelladoodiiye Wiilal heetinaayoo dugaag, loo huraa badane Hilibka askartoodaba intay, haadda uga yaacday Raggii laga hayaamaa badhkood, nala hadaaqaaye Hoggii lagaga yaacay xusuus, wada hunqaacaane Haghagga looma baahnee haddaad, hubanti doonayso Dagaal waxay ku haybsanee, haybad iyo xoog ah War heeg dheertii may kaga gurtaan, bahalku hiigaayey Soomaaliya nafteeday hafriyoo, kugu habtaa beene Dhulkii ay hankaaggiyo dorraad, hoogga kala luudday Hadday haatan leedahay berri baan, dirir ku hoomaayi Hurduf iyo harraatida raggii, shalay ku haylhaylay Ee halacsadee caydhiyee, hoorka kaga yaacshay Oo heegan maantana ah baa, jooga hilinkiiye Kuwaas oon heshiinnay oon, annagu uga horreynaynno Dadka heemin doonaan nahayoo, hiija weyn qaba e Hurduf inaan la gaadhniyo mar kale, laad aan ku harjaasno Nasiib iyo hibay noqon lahayd, taa haddaan heliye Haghagga looma baahnee haddaad, hubanti doonayso Soomaaliya nafteeday hafriyoo, kugu habtaa beene Shuftada aad sidii bahal higliyo, habas xun moodayso Hurdo dakharta gurigiinna kaa, soo huluulanaya Kaa idin huruufiyee cidlada, idin horeynaaya Haleeladana kaa gawracee, heegga kugu jiida Ka dirqiya hablihii aad dhasheen, amma haweenkiinna Jabhadnimo habkeed iyo xorriyad, loo halgami tuure Wuxuu kugu hagaa hilay baasiyo, hadaf la’aan taase Gobonnimaan u heegnahay ka lehee, hawdadka ordaaya Halkan imaadda dhaha haddeer, waaba la hayaaye Hadalkiyo haddaan waanadaa, Eebbe ku hagaynin Hargab cudura kaasaa noqdee, huriya ruuxiisa Hud-hud iyo Afweynaa dirtaye, beerka ka halgaada Taariikhda gabayga si aan u saxo waxaan eegay buugga Garnaqdi ee uu Maxamed C. Gurxan ka qoray maaso halgameedkii Cabdullaahi Dhoodaan. Gurxan iyo ciddii uruurinta suugaanta qaaliga ah ee Macallin Dhoodaan waqti galisaba aad ayaan ugu mahad celinaynaa. ---------------- 20. HIGLO Kor aad Xasanoow higlada waan arkaa, soo hadoodilane Celeen hamash ah waatii lahayd, roobna wuu helaye Had iyo jeerba waa lagu yaqaan, higilka doogga ahe Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo hadhaciisa Hiyiguuse daaq buu jeclaa, taana hidin waaye Hanqaloocsay oo gaadhi waa, xiid haraadanuye Kaasay hangaralihii dhulkiyo, habasna laaceene Jiilaal hawaarsaday abaar, laysku wada hiifay Habar-adhi humraa soo dhaciyo, hogo kaliileede Hanqadh iyo hillaac baa xigiyo, daad haraaciye Dhagar heetisaa meesha ay, ku hangalaynayso Honboboro-libaaxeedda waad, sii hannaan garane Dab ay huriso waa la arki jiray, digo hulaaqdaaye Hudubaan khasaaraa ugu jira, ciirta uu helaye Dafo hiilinaysay ahayd, taa hagooganiye Haataadhus-laysaye waxay, beeni huguntaaba Hurgumadiyo maashiyo wuxuu, nabar hafeeftaaba Higashiyo waxay heedadoow, ku hunbulaataaba Mid bay huri hillaacyada bariyo, hawda karameede Haylaha casaaduu arkaa, galowga heesaaye Halabada bislaateey ogowd, haaddan socotaaye Boodada haldhaagaa ka weyn, haara faashadaye Barruu haramacadkii dhaansanaa, cowl hogaansade Hareeri iyo galool saadambay, caws huwanayaane Hurduf jiije kii doortay bay, hadi ku saaraane Nirig hadaftay iyo hooyadeed, way is helayaane Haddaan haraga haasaawihii, kaaga wada hoolo Harar iyo Halloobiye mar iyo, Helele meeshiisa Heerahaad la taaliyo dadkii, howdka kula joogay Umaddoo dhan haysugu halayn, kaasi waa hebel e War suugaanta hano yaan adeer, haybadaa lumine Qaarbaa gabaygan maqan, adigaana haya soo ma aha? Noosoo gudbi, kheyr baad helaysaaye. Hoos baan kaga soo qoraynaa in aad adigu soo dhamaystirtay gabayga. --------------------------- 21. IS WEYDIIN Kor aad Dabayaaqadii 1973kii ayuu Cabdullaahi Dhoodaan tiriyey gabaygan la magacbaxay Isweydiin. Gabayga waxaa ku jira ugu yaraan 62 su'aalood oo uu abwaanku weydiinayo ummadda Soomaliyeed, doonayana inay jawaabaha su'aalahaas raadiyaan si xalka dhibaatadii xukunkii kaligii taliska ahaa ee Maxamed Siyaad madaxda u ahaa loo helo. Maadaama oo uu gabaygu gabay naqdi ah yahay, waxaa la yidhi Maxamed Siyaad iyo dawladiisiiba gabaygan ayey ugu nebcaayeen dhammaan gabayada Cabdullaahi Dhoodaan. Waxaan filaynaa in gabayga qaar maqan yahay, laakiin inta aanu hadda hayno wuxuu yidhi: Kolba gabay warshadahaygii oo, waayo horre sheegay Oo waayihii dhacay i iloowshaa, waaba qaar heliye Kol haddaan shalay wuxuu ku yimid, milaygu waydaaran Waldhan kabina waa u yaal, haddaan waayo qaarkiine Waa tanee sidaa aawadeed, maqal is weydiiya Sidii calanka wilicdaa ahaa, wacanba loo taagay Wiil iyo haweeneey dushaa, lagaga weeraaye Waligiinba Soomaliyeey, wadar ahaantiinna Wacdi iyo waxsheeg baad waddiyo, waana abidkiine Hadal lagu wardinayaan intaa, weeye leenahaye Qof kastaba wanaag bay u taal, weedha uu yidhiye Erayadii wacnaa dhagaha waa, laga waraabshaaye Waddan iyo wax qabadkii, markaan dib isu weydiino Waxoogaa intaan fiiriniyo, suu wakhtigu yeelay Wixii laysku wada waafaqiyo, wixii is weydaarsan Waa in lays waraystaa sidduu, waajibkii yahaye Walow laga wahsado howshiiyoo, been la warinaayo Wanlaweyn wayiig haba dhex galo, reer Waqooyiga e Wid dee ha is yidhaahdeen illaa, woodkii berigiiye Siimaba wafaysnayn haddana, waajilaadduba e Is waabwaabin fudud bay ahayd, oo walaalnimo e Waliba way wateen doodo gobol, oo iswaansi ahe Ha yeeshee waldaafyeynta guud, la isma waayayne Iyagoon wad kala eersan iyo, weerar dibadeedna Labadaba ku waydhooqsaday oo, wiifsadaa helaye Iswaaciidsi meeshay rabtaye, horu-wadka ujeedday Wantatacoowba lama waayin iyo, waytabaaqsaniye Ballantoodii waafiga ahayd, yaa u rogay weyda? Arrimihii rag horre waa baxsheen, yaa wanjeecinaya? Yididiilo way waakataye, yaa wajaaf mariyey? Waanwaanta kama maarantee, nabaddii yaa wiiqay? Nolosha dooni inay waarto, yaa waasac uga dhaartay? Nafta sii waraaq wiigag jecel, yaa udardaar-wariyey? Waaya-arag hadduu talin lahaa, yaa wax fudud mooday? Waddo horumarlay sheegataye, yaa iska weecday? Dadkan woohabaynahayiyo, shacabkii yaa wiiqay? Shaqaalahan wasiisigu ku dhacay, yaa ka weyrixiyey? Waraar hoose yaa qodahayoo, geedo sare waabay? Yaa intuu wadaagii qawaday, keligii weel miistay? Wiyeel ceel waddaniyiin lahayd, yaa wir dhaansada leh? Yaa irmaan waraabsiga tabcayoo, kiisu wagab yeeshay? Wadaamihii aroor kale sitana, wabaxa yaw diidday? Soomaliya wayaakadii u tiil, wagare yaa boobay? Waxoogaayadii baanankiyo, weelkii yaa madhiyey? Qabiil uu ka waantooba yidhi, yaa ku waliimaystay? Waabeeyo shiil baa jiree, wadhidan yaa geystay? Kumaa walam xafiis weyn yidhiyoo, boqol u wiidaystay? Wanbarkuu fadhiyey eexo, yaa kula wareegaystay? Wadiiqihii sharciga yaa duway, oo luuq widwid ah rooray? Walaa-xawla iimaan la'aan, yaa u wehel yeelay? Waxyi been ah yaa soo maqlay, oo wahab u sheekeeyay? Intuu warar ibliis qaato, yaa gees wiyila fiiqday? Wadaad sharaf lahaayoo dhan, yaa weylo koriseeyay? Cadaaladdan wafaaqaysa yaa, wagaradka u siibay? Waalidkii xurmada loo ogaa, woodhaq yaw bixiyey? Ummad aan walaac badan lahayn, yaa wareer galiyey? Qalbi wabadar kuma fiicanee, yaa waswaasinaya? Walbahaarka laga soo cawdiyo, wahanka yaa beeray? Weedhii Alliyo diinta yaa, naga wadeeceeyay? Wahaabigu run kuma dhaaranine, yaa wallaha jiidhay? Soomaalida widhiidhigu dhexgalay, weercad yaw xidhaya? Walaalooba waa taan maqlaye, wadajir yaw diiday? Sheydaan walhinayaa jiree, walafka yaa oogay? Wakiil madaxa yaa isaga dhigayoo, reero wadhaf tuuray? War qaylaa willane yaa dadkii, waydan kaga yeedhshay? Siddii waylo baadi ah maxaa, kaga wadhaac siiyay? Waraabaha qarsoon yaa noqdayoon, ruux wajiga moodnay? Dadkoo wii leh gaajana witigay, walanqo yaa ruugay? Waageeni badi yaa ka dhigay, oo walleedh koriya? In yar baa kuwada wiirsatee, yawgu wacan beesha? Waadi hadhac ah yaa laga fishoo, bacad ku weeteeyay Wabi malab ah yaa laga fishoo, sun u walaaqaaya? Wanaag iyo xorriyad waa dadkuye, walaxdii yaa qaatay? Wareegto iyo durbaan yaa tun yidhiyoo, walasaqo u dheelay? Intii ay wilwilo boodayeen, wiishka yaa sudhayey? Waleecaadka yaa u laba rogayoo, weehataye laalay? Wasakh laabta yaa kaga shubayoo, waa baryaba ciilay? Waddan caasi lama doonayee, wacadfur yaa keenay? Wirigwaarigtii xeesha Yurub, waligii yaan daynin? Garasyaani wiil yaa u noqdiyo, wariyihiisiiba? Fariid waraca hoos yaa u dilay, ama wareenteeyay? Waqii siddii Kamaaludiinna, yaa wadaraha u laayey? Ma waayeelo jaajuuse, yaa wiifin jiray Leego? Wecelkii gumaysiga ahaa, waliga yaa mooday? Inaan waran la gaadnaan rabnayee, wananka yaw loogay? Sirta niman walwaalaa jiree, yaa warqado dhiibay? Wakhti horre waxyeeladu ma tagin, heerkan waligeede Wigta qonofka dibirtuu rag waday, wagagacdaa yeedhay Wax la is weheshan iilama ekee, ways waddacitaane Haddaan madax wakaaladi samayn, amaan wasiir yeelin Narsaallida wagdaha laa og iyo, xuur wijiirida e Dusha muxuu ka waandhooliyaa, wuu wajaqiyaaye Runtii inaad wadnaha taabataan, kuu sakaar wadhiye Wadhafkiyo huluumbaha sidaa, wax u warjeefaaya Arrin lagaga soo waaqsan karo, bal aan isweydiinno ----------------------- 22. JAG IYO LUUF Kor aad Laamlaydan taariikhdeeda haddii aad hayso fadlan nasoo gaadhsii. Wuxuu yidhi: Dhallaan jagiyo luuf dheelayaa amase leylaystay Mid la yidhiye waxay looli waa laba ciyaaroode Dhir bay labi galool wada yihiin kalase liil roone Lammadaadi ilig sooh ah iyo jaro shan laagood leh Isku ladhay leg iyo caynka oon liig madow sudhiye Afka xadhigle way kala nuglaan luuntu waligeede Gabayguna lud iyo dhuuxba waday laaxina u dheere Isba ma laha waxaad leedihiyo laabatiyo seede Kala liiday waana isku magac eraygu laakiine Anna kuma laclaafee haddaan tuduc laqmaynaayo Kuma daro naxwaha laangadhiyo weedh laleemo lehe Waxse aan laba lagdeeyoo naxwadi igu liqdaaraydba Kanay lahashadiisii soo riddiyo laafa lugudkiiye Lahjaddiyo lisaankiyo codkay laabtu garanayso Reedhyoowga soo lalinhayiyo laaqda iyo heesta Lixdankii xornimaday heshiyo calankan laalaada Soomaaliya intay luuqda dheer noo lalabayeenba Qalbi lulidu waa xeelahay nagu lug gooyaane Lilaahida warkaan moodno way nagu liqaayaane Tabtay nagu lisaan waa anaa laanbad kuu hurine Luflufaaga gaadhigu rartiyo lacagta soo duusha Laboodkeena waxaan dhaafsaniyo lo' iyo geeliiba Lurka iyo dhitaan quudaniyo xoolahaan lumino Waxba kuma lilaynee sidii loofar baan nahaye Soomaaliyey ladnaansho u noqdeen oo ladaab heliye Oo waa kay ladaadyadii nimcada laqanyo daacaane Waxay nagaga liibaanayaan looxa beenta ahe Lohloh iyo mardabaday gashee libinta noo diida Liddinimada taasaa ugu wacan leedda fuulka ahe Markaasaay na looyaamin ooy nagu likaacoone Wax lafteena ruugana iyagaa noogu laad culise Lubbi iyo haddaan sharaf lahayn way libdhinayaane Waxay labac jirjirin baydibay nagaga leefaane War dhaaxay na luuseen siddii laxam baruureede Soomaaliyaay cadkaan laaci waan kaa libdhinayaaye Adaa lahan qabee mooyi saad laalufka u dayne Ku laqwide dadkay hadduu seeftii looshadaye Ligligaanu qaban baydidaad libiqsanayseene Luxluxa ay ku faa'iidayaan Xamar lamaankeedu Lingax adag intaan kaga xidhnoo laama kaga oodno Luqluq kama helaayaan biyood luumashana daaye Lulumayntii horre waanu goyn ee rag laasimaye Waliba soo laayada oo waad laba kaclaysaane War leecaansigii maanta waa lee'ashadiiniiye Mase jirin laxaad kiin ah ood nagu lagdayseene War Xaylaa na loogaye duqii laalufka ahaaye Lowyaha intuu naga xidhuu ciiddan laayacaye Loolida markuu naga ridee laydhkii noo damiyey Dalkanagoo lushaad kiini saa igu lifaaqdaane Kolse hadday lucuumeen qofkii ma ihi luufluufe Dibna nooma leeleelin karo baaq labeebuhuye Soomaalidaa liciinka ah haddan liilin karayaaye Lambarkiyo sharcigii aadmigay laad la dhacayaane Xuduudkan ayse liiliijin waa limitka Baarliine Wixii laydha soo gala xadka ee lugaha soo saara Waa sidii libaax baadi helay inaan u laynaaye Af-weynaa na liicshayoo sidii awr na leylyadaye Isna waw larbaynaa si uu mar u liciifaaye Labxashiyo walaalnimo dhintiyo laxawsigii beere Laamadoodin maynee rag waa liifada u saare Isu lexejecloon maynee waa inaan is laynaaye Leeb sun ah Soomaaliyaay ragaad luuqa kaga saydhay Ma ladaan xigaalooyinkood mana lulmoodaane Casrigii laqmaday baa tolkood liili murugoone Kugu ligan ladhkii aad badiyo laxawga jiifaaye Adigana laqdabo waa ka duuf tooda soo laliye Oo liishaana way kaa badshaan ama lihiin dheere Kugu ligan ladhkaad soo badiyo laxawga jiifaaye Rag leegleegsanahayoo maxaa liinbasho ah taagan ------------------------- 23. JILBO RIIQ 1973 Kor aad Macallinka waxaa laga wariyey in uu yidhi hadal macnihiisu ahaa dhamaan gabayada aan tiriyey, waayaha ina soo maray iyo wacdaraha haysta dadka af Soomaaliga ku hadla waxaa laga dhex heli karaa gabaygan hoose ee Jilbo Riiq la baxay. Wixii aad halkan ka weydo, ama ku jira eed fahmi weydana, ka dhex doon Falaadkii Adduunyada gabayga la baxay ee isna ku daabacan doollo.com. Wuxuu yidhi: Riddii dabada laabnayd kuwaa, rimayda moodaaya Ridinriib sideedaan idhaa, ha u riyaaqaane Riyada way habaabaan dadkii, run u maleeyaaye Ruqo dabada laga fuushan yahay, ruuxna kicin waaye Haddaan ribada kii doonayaa, rixin ka dhowraynin Raqba wa rageediina sow messhu kuma roona Waraabaha ku ruugaaya iyo aar, ku raamsanaya Siday kuugu kala roon yihiin, maad u kala rebtid Ninkii rodalna miisaama ee, kiila raajiciya Ee raasamaalkuu helaa rubuc, ka hooseeyo Xisaabtaa inuu dib u rogrogo, sow ra’yigu ma aha Kol haday jilbaha riiqatay oo, rabashku dayn waayey Runbaa tidhi ragaad baygu go’an, marisna way raagtay Riyaa booday raacday gashoo, rays u tagi wayday Raqbaa dooday raasbay cuntoo, beenna way raratay Rugbaa xiintay roobaa gubtoo, raacataa damisay Risbaa ciday ramaasbaa hadloo, raydab baa shiriyey Hudbaa riixan jiicbaa runduda, gumarna wuu ruugay Rashbaa qaraxday raamaa isku dhacay, ragagax baa yeedhay Midbaa rimiyey riir bay ahayd, xuudna way ramatay Jinnaa rudhay balaa raamsatoo, raalibay noqotay Baddaa ruxantay, daad baa rogmaday, oo rajaa samirtay Kala roore beel iyo ribbee maa, la kala raysto Raxan ururtay reerkay liqeen, uga day raandhiiska Rabbigii adduunyada lahaa, suu rabay noqonee Qofba wuxuu raaracshaa, lagu risaaqaaye Hayeeshee il raxankaa samayn, laab riyow timidee ------------------------- 24. JEERAARO 1973 Kor aad Sannadkii 1973kii ayuu Cabdullaahi Dhoodaan gabaygan la baxay Jeeraaro tiriyey. Wuxuu joogay magaalada Muqdisho. Ma dhanna gabaygu, na soo gaadhsii haddii aad inta maqan hayso. Wuxuu ku billaabay: Jeeraaro boodayeey wataas marisay jeegaane Jillabba suu jadeerka u fantay ee jiic isula fuulay Ee jinaw aroortii macaan looga jaranaayo Qofkii waayo badan soo jiree dunida soo joogay Dul iyo hoos markuu jeleecada jaad walba u dhawro Isba wuu u jeedaa inay jeerba cayn tahaye Siduu bidiqa waala u jabiyo waa jigloo kale e Ama waaba jarihii shaxdee nimanku jeexdeene Maray kaa janjeedho o ocabbaar talo kaa jiifto Iyo maalin lagu jaajiyo ood dunida jiidhaaba Jirjirayn adduunkaa yaqaan waaba jaah sida e Ragna ways jikaaraa intaa laysu soo jilo e Non kastaaba jiilaal ogaa jeenafliyo oone Ha yeeshee jir weyn baa ka da'ay meel jidhaamo lehe Ninba jago abaara yuu ka kale jooji leeyahaye Taasay jidkeediyo arkeen jiir la sii maro e Markaasay jujuub iyo dhasheen jimo la buurtaaye Oo waliba la isugu jacburin jaarri iyo xeele Raggii jilicsanaadaa hadhoow meel xun jamaslayne Jaaqudhun harraaday wallee abid ku jeelaane Doqontii jahjahanaysa ee juuqba celin weyday Jucuurnimada markii lagu bartiyo jaahilnimadeeda Nacabkeedii juubaha sitee jaaha miranaayey Oo jimiricaayaa heliyo junni qarsoonayde Wallee cadwona kii loo jabaa malaha jeefaafe Jirrida iska eeg dhuuxa way jabaqsanaysaaye Maskaa jiitama yuu sidii jiis ku caabiyine War yaan jararta qayrkaa ciyoon kugu jillaabayne Jingil adiga yey kaa samayn xuurtan jeellaniye Juxuusaaba yuu kuu imaan saa jinnaa dhalaye Adoo jaara caana ah dhigtay oo jiija malabaystay Jilqurkaa h amoogaan yuu jowhar kaa madhine Intuu bacad kusoo joojo yuu jaanta kaa xadine Cagtaadoo jilfo leh yaan hadhow jeerin kaa mudine Jilbis uriyo goodaado yay jeebka kuu galine Nabi Maxamed baa loo jeclaa jaah mar la arkaaye (scw) Isagana waxaa lagu jirabay inuu jahaadaaye Idinkuna xornimo saa jirtaad jiif ku damacdeene ... ------------------------ 25. LIKAACO Kor aad Likaaco wuxuu Cabdullaahi Dhoodaan mariyey horraantii 1970aadkii, wuxuuna ku tiriyey Muqdishu. Likaaco waa gabay aad u murti badan. Wuxuu ku billaabay hordhac gaaban oo sifanaya in dunidu galabba ninley tahay. Waa dadow badane oo wuxuu leeyahay way is dhex fadhidaa; nin libin la hoyda, mid ciil la luuda, mid libaax ah iyo laga roone aan inna waxtar lahayn, nooc walba. Isagoo anshaxa iyo asluubta gabayga iyo midka dhaqanka Soomaaliga ee qofka ku dhaliila inuu is ammaano dhawraya ayuu wuxuu raaciyey inuusan isagu, Cabdullaahi ahaan, labadaa nin ee dambe midna ahayn – Anna labada cayn kuma jiree laan badhaan ahaye. Hordhacaa ka dib, wuxuu soo qaatay 12 arimood oo midiba mid lid ku tahay. Nin addimadu foyow yihiin aanse dhaqaaqi karin, nin garaad iyo dhimir buuxa leh hase yeeshee aan garasho fiicnayn, nimaan gacantiisa iyo afkiisu kala go’ lahayn haddana aan waxba dib u liqaynin, nin laqanyeysan subag iyo baruur uu cunaynay aanay jirin, nin lexejeclo iyo daryeel badan haddana loofar is nacay ah iyo ugu dambayntii nin ciddii ay wada hadlaanba ku durduriya islamarkaana kii ay lagatamaanba intuu qonof dhexaad sudho oo uu la hangooleeyo bogga uu kaga dhaco ayuu isku sifeeyey. Inkasta oo uu isagu isku halqabsaday, haddana wuxuu hadalku u dhacayaa waa Soomaaliya guud ahaan. Falsafad iyo sarbeeb gun dheer oo aynaan si fudud u dhuuxi karin ayaa ku duugan meerisyadaa aan sida aan cadliga ahayn isku dayey inaan faalo uga bixiyo. Intaa kadib, wuxuu u gudbay gundhacii gabaygiisa isagoo tilmaan ka bixiyey luggooyada joogtada ah iyo khayaanada qaran ee dawladii Soomaaliya ay kula kacday dhaqdhaqaaqii xornimo u dirirka ahaa ee Soomaali Galbeed. Wuxuu ku gudhiyey inuu, Cabdullaahi Dhoodaan ahaan, ogaa kana digay dibindaabyada ay xukuumadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ku haysay halgankii Soomaali Galbeed. Wuxuu yidhi: × Aadmiga hawaa lagu larbee, waxa u laacaaya × Kolba libinta qaar Eebahay, waa u liilgaline × Qofna lurkiyo ciilkaa bartoo, luun afkaw mariye × Ragse laqan fariiduu noqdaa, amase waa liide × Ana labada cayn kuma jiree, laan badhaan ahaye × Nimaan luggi jabnayn baan ahiyo, xoogga lawyadu e × Hayeeshee laxaad kuma socdee, laangadhaan ahaye × Madaxiyo laabtay fayow, oo xiskay ladane × Waxse kuma lilloobaane, waan garasho liitaaye × Loog kama qadoo dheefta, ways kaga ladaabtaaye × Waxaanse luumanayaa majiro, amaan liqaayaaye × Anoon lag iyo darib quudanayn, subagna leefaynin × Nin ladaadyo qabataan ahoo, laqanyo haysaaye × Ma laafaalugdo xoolohoo, waan lexejeclaystaaye × Anunbaa kuwaygana lunshoo, loofar baan ahaye × Dadka sidii libaax dhiidhiyaan, wadar u laayaaye × Hadbase kaanu wada looltanaa, way lagdahayaaye × Soomaaliyaay liciif baad ka dhigi, laqan ahaantiiye × Lac midka u yidhaa ceelashee, laaska dhurayaaba × Ligligiyo wadaamaha kaluu, gadawga laacaaye × Oo maax lo'yowga u dhurraa, ama laxdiisiiye × Oo ladaabsi dhaankana xareed, ligica siiyaaye × Taydana ma liibaanahaa, laayacaa helaye × Waxba liiga tagay yuu sarmaan, ii ladqabatayne × Amase yayna lii-liijin say, noo lingaxayeene × Loolida qarsoon tuug rasaas, nagaga liishaanye × Waxba liigii tagay yuu sarmaan, noo ladqabatayne × Likaacadan horteed baan ogaa, leebbabkay mudaye ------------------------------------ 26. MARDABAALOW Kor aad Maahmaahdu siday tidhi Malkadiyo kuguma simo Mantag meel aad dooniye Muujis iyo maqaarsaar Maskax noqotay maydhaan Mihintiyo u mohoshada Maag iyo ismoodsiis Murti macanjilaysaa Isku maranee ma og tahay Markay jilib cariyo garri U dambays maxkamad tahay Maqaawiir ka talisiyo Xeerbeegti loo madhay Mudac iyo mudac calayhi Milladiyo markhaatiga La miisaamay hadalkaa Ku cadaysa madal oo Miidaan ku toosnaa Waa in lagu maqiiqooy Kala miirdilaacdee War xaajadu mug weynaa Tu lamid ah masaladaa Masaalkii aan mariyee Miyirdiinka waayaha Iyo macangagnimadaa Muuqataa su’aalahan Iga soo malmalayee Weedh lagu margadiyo Maroor iyo afxuma iyo Waxaan meesha la ekayn Maansadaydu ma ahee Mindi mindi ku taagiyo Maldahiyo sarbeebiyo Madhoodhiyo jawaabaha Muranba howgu talagalin Ka ilaali murugana Magowdaye su’aal hoo Muqdishiyo Hargaysiyo Magaalooyin ula mid ah Dadkanagaa kuwada maqan Imisaa mulkiiliyo Xamar madax u talisiyo Mudaniyo wadani ku ah? Imisaa miskiiniyo Mucsur iyo ajnabi iyo Martinimiyo laaji ah? Masagiyo in shuura ah Kuwa loo mitamiyee Qaxooti baan masruufnaa Mana sheegad lagu daray Imisaa madluun ahoo Meehanowda suuqyada Masawiraa aduunkuna? Marka ay siddaa tahay Umaddaa meel kawada timid Sidee mudane sharafliyo Martida looga kala dhigay? Macnihiyo ujeedada Hoos ma loo miliilicay? Tan maraye mid kale qabo Maan gaab wareeriyo Haddii reer miyiga iyo Manfac doonka laga tago Waxaan maansadaydaa Maqashii is leeyahay Amaan meeda ku hayaa Waa mutacaliminta ee Muxuu labadan magaceen Layskuba macnayn karin Makrigiinu ku aqbalay? Miyaan wali mushkiladaa Hoosba loo miliilicin? Meertada lasoco kale Muda hore dhulkiisii Muudaha isaga tagay Ee mushaar xuduud kale Waligiiba ka miistaa Muraad kiis ah mooyee Wadan uu ka maqan yahay Ma maqoorad cidi odhan? Maysagaa matali kara? Miyaan wali mushkiladaa Hoosba loo miliilicin? Markuuse taa macaamilay Wuu mala habaabaye Sidaa yowgu macallin ah? Masiibooyinkaa iyo Mindi raacisnimadaa Ma moog yahay Maxaa-Wacay? Ama yaa macaansaday? Mindhaa meher xadbaa jira Maansadaydu waa rune Tan marshaye mid kale hoo Maamuusta aadmiga Lagu kala mastuursado Malafsiga xadgudubkiyo Mustalaabid ma ogola Mar hadday siddaa tahay Dadka magane xeerkii Kala madhayey dunidaba Minute minute u jabiyoow Marsadaad dagaysaan Mamnuuc ma aha kiinuye Inaynoo mubaax tahay Ma og tahay masaladaaa? Gafka miidhan waligiiba Midka meherad moodoow Magligiyo qaloocuba Hadduu malab idiin yahay Nooma aha anana milix Gaf in lagu macaamilo Sharci idiinku marag fura Mahaysaan aan maqalnee? Muluh malah bilaash ahi Cidna kama maraysee Haddaad maya jawaabahan Kala maarmi waydaan Miyigiyo dadwaynaha Madaxdiina sarre iyo Mas’uul baan idiin nahay Maalkoodi lagu cuno Kii madaq sanaayoow Musuqmaasuqnimadaa Kaa muuqan doontee Mardabaaloow inaad tahay Sow markhaati kama tihid ------------------- 27. MAXAA IIGU JIRA? 1968 Kor aad Gabaygan taariikhdiisa soo raadi. Wuxuu yidhi: Indhawayd mabaadii kalaan, mihindisaayaaye Maaweeladii iyo ka tagay, majadii gabaye Ceel maaxsan baan shubaayaa, maalin iyo leyle Ii muuqan maayaan waxaad, idinku moodeene Maadooyinkaan fiiriyaa, waaba meel kale e Anoo maqan haddii la i arkoo, madaxa laalaadshay Miisaanadaan beegi iyo, rodoladaan miiso Markab aan xambaartiyo ka culus, moodhar aan sido e Mashaariic sidaasaa igu furan, Eebahay magane Murug iyo wareer baan qabaa, layna moog yahaye Calool muusanawday dishiye, ima maqalaysaane Nin marqaan u jeediyo xarrago, hay malaynine e Maxaa yeelay maamustii way, macangagaayaane Maar dheeshay waa lagu hubaa, miridh aroortiiye Mooraal habaas yeeshay baan, maydh is leeyahaye Militariga Soomaalidow, bal laan ku maaweelsho Malkada ugu horaysana haddaan, madaxa guubaabsho Margi balaqa awrkii hoggaan, lagu makaabeeyey Kan xidhiidhka la isugu maree, daba mushaaxaaya Tallaabadiyo miidaankuu socdaa, ways matalayaane Oo geelii mildhaawuhu qabtee, didayey ee maagtay Miyil-weynkii baa loo tumiyo, neef u maakar ahe Maahmaahdu saasay ahayd, waanad maqasheene Marmaroor tusyaa iyo jidkii, toosan mariyaaba Siduu ula macaamilan jiriyo, maamulkuu barayey Ardaygu meel uunbuu uga ekaan, macallinkiisiiye Masaladaa halkaasoo kalaan, kaaga maakibiye Offishaalaha miidhanoow, mooyi say tahaye War gaadhigan marsada kii hayee, waday mashiinkiisu Mitir maylka shaallee hadduu, maanka ka illaawo Amase uu jidkuu marin lahaa, miino kaga aaso Mashaqiyo dadkii fuushanaa, mawdba waw halise Sheekada macaan ee dhagaha, layska maqashiiyo Iyo dawgii muuqday oo si kale, loo macaamiliyo Masiibiyo inay cudur tahaan, marag u haystaaye Mataankaagii ood xaasidaa, murugaday keento Carabtii midowdaa og iyo, kii macooda ahe Masarba waa wixii lagu qabsaday, gacal la moohaaye Offishaalaha miidhanoow, mooyi say tahaye Dadka magaca Soomaaliyee, meel kastaba jooga Ee ministarada qaar yihiin, madaxda loo sheego Ee qaar masuulka yihiyo, mudanayaashiina Ee qaar maxkamadii noqdeen, moodeeyno xukaanta Ee qaar shaqaalaha markaa, miisa yahay hawsha Ee qaar iskuulada murtida, looga marinaayo Ee qaar macallimiin yahee, wax u micnaynaayo Ee qaar magaalada dagee, qaar miyiga joogo Ee qaar mushtariga yahee, moodka gadanaayo Ee qaar musheekhdii yahee, dhigaya Mowliidka Ee qaar gumaysigu mutee, dhiiga laga miirto Ee qaar maatada yihiyo, muunadaa dhalatay Ee qaar mardaadiga xarrago, wada mushaaxaayo Ee qaar maxaabiista yahay, manida tuugaysa (money) Makhluuqaa aan soo sheegayee, kala meeqaan liita Cudur wada maseeyaa jiroo, aan mid uga laabnayne Maxaa iigu jira weeye oon, maaro loo heline Tixraaca: Garnaqsi: Maansadii C.M.A Dhoodaan. Qore: Maxamed C. Gurxan ------------------------- 28. MUJAAHID Kor aad Gabaygan iyo masiibo ayuu abwaanku isku maalin tiriyay, isku ujeedo iyo hadafna way ahaayeen. Hadaad rabto inaad ogaato ujeedada gabaygan abwaanku u sameeyayna, waxaad eegtaa hordhaca gabayga masiiba. 1. Intuu horay musheekh naga daldalay ama masuul fiican 2. Ismaqiiqyo jeerkii hadaan dhuunta mudi waynay 3. Kolba intuu muftiga weerariyo macalimiintiiba 4. Oo masaajidkii naga dunshiyo mawlacoo idilba 5. Kolkii mood Afwaynow layidhi waaba mudankeene 6. Midabkiyo codkuu uga egyee ma'aha Soomaali 7. Maqsadkuu ujeeduu matali milayba waa nooce 8. Mana aha mu’minnee gaalka waad isaga malayseene 9. Muslinnimo Habaar-biiray baa muudsadoo cunaye[1] 10. Musaliini baa u sheekh ahaa waana maafiyo e[2] 11. Waa inagu maxaabsaday waase tuug Majuusiya e 12. Mufsid iyo basaas buu ahaa maakhadayn jiraye 13. Kol haduu masiixigii ladilay uba masayraayo 14. Masaafada uu galay muuji caawaba e?? 15. Madfac kula tagyaa iyo shacbiga la isku madhiyaabe 16. Inkastoo miyiyo magaalaba badiyay mayd kooda 17. Makhnuudka makhluuq badan kadhigay muu'dal kiristaana 18. Wuxuu saaka marayaa inuu maydho diintaba e 19. Quraan kana hadaynaan mintidin wuu masaxayaaye 20. Mashqac buu hortii nagu dayiyo madaqsi xeelleede 21. Maqadhooyin kuu xidhay siduu noo mashquulinayay 22. Hadba wuxuu miiq nagu hubsado oo mus noo galaba 23. Iyo wuxuu maluugada rogoo xadhig maleegaaba 24. Ayaamahanba waa ka is mutaxay Ina-makaaryoose 25. Bal aan mihindis kaygii ku dayo inaan majiiraaye 26. Malmaloogii baa dhalay inay murugto hawshuye 27. Magaceena Soomaaliyeey wuu murdudayaaye 28. Waa inaan u miciinaa wakaa muusanawga ahe 29. War guul ma'mutihii hadaad kala mildhawdaane 30. Bal aan mihindis kaygii ku dayo inaan majiiraaye 31. Habaar ba'ayna madaxa ha isqoree malaha meexcaade 32. Wuxuu abidkii noogula maqnaa waa mu'aamarade 33. Sidii muuq wayn lagu lahaa waa midnimadiiye 34. Maqrib iyo mugdiga fiidka iyo muuni subaxeed ba 35. Muriidkoo madiixiyo ladiid mu'adimiintiiye 36. Mu'saliina salaad uma mohdee maarta ka cabsooye 37. Islaamkii mudici waa haduu gaal makaakiyo e 38. Naf aad mahadisaa kuuma hadhin kii Muslin ahowe 39. In mujaahid la isugu baxaa waa inoo madale 40. Mucdigaa Habaar-biiray iyo kii maciisa ahba 41. Hada inaan makalo goyno waa lagama maarmaane 42. Muqdishaba in lagu weeraraa maanta ku haboone 43. Mataa faraha beentuu hadhow macanjilayn doono 44. Maslaxaad markuu sheego ee hadal madhoodheeyo 45. Maqlimayno baa u taala iyo maya sagaal goore 46. Maraadkiyo mallees kuu watiyo muunyo uu diraba 47. Maqlimayno baa u taala iyo maya sagaal goore 48. Maareeye buul ah iyo wasiir loo maxlallayaaba 49. Magmagow sayaa iyo shaxaad daba manuus yaaba 50. Kolba qaar masuuliyad aan jirin lagu mashaysiiyay 51. Madiido u samee khaa'in kii macasha dheeraaye 52. Maqlise mayno baan leenihiyo maya sagaal goore 53. Bal aan mihindis kaygii kudayo inaan majiiraaye 54. Muslimkii xaqiiqada ahaa ways makaabsadaye 55. Masa garan Mareexaan wixii mawqif kooda ahe 56. Xog maldahani way soo mudhbixi maragna taariikhe 57. Mooraduugyo Soomaalidii dhiiga laga miirtay 58. Qoladaan mandabo loogu shubbin amaanse loo meerin 59. Iyo madax kuwii looga dhigay lana mihiib siiyay 60. Kolkay miirdilaacaysay waa moogan dabadeede 61. Soomaalidu mulkiga ay lahayd moodka iyo noolba 62. Mabtii iyo dadnimo dayda iyo mooshin dawliyada 63. Mac suruhu waaka lag joojiyee meehanawga ahe 64. Mareexaana waa gooni oo lala masayn waaye 65. Inkastoy u miidhaan misheen xaqii nalaga maydhaamay 66. Kolkay miirdilaacaysay oo moogan dabadeeda 67. Dadkaasay la meeqaan yihiin lagama miidheene 68. Musqaad kale hadii laga heliyo mugucyo dheeraad ah 69. Mareexaanka soomaali waa laga madhaayaaye 70. Lana garay muraadkooda iyo muxurtadoodiiye 71. Muddana waa inaan majiijinoo seef la mariyaaye 72. Markay dani minjaha soo xidhee uu mulindiyaynaayo 73. Ama uu macatabkii gooye ee maandhaw ku cataabo 74. Maqlimayno baa u taala iyo maya sagaal goore 75. Soomaaliyo Mareexaan kolkii aad isu miisaanto 76. Meelmadhan inay noqonayaan kama murmaysaane 77. Maryihii guduudnaa kuwii madaxa loosaaray 78. Muftiyaashi iidana ladhacay mootehiyo baaska 79. Ee boqol masiixigii u dillaan murugsan doonaaye 80. Mashaqada intaa le'eg haduu falay Mareexaanku 81. Malcuunkii Habaar-biiray bay midigta siiyeene 82. Maroorkiyo xumaatooyinkii uu macaamillayay 83. Dadna waa ka wada maagtay way is kala mukhuurteene 84. Wuxuuse u hormuudaaba waa moolki geerida e 85. Oo ma malakumawd kiini baad malabsanaysaane 86. Mardhaw waxaan filaayaa kuwaa dawlada ismooday 87. Inay magac yadoodii dafiri amay mamnuucaane 88. Amay niman Mareexaan ahaa ay midgaan qirane 89. Maslax iyo mindhaa Xoosh-kibroo laba madqaal sheegtay 90. Kola mudashaday kaa aqbali maanka yay galine 91. Salxaanoo madhmadhayaaban show biri masuugayne 92. Macdallaa maqaawiirta dhaaxa kii masruufsadaye 93. Maraykan iyo Carab kii tagiyo Moosko iyo Jayna (China) 94. Ee qaba mag Soomaaliyeed miinadow dabane 95. Maraydayda qaar waa lakiis maati dooxyadu e 96. Waana mudh iyo deebaaq waxay mala bullaysteene 97. Isxaan in laga aqbalo maanka yay galinnin 98. Ama musaabaxaad laga aqbalo maamku qori waaye 99. Mardabaale waa inuu dhintiyo miila boob yaduye 100. Mitad diidki dheeraad hayaa wow mandadayaaye 101. Idinkiyo manqada kii siraa muufadii xadaye 102. Laadaa danbigu waw manaa maasuqiinta ahe 103. Masiifaha xun waran maylin iyo malag adeegaaba 104. Kursiguu miskaha saari jiray waa la maanacaye 105. Dabadeedna kii miliqsadaa loogu malaqsiine 106. Dadka kale marqaan haw dhashiyo mahadnaq Eebow e 107. Bal aan mihindis kaygii ku dayo inaan majiiraaye 108. Hadba waa tilmaan muxubadoon yaraha muusoone 109. Maskax waayo arag baa kolay maaxatoo furrane 110. Magrigiyo xusuustaa qalbigu mawjad soo kicine 111. Soomaaliba masiibada heshee kaga madluun siisay 112. Waxaa ka mid ah maqaarsaaradiyo minister beenaade (wasiir beenaad) 113. Miidaan qarisku waa magac-uyaal kuu magoogani 114. Masawir iyo waa moobayaal ama mayeedhaane 115. Maxbuus taliye lagu sheegayaa wuu ilmiriglayne 116. Haka suggin magdabin uu wanaag soo madaahibo e 117. Manqas buu la daba taagan yahay kii maqooradaye 118. Oo miinshaartii Habaar-biiray bay maylal ka arkeene 119. Ninkuu mudiba suu u lahaa mudaca kaasaa leh 120. Mid waliba inuu madi noqdoo kaligi meeraysto 121. Marxabeeya say ugu noqdaan wuu u maamulaye 122. Ooy maraga beenta u furraan maansolugalayda 123. Maradhaaro kala joojiyoo waa majaloseege 124. Anigoo sheegay inuu moolihii yahay gaal maliyi raaca 125. Alla magane waxay kaa martiyi maansadaan tiriyay 126. Mullaaxada dhankale ha u gadiyin oon mashiiqsado e 127. Uma gar amaanadaa jirtoo waan mudacayaaye?? 128. Mucjisada Afwayniyi qabkii haba maquunsheene 129. Musaraardillaac iyo waxaa maanshoreer adag leh 130. Soomaalidu maraan iyo inay noqotay maansuuq e 131. Dhamaan teedna uu mehersadaa reer miskiin ahuye 132. Ma min sheegaba wiil kii dhashaa loo mashxaradaayay 133. Rag mutacalimiin iyo sargaal meeshidood gaba e 134. Askartii madfaca ay daddiyo kaarahiyo miiga 135. Ama kii maraaya badiyo qaybta minawaarka 136. Laga waa sargaal soo mudh iyo maahir geesiya e 137. Mid waliba malkhabadduu xidhoo wayska maarsadaye 138. Mushtarkaan isugu qayshaniyo suuq magaagyada e 139. Dibjirkiyo malaalliinta iyo maxasta ooyeysa 140. Iyo kii mucaaradi jiriyo ururradii meeye? 141. Mareexaanka eeda leh markii aan iska miihaaho 142. Maariin san dhuubanniba waa ruux mataanka ahe 143. Masaartiyo magliga xiirayaa ama mariid dhooban 144. Waa in lagu madkeeyoo dagaal ugu maliiqnaaye 145. Inteenii kaloo mid ah jahaad miigan aan u yaacno 146. Minjoxaabo kii nagula kaca amase miirshowle 147. Umadana muddaahano ku wada ee murkucinaaya 148. Ismul-maalig waa inaan ciyoon ugu marreeyaaye 149. Masuubiyo waxaan kuu hogsaday macadhar Eebahaye 150. Inta mi'ah mid uun laga dhimee magac Illaahay a 151. Toban miim ka kacayoon cuskaday lagugu miineeye 152. Murtidu waa Habaar-biiray iyo kuu miciinsado e 153. Wixii nagu maraardayan hayow madal ku ceebow e 154. Maskaxdiyo mariiqaba adoo madhan lagaa yeelay 155. Adoo moxogga uurtiyo wadnaha malax lagaa yuuqay 156. Minjahaad ku roortiyo adoy midigtu naafowday 157. Maalka iyo moodkaba adoo maalin lagu dhaafshay 158. Adigoo masruufkaad liqdaa dhuunta mariwaayay 159. Dhuunigii kuu macaanaa allow malaxdu kuu dhaanto 160. Afwaynaa maraaqiyo ku guban moobahuu shidaye 161. War ha maqaalufaysteen umaduu kala maqnaan siiyay Cabdi Xiis ayaa ku deeqay. Aad baad u mahadsan tahay saaxiib. ------------------------------- 29. OGAYSIIS Kor aad Gabaygan abwaanku wuxuu tiriyey 1980kii. Sababtiisu waxay ahayd, Raadiyihii Harar ka bixi jiray ayaa waxaa sanadkaa maamulkii gobolkii Hararghe la odhan jiray oo kan Soomaalidu degto ah lagu daray qayb cusub oo Af-Soomaali ku baxda. Madaxdii gobolka oo uu horkacayo Bashiir Sheekh Cabdi ayaa Macallin Dhoodaan ka codsaday inuu gabay ku anqariyo xafladda furitaanka idaacadda. Codsigaa madaxdii dawladdu usoo jeedisay abwaanku wuu yeelay wuxuuna tiriyey gabaygan Ogeysiis la baxay oo noqday codkii ugu horreeyey ee laga sii daayo idaacaddaa. Wuxuu yidhi: Gabayadii horeeteen ebyee lay af garan waayey Labaan ina yaryar ah kuu akhrini ararahoodiiye Anoo niman abhinayaan ku idhi edebna siinaayey Waloow abaahiisii dhintoo gabay agoontoobay Maahmaah asaliyaa jirtoon ciddi iloowayne Abwaan hore miduu sheegay baa ina odhanaysa Ri’ isnuugtay meel uga ekaa nin is amaanaaye Anoo erayadiisaa runta ah dhinac ka eegaaye Oo aanan rag oo idil xikmadda ka asaraareynin Ama aanan aqoon dheeridaa uurka galinaynin Aalaana maanso aan unkini aamus kaba doortay Anshigiyo asluubtaydu faan ma ogolaadane Murtidii idlaatayoo filkay waana ku asiibay Ee soo abaadiyo ma rabo sheeko oolin ahee Kollayse irideeday xidheen taan abda la haaye Dundun iyo aboor buu nin yidhi wayla amakaage Gabay aan abuuraa hadduu aniga ii muqdo Waxaan dooni meel ugub ahayd inaan abaaraaye Ayaan kale astaan lehee waxaan arar ku faaleeyay Ruuxii aftahan loo yaqaan ama abwaan sheegtay Wax if jirra wax aakharo jirriyo waxaan la eeganba Waa inuu ogaadaa siddii uur-ku-baalaha ee Aadmiguna sidduu aawilaa dhaaxba la arkaaye Amin soo socdaa wuxuu ahaan waan odorosaaye Odhaahdaa markaan jeediyayeen erayadaa sheegay Ma inkirin Illaaha I khalqiyo amaradiisiiye Umuna jeedo wali aadan iyo awliyaan ahaye Ardaal xun iyo ay garad midduu eeba kaa dhigiba Adduunkiyo arlada Eebahay uumiyaha jooga Rag iyo orri heer oday, niniyo ooga ku xiroole Qof waliba ujeediyo markuu hadal abaaraayo Caqligiiseey meel uga ekaan odhaahtidiisuyee Anna abidkay lama aamusayn tii aan aawilaye Ohobayntii Soomaliya ee nalagu ay gooyey Ogaadeenya aayaha xuneey kula aroorayso Argagaxay ayaantaa markaan eegay xaajada ee Aarkii dabooliyo shacbiga uubatada raacay Markaan idhi dadkiinaa anbaday uga al-oolayso Een bari siddaa awaadeed Xamar ka ooyaayey Nin agjoogay cadow baan ahaa kana irdhaysnaaye Awal horre ishaariyo sarbeeb urursan mooyaane Cabsi aadmi hadalkaan in badan u afra duubaayey Addis Ababa maantaan imide ooda kaga qaaday Waataan xaqii ugu adimay siddii axkaaneede Ikhtiyaarkay anigoo hadliyoo aashay soconaaya Ogaadeenya nimankii af-xidhay waan ka aarsadaye Aqalkaygii anigoo ku jirra oo Itoobiyana Eegana idaacada kaleen kaa afurinaayo Irrideedu waagii horeey inaga owdnaydee Iyana waa albaab noo furmiyo Adarideeniiye Eegiyo dabeed inaan iyana ku isticmaalayno Ooy na anfacaan raadiyaha laba irmaanaatay Oo kacaan agaasimi yaqaan wada aloosteeda Dadkanagii la aafayn jiraa loo abaabuliye Iblayskiyo ibtiladaan u jabin war ay afuufaane Waxay fadhato eedaaba waa noo udgoon yahaye Ku abshirada hakana oolin waa naga ogaysiise Taariikhda gabayga waxaan ka saxay Garnaqsi oo uu Qoray Maxamed C. Gurxan ------------------------------------- 30. QALBI KARBAASH Kor aad Xaflad lagu maamuusayey daahfurkii Kulyadda Lafoole, kolkii ay noqotay kulyad madaxbannaan badhtamihii 1970aadkii, oo isla Lafoole lagu qabtay ayuu Dhoodaan gabaygan ka tiriyey. Maxamed Siyaad iyo madaxdii Kacaanka midi kama maqna, seefta Tawradduna way xiiraysaa. Billowga wuxuu gabayaagu ku halqabsaday nin wadani ahaa oo la odhan jiray Maxamed Ismaaciil. Ninkaa Soomaalidii Ingiriiska dabadhoonka u ahaydi waxay ku naanaystay Balaayo-cas, kolkii xornimada la qaatayse waxaa loogu baddalay Barkhad-cas. Isagu wuxuu nebcaa bisha Febraayo oo wuxuu xusi jiray wakhtiyo badan oo uu gumaysigu Afrika hoojiyey bishan dhexdeeda. Sanad walba markay Febraayo soo dhawaato ayuu isla kacaa oo uu ku balweeyaa Bishani waa bishii tolkeen ba’ayey; bishani waa bishii balaayada eey Dhoodaan isagoo ujeedadiisu tahay in ninkaa taariikhdiisa la muuneeyo ayuu gabayga billowgiisa ku xusay. Dabeed wuxuu ka hadlay qodobo badan oo uu Kacaanku ku dhawaaqay, hirgalintoodana balanqaaday hase yeeshee aan waxba ka fulin. “Waa la yidhi ee ma yeeleen ayaa meesha ku jirta. Waa maya.” ayuu Dhoodaan yidhi. Erayo ammaan u eg asii gabasho ah ayuu ku hormaray. Ninkaad gaadayso ninbaa loogu gabadaa, sidaa darteed dhufays ayuu qaadanayaa oo inuu isa soo mutuxo dabadeed ay seefta waalidu la tagto, ama uu u ilduufo oo ay durba fahmaan oo ay yidhaahdaan ninku saw kii saa yiri ma aha ayuu diidan yahay. Wuxuu doonayaa inay fahmaan mar uu ka tashaday oo uu Jawhar kor u dhaafay. Intaa ka dib, wuxuu u gudbay hadafkiisii dhabta ahaa oo uu weerar ku qaaday Maxamed Siyaad. Bishimo gaabnaha iyo burjuwaasiga ciilka qababa waxay ku dhacayaan Ina Siyaad. Dabeed wuxuu u gondodegay xalkii, waana halkan meesha uu gabaygu afgembiga buuxa noqonayo. Wuxuu ku dirayaa raggii saraakiisha ahaa ee dhuunta wada casaa oo uu leeyahay ninka dadka iyo dalkaba ka qabta. Markii uu Harar tagay ee ay gabayadiisii badnaa ka baxeen idaacadihii Addis Ababa iyo Harar ayaa wuxuu Kacaankii Xamar ka talinayey afarta fool iyo afarta adinba isugu geeyey sidii uu u heli lahaa gabay uu Dhoodaan ku amaanay Tawradda. Rag badan ayaa la hawlgaliyey oo xataa Jacburkii ayey ka baadheen. Waxay u daydayayaan oo ay muhiimaddu tahay inay isku garaacaan gabayadiisa ka baxa Harar iyo Addis Ababa iyo kuwii uu horay uga sii daayey Soomaaliya, sidii ay isu garaaci jireen maansada rag kale oo badan oo uu ka mid ahaa Cabdi Muxumed Amiin. Cabdi waa kii Xamar kaga heesi jiray: cimrigii jiryow caynaanka hay, hay, hay, waligaa hay, kolkii uu Itoobiya tagayna waa kii lahaa: cimrigii jabyow caynaanka daa, daa. Laba-aflayntaa ayey ka faa’iidaysteen oo intay rag aftahamo ahi isu dabamaraan ayey odhan jireen “Cabdi ma hadda oo uu cadowga u galay ayuu quman yahay mise markii uu sidan halkan ka lahaa ee uu Xamar joogay ayuu qumanaa.” Daydaygii waxay kusoo heleen Qalbi Karbaash. Aad iyo aad ayey u riyaaqeen oo telefoonkii iyo fariintii ayaa waashay - isu kaalaya waa kanee. Qalbi Karbaash aad ayaa loo dhagaystay. Wuxuu soo maray Oktoobar Kacaankii dhashee baylahtiray ciidda, nimankii noo baaqay arintoodu way fiicnayd, nimankii saa yidhi ee saa yidhi, ee taa yidhi ee taa yidhi oo waxay yidhaahdeen oo miidhan ah. Kolkii uu gaadmadiisii bogtay ee uu soo gaadhay: Laakiin bishimo gaabnihii dib u biqlaynaayey Eee bariba nooca u ekaa haatan soo badaye ayuu dhaylaaskii qaayisay oo dib u gudhay. Afkaa dhagta laysu wada saaray, hooga, adoogaa Alla shid, war ma gabaygakan baa taageero ah! In gabaygu afgembi buuxa yahay ayaa layska dhaadhiciyey. Intaa waxaa weheliyey Dhoodaan oo idaacadii Harar gabaygan iyo kuwo kaleba kasoo macnayn jiray isagoo Maxamed Siyaad ku leh “kuwii ku ag joogay ayaa fahmi waayey ee gabaygu waa afgembi buuxa.” Si kastaba ha ahaatee, Kacaanku waa uu waayey, hal gabayna Allaha ka dhigee, mid gabayada Dhoodaan ka mid ah oo uu ciirsado. Qalbi Karbaash wuxuu ahaa: · Abwaankii buxuur ihi markuu, gabayga baandheeyo · Bidili[1] weeye bayduu ka tagay, ood bedeletaaye · Rag horaa bisleeyeye intuu, gun iyo baar sheegay · Markhaatiga bakhayl yaanan noqon, uga ba’aayaaye · Barkhad Casba sidduu Feberweri, bacawnimow saaray · Sannadda isku buuxda intay, kaa dul bilanayso · Mid bay bilidu kaa foorartaa, oo balaayo ahe · Midna badhaadhihiyo khayrba, waa lagugu beegaaye · Bishan ay tilmaameen iyadoon, dhawr kal barakownay · Mar ay laba tobnaad buuxsantayoo, barina sii dhaaftay[2] · Birmadkiyo kacaankii dhashayee, baylah tiray ciida · Ee booli quutaha eryiyo kii, shacbiga boobay · Ee gacal isbiirsada ka dhigay, beeshii kala guurtay · Ee bannaanka maatadii qubnayd, beer cunto leh geeyay · Ee inay sirteenu baxdiyo, baadi ka ilaashay · Ee baankii noo soo dhacshiyo, waliba batroolka[3] · Ee yidhi bilaash nama dhaqdee, aan runta u baydhno · Ee yidhi xaqiyo baadhilkii, aynu kala baadhno · Ee yidhi ninkii boobayow, joogso bi’i waaye · Ee webi butaacsada na yidhi, oo baryada diida · Ee yidhi dhaqaalaha badh bay, naga bulaayaane · Innaba beero aan yeelanee, badar inoo shiida · Ee yidhi jahligu waa balee, aan tacliin barano · Ee boqol kun baadiye u diray, oo buraashado leh · Ragga bigilka dheer noo tumiyo, madaxda noo baaqday · Barwaaqo iyo guul baan Illaah, uga baryeynaaye · Iyagiyo bishay noo kaceen waa, wax loo bogo e · Haddaan nahay bar iyo hawlwadaag, bacad kasoo guuray · Amaan nahay walaalihii la baxay, tawrad barakaysan · Durba si aan baqoolaha filkeen, baac u wada dhaafno · Waa inaynu boogtoo dhan iyo, bararkii doonaaye · Dabeedna ay bogsootaa halkii, cudur la buurrayde[4] · Balan adag sidii loo dhigtayeen, daacad ugu baaqnay · Ama hawsha laysugu barteen, barantankaw yaacnay[5] · Bilcan iyo duq booshiyo dhallaan, ama barbaar wiil ah · Nin beerliyo nin baadiya jiriyo, balad wixii joogay · Burhaantii Siyaad noo marshiyo, baaqii golaheenna · Bayaan amarkii way noo fareen, badhaxna ma ahayne · Laakiin bishimo gaabnihii dib, u biqlaynaayey[6] · Ee bariba nooca u ekaa, haatan soo badaye · Burjuwaasigii ciil qabay baa, buul madoow galaye · Hadba wuxuu mid soo buufiyaa, amuu bilkeydaaba[7] · Badhar jaad ah madax loo gadoo, biir cabtuu helaye · Markaasuu barkimadow dhigtoo, been ku duufsadaye · Basarkaa inay suubiyeen, waxaa buruufkii ah · Ha bariidsan beecqaali iyo, badaw cabaadkeeda · Barbar kale markaan fiiriniyo, suu dadku u buuqay · Billaahi baan ku dhaartiyo Allihii, baaqiga ahaaye · Gardarro loo badheedhaa jirtoo, laga baroortaaye · Shaqaaliyo reer balad qofkii, bayr la galansiiyo · Madaxduna u baantaa xafiis, wuu ka baygagiye · Xaq bidhaamay oo jira qofkii, laga bacaad saaro · Wax baan kuu bannaanayn haddii, lagula soo boodo · Waa si ay niyada baariga ah, uga baduugaane[8] · Berri maxaan sameeyaa unbuu, baaqi ku ahaane · Inkastuu bad qabay ruuxu sow, dan u bukoon maayo[9] · Oo qalbigii budh weyn lala dhacaa, soo burburi maayo? · Boqno-gooye saasaa jiroo meel, u baarqab ahe · Dhawr[10] badatay iyo reer haddaad, bahal ka oodayso · Bilcil iyo haddaad geed quwaax, buuran ku adkayso · Dugaagii baruur cunni jiraa, bawd ka soo dhiciye · Buntukhaagii fiicnaa adigoo, boodhka ka afuufay · Bariisada haddaad raadsatiyo, waaga barigiisa · Cagta bagafsan meeshuu dhigiyo, buruqdii kuusnaydba · Buur iyo dhul baadlaba intaad, bixiso raadkiisa · Barbarkii dabayshiyo urtana, aad isaga buusto · Isagoo bogga cadaynayoo, geed barqadii jiifa · Intaad bidix kasoo toogataad, balaq ka siisaaye · Sidaasaad libaaxii ba’naa, kaga badbaadaaye · Kuwii baday dadweynaha sidaa, amaan ka booyayno · Raggiina aan baqayninoow inaad, baafisaa jidahe · Oonu booca saad ugu dhegtaan, baga nidhaahnaaye · Haddii kale baq dhay lagu daraybaa, barradii noo yaale · Buqbuqood hadduu subag burcada, dhali baxnaaneeya ------------------------------------------------------------ [1] Biddili waa wax yar oo dhif ah. Wuu ku xaalufin oo hadalkuu kaa dhammaysan sidaa awgeed ma helaysid meel aad kasoo gasho oo goldaloolo ah. [2] Oktoober 21keedii ayuu dhufays ka dhigtay. [3] Waa markii ay Tawraddu qaramaysay bangiyadii iyo shidaalkii dalka soo geli jiray. Talyaani ayaa hore u haystay labadaba. [4] Wuxuu u arkaa in Kacaanku milil korkii dhayayo. [5] Waa bacaad-celintii iyo wixii faa’iido la’aanta ahaa ee dadka lagu mashquuliyey. [6] Ma doonayo inuu yidhaahdo laakiin bishimo weynihii oo waa la fahmi haddii uu sidaa yidhaahdo. [7] Amuu yoolbaadhaba. [8] Dadkii waxay yidhaahdeen raacay ayey qalbi-karbaashayaan. [9] Qofkii isagoon Kacaan-diidba u qasdin sow kaa dan u bukooday ma aha. [10] Dhawr iyo dugaag waa isku mid. Waa so’ ku noosha dawaco u yar tahay libaaxna u weyn yahay. Oodaay dhawrtiyo dhaxantaba celi ayey reer miyiga xoolaha oodayaa ku heesaan. -------------------------------- 31. QARJAMUUDLE Jawaabtii Cabdi Iidaan Kor aad Gabaygan wuxuu Cabdullaahi Dhoodaan tiriyey horraantii Siddeetamaadkii. Waxaa dhacday in xukuumadii Siyaad Barre ay u adkaysan wayday gabayadii qirada weynaa ee uu Cabdillaahi Macallin Dhoodaan ka soo lalinayey laantii Af-Soomaalka ee idaacaddihii Itoobiya. Haddaba Wuxuu taliskii Siyaad isugu yeedhay wixii abwaano ahaa ee markaa dalka ugu turuqyo weynaa si loogu gabyo, loona joojiyo baddii ka soo burqanaysan Dhoodaan oo halis galisay xukuumadii kali-talis ahayd. Wasaaraddii Warfaafinta ayaa waxay abaabushay barnaamijyo suugaaneed lagu dhalleecaynayo Dhoodaan dadweynahana lagu indha-duubayo. Barnaamijyadaas waxaa ku dheehnaa maansooyin ay tiriyeen rag door ah oo ka shaqaynayey idaacadihii Muqdishu iyo tii Hargaysa. Raggaa waxaa ka mid ahaa Cabdi Iidaan oo uu Dhoodaan gabaygan si gooni ah ugu ridiyo. Haddaba Dhoodaan isagoo nimankaa u jawaabaya, Cabdi Iidaana tusaalayaal badan siinaya, sidii caadada u ahaydna qaawinayana ujeedadii iyo siyaasadii iskudirka iyo iska horkeenka ku dhisnayd ee xukuumaddii Siyaad ayuu mariyey maansadan uu ugu magaca daray Qarjacmuudle. Wuxuu yidhi : Qalqaaliyo qandiga faaruqee, Xamar ku qawlaysan Qaldaankii qabyada soo unkiyo, qaatil socodsiiyey Siyaasadu qisaas lagu mutiyo, qool markay galiso Xaqay naga qudh-qudhiyeen baan kaga qufaynaaye Dhirtase geed quwaaxii qalalan, qodob aboor yeeshay Qabadiyo Dharkayn qolof ritiyo, Qaranri oodeeda Qoddax taag yariyo qoofalkiyo, Qocondhiduu dayrtay Qarjajabo Qudhaanjadu gashiyo, qori jabkuu daadshay Quwad malaha ay kaga qabtaan, Aar ku qawdhamiye Miyey qarin qoqobohoodu waa, Qaran gallaydaase Qaran-qaaro nama joojisee, waa bir qalaxdaase Qod-qodeeye ka ay qasbina, haw qayilo wiige Dawac maanso quud kaga rabaa, haw qaloombiyo'e Dayax shan iyo tobankii qadimay, galin qarsoonaaye Gudcur Qammah habaynkoo qafillan, qaybta fiidnimada Iyadoo bil sii quluulatay oo, qiro yar moodaysa Sida Qarandidii kow dheh tidhi, qammar caways kaahay Qof la mid ah horaan ugu qadaray, ma aha qaangaadhe Ballaayada ku qamardaadsatay, moodi qayo roobe Qasaariyo qabiiliga liqaba, dad u qushuucaaya Ragga qoodan ee ka u qoslina, ugu qalaalaayo Doqontaa qufici een aqoon, meeshii lagu qoomay Ma qanciyo wax kama quustahaa, qaayo kale seegay Ma qummani qudhayduba haddaan, kaa qallooc bida'e Qolqolada caytama sidii, qaafadii dumarka Wax la qaab ah qoonkii shubaa, ima quseeyaane Af-qadoodi jaariga baraan, weedhuu qaayibine Ka qab weyni oo lama qastee, waaban quudhsadaye Isma qabano iimana qalmaan, oo ma qayrsado'e Kuwase fadhato qawlkaan idhaa, uga qareemaaya Ee maanta ii qorinhayaa, qaammudkood galaye War qaash lagu wareemiyo, anoon qalab u sii doonan Qammaan iyo siday sheegayaan, qodabadii Raage Markaan qallimadoodii cuskaday, qoomamkaa horana Qofka cune qadaadkiyo la raba, qowrac luquntiisa Mindiduu qoobka kula soo baxaan, qoorta kaga goyne Qarjac-muudle waysaga qadimay, qiilna waw hadhaye Ha qaldamin qarqoorkiyo ma baran, gabayga qaydhiine Eeggana Rag suu noo qashaye, noogu qarafaystay Si qayaxan qayaamada guracan, maan u kala qeexo Dad qayuucsanaan jiray waxay, qurubsi luudaanba Cadho wuxuu qamiiroo wajiga, qiiqu kaga yaalba Kolluun bay qallibantaa mardabo, ooy qumbucataaye Soomaaliya dadkay qaxar badayee, qiiro ugu baaqday Qandhuufooyin xaajadu ka wayn, ay qatalantaaye Qardoofaha marooray waqood, nagu qorsheeyaane Badow qarawsan bay nagu qastiyo, waray u qooshaane Qardajiidh xaqiiqada gafay, qooq kulaa tidhiye Qab-qab dhaafay waa joogi jiray, tan iyo Qaabiile Waxaanse Aadmi loo quudhin iyo, waa qamaar taniyu Qurraacooyinkoodiyo sidaan, uga qammuunyoonay Qurub-qurub anow kala dhig-dhigi, taa qotada dheere Qabir galinta qulubaa gadiga, amase qiilqiisha Qallaciyo Qamaanyada sankiyo, ula qalwayntooda Quturkiyo rag nala qayr ahoow, qadaf samayntiina Qoqobkiyo qabiilo u dhiskiyo, qoof u kala geynta Qofna yuu qof aamininta iyo, kala qandhaysiinta Qosolkiyo qaraami u tunkiyo, qaylo maqashiinta Qar-qarsiga dushiyo qaawintiyo, qonof ku taageerka Qoryo siinta qalalaasihiyo, qalab u soo dhiibka Waddankii oo ay naga qaadayaan, waan idiin qabanta Qasabkiyo qadaad riixidiyo, hadal ku qoor goynta Qumbaan subbagga uga buuxintiyo, kaanagii qubista Qaloociyo qal-qaalaha xuniyo, yay is qaabilinta Qardadiyo dhul sii qaydashiyo, qoodh isaga yeelka Qaxoontigiyo qoys kala rarkiyo, qaxar u soo jiidka Qalxankiyo qallibitaanka iyo, wax isu qoondayska Qafal xumo qawaaniin gafkiyo, kor isu qaad-qaadka Qudro yari is qolofaadhintiyo, qaali baan nahayda Qoyaaniyo qabbow sheegadkiyo, meel qorraxa jooga Qarrafiyo qarraamaad dhankiyo, qado ku soo tuugga Qormayntiyo qolada goosadkiyo, qaydaraan sudhadka Iyo qaar maqnaa sheeggu waa, qayro kala boobe Qottonkiyo qummani diide iyo, qiimi sharafeede Qureec na lagu doontaana way, soo qadhaadhahaye Qacda joogsan waydiyo qabtiyo, qawdii naga yeedhay Qambaruursi iyo qoomamiyo, qaandhow baa xiggiye Qurruskaad cuntiyo baaqii kale, subaxdaan kaa qaadno Dhaqaalaha raggii nagu qabayoow, sow ku qadi maysid Dhaqaalaha Raggaa nagu qaboow, sow la qadi mayo!!! Dhammaad ************************ Allaylehe been lama xardhee wacdaro ayaa ka raacay Cabdi Iidaan iyo raggiisiiba. --------------------------------------- 32. QAYDARAAN SUDHAD Kor aad Hoos waxaad ka helaysaa gabaygii qaaliga ahaa ee Cabdullaahi Dhoodaan ee magaciisu ahaa Qaydaraan- sudhad. Gabaygu wuxuu ka mid yahay kuwo dhawr ahaa oo uu Dhoodaan ugu jawaabay niman dawladdii Maxamed Siyaad dirtay si ay bulshada u marinhabaabinyaan, Dhoodaana gabayo wax ka sheeg ah ay ugu diraan. Halabuur badan oo Jamhuuriyadda ku noolaa ayaa xilligan u dhardhigtay inay codbaahiye (microphone) u noqdaan xukuumaddii Siyaad Barre sandareero ay ku qabeen hawlwadeenadii Kacaanka awgeed. Ragga noocaa ahaa, kuwa ugu boodhka badnaa waxaa ka mid ahaa Cabdi Iidaan Faarax. Sahal waxaad ka dhigataa gadaal wuu ku sababaa ayuu Maxamed Cumar Dage yidhi. Cabdi Iidaan isagoo ay gabayo ka tageen, aragtidii uu Kacaanka ka qabayna ay is badashay, ayuu mar dambe niman Isaaq ah oo kale la qayilay. Dhawr marduuf oo Herari ah iyo dhawr dhalo oo biyo kululi ku jiraan ka dib waa la yar mirqaamay oo la yar walaaqmay. Dabadeed nimankii waxay Cabdi Iidaan ku yidhaahdeen "waar Cabdow, waar ninkaa waliga ah ee Dhoodaan ee Af-weyne ka hor yimi maxaad ugu gabayday oo aad afka ula doonatay?" Kalkaasuu ku jawaabay "waar waan sarkhaansanaa dee" Waxay nimankii ku heshiiyeen in Cabdi Iidaan maxkamad la saaro. Guddibaa loo saaray isla habeenkiiba. Maxkamad mutakaamil ah ayey habeeyeen. Xaakim ayey nimankii sarkhaansanaa iska dhex doorteen, dabadeed dacwo ayaa lagu soo oogay Cabdi Iidaan. Dood ka dib, wuxuu xaakimkii riday xukun ah 'dil iyo in dacaskiisa lala wareego' Way isu qabteen ileen waa niman maandoorsanee oo ay Cabdi Iidaan qadaadka ka bireeyeen. Halkaa ayuu ku nafwaayey ninkaasi. Kolkii la ogaaday waxa meesha ka dhacay ayuu maamulkii degmada Hargaysa qabqabtay raggii guriga fadhiyey ee dulmigaa gaystay iyo haweenaydii guriga lahaydba. Nimankii midkiiba waxaa lagu xukumay 5 sano oo xadhig ah, ileen ma ayna dhammayn ee, haweenaydiina labo sano. Waxaa xusid mudan in dadka qaarkii ay tuhmeen in Nabadsugidii Hargaysa ay dishay Cabdi Iidaan. Laakiin tuhunkaas wax xaqiijiya lama hayo. Qaydaraan-shudhad wuxuu ahaa sidan: Walow aan qiyaamihii tusayoon qalin jab gaadhsiiyey Bal qooraansi waa lagu dayaa toore sii qayane Baqalla qayl dameeraa dhaliyo geenyo qurux weyne Qabaal weynse uma buuxinine qow yar waan odhane Dawac quduf ah iyo dhurwaa qaardanbaha gaaban Qarridiyo wixii habar dugaag meel qarfale joogay In kastuu qaloonbiyahayuu aad isugu qaylyo Qudra ma leh qabkooduna cabbaar hay qurquriyeene Qabaabaale aar ihi markuu dirir u qaashaysto Qudhyankiisa feedhaha inuu qoonsaday garane Qayrabkoodii miidhnaa intaan lagaga qaw siinin Qandhuufada libaaxiyo intaan qoobku wali gaadhin Qaxootiga baqaha waa inay qabax ka siiyaane In kastoon qadhiidhay oon tufayoo gooyey qudhiciiba Qufiddiyo qabuuraha markuu qodis ka dayn waayo Qabri dhidar wuxuu ugu tagaa shay qalaadya ahe Dadkanaga cadaawihii qaldaye qiiqa ugu dhuuntay Qodobada xornimadoodi bay uga qisoodaan Qulaanquliyo raacsiinta ay nagu qayaamaysay Bal maantaan qufaynaa waxay been qobtolayeene Qaxar lagu halgamay sheegatiyo dhiig lasoo qubaye Haddii Yurub qadhaadh idin badayo qool wax lagu keenay Imisay qof Soomaaliyeed qoorta kaga goysay Qaladkiyo taariikhahanagood qoroto mooyaane Qalqali tuurkii Xamar baa u weyn qoonsi dirireede Qalayf kale haddii uu jiriyo qarash la dhiibaayo Shacbigiinii ugu qowl adkaa ama wax quudhaayey Markay dawladnimadii quntaye Roma laga qaatay Xisbigii wax qabanqaabin jiray sow idinkii qadiyey War qoladaysigii lagama dayn taad qotomiseene Dharaartii qarbigu guuray bay noqotay qaaraane Shaqaalihii Fashiitigu qortaye soo qaribay Leego Qarqarada waxay igu toleen yaa iskaba qaaday Qoomkii la laayey eed haddaba ubaxyada u qaado Nimankii qudhooda jaray baa qaadigiina ahe Qandhuufana ma gaadhine hadday qooq la doob-dhabiye War maa loo qabsado dhiigii way qiran lahaayeene Iyagiyo saldanaday qudhqudhin kii la qayr ihiba SYL ba nimankii qaribay yaa qadhaabsada e Qabiilnimada soow iyaga hunbaday ee qunbaha jiitay Raggii qurub kasoo riday wakaa qoodan suuqyada e Qisaastiyo maxay uga badeen qoomamiyo ciilka SNL qorshihii dawladnimo qurub ka waayeene Kolkii madaxdii jeel lagu qabiray quuste dabadeede Nimankaa qureesh iyo xor iyo qaali baan nahay leh Qaranimo ku faan uma ekee waa qalfoof madhane Wixii la isla qolofaadhiyaba waan qarxinayaaye Tiina kalee qabowgiyo ku timid qayladiyo buuqa Waqooyiba qaneecaadsan waa qaydkii uu helaye Lix qaboono calankuu sudhaye qoor-tolka u doontay Hadduu luqunta qoob kaga hayaa kii qaraabsadaye Qamuunyaa Hargaysaba dishayoo qawlalkaa xidhane Qadoodiga markii lagu dirqiyey qiil u bixi waaye Qaahira u daaduume iyo qoolasha Carbeede War goortay ku qamardaadsatay Qadar u yaaceene Qardoofahay Waqooyiga baday yaan qodob yar kaa siine Nugaalba qiimaheediyo Taleex waa la quudhsadaye Qorshe gobol hadduu jiro xaqu taa ma qadiyeene Garbahaarrey waa loo qasbee qeybta ma lahayne Qaskaa iyo Jabuutina markay qaabaddaa aragtay Waa waxay qoqobaha u xidhayee uga qaxaysaaye Labada is qalatee is qadin kii qareensadana Qawraarin baas laga ridyoo waa qar laga tuurye Raggaa qalaanqal doogeeda iyo qadow kusoo guur leh Kuwuu qamaaminaayaba intuu qaawiyuu furane Waxay fadhato qaaqda u hayaan soo qayiran ma aha ... ---------------------------- 33. QODOB Kor aad Hoos waxaad ka helaysaa gabay ka mid ah gabayada Cabdullaahi Dhoodaan oo magaciisa la yidhaahdo Qodob. Gabaygu wuxuu la mid yahay labada kale ee iyaguna qaaflayda ah, waa Qaydaraan-sudhad iyo Qarjacmuudle. Taariikhda gabaygan saad u fahamto akhri hordhaca aan u samaynay Qaydaraan-sudhad. Qodob wuxuu ahaa sidan: Qarnigaa badalay maansadii qaliga ahayde Qaaraamiga iyo heesay wakhtiga uga qushuucaane Ka qulquliya geeraarka aad looma qaayibo e Inta gabay qofkii marin lahaa qiimo jabinaayo Quful inaan ku gooyaaba roon qoomamuu taraye Inkastoon sidaa uga qashdhacay oo qalbigu diiday Oo gabay qallayf saa u yahay amuu qadhaadhaaday Aan iskaga qutubo haatan way igu qodeeyeene Dhawr qodon anoon kaa qarin kuuna wada qeexin Qurqurkaa duleed xubin intaan sidii quraar faago Middeedii aan qaataba haddaan laba usii qaybsho Qabya-tiridda faaladu siddeed way u qalantaaye Qudduuc fiina guuguulihiyo qodoto dhawdhawley Qudha fuusha guumaysta iyo qaar kaloo jiraba Shinbiraha badh qoodaar leh baan qumay ku sheegnaaye Waxay qaalibkooduna ciyaan goor qaboono ahe Baalaleey codkeed qalisay baad qoof ka dhigataane Qarfa-duusha yeedhaba sidaa loo qaddarinaayo Waa quduro inaan loo quweyn qawlka aadmiga e Tan qufay ee tu kale hoo qudhqudhi qodobna waa kaase Dadkanaga markii ay qashaye qaarba dhan u goysay Kuwanaga qaldamay baan ku idhi qodob intaan sheegay Haddii nacab walaalkaa qabtoo qaylo kaga yeedhsho Qool weyn haddii lala dhacoo qaarta lagu boobo Qablankiyo catowgiyo haddaad qawda sii maqasho War quud raadso mooyee haddaad qamandhacoon weydo Markii ay qudh-goyso ee dishee qawrac ugu jiiddo Qormadii uu taagnaa hadday bawd qalaal noqoto Qudhaadu kolkii ay soo hadhoo madiyoo qaawan Qunyar buu awoodaa inuu qoorta kaa jaro e Tan qufay ee tu kale hoo qudhqudhi qodobna waa kaas Qorrofyada markii lagu jiriyo qarandi buulkeeda Qunbe subag ah waan heli karriyo qaab dhite ahaaye Qabaal xuukiyaan buuxsannoo taa qarka u yaale Qalwaan ramadkana u seexiniyo qaadhkii naylaha e Qadhoon baan dudada tiirsaniyo geed quwaax adage Qansax lama mar ahaan degniyo hawd qar oodan ahe War qooq iyo hurdada dheer intaan qaalmo rogonaynay Gaajadii qunkeed xoogsatay ee qirada weynaatay Dhulkeenii qoslaayey liqdiyo quruxda waagaase Qanjidh iyo qanjaafuro liqdiyo seed qawaawir ahe Badhkeen qanac hayeeshee dadaan quusan baa jira e War quruxdeena kii daydayuu qaxar ka haystaaye Tan qufay ee tu kale hoo qudhqudhi qodobna waa kaas Soomaaliya iyaba waa u qaraac qoloba teediiye Dad ma quusato ah baa yidhaa quud ka daydaya e Ragse hadduu qulqulad kaa badshoo quudhsi kugu raago Qardabiyo xumaatiyo haddii qadaf laguu gaysto Qandhuufada yaryari boogahay qolofta kuu yeeshay Kuma wada qalaadeen haddaad mar is qaniintaane Qiyaastaa anoo kuu maray oo qodobna kuu sheegay Qofkii raba wanaagoow waxaad qabato aan dhawro ---------------------------- 34. SALEELLO 1974 Kor aad Gabaygan Salleelo wuxuu abwaanku tiriyey 1974kii, wuxuuna joogay xilliga uu tiryey Hargaysa. Kolkii uu Xamar dawladdii ka talinaysay ka quustay waa kii Cabdullaahi kasoo jeedsaday Diridhaba iyo Herar, xukuumaddii Maxamed Siyaadna mucaaradka culus ku noqday. Wuxuu gabaygani ka mid yahay gabayada uu xilligaa dambe wax ka badalay isaga oo meelaha qaarkood si toos ah dawladii kacaanka ahayd ugu weeraray. Gabayga nuqulkiisii hore iyo kan dambeba waxaad ka helaysaa bogga maqalka ee rugtan. Wuxuu yidhi: Anoo suursanaayoo waxbadan, saami heli waayey Oo surinka maanso u haboon, la iga saynsaabay Markaan eego saaciyo xilligga, sawdka dhalan doona Sinta maalintuu soo dhigtee, sararta ii dhiibto Surmaseegto wow diidi jiray, inuu sinbiidhaaye Caawana bal aan meel ka saro, taan sidayn jiraye Hadal sugan Illaahay samee, waana suu yidhiye Salaamadii runtuu ina tusiyo, lama saluugaane Suuradaha Qur’aankiyo markaan, sadaradii eegno Qof waliba intuu socon intuu soor, anfacan doono Intuu sabi cayaal dhali intuu sano, ee joogaayo Iyo saacaduu dhiman hayiyo, sababta mowdkiisa Rabbi hayna seejee in ay naari, soli doonto Iyo in janadii suubanayd, la iska siinaayo Illaahii samaystaa yaqaan, suu u galayaaye Saamatadana kii raadiyee, sabana gaajooda Safrad iyo baqoolo iyo lug iyo, suudi iyo guure Sadaadiyo kulayliyo wuxuu, silic ku doonaaba Hadba libintuu soo saar lahaa, waxay sinbiidhaaba Sakal adag waxay kaga dhacdoo, meel ka sudhantaaba Ama ay salaadida martoo, samada aadaaba Saldhadaa waxay kaga jirtiyo, surin cidhiidhyoonba Wakhtigii la seejiyo cadkii, laga sagsaagaayey Mar unbuu xaqaa siinayoo, midigta saaraaye Saamaatadana kii raadiyaa, bari hadday seegto Mar unbuu xaqaa siinayoo, midigta saaraaye Hayeeshee sansaan bay rabtaa saa markay tahaye Wax waliba saraaday wataan, lagu sifeeyaaye Kolkii sabada ceelka aan dagnoo, siigo iyo boodhle Ooy subaxdu jiilaal tahay oo, sagal inoo muuqdo Tuska suudigiisu uu bataye, milicda soo saaray Daruur saalimaysana hadduu, dhinac ku saynsaabo Sadbaa laga inshaartaa kaliil, saymo iyo roobee Haddii kale cirkoo seeman iyo, samada oo qaawan Inuu sahal dharaartaa ku da’o oo, biyaha saydho Haba sugina saaxiibayaal, waa si aan jirinee Haddaan gabayga saab ugu dhexrido, saafan mahayaane Sheekadu salool ha u dhacdee waxaa salkeedii ah Soomalida Galbeedeey ogoow, waad siloon tahay ee Saantiinii oo muuqataad, sogordohaysaane Sharaftiinii baad suuliseen, oo siyaada ahe Bal maahmaahna waan kuu sawiri, saad ku garataane Idahaba saleeligu intuu, saaran kari waayo Sumalkii riyana seegay baad, saaka noqoteene! Tu labaadna aan kuu sawiro, saad ku garataane Sarsarka iyo hashii labada geel, soof kuwada raacday Ee bahalku seeraha ku dilay, kama sokaysaane! Bal tu kalana aan kuu sawiro, saad ku garataane Saalada intay labada wiil xerro, ku saameeshay Soo gurro markuu taada yidhi, sabigii dheelaayey Saami weyn yarkii diiday iyo, sacabkii oo buuxa Ee siddoo aan ku raaco yidhi yaa, sidiina ahee! Mid afraadna aan ku sawiro, saad ku garataane Saddexdii la yidhi Eebaheey, suuro galin maayo Sancadiina saawayn kartaa, laga saliilyoone! Duul yahoow wax baa idiin sanqadhay, sararo waawaynee Malaha daalin baa indin sixrayoo, waabad salasheene Nin waliba intuu suudh xidhiyo, shaadhadh wada suuf ah Oo kabo sagaashana gatiyo, saacadii gacanta Sargaalayntu waa idiin bilaash, ama santaagaase Sarifdoon idiin maba ekiyo, gabadh salaaxoode Waaba ceebtan lala soogan yahay, suuqyadaa Xamaree Waa ceebtan lala soogan yahay, suuqyadaa Xamaree Dhulkiinaa sanaadigu furtay ee, lagu safaadaayo Dadkaa sir iyo caad xoolihii, laga sabooleeyay Ee siliga lugu meerin ee, cadowgu seeteeyay Ee soor macaan laga dhigtay ee, aad u saxariiray Ee kii siqsiqa maalinkaa, hoosta laga siibay Ee sogob baruur baan rabaa, ama sicii naaxay Iyo subagga ii keen intaa, loo silsiladeeyo Saldaniyo haddii aad rabtaan, saajacnimo buuxda Suud iyo ha meeraysanina, Soolashii Bariye Socdaalkii Hargaysiyo Burcana, how sawaalina ee Haka suginna qayrkaa inuu, kuu sasabi gaal ee Ergo kuguma saacido ileen, wiil ku saanyadayee Shardoo nacabka Say-dheere iyo, saanad lala doonto Seef iyo bilaawiyo shardoo, salabka loo qaato Suryaduu maraayaba shardood, soodhle kaga shiishto Sanbabada shardood kala heshoo, sarartu dhiigowdo Adigana surkuu lugu jariyo, sabaro naafooba Iyo suxuladaadoo jabiyo, seed ku kala booda Shardii ood naftoo sirinsirqa ah, toban sagaalayso Soomalidda Galbeedeey filkiin, lama sin maysaane Isticmaar sutidoo loo qabtiyo, siin aad kaga keento Sanahaabadaasuu ku dayn guushuu kaa sidda ee Adigana suncadii kaa luntay baa, sacadaa iman ee Markaasay siqiirkaad dhashay iyo, sabigu noolaan ee Sidaan idhi haddaydaan wax badan, saahid ku ahaanin Xornima aad saleela u heshaan, idinka oo seexday Waa tii saancad laga qaado oo, lugu sumoobaaye --------------------- 35. SHAAMAREER Kor aad Cabdullaahi Dhoodaan wuxuu gabaygan tiriyey 1977kii , isagoo jooga magaalada Dhagaxbuur. Waxaa la wariyey in ka dib markii jabhadihii xornimo u dirirka ahaa ee Soomaali Galbeed iyo ciidamadii qalabka siday ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen badanka gobolkaa, meelo badan oo dhulkii la qabtay ka mid ah in bililiqaysi xumi ka dhacay. Dhagaxbuur oo dhulkii gacanta Soomaalida soo galay ka mid ahaa ayuu Macallinku isla maalmihii la qabtayba yimid. Makhaayad caan ahayd ayuu qaxwe u doontay. Makhaayadii markii uu galay ayuu waayey meel uu salka dhigo. Minqaxwihii ayuu waydiiyey "war wax lagu fadhiisto meeshu miyaanay lahayn?" Isaga oo aan garanin ninka su'aasha weydiiyey inuu Cabdullaahi Dhoodaan yahay ayuu wuxuu ugu jawaabay "lahayd ee, ciidamadii dhulka soo galay ayaa na boobay oo bililiqaysi ba'an noo gaystay ee meelahaa iska saldhayso, ama istaagaba ku fiiqso koobka shaaha ah." Macallinka oo ogaa falaadxumada dhulka ka socota ayaa meel iska kadaloobsaday. Isla kolkii uu fadhiistayba, waxay indhihiisu qabteen dhallinyaro door ah oo daasado shaah ku cabbaya. Waa daasadihii ciidamadii Itoobiya ay ka goosteen jiscinkii hilibka iyo nafaqada kaleba lahaa ee ay intifaacan jjireen. Haddaba, dhalintii meesha ku shaahaysay mid ka mid ah ayaa Dhoodaan gartay oo intuu u yimid ku yidhi "Macallin, xornimada maad maanta ka gabaydid?" Wuu yara muusooday, Macallinku. Bililiqaysiga, dadka la marin habaabiyey, danaysiga gaarka ah, qado kusoo tuugga, iyo khayaanada qaran ee lagu hayo shacabka ayuu dhooroofay kolkaa ayuu Shaamareer tiriyey. Isaga oo meelo badan wax ka tusaya shacabka Soomaali Galbeed ayuu wuxuu yidhi: · Shilka dhacay shaqaaqada dhulkiyo, shaarubkiyo boobka · Waabeeyo shiilka u bartiyo, shuushka hadhi waayey · Ragbaa shaash libaax leh iska dhiga, waana shurunshuure · Shaxshaxdu waa bilaash iyo, tab uu shariirsado e · Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye · Shooba shoobadii Xamar kolkay, shaandho nagu miirtay · Hargaysaba shux way naga heshiyo, shuuqsi maalka ahe · Ogaadeenya waxa shiiqiyaa, waa shirkadahaase · Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye · Gabayadaan shareeraayey ee, waayo badan sheegay · Cidna haatan kama sheelayee, waw sharaxayaaye · War sheelsheelin mooyee hortii, maba shihiidayne · Saakaan dagaal iyo shirabi, weerar shaaximane · Shaqalkiyo rag waa inaan shibane, kula shabaaxaaye · Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tumiye · Shafeecadii ka qade Xaylihii, sheemay nolosheena · Shar Soomaalibaa noo badalay, oo shaxeex kulule · Shaamareer ma haysteen, hadduuu shiri Ogaadeene · Shucuurta aan xaqiiqada ogayn, lalase shoocaayey · Shinbir weeye taa malabadaa, sheedda ka eryoone · Ragga shilinka Soomaaliyiyo, shuumidda u jeeda · Ee shuuriyee alloomee dhulkee, sharac Allee diida · Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye · Shariif iyo Absamaha kaliyo, nimanka Sheekhaash leh · Shufti waalan mooyee waxaa, shaac bax uga dhaartay · Xeebtiyo Shalaanbood waxaa, shuuro kaga beertay · Waxa ii shaqee yidhi intuu, shilimo qaar siiyey · Sharcaa loo sinaan waxaa yidhoo, hoosta naga shiiday · Waxaa sheedda maad naga tusoo, laabta naga shiishay · Shansho iyo tagoog waxaa jabshoo, shirixsi noo laayey · Runta keenii sheegana waxaa, Shabaqle fiid saaray · Shib ahow waxaa yidhi anaa, kuu shaxaad tegiye · Oo shuruflihiisiine yidhi, shawshab taladooda · Soomaalidaa ladaba shaanbin, ee cuni shabaabkiiye · Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye · Shunbul raacii Soomaaliyee, dhaax na shabakeeyey · Shawahaadii bay nagu rogtiyo, been la shaadibo e · Sholdho’aysan maysaan ra’yiga, galay shafkiiniiye · Shanqadh inagu duullaan ah, baad sharaf u yeesheene · Shaamareer ma haysteen, hadduu shiri Ogaadeene · Kolba shaadhkii Xamar wiil sitaa, shuush nasoo galine · Rag dadkayga shaanshaan xilliyo, shalaw ka tuuraaya · Shaahay isiiyaanba waa, inaan sharaystaaye · Badowgaan shakiyin ee sadkaa, shaarubta u feedha · Markuu ceeb shin dhalada u taguu, dib u shalaytoone · Oo waa shamac nin qooshtiyo, anfaco lama shifaystaane · Shalaqooti bay nagu ridi iyo, shawli gudihiise · Dushay naga shammiitayn si ay, nagu shifaystaane · Anna siday tolkay ugu shacturi, shuufay cadawgaase · Shuraakaa makrigii boobtayoo, shaki lagu soohye · Shar-ka-cawdu jaan baa watiyo, magacii shaydaane · Shiiniyo waxaa lagu baryaa, shaababka Carbeede · Rag baa kaga shukaansada Qarbiga, shaati iyo soore · Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye · Shaamareer ma haysteen, hadduu shiri Ogaadeene · War aayaha shukada loo gashayee, sha’nigu muujay · Shiqinnimiyo tuugadu ma galin, shalayto Soomaale · Dharaartay xornimo shaawirtay, xeel shintiriyeene · Oo shinniyayntii buu la askunnaa, weerarkii shalaye · Shacbigay dhaceen iyo dadkay, naga shidhaysteenba · Shuqul xumaddii hoosaa ka daran, sheexi mahayaane · Xataa shibilkaaba noo dawladayn, ama shifeerkoode · Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaricaan tubiye · Shaamareer ma haysteen, hadduu shiri Ogaadeene · Inay shabakad dheer daadsatayoo, nala shirqoolaayey · Calanka ay shan Soomaaliyeed, noogu shaabahato · Shabeelada maxaa laba ka dhigay, sheedda kala haysta? · Summadda xaashiyaha lagu shaqliyo, shiidka dawligaba · Shantay calanka siiyaan, maxay shaabbadu u wayday? · Markay shukaanta laba yeelatiyo, shaal xorriyadeedeka · Saddex baa shixnado loo qasdiyo, shaagga boodhka lehe · Sirtaa shayba caynka u rogtay, shaahido arkeene · Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaricaan tubiye · Shaamareer ma haysteen, hadduu shiri Ogaadeene · War shiidaadintaa boobka ay, nagu shifaysteene · Shillal bay na saartayoo caqligay, noo badali shaybe · Shirix iyo Soomaalaa boqnaha, shaaldo nagu goyne · Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye · Shaadali sidii oo kalay, nagu sharaabeene · Shashafada sideediyo baruur, noo shariirsada e · Aroorkaan Shilaabo u wadnay, Shilindi geeyeene · Soomaaliyaa shidaadine la eed, shubidda geeliiye · Kol hadday shidaaradi gashana, damacii shaashoowye · Tooda nimaan shishlaynoo dagaal, kugu shuqaynaaya · Shakaalkaa inaan ugu jirraa, waw shirbiyo guule · Shardi weeye xaajada inaan, di b uga shawraaye · Shamsada Bari Shaxdiyo Ayshaciyo, sheedda Harar oo dhan · Shakooraha Sidaamiyo Hawaas, Shaakis iyo Baali · Durur shalaxle webi shawle iyo, togaan sharuur beelin · Wax ku shaakhsanaa iyo haddii, loo shalwado Koonfur · Dhulkaasaa shubbaantii lahayd, shawshabtaa Xamare · Shucuubtaay ka fiirsoo haddii, layska shabin waayo · Shuli-haaluf beeshoo ah iyo, waa shuf taladiine · Annigana shakhsiga ii dudoow, maad shudada dhawrtid Si aan taariikhda gabayga u saxo waxaan eegay buugga Garnaqsi ee uu qoray Maxamed C. Gurxan ------------------------------------ 36. TAKARTII MAROODIGA Kor aad Caqli gacalkii toosaa fakara nolosha toolmoone Maskax tacajibkeedii batayoo tamani ooyeysa Oo cadha la tiicdaaba waa taydan oo kale Tafantoof dadkeenuba siddii loo tafaafulayee Tahantooge oo waa tabtay ii tawaliyeene Ragbay wali tabaysaa hadday soo tircinayaane Talalkiyo catowgiyo ilmadan iga tiflaynaysa Siddii tiixa roobka ah waxay iiga tibiq laysay Owr taabadiyoo daaqi jiray tooma doog bixiyey Jirri inay taftaaftay baan arkaa dhiiga tey kalehee Jirri inay taftaaftaan arkaa dhiiga tayga ahee Tafta dhuuga miirtiyo huryada garabka tuutaysay Wali dhabarkii kuma teedsanee shaarubteey timidee Afka muu u kala taakiyoo timir sideed ruugo Labadaba, aheey way ka talantaalidee lama tahdiideene Aheey way ka talantaalidee lama tahdiideene Talalkiyo catowgiyo ilmadan iga tiflaynaysa Balaayadan I taabo leh miyaan toosin kari waayey Taariikhda Nuur Jiir siddii looga soo tabiyey Mar uu taakhirkaaygaa galay buu ciil tawaawacayee Tanaa taxadka uga sii dhow oo tahan ka sii dheere Inkastoo taxgalin ay rabtayoo tooxna lagu sheego Tabar xoogu ma ahee ileen garashadaa taag leh Tanfaraaraq mooyee hadday dhimato towfiiqdu Tashi qeyro waydaa ileen taaba galin mayso Rag hal taa ah toodii ka dhiga ama takooraaya Tilmaantiyo markhaatiga ileen kuguma taageero Tab uu laasahaaga u dhurtiyo tuugo nin u jeeda Hurduu kugu talaaliye ileen toos ku odhan maayo Maska iligta kugu tiifayee kaa turquday dhiigu Tashaq micida kaa tidhi ileen kaaga turi maayo Nimaan teerigaagiyo jeclayn toori aad xidhato Tunbukh iyo ileen kuma yidhaa tobanle yaal iibso Tukashada iblays kaa duwiyo toobadkeenimadu Ma taqaanid mooyee ileen kheyr ma taban taabsho Indha lagu turbaayaa ileen tuug iskama dhowrin Tuxsadaada shiishaa ileen toogti lama seego Taraan geel irmaan kii carrada igu tiraabaayey Tuluda u tarmaysiyo ileen tooyad ma iloobin Dadkii maal turaabta ah laheen taajirba ismoodin Caydhuu ii tagaabee ileen kuma tabiinaysoo War maansadu tastuur bay heshayee kuma taraarsiine Waxaan toobiyeyniyo halkay gacan toglaynayso Tuduc gabay ah uma taawiloon ama tix geeraare Indhawaydba hadalkaan tidcaa waa tabaantabisee Kana looma tixin saad hortii igu taqiineene Tirtirsana tawaan uma hayee waan tartaarsiyeye ee Siday haatan iga taagan tahay waa tol la’ayeeye Oo takartaa maroodiga liqday baan soo tuf leeyahay Anna tiriyey maansee kuwaan ugu tayaagooday Agoow tuubadii lagu jaqiyo talaxtagii moogee Tatab iyo laxaadoow hadaad ii tukubi wayday Taageeradadaan Allow tiigsan waligeyee Taladay Arbaca toomantayoo taar Allaan diranee Tubta nolosha loo sii mariyo toorahaan damacnay Tugtug rooni ma ahee Allow noogu tali guusha ---------------------- 37. TOOSOO KACAAY 1962 Kor aad Tartiib laguma karo duul hadduu tiif u yuurure e ... Tusbax baa la qaataa haddaad toobad keen tahaye Tiixaba waxaa lagu sugaa roobka tooxda lehe Tooruhu wuxuu kugu ridaa tubaha waaweyne Way taajiraayaan dadkii tacab badnaadaaye Talaabada yar baa lagu bartaa tawda boodada e War toosoo kacaay Xabashi waa lagatamaynaaye Talo san iyo beel ayatiin loo jitaabinayo Tastuur iyo waxaa lagu dhaqaa marinka toosoone Qofba waa in lagu toosiyaa takhasuskiisiiye Ku qabiil tikhraar ugu jiraan lagu tanaadayne Tafwareemadkii iyo kufsigu ina tahluukeeye Tartan madaxnimaan eednay iyo maamul tuugo ahe Khasaaruuna tiinbaday raggii taakulee yidhiye Kolkaasaan tacliintiyo cilmiga lagu tanaadayne Tu kaleeto oon uga tagaan idin tusaayaaye Tiilaal habad ah waa taan noqdoo la iska tuugsado e War tood laga samriyo haatanaan toojo soo bixiye … Isla taasintiina wada oo hoos u tamashleeya Kolba teembo joogsada haddana taako socodsiiya Si’aad taashka Xayle u ridaan ugu tartiibeeya Tabca sudha tumaatina la dhaca oo tafaha xayta Oo Xabashi baa ina toshee tuulimada siiba Oo toosoo kacaay nolosha waa lagu tanaadaaye Su’aal meel idiin taagan baa tan ahe Jawaabteedi oo togan haddaad garato soo tuura Turqin iyo nin taxaliishi iyo boogo lala taaho Tawi iyo tuf dhiigroora iyo barar la tiiftiifo Wax tirtir iyo tuutuujin baad kula tacaashaaye Kob la taabto ama lays tusaad tab u dawaysaaye Sidee loo tadaawali karaa tows cagliga haysta? Kuguma aanan tiiqtiiqsan oo waaban kuu turaye Meeshay ku toosnayd macnaha ugu tantoomeeya Haddii kale waan kala tagnaye aniga hay tooyan ………….. Gabaygani aad ayuu u dheeraa xilligii uu soo baxayna siddii Daadkii Xaabaale ayuu mar qudha ugu faafay dhamaan dhulalka ay Soomaalidu degto. Bal soo dayday oo haddii aad hesho isagoo dhan fadlan noo soo gudbi. --------------------------- 38. TUSAALE Kor aad Tusaale wuxuu abwaanku tiriyey Jannaayo 1970kii, Muqdisho. Gabaygan dhexdiisa wuxuu Macallin Dhoodaan ku muujinayaa afshaxannimadiisa xagga gabayga, dhaqanka, afka, fanka iyo suugaanta guud ahaanba. Wuxuu xidhiidhiyey maahmaaho Soomaali ah oo badan oo uu kasoo saaray gabay qafilan. Marka laga tago dhawr kale oo uu Dhoodaan tiriyey oo kan u yara eg, gabayga Soomaaliyeed wali kuma arag gabay noocan ah maxaa yeelay aad ayey u adag tahay in kuwa noocan ah abwaanku tiriyo. Waxyaalaha gabayga lagu qiimeeyo waxaa ugu horreeya xikmadda ma guurtada ah ee uu gabaygu reebo dadkuna soo qaato markii ay u baahdaan inay qodob hadalkooda ka mid ah xoojiyaan. Aftahanku wuxuu qodobka doodiisa ku badhigantaalaa maahmaah munaasab ah, sheeko xikmad ah ama meeris ama labo gabay ah. Aad ayey Soomaalidu u qadarisaa haddii uu gabayaagu maahmaahdii, xikmadii iyo gabaygii isku dhafo oo uu ka dhigo meeris gabay oo uu qofku isticmaali karo si uu hadalkiisa u xoojiyo, u qanciyo dadka dhagaysanaya uguna muuqdo qof waxa uu ka hadlayo aqoon dheeri ah oo dhaqanka ku aroorta u leh. Haddii aan rabo inaan saaxiibkay si habsan u khilaafo anigoo tusaya inaan kala aragti duwannahay, arinta markaa laga hadlayana aanaan si u wada arag, waxaan odhan karaa 'saaxiib Weerarow arintaa waan kaa diiday.' Haddiise aan rabo inaan doodayda quweeyo oo aan qanciyo dhagaystaha waxaan soo qaadan karaa meeris gabaygan ku jira oo waxaan odhan karaa "Cabdullaahi Dhoodaan ayaa horay u yidhi 'nin wixii la toosani mid unbuu, tuur la leeyahay' e aragtidaa Weerarow waynu ku kala duwannahay" Haddii doodu aniga iyo Weerar naga kululaato oo aan doormoodo inaan saaxiibkay ku tilmaamo inuu yahay nin madax adag waxaan odhan karaa "Weerarow waad kani adag tahay ama macangag baa tahay." Haddiise aan rabo odhaahdaa inaan qurxiyo nin dhaqan aqoon ahna aan u muuqdo waxaan odhan karaa "Cabdullaahi Dhoodaan ayaa horay u yidhi 'dhagaxse taabashiyo tuujin iyo inaad tantoomayso, saddexdaa middaad ula tagtaa waa isugu taage.' sidaa awgeed Weerarow qodobadii doodayda waxba Alle kama aabaynin oo ma aadan qaadanin" Sow ma aragtid farqiga u dhexeeya labada nooc? Waxaan aad u jeclaadaa gabayada noocan ah markii aan arko wax macno darro ah oo maalmahan dambe batay oo dadka qaarkii waa gabay ku leeyihiin, asii cantarabaqash uun ah. Waxba yaanan hadal ku daalin ee adiguba Tusaalihii Cabdullaahi Dhoodaan aad u dhuux. Wuxuu yidhi: Inaan tiriyo geeraar markay toogo ii qabato War taariikhahaan fiiriyaa saacadday tahaye Kolkii uu teembadii iyo wakhtigu kay isugu tooso Halka tuhumadaydu jirtaa gabay ku toogtaaye Saakana midaan taaban waan sii tilmaansadaye Tulud baratay laba geel dhurwaa suu tafta u laaco Awrkii tagtooy ahna libaax suu u kala tuuro Ama tuug dharaartii la helo saan u turuq goyno Ama taarkii loo dhigay dawaco say isagu taagto Ama taqalka qoortii la sudhay say u tananayso Dabeed habarta naysheeda tabi say tib ugu boobto Taariikhda saas ah oo miyiga taallay waligeedba Tabtaas oo dhan ooy tahay baad wada taqaaniine War maahmaah tisqaad ah baa jirtoo aanan talaabayne Murtideenii toosnaydna waa in aan tixraacnaaye Ninka yidhi qof tiisiii dayacay tallo ha waydiinin Qayrkaana wixii u tabcado taranso oo yeelo Tubtuu mara lahaa iyo kolkaa wuxuu tilmaamaayey Waa qaryrkiin ha tuugina macuhuu taaban hadalkiiye Dhagaxse taabashiyo tuujin iyo inaad tantoomayso Saddexdaa midaad ula tagtaa waa isu taage Nin wixii la toosani mid unbuu tuur la leeyahaye Oo waanada abuurkaa tirtira oo ka tabar roone Qofka aan tirininse maalkiisu waa wada tasoobaaye Maradiisa kaan tolan dhaqsay uga tifmaysaaye Ka tashiilan waayana ma dhalan suu ku taajiro e Anoon toobiyee hadalka iyo tooxsi uga jeedin Taasina runtay inay tahay baad wada taqaaniine Tafaraaruq nimuu gaadhay oo bari tabaaloobay Rag murtida tafniidaa wuxuu jeer kasoo tabiyey Dadkaygu baahi buu talaf la yahay waana caydh tubane Tartiib xumana maalkaygiibaa teer ku baylahaye I taageer oo gacalkayoow yey la talinaaya Talankiyo ninkaa Xabashadii taxadka gaadhsiisay Tacadi buu wixii mutaye uma timaadeene In tabaabushiyo beeshu ay dhaqashadii tuurtay Ooy waliba taab gaaban tahay idin tusaysaaye Hadday shinidu malab toonsato oo meel tif kaga siiso Intay tuduc walaalo ah tahay eey toobada u joogto Geedaha taraxan kama naqaan mid ay ku taalaaye Markayse talaqi guurayso eey balo taftaafayso Tu waliba anaa talin hayeey kob isla taagtaaye Markaasay dhawaaq tay odhan midiba taagteede Xiinkeedi baa u taga dabeed cadow ka taag roone Oo reerkay tigtiganaysay baa toobke loo guran e Sidaan loogu turin baa dabeed wada taqaaniine Hadal lagu tuntaa meel shishuu kula taraaraaye Ninkiise taag leh waa kii la yidhi tahar buu goostaaye Soomalida taxaabkiyo tabciyo tuur qabsiga keentay Turuq sheegadkeediyo waxeer lays tumaatinayo War taashkeedii noloshaa intaa loo tartamayaaye Dadkiise taag yaraan lagu arkaa tuubo loo ridan e Soomaaliya rag bay tabi inay taabka galiyaane Tuugiyo badheedh cayn kastay noo tamadiyeene Hadal lagu tuntaa meel shishuu kula taraaraaye Taagtiyo tawaankeen haddaan badino towfiiqda Itoobiya in ay ina tixgalin yaa tolaahayahee ----------------------------- 39. UGUMA MAADEYN Kor aad Markay macanjileeys yeelatay, marin haboowdaaye Markii mudanayaal iyo marwaba, taa la maqashiiyo Soo maca dadaalkii markaa, looma mucurtoonin Dagaal lays maqiiqiyo colaad, maato doox noqotay Mir cawaysin mootaha digliyo, miino qarax weynta Mindiyo magliga laysku dilo, ama magaageeda Wax la midoo ka meecaano culus, maanso dirireede Manfac kuma leh midho loo badshiyo, kays marjinayaaye Anigoo malkadii kaa tusayoon, gabayga miisaamin Hadal lagu mashquulaba anoon, idinku miidhaynin Menad dufa tuduc ahna waan, soo magaa’imayee Maawelo kii sugahayoow, waa masalo dheere Ummad lagama meehaahi karo, kii madcuulna ahe Murtadkiyo ma kafaaruhu way, wada dhexmaaxaane Malaanmali af-miinshaar ahaa, idin muqlaysiine Managaduhu waa muush ciidda, mirishdhabaayaaye Xornimana wax kala muuno roon, inaad macsuuntaaye Naftii-hure mintidyaan arkiyo, xuud mushkiladayne Maduud yare maragtii baqdayoo, meehanoow filaye Marmarsiinyo doonkii cabsaday, malag ha qaateene Malafsadaha maaxdumi ha dhuro, miida beenta ahe Baq maacuudi buu taabici, oo masayrsane Mur haynoo walaaqeen kuwaan, malabka siinaaye Muluhmalahdaa laynagu makalay, haba la meereene Minja-xaabinteenii basaas, haw mir-kaco fiide Mas’uulkii canaadtami jiriyo, macangag yeelkoode Kolkay miirdillaacina Allaa, maamulkeed garane Miraa Maxamed saa u galay, ama labays maagtay Maamuus dhac weeyaan haddii, madal la joogaaye Waa waxaan afkaygana marayn, moogga haatan ahe Mutuxaadna uma baahanee, waan maldahayaaye Mucyilka u leeb waa midho berdiyo, maro hagoogaase Makaytana wuxuu yidhi kolkuu, berigii maansooday Maleegiyo Amxaarkii diroow, waaba noo mahade Oo mooraalka weeyaan hubkuye, Ruush ha moodine e Isna sheeg run aan midhif lahayn, Eebahay magane Shantu inay midoobaan kuwii, loogu muctisooday Muqdishiyo Hargaysaba dantii, lagu mataaneeyey Madaxtooyadeediyo shacbigoo, midig na siinaaya Haddaan beenna loo kala maqnaan, soo midh bixinteeda Waa inaan ma kala maaranee, meel isugu gayno Mabda’ eena guud waa ta saa, lagu muddaysnaaye Musuqiyo madhoodhaday wataan, macallin shaydaanku Madmadoow xilla igula jiriyo, maandhoow talo seege Kuwa macandideenii ku manay, Mooskana u yeedhay Maamuustii Soomaalinimo, inay na maydhaamin Mayalqabe kadeed baan rabniyo, hawl masaafo lehe Milayganina yuuc buu ka yahay, inaan milkownaaye Marxal dhaafay baan taaganahay, goor aad murantaane Naf meeqaan xun baa nooga daran, mootanaanshaha e La meerayso ciil waxaa karoon, mayd inaan nahaye Midna wuxuu jeer fog yidhi, laguna maahmaahay War ma dhabannadaydaa wajiga, lagu murmaayaaye Iddinna manaamadin marooree, maalintii Axadda Adduunyada mardabo waa jirtiyo, boob muquunsiguye Waxaa murugo iyo qoomamiyo, maaqashiyo ciil leh Maskax iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liitay Markuu adiga sharaftaad lahayd, kaa maroorsado e Malow bee mayrigii aadmigaa, maan wareer dhaliyo Markii lays mahoobiyo wataa, mawd ka xoogsadaye Maxmaxaysatadii Cawke yidhi, teer ku miidhaniba Mar kastaba dhac muuqdiyo hadday, maya la fiicnaatay Ooy magacii Soomaalidaan, kaa maldihi joogto Sidii loox aad maydheen iyadoon, loo masixin teeda Haddaad moobarayn kale gashaan, madhasho yeelkeede Markhay wayga duuf iyo xarrago, inaan mushaaxaaye Majaraar-dillaac baan warqado, maalmo sii qoriye Saddexdii markhaatiga noqday ee, magac rag uu yeelay Mindi xanaf leh baan qaadanoo, meeshii kaga goyne Maxaa yeelay ceeb maaxatay baan, ugu jiraa moole Madadaalo waxaan looga dhigan, maansadaan tiriyey Inay muusonow tahay waxaan, kaaga marag yeeshay Madluun baan ahaye sidan mujtamac, uguma maadeyne Maroor baan arkaye sidan mujtamac, uguma maadayne Tixraac: Garnaqsi: Maansadii C.M.A Dhoodaan. Qore: Maxamed C. Gurxan ------------------------- 40. UNEEXO 1962 Kor aad Uneexo wuxuu soo baxay bishii Noofeember 1962kii, waa Hargaysa. Kadib markii Xisbigii Nasrullaahi ee gobolka Soomaali Galbeed ka halgamayey ay afgambiday dawladii Soomaaliya iyadoo isticmaalaysa miisaaniyadii Jamhuuriyadda adeegsanaysana rag laga soo abaabulay Muqdisho Cabdullaahi Dhoodaan oo xubin firfircoon ka ahaa Nasrullaahi waa kii ka gilgishay aad uga dagaalamay. xumaaday majarahabaabinta iyo wahanka ay madaxdii Jamhuuriyaddu ku rideen halgankii xalaasha ahaa ee gobolka ka taabagalay. Kolkii afgenbigii Nasrullaahi hirgalay, magac cusubna ururkii loo bixiyey ayuu Cabdullaahi Dhoodaan ku mujaahidiin jabhad ahaa oo tababar ciidan loo u doontay Soomaaliya. Wuxuu Dhoodaan aad uga cadhaysnaa af-genbi ay ku samaysay dawladii Soomaaliya xisbigii xornimo doonka ahaa ee Nasrullahi ee gobolka Ogaadeenya ka halgamayey. Af-genbigaas oo ku riday ururkii iyo madaxdiisiiba kala biiq biiq iyo wahan ay kasoo kaban waayeen. Dhoodaan isaga oo canaanaya ragii madaxda ahaa ee siyaasadii ururka ee xilligaa u cirbixin waayey, qaddiyadda guud iyo halgamaayashana guubaabinaya ayuu gabaygan tiriyey. Waxaa kale oo uu abwaanku ku hanjabayaa in haddii arinta sida loo dhaami waayo uu meel hor leh ka bus kicin doono, midda uu dhigana mar dhagaha faraha la galin doono. Wuxuu dulqaataba, markii uu xaqiiqsaday inaan dawladihii kala dambeeyey ee Soomaaliya inna wax naruuro ah u haynin halgankii Soomaali Galbeed ayuu ka dhabeeyey hanjabaadiisii. Lix iyo toban sano ka dib gabaygan, bishii Maajo 1978kii ayuu Macallinku ka uruursaday Xamar oo tagay magaalda Herar, mucaaradna ku noqday xukuumadii Maxamed Siyaad gadhwadeenka ka ahaa. Gabaygu ma dhamma, inta aan haatan helay, wuxuu yidhi: Amxaaraa dhacaysoo inagaa dawlad dhalin doona War Soomaalibuu soo dhaw yahay dhamacdii ay haysay Idinkuna dhexdiinaa xumaan aad isaga dhawra Sidaasoo aan dhiidhiya ku daray tii aan dhaadhiciyey Kolba wiilashii loo dhisiyo madaxdii loo dhiibo Hadday tuug-dhurwaaliyo noqdaan reerka mid u dhaansha Inta dhawranaysaana soow kala dhaqaaq ma aha Oo Dhoodaan khasaaroobay soow layga dhigi maayo Dhaaxaan cabiid qaatay oo dhiba i gaadheene Dhegebsiyo in dooraan lahaa dhagaha sii daaye Idinkuna raggaan dhawrayoow nama dhaqaysaane Nin waliba dharaar sawd macaan weyga dhamayaaye Dabadeedna meeshaan dhisnaa kay iskaga dhaafye Sidaan gabay ku dheerayn lahaa dhuganba meysaane Kolaan Xabashi Dheemiyo Hawaas dheefta kula quuto Oon dhibi-shaxleeyo oon markaa hadal xun soo dhiibo Oon dawladeena oo dhan iyo duni ku dhoobaysto Dhabbayoow kalaan doonayaa inaan ku dhoofaaye Dhayal laygu haasaawo iyo maanso loo dhidido Iyo qoorta soo dhiibidii hayga dhawrina e Dhay baan lisaayee haddaan dhoobo qodayaaye Dhalinyaradii rooreeysay baan dhaca odhan geele Labadii is dhuun goyn lahayd waa isagu dhiibe Kolba dhagar ninkii doonibaan dhaan u rarayaaye Kusoo dhowra ceebtaan dhigaa waa mid loo dhimane Dhanqaryada walaalkeenba waw dhidid kulayl laaye ……………………………………………………. Haddii aad heli karto ama aad og tahay meel laga raad goobi karo fadlan nala soo socodsii. Mahadsanid. 41. UUS DUUGAD Kor aad Dirqi gabaygu kuma fiicaniyo, waan darooryamiye Kaga dayasho door kumanoqdiyo, xaraf la doodoone Duxna kuma leh dheef lagu dalbiyo, ugu ducee ruuxe Dardarsiintu waw darantahaye, marindaygaw uroone Darsi ma aha la is baro xigmadi, way da' weyn tahaye War waa deeq Ilaahay baxshiyo, doobir gooni ahe Sidii hees la daran-dooriyiyo, koox la dananaysa Dad markuu darbuugado murtida, kuugu daadihiya Durbaan muusik ima daahiyiyo, duul xafida wiige Dumarna kaygu uma baahna iyo, daasad loo tumo e Dusha iyo haddan saari jiray, duud guradeeda Daldalaadii hore haatan waa, inaan ka daayaaye Gabayaddii aan duuduubi jiray, waan dabcinayaaye Maansada haddan soo dajoon, kaa dallici waayo Doqontiyo intuu ruux damani, noo qabsado daalac Dambigooda yey nagu dacweyn, garasho deel-qaafe Yaanan arartii kugu daalin waan, dooxi maansada e Afduub lagu raryaa iyo dirqiyo, xeel ku didiyaaba Duleedada Hargaysiyo kuwii, Xamar u daaduumay Durqun iyo dagaag uma kaxayn, umana dooleene Dacay iyo dulmiyo xoog raray, deyr ku galiyeene Dantase loo xaraystiyo macnuhu, nagama daahnayne Ujeedada aan soo daadajee, waxaan inoo doortay Su’aalaan daruuriyo xubnaan, meel ka daabiciye Jawaabaha diyaar ma u tihiin, soo dallicidooda? Dadkanaga dal kale qaar xukumo, dawladnimadiisa Duul shisheeye iyo qaarna waa, laaji dibadeede Hadday magacyadii kala duween, labada kee daw ah? Danoo iyo daleen soo qaxdiyo, caydh is daba liicda Dildillaacintiyo faalladaan, kuugu sii dariye Dun cas janana layliga dabliyo, darawal gadiidka Shibil daakhil rooriyo danjire, dibad wasiir aada Inta darajo wiil leh iyo kornayl, duuliye ah taagan Shaqaalaha wadani daacadnimo, loo dirdiranaayo Duqaydii dhashoo laajiyey, dacalla joogaane Wixii aabahood kala duwiyo, dulucudii yaa sheega? Sarkaal Danab ah madax doobisoo, dhibida daydaylan Dadkoodoo ajnabi duukhaya ah, kama diqoodaane Inay laba dariiq kala maraan, daw sidaw noqotay? Magacooda see u kala duween, duq iyo wiilkiisa? Dhalinyarada diirdiiraneey, taa ma laga dooday? Dibjir oday noqdoo lagu digtiyo, gacalka diifaysan Dumarkiyo darxumaday qabaan, daaman-ku-ciroole Dilka fudud dhalaan dabargu’iyo, jeel ku damug siinta Danqashiyo dareen iyo haddaan, doocba laga haynin Isma daboosha kaasaay dallicin, oon dugsanayaaye Daaqiyo dulaha ceelashiyo, doogga iyo rayska Wax kuu diidan oo durug leh, oo dibadda kuu saari Waxa kaaga daran eed og tahay, eed la dirirayso Adigoon dagaalamin haddaad, dood wax kaga weyday Daliil saas ah ruuxii hayow, kaa dafiri mayno Intuuse daallin baas kaa dalbaday, dumi arooskaaga Kol haddaadan suu kaa damciyo, danaha guud eegin Dawo ma lihid shaydaana wuu, kuu dabbaal-degaye Waxaad deydayeysaana waa, duunyo aan lumini Dadka iyo dalkiisaba maxaa, lagaga uusduugan ------------------------------ 42. WAA LA MULKIYEY Kor aad 1960kii bishii June ayuu abwaanku tiriyey gabaygan wuxuuna ka tiriyey madashii calan saarka ee gobolada Waqooyiga ee Soomaaliyeed. Codsi ayey usoo direen Cabdullaahi qabanqaabiyayaashii shirka, siyaasiyiin Reer Waqooyi ah, iyo salaadiin Ogaden ah oo wada jira ay kaga codsanayaan inuu ka soo qeyb galo xaflada calan-saarka oo ka dhacaysay Laan-mulaaxo. Siddii buu yeelay abwaanku gabayo badana ka tiriyey halkaa. Waxaa gabayadaa ka mid ahaa kan hoose oo aan intan uu hadda ka hayno. Wuxuu yidhi: Nimanyahow muraad gabay haddaan madal ka sheegaayo Hadalkii muctaad aan u noqdeen muhindisoonaayo Horta inaan ka maansoodo waa laygu maleeyaaye Mugga horase taan mooday baan magac u sheegaaye Qodob waliba waa ii mubaax kanise waa miine Kollay reer miyaad baan ahoo waan malaasnahaye Magaalana waxay ii ahayd maalin arageede Makaahiila jeer baan ahaa mini Abraahiine Ina Macallin baa la i yidhaa nin u muraad loowe Hadda midh SNL aan noqdee waa markii hore e Waxaan mnuhindisoon een haatan saa ugu muraaqooday Ee maanta mooyee ku jiray milicda Doolloode Mustacmaar xunbaa joogayoo la isku maandhaafye Oo waliba minanaaradaa muruqyo roonaaye Makhluuqaadkii maashaasi waa murugadaysnaaye Qalbigaa madoobaa oo laftay miridh ku yeesheene Muggood bay qabeen ciilse waa lala madluumaaye Mushtar oo dhan waa laga muxsaday maalkii uu wadaye Macatabyo hooya oo ka taga Maxamed diintiina Muslinimana sii daaya bay maya ka taagnayde Siddii kalase waa loo mulkiyey meheradeediiye Aniguna middaasaan jeclaa inaan ka muudaaye Dadku nolosha miigan hadduu maad u garanaayo Qof waliba middiisuu mindhaa maaradeed qabane ... Soo raadi inta maqan. -------------------------- 43. XAAJADII 1976 Kor aad Xaajadii Macallinku wuxuu tiriyey dabayaaqadii 1976kii. Wuxuu ka hor tiriyey guuto hubaysan oo ka mid ahaa Jabhadda Xoraynta Soomaali Galbeed oo tababar kusoo dhamaystay xeradii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee Qoriilow la odhan jiray. Waxay guutadaasi kusoo jeeday gudaha gobolka Soomaali Galbeed ama Ogaadeenya oo dhaqdhaqaaq xooggan oo xornimo doon ahi ka jiray muddo dheerba. Wuxuu ka mid yahay gabayada Dhoodaan kuwa loogu jecelyahay, waana gabay taariikhi ah. Wuxuu ku billaabay: 1. Waagii hummaajidu ahayd, halabadii guusha 2. Xaajadii huluulaha gashee, haatuf ka adeegay 3. Xaajadii halaagguba ka dhacay, ee huqdiga reebtay 4. Xaajadii hurgumadeedu ay, heerka culus gaadhay 5. Xaajadii hadhkii loo fadhiyey, geeda hoos badan leh 6. Xaajadii habeenkii ardaa, lagaga haasaaway 7. Xaajadii horseedkiyo ergadu, waayo ku harraaday 8. Xaajadii halyay daacadiyo, hanaddo loo soocay 9. Xaajadii cirroolaha hufiyo, hebelo loo doonay 10. Xaajadii markay hoga gashaba, la isku haaraamay 11. Xaajadii hagaag diidayee, lagu heshiin waayay 12. Xaajadii hirgali wayday ee, hadal ka soo daashay 13. Xaajadii hagoog iyo waxay, sir u hullaabnaydba 14. Markay hoos u jiidaan waxay, kor u hayaantaaba 15. Humse iyo waxay qoomamiyo, hibasho keentaaba 16. Belo ka hig lahayd iyo waxay, baas la huguntaaba 17. Markii heedaddawgii batayey, dhiidhi huri wayday 18. Hurdufkiyo haraatida markii, rag isku haaneeday 19. Ninkii libinta soo hoyi lahaa, hiilkase u baahday 20. Habarwacad kuwuu ula tagee, hilibka soo mooday 21. Ee horwaynka say ula dhacshaan, kaga hadhee diiday 22. Halgaaddii isaga loo wadiyo, hootadii nacabku 23. Nimankii hagraday maalinkay, hanatayee laysay 24. Habboonaatayey siduu u yidhi, jeerkii Gabay-hawle 25. Isba dhinaca hoomaydaybuu, maalintaa hadayee 26. Anna waa habkiisii waxaan, haatan leeyahaye 27. Maansadaan haloosiyi jiriyo, qayladaan huriyay 28. Haw liicinaay waxaan hayoon, dhab u hanuunshaaba 29. Marna Xabashi huura leh Lixlaha, kula haliilaaba 30. Marna hagar u daayoon rasaas ka haqab waayaaba 31. Marna badaw hunguri doonayaa, harag u jiidaaba 32. Marna haatuf been sheegayaa, hadal dhacsiiyaaba 33. Marna laba hadraysaa cidlada, ku hindisoodaanba 34. Marna horintii jaadka u fadhiday, male habeeyaanba 35. Marna kii dharaar loo hanjabay, uu ka haajiraba 36. Marna kii hublayn waayayee, heerkii lagu dhaafay 37. Soomalidu maxay noo hayaan, socoto haybshaanbee? 38. Hambalaalaqsanidaan arkiyo, hirarka ay fuushay 39. Iyo sidaan jid loo haysan iyo, hilinka ay doontay 40. Hiinraagga feedhaha waxaan, hiririgleeyaaba 41. Kolla waxaan hammiga fooraroon, hadalka daayaaba 42. Kol waxaan halmaan aawadii, huga illaawaaba 43. Kolla waxaan is haadraaciyoon, maadda la hintaabe 44. Kol waxaan hiyiga wayraxoon, gacal huruufaaba 45. Kolna hoobadnimo jiibiyo, gabay ku heesaaba 46. Kol waxaan higgaad ay fahmaan, hoga-tusiyaaba 47. Kolla tixaan higaagga u xidhiyo, haar ku dumiyaaba 48. Halgan saasa taaggay waxaan, soo huddamiyaaba 49. Waxay dhadiyo haydh-haydh madaw, ku humbullaataaba 50. Hummaaggaa waxaan fiiriyoon, daba huleelaaba 51. Dhankay ugu hubleeyaan waxaan, ula hashleeyaaba 52. Himbiriirsi oohina waxaan, daba hiqleeyaaba 53. Kol hadduu dadkaygaa hurdee, hoorri dhacay toosay 54. Horta anigu holacaan qabiyo, hibashaday dayne 55. Eeggaanan haadaa dhacayn, halacsi mooyaane 56. Oo naftii aan haaraami jiray, hiif u celinayne 57. Oo inaan hawoodiyo karaa, inaan hadaaqaaye 58. Nimanyohow hambaabiray haddee, heeganka u taagan 59. Hankakoobsanayee maanta saan, ugu hadhuub qaadnay 60. Inkastoon hannaanku u ekayn, kaynu ku hungownay 61. Himmadaan la soo boodnay waa, loo han weyn yahaye 62. Hayaankaan raraynaana waa, geeddi hawl badane 63. Dhexda inuu hadhsado kii rabow, waa ban hoolane ahe 64. Oo kii haro biya ah moodiyow, waa harraad kulule 65. Oo kii hoyasho guri doonayow, waa cidlaw hadafe 66. Oo kii hadimo diidayow, waa naftaa huride 67. Kii xoola haabhaabanow, kama hodmaysaane 68. Kii hadaaf xarrago maagganow, haaruftaad bixine 69. Hayeeshee halaaggiyo innagoon, halasahaa jiidhin 70. Hareer joosan maynoo filkeen, haybad naga roone 71. Hawd iyo Jabuutiba xornimo, waa ka habartoodee 72. Oo haynraaf dhulkoodii gabiyo, heecay bay noqone 73. Wixii lagu harreenshaana waa, hoo adays gabaye 74. War ruuxii huleelee ka taga, hogobka ciiddiisa 75. Hayntoloshkuu maganta u noqduu, abid ka hoosayne 76. Hamuuntiyo dadkaan sheegayow, waxaan haliilayno 77. Waa dalkeenna hooyoo xornimo, lagu hoggaanshaaye 78. Wallee hibada guushiyo sadkaan, u hanqal taagayno 79. Cadaw inaad hankaagtaan raboo, idinla heesaaya 80. Oon ku lala hardamayoon ahayn, la is hujuumaayo 81. Oo hadimmadiinnii wadaa, qodaya haadaane 82. Nacabkii hoggaan kugu xidhee, heerya kugu qaata 83. Hantidana bannaan kaa tubee, hoygii kaa bixiya 84. Iyo wixii ku hoosaasiyaa, waa isla halkiiyee 85. War haw u kala hambaynina dagaal, haayirkiyo tuugga 86. Oo sidaa xornimo aan helliyo, hodan ku raadceeya Gabayga waxaa noo soo diray Cabdi Cumar. Mahadsanid -------------------------- 44. XAAWO IYO AADAM Kor aad Gabaygan lagu magacaabo Xaawo iyo Aadan, dadka qaarkiina laga yaabo inuu u maqlay Abuuristii Aadmiga, wuxuu ka mid yahay gabayada Dhoodaan oo ay runtii adag tahay in la kala jeclaysto kuwa loogu jecel yahay, xilligii uu soo baxayna loogu dhagaysi badnaa. Sida caadada gabayada Macallinka oo dhan ah, waxaa dhex yuururta gabayga xikmad gaamurtay. Xaawo iyo Aadan waa gabaygii Cabdullaahi Dhoodaan uu ku hantiyey billadda gabayga Soomaaliyeed mar hal-abuurka Soomaaliyeed oo dhan Mogadishu lagu tartansiiyey. Kaalinta labaad markaa waxaa galay Cadhays Ciise Kaasrshe. Taariikhda gabayga iyo maqalkiisiiba haddii aad hayso fadlan nagala soo xidhiidh mail@doollo.com Wuxuu yidhi Macallinku: 1. Ilaahay markuu dunidan godey, ees giraangiriyey 2. Isagoo quruumana gadiyey oo, gab kaga siiyey 3. Sow Aadan oon gacal lahayn, gegi masoo taagin 4. Sow Xaawo feedha godan, ugama soo goynin 5. ……………………………………………… 6. Ninba sow geyiga Eebbahay, geesta kama raacin 7. Goosan waliba meeshii uu tegey, sow rag kama guulin 8. Oo Geeska Afrikaad sow annaga, Guulle nama keenin 9. Adhiyo geel gammaan iyo lo'iyo, geedo kala jaad ah 10. Biciid gees leh garannuugtiyo, goodirkiyo cawsha 11. Geriga iyo deeriyo gunburi, goray hadaafaaya 12. Golcastiyo dabataagta iyo, guunyo dananaysa 13. Gabbadow shabeel gaatamiyo, haramcad guuxaaya 14. Maroodiga gollaha daaqayee, wada gaboodyeystay 15. Afka laguma wada gaadhiyo, gaar u kala sheege 16. Waxaan godollo waxaan gowracniyo, qaar an gadannayno 17. Iyo gurada qaar laga koroo, orodka gawsiiya 18. Iyo dhul aan gasiirado lahayn, gu'guna seegeynin 19. Oon dabeyli guri kaa rideyn, dahabna guurtaas ah 20. Durdur aan go'ayn goof birqod ah, webi gufaacaaya 21. Iyo beer dhaqsaba kuu go'doo, godadka loo jeexdo 22. Sow gorodda Eebbahay waxaa, nooma soo geline 23. Guud ahaan Soomaalidii sow, gees isuma raacin 24. Diintuba gallade sow Furqaan, laguma gowriirsan 25. Gaban iyo gabow sow qur’aan, gawda kama saarin 26. Waqti gudub waqtina gaadh waxay, goortu noqotaaba 27. Barwaaqadii gadhoodhiyo nimcadoo, gililicdaa haysa 28. Shayddaan giblani waysagii, xeebta soo galaye 29. Gardarriyo waxay suubiyeen, caado gogoldhaafe 30. Rag bay inay gadh qaataan rabeen, amay gumeystaane 31. Geedaafadaana Soomaaliyey, waan ka gubanaaye 32. Axmed Gurey intuu subax guntaday, sow shir uma guulin 33. Sow gulufku qaylada dhulkii, guure kuma jiidhin 34. Sow Gal iyo Caameer farduhu, gaasas kama keennin 35. Geeridu xaq weeye sow cabbaar, laysma guubaabin 36. Gamuun dhoobe leeb iyo gantaal, xadhigga loo giijo 37. Garmaqaate gaalleef mindiya, gudimmo xiireysa 38. Gamas waran billaawaha gayaxan, seef gal laga jiito 39. Iyagoo hubkaa gacanta iyo, geesinnimo haysta 40. Sow gaashaandhig weeye dagaal, uma garwaaxeedsan 41. Nacabkii garbuhu sow ma jabin, way gaggabiyeene 42. Gorgorkoo cuniyo sow darxumo, goobtii kama raacin 43. Sow gaardaymoode ee cabsiyu, kama gariirsiinin 44. Guryihii faqriga sow kolkaa, dani ma gaadhsiinin 45. Kama gudose geed baa la yidhi, neef la gowracaye 46. Goommane dugaagguba ma karo, goobis kala jiife 47. Intii wiil gaboobaa nimani, way gabbanayeene 48. Goonyaha dhulkeenniyo waxay, badaha gaaftaanba 49. Illayn tuug dadkoo gama'san, waa soo galbanayaaye 50. Gasadeenna iyo sow ma iman, ciidda gudaheeda 51. Sayid Maxamed sow kama gilgilan, xumihii loo geystay 52. Sow gabayadiisii nafluhu, kama galiilyoonnin 53. Gurmadka iyo sow qaylo dheer, lama galaayuusin 54. Kolkaa sow fardaha gaamuriyo, geenyo lama fuulin 55. Af-gumaas Shanlaha goyska iyo, Giirre Labammaar ah 56. Jigre-gaab hilqadlaha gadhka leh, godane Maadhiinka 57. Wajaf gowso weyniyo rasaas, gumucu qiiqaayo 58. Iyagoo gunaanaday naftoo, weliba gaadiid leh 59. Geydh kulul Daraawiishtu sow, uma gadaan-saarin. 60. Cadaawihii galdaasayey sow, lama gawaanraacin 61. Ha galgalato sow laguma dhigin, way gasbanayeene 62. Sow guduri xuurti ihi ma cunin, waa geddii hore e 63. Kolkay taladu gow joogsatayoo, ciiddan laga giigay 64. Gafuurro-cadde sow Reer Galbeed, ficil ma soo goohin 65. Giddigoodba sow maalintaa, nooma gacanqaadin 66. Dusha guudka xarunteenii sow, lagama soo gaadin 67. Dayuurado garnayl tuuri sow, weerar kuma gaacin 68. Taleex sow gelgelintaa ma noqon, ama gabaaddiirta 69. Gambo xidho ma yeelaan kolbay, gobise liicdaaye 70. Gujo qudha xornimo kuu jirtana, waad u geyllamiye 71. Inaan gibisha tuurnoo caqligu, naga galoofoobin 72. Sow rag is galaalaa mar kale, uma gallaydhyeynnin 73. Guhaad baan qabnaye sow indhaha, looma guruxsiinnin 74. Ha Noolaato geeraarkii sow, laguma soo gaabin 75. Galabtii caddaankii ogaa, goobta Dhagaxtuur ah 76. Galow ciyey haddii ay maqlaan, ama galool foodhyey 77. Sidii gaban carruureed ilmadu sow, ma gobo'leynnin 78. Hashiise dhowrka jeer gaaggaxdee, layga gudhinaayey 79. Lixdankii anoo gool ah sow, gaaxdii kama maalin 80. ………………………………………….. Soo dhammaystir saaxiib. ------------------------ 45. XULLUB SOCOD 1975 Kor aad Xulub Socod wuxuu Macallinku unkay 1975kii isaga oo jooga magaalada Hargaysa. Waa gabay dhaxalgal ah oo uu Soomaali haddii hadal wax daaweeyo dhinac walba wax kaga tusay. Siddii caadada u ahayd Dhoodaan xikmad qafilan ayaa gebiyada sare haysa gabaygan. Wuxuu yidhi madaxiisa Allaha raajiyee: Xaashaa lilee beenta, waa laga xishoodaaye Hadalna wayga xaraansanayd, xigashadiisiiye Kolba gabaygu meeshuu xuliyo, maanso xubinteeda Markaan helo xusuus muuqateen, xaraf ku miisaamo Xariiqdiisii waa inaan marshoo, xididkii raacaaye Maantana xaggii uu jiray baan, kaaga xaadirine Anoon xerada Soomaaliyeed, xumo ku sheegaynin Xog ogaaal dabciga waa inaan, ku xabbad qaadaaye Allow xoolo keen buu yidhaa, kii xaniif ahuye Xoogaa dharaartuu helee, loogu shubo xeedho Xusbadda u horaysaaba waa, Xaali la ciyaare Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe Barashada xageediyo cilmiga, kii aan ku xisaabno Shahaadooyinna u xaadiree, dhowr xilliba qaatay Xafiis kaligii uu maamushey, xiiso ka hayaane Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe Xirfad iyo garaad kii isbiday, ee xornimo gaadhey Xeebaha dhulkiisiyo ma baran, geed xanjaala ah Xukunna maa la ii dhiibto buu, xuuxda la hayaaye Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe Xaqsoornimada kii laga rabeen, xeerarka u dhiibno Miduu ximiyo miduu xaasidiyo, miduu xabaalaayo Iyo miduu xanaaq kula dhaciyo, miduu ku xayraamo Iyo xamaga qaar uu hayoo, xaangabshoow fudude Xujur galiye saasaa batiyo, howl xanibayaale Xannaaniyo wanaag kii mudnaa, xaabuq baa dilla e Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe? Xalaal quute kii sheegan jiray, ama xadraynaayey Xaabxaabka dagan wuu yaqaan, inuu u xeebtaaye Wuxuu ribada xoogaa faraha, kaga xantaystaaba Hadhowbuu xashimo buuxsadaa, xaydhna bararaaye Boolida xantoobayso iyo, xagafsi mooyaane Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe? Is xalxalidu way fiican tahay, la xaragoodaaye Intuu xabawarkaa yahay aduun, ee xiqdigu yaalo How xilan xariirtoo dhan, waa la iska xooraaye Dadku inuu xamaashaa ka roon, inay xaraamaane Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe? Adduunyada xinbow yaala iyo, xadhig maleegaase Xaska haatan laysugu jiree, gool xawariyoobay Xadaafiirta maakiban hadaad, yaraha xaalayso Xodxodada wanaag ha u malayn, waa xarfado baase Xanbaariyo tabcadi dhaaftay iyo, weerar ku xabbaadhe Xurmo laysku gaadaa jirtiyo, xeelo dhabar wayne Xaataa hadaad odhan lahayd, muu xayi u sheego Xublayntiyo is xuuraanka iyo, xooftadiyo baaqa Xulub-socodka goob xaadhashada, xagarro food saarka Xudh labixida laas xadhandhansiga, xooxsi kala boobka Xufuufaynta xabag giijintiyo, xeego daba roorka Xagagabadka xoodaanmiskiyo, xabag dhunkaal siinta Xuduud dhowr xamaan waabashada, cimilo xayndaabka Xaskul guradka xigin faagashada, maylimo xaquuqa Xalaash tumadka xanaf taabashada, waramo xiirsiinta Xakab dhigadka xalay oon baxsiga, xorod karkaar goynta Xaq duudsiga dantaa xurursadkiyo, god u xayaanbaynta Xidhiidh tacabka xarun booqashada, xaafad tamashlaynta Joornaal xaradhka duulaan xirsiga, qolo xajiimaynta Run xasaynta been iyo xasarad, xayn isugu yeedhka Xusul duubka xoon beerashada, hadal xawaasheynta Xasil doonka xadataysigiyo, xannano oodayska Xaladaynta xaashiyo qorkiyo, war isla xaydxaydka Xis ka luminta duur soo xulkiyo, xuub isagu gaarka Xaad u fudhida xowdheer qarsoon, xoodh iskaga siibka Xareed awdka dhoobada xargagan, haamo ku xamaynta Xatooyada is daba xiinka iyo, xaajo qiran waaga Rag xaftiyo xigtoodaba ka maal, oo xunbo u reebka Xoday iyo xangeeyo u liskiyo, xoor dusha u saarka Xanfarkiyo xugtiyo toobinkiyo, soo xinjiro nuuga Xashiish buulka xaasaan dabkiyo, xaabo guratayska Xawaaraha ka dhacay xuutaddiyo, xuunsho dalandoolka Xanto gaadhay xidinxiidka iyo, jiif xamili waaga Adduunkii xasili maayo oo, laysla wada xiiqye Xiddigiyo markii aad waqtigan, xaalufka ah dhowrto Xunguguro tirsiga faalku sheeg, oo ximroow baxayee Qoladii xagluhu ay dabcaan, xays balloow di’iye Siddii xamar gammaan bay walee, u xakamaysnaane Hadaad xaydaan xaydda Soomaliyeed, sii xiribo baadhno Inagays xakaaree kolkaan, muran xidaynayno Murti baan lasoo xaadiraa, waliba xeel dheere Xagtimaha dhexdeenaba waa, ka xantanaynaaye Xurguftii aan weynaynba waan, xarakadaynaaye Markaasaa Xirsiyoow Xaashi daa, lagu xabeebtaaye Is xaduurintaas oo kale iyo, xararoow mooyaane Xurfadaha gumaysigu qotiyo, dabinkuu xoodaayo Xaqiiqada waxaynaan arkayn, taa xanuunka lehe Xidaarnimo maxay tari haddaan, la is xil-qaamaynin Wixii nacabka layskaga xajaa, sow xarbiga ma aheee ------------------------------------- 46. XUURAA BAF Kor aad Baadiye raggii joogi jiray, balad markuu aaday Hargaysana u baysala-dhawdiyo, taa Baandiraba Boqolaal waxay igu tageen, been iskaga noole Budhcad suuqa maraysatoo, badan kuwii raacay Ilbaxnimadii lagu baaqyeey, baro yidhaahdeene Bandarada asluubta leh iyagoon, wali la baashaalin Hal bootaalaa jiita iyo, koox ba’naano ahe Badh saaqida iyo tuug miidhan bay, baasha ka ordeene Badhaysaha warkii lagu qubay, barako moodeene Barbarkii xumaa bay ileen uga bilaabeene Wixii edebta lagu beelayee, bi’in lahaa ruuxa Loo baratan waxay moodayaan, buro la dheeraaye Basarxumo magaaloo dhan baa, u biirta dabadeede Beryo iyo kolkay bilo jireen, baarqab la ismoodye Markaasay qalbiga buuxisaa, inay wax boobaane Babaw bay noqdaan iyo markaa, xuurta baalka lehe Kuwii baabadaa lagu ride, booca dheer lulina Isma bixiso booraan libaax, inay ka baydhaane Bahalay sidaa kaga dhigeen, beer walaal cuniye Bani-aadminimadii wakaa, loo badalayaaye Berri garasho uma dhaafsaniyo, uurta buuxsada e Barkhad iyo balaayana ma oga, kii bishaaro lehe Midkii boolaxooftiyo la kaca, baanis iyo guuxba Durba waa ka baybaysadiyo, camal barooreede Marna waa ka booboodayee, soo batarin dheele Isagoo rag kala baayacday buu, boqor ismoodaaye Baguu odhan hadduu badhi liqana, baarri buu noqone Haddii nacabkii baabi’in lahaa, beesada u dhiibo Ballan qaadna loo raaciyiyo, biro dhalaalaaya Ujeedada ma baadhiyo inay, boogi daba taalle Ma baaldhigo xuduudka babcan een, laga dul boodayne Farxad iyo bislaysaa gashoo, wuuba bararaaye Shir bilaada laysaga wiciyo, talo la baandheeyay Hadba baalna laysula rogoyoo, buuqii lagu daalay Barta laysku raacee wanaag, badi la doormoodo War waa taa in lagu beegsadiyo, xaajo loo bogaye Arrinse buug lahayd oo ma jirin, gaadhay beeshanuye Dhulkan fadhato baahnayd sidii, loogu galay bowdka Dal bannaan u yaallay heleen, deedna boolyada e Baabsiguna taasuu ku yimid, uma badheedheene Innagoon baraarugin kuwii, buunka noo tumayey Intay diratay niman buufinno ah, ooy barjaha siiso Ooy baagamuudiyo gurteen, wiilal baadiyaba Ooy baaxadsooriyo dhigeen, badaha xeebtooda Buntukh iyo banbaanadii dhulkiyo, waliba baasuuke Baas iyo balaayaba intay, badaw usoo dhiibtay Is burburiya waa waxay ku tiri, oo is baacsada e Innagoose dad weynuhu badqabo, bulannay laakiinse Budda waxaa na dhigay weerarkay, nagu butaacsheene Iyo baaqigii lagu dirqiyey, Bii-Emkii gubaye Ama baylahsigii xoolahay, bililiqaysteene Markay baqatay xuuraa baftii, ina baduugaysay Barbaar fulaya baayacmushtari, boorso jiidanaya Oday boxosh ah balabaadka iyo, baanda jaahilaba Nacas buunshe leef ah iyo hangool, ay billado siisay Oo balanbal reeraha bada oo, ba’an ma waayaane War birmadkay isagu sheegiyee, lagu bilkaydaayo Iyo cadowga booriniye shacbiga, baygagshoo dila e Ballidu qaadi maayaan kollay, beelahaa idile Adhyo badan lo’dii balaqsigiyo, boqolka geel dhaafay Iska daa barmiil loo gadiyo, baaldi loo horiye Birqodkoo bilaashayba qaar, balalo gaystaane Biyo ceel barwaaqaqda dhulkiyo, meel bur iyo doog leh Barkad lacag ah kii uga raree, beecso yidhi jaalle U bakhtii buktiyo xaaluf iyo, oon busaarad ahe Kuwaasaa shacbigii baaba’shoo, waa bas taladoode Baqoolahay xaggaa uga rareen, bacadkii jiilaale Biji dheer hangool lagaga xidhay, bawdadiyo qoorta Baagada wakaa loogu qoray, boqon dhawgoodiiye Inkastoo bur-ciid lama madhshee, saa naloo buriyey Dhagaxa buuraha kama yaree, waa bidhbidhateene Mana baraad la ee way barteen, kii boqnaha goyne Billowgeeda qolihii leheey, godobtan baahaysa Rag badheedh xumaan ugu tabcooy, buubsataa jira e Ummaddii badbaada jarteen, nabad u baahnayna Waxba booqan maayan iyana, baan ma sugayaane Bulshadii abuurtte colaad, baaji laga waayey Is bariinta diidee cidday, buurato aan dhawro --------------------------- 47. YAA DIRSADAY? Kor aad Haddii aad gabygan taariikhdiisa hayso ama meel laga heli karo aad og tahay fadlan nala soo xidhiidh, mail@doollo.com Damiin macalinkiisiyo isagii ha is dacweeyeene Ninba dowgu leeyahay kolkii dooda aan u dhowro Ardaygii da' loo yeedhiyee diminta miim saaray Kol hadduu tacliin doonayayoo deel xafidi waayey Garta haddaan la daahayn isaga sow danbigu ma aha · Aniguna mudada doorka een ciidho diriraynay · Ogaadeenya cadawgii dafiyo daadufkii sirayey · Midna kama dabooline dirkaba wawga digay dhaaxe · Dabaalsiiyey hadal diiriyiyo sheekho duur xul ahe · Mar u daday baryana daahay oo dooxay maansada · Daraf iyo dhawaaqii anoo dacalba gaadhsiiyey · Tix aan sogordihiyo faallo dheer miday durduurtaanba · Danaaniga la garay muusanoow inuu ku duubnaaye · Nin dalluunshay baaq inaan ahayoo qaylo dananayso · Dusha guud naxwaha sidaa ha u dareemeene · Darxumadaan ka qaylyaayey iyo dulucdii hoosaysay · Ujeedadu halkay daaranayd baal ka daawade · Mid ka dude ee tii kale macnaha looma daadagine · Aan ku daalo taagay amaan seego danahaye · Faqna durugsadoo ruuxba ruux laysku wada daarye · Warar laga danqado duulba duul ha u dawaafsheene · Dadku badi sidaa iyo darteed haba dadaaleene · Dacdarada badhkeed iyo wixii dilay Ogaadeenya · Duleystiyo daldalihii xaggaa ugu dammaan leeyay · Oon laba dugaag idhi mid bay daaqad ka arkeene · Waligoodba dabarkii hore oo duuga bay garane · Inkastooy dakano taa ahayd oo dulkaba tiilay · Wax soo degay ammuur nooga daran tii darraatabe · War daabaana qaadka ay matali dawlada Af-weyne · Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha? · Rag ninkii ku daandaansda ee durqin u jeeda · Dood iyo dagaal baa mid uun lagaga duufaaye · Danqashiyo waxaa murugo kulul dibirta qaarkeede · War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne · Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha? · Duumiyo xanuuniyo adooy diifi kugu raagtay · Dugduglay ha joogtee adoon wali kasoo duudsan · Oo deyr-xumaad yahay waqtigu ama diraac dheerba · Hadduu gaas col waa dumi jiree lagugu soo duulo · Kuray daqaqamoo tagay halkuu daaqi jiray geelu · Galabuu kaaga soo digay inay doonyo ka carrawday · Makhrib dabadii goor ay ahayd waa cawaw darane · Ooy damug kusiiyeen xeryaha diricyo soo dheelmay · Ku soo daaya adigoo leh oo doobke uuminaya · Colkii doomanaysaa hadduu weerar kugu daacsho · Geelaagii oo dihin haddii lala dawaareeyo · Deris nimaad ahaydeen adigoon qaylabaw diranin · Durba hadduu kusoo gaadhoo doodi kugu dhaafo · Digdigtiisa orodkaad tidhaa wuu ku daaficiye · Isagoo dalleen weyd ah iyo daaci kugu sheegay · Oo daali maayo leh kolkaad aayar daba liicdo · Gudcur damug ah goor ay ahayd oon dayaxu muuqan · Waddadaba hadduu kaa duwoo duur fog kula aado · Dariiqaba intuu kaa lunshoo dogob ku jiidhsiiyo · Markuu dalawyo baas kaa ridoo dawgii kaa lumiyo · Intuu darafta xanan kuugu maro ama du’ soo leexdo · Dabragoyn intuu ugu dhuftoo dadab u sii baydho · Duulkii geela loo waday hadduu diilintaa u jeedsho · Damaacina hadduu galo si uu kaaga darib quuto · Dilaal iyo haddii uu malaal kuu diyaarsanayo · Daldalooladaadoo batiyo dabacsanaantaadu · Dabiib uu ku naaxiyo markay daawadii noqoto · Dallada iyo guushaadu waa dabar gu'iisiiye · War duunyada raggii kaa dhacayee dawrshay xeradaada · Ogow daalinkaad aamintay baa kaaga sii darane · Dingaraaraduu kugu ladhi tii dagaagnimo e · War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne · Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha? · Haddaanse reerka deyrku u adkay dagagar mooyaane · Libaaxii dinaahshee ciyaa waaba kuu digay · Markaasaad duddada oodataa ood dab shidataaye · Marse hadduu duleedkaaga yimid diilalyana hayso · Isagoo dibnaha kaa xidhayoon maalka didinaynin · Hurdo-dakharta leylkii ahiyo duhurkii mooyaane · Intaad dibadda jogtaba hadduu soo daf odhan waayo · Oo duunyadii eber ka dhigo amuu dad kaa laayo · Labada aar ka dalandoolayee aamusaa darane · Soomaaliya dabcigu waa tabtaa daacad ay bidiye · War daabaana-qaadka ay matali dawladda Af-weyne · Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha? · Daruur curashii maagan iyo daad arlada buuxsha · Markay di'is diyaarka u tahayee qayo udgoon daacdo · Tiixa diliqle mooyee intaan dhibicdu soo duulin · Qaanso-roob daliigani hadday baal iskaga duugto · Unkadkiyo daryaankeeda baxa amase dawdaw leh · Danabkiyo hillaaciyo waxay dununucaysoo dhan · Allaaba waa dix ay soo rogtiyo doox waraabsama e · Hufo iyo dabayl bay noqdaan diririgteediiye · Ha ku daalin waa duuf xareed laga durduurtaaye · Daadufnimada Soomaaliyee durugsiga u jeeday · Dubaaqa iyo ra'yiga keen ah buu saa u dumiyaaye · War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne · Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha? · Annagoo dalkaa weyn leh oo dad iyo maal buuxna · Ninka yidhi duq weyn baan ahayoo raba daryeelkiina · Ee daakhilkiinaa ma jiro laba ka doodaa leh · Waa shay dantiisa wuxuu noo dirqiyayaaye · War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne · Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha? · Dux ay nagu qabaan bay darteed noo dalfinayaane · Kolba taladii door noo ah bay daaf ku ridayaane · Indho-duubka saasay wax badan nagu duduubteene · Waxay dacayda nagu jiidayaan dawlis xoog badane · War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne · Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha? · Dubaax shiilan bay naga heleen oo dalaal tubane · Beryo inay na darandooriyeen oon usii dararay · Dawarsiga carbeed inaanu nahay daasad lagu qaato · Dalbashiyo in magaceer baryada dibada loo haysto · Daabaqad in laynagu dhuftayoo doofil nagu heesay · Ninka yidhi duq weyn baa ahayoo raba daryeelkiina · Adna dalandalkii baa tahayoo weydin daadihin leh · Xagna dabinka saan ugu galloo noogu rido daanka · Iyo si uu cadkeena u dubtiyo daabax nala maagan · Kaba dacar khadhaadh ka i dafaye ka i dagaa ba'ane · Dirgashaduuba naga dhawrayaa digatir mooyaane · War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne · Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha? · Dagdagluhu darbadahoodu way sii dalacayeene · Kuwa sharaftideenii dafiray amase noo diidan · Dugsan mayno inaan daa'inkood diriro mooyaane · Qof aan doocba hayn iyo ma oga kii damiin ahuye · Damiir laawe iyo dawdar iyo doqonna yeelkoode · Danbi kuguma haasaawin iyo been dacaayad ahe · Runta inaan ku diirdiiray taa waxaa u daliilkii ah · War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne · Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha? ----------------------------------- 48. YAA KASBADAY? 1978 Kor aad Yaa Kasbaday Cabdullaahi wuxuu tiriyey horraantii 1978kii. Kabaxaaydii gobolka Soomaali Galbeed ay ciidamadii Jamhuuriyadu sidii deero ilqoodhka ka aragtay Shabeel u gabbanaya ay uga soo afarqaadeen ayuu aad uga xummaaday. Hargaysa isaga oo markaa tagay ayuu wuxuu ku billaabay: Uma kiilo maansada, siddii xuud kalluunsada e Kasha muran ku yaalley xikmadi kilinkilaysaaye Kulcubaha xiskay dooda iyo kiishash laabta ahe Faallada kelyaha buuxisiyo kubada uurkayga Kaah iyo iftiinkay baxshaan kaaxi maan arage Kurka gabayga soo muujiyee sheegidda u kaalman Ma kaakicine dhawr goor anoo kaalay odhan waayey Kud iyo mid karaysa ah afkana kaabiga u jooga Geeddada wuxuu kuuriyo oo saabka kuududaba Kol hadduu karsamay oo shidmoo aad u kululaaday Lama kaydin karo maansadii kaayaheed galaye Saakana karaamaa jirtee balan tix kaynaasho! Shinni kaalufkeed galiyo sidi koronkorow oomay ama ceel karkaarrada jabshiyo webi karaar dhaafay ama kaal danley qeybsatiyo kur iyo dhaal yaabis sidii koronka iyo koorta iyo kololo’ii Raage Konton iyo kun xaajoo mmurgiyo waayo kala kaan ah Oon lagu kam'ayn baa jiroo nalagu keenaaye Wax kadliyo kadaalibaa ordoo kuududaa badane Kubka iyo kan biixida jebshee sii kirkira meesha Karin buu u deydaya hayaa wuuna kabayaaye Kaftan maaha ee waa koosh kalaan keebka liishado e Kurtun baaba loo fiiqan ooy kalax qoraayaane Kallifaa an layskula kam'ayn yaa kasbaday mooyi Kanbalkay lahayd jilib carriyo meel kabdhoodka ahe garta keedi kaabiga galee lagu kawaanleeyey Kiskisaha middaa lagu xakabay kaddinna loo diiday Kolkaan maalmo koolkooliyey dib u kadlaysaaye Katibkaan ka kaaftoon lahayn yaa kasbaday mooyi Karbaash loo yagooraan ratiga saaray kabad weyne Kiintaalku koobbuu noqdaa koronkortiisiiye Baq karuura loo yeel haddaan caano kaydsado e Kidhli iyo kafee waan helee koobab baan jirine … Ka u baahi ciilka u noqdee ciil ka kori waayey Iyo kuwa kashbacay ee dharagaye uur kubada yeeshay Kuwa waliba kaskiisaa waxaa loo kabtiyayaane Mid kororsi bay daaran tahay xeeshan kaariniye Kaafka iyo kala-dheeridaa la isku koosaaray Inay keeni baad garan wuxuu rag isku koosaaaray Kurbadiyo walaacaan qabniyo kaarka nagu raagay Malaha kimis la quutaba dadbaa looga dhigay kawle Haddaan nala kadeedaynin way kadab go’aayaane Dadkayagu kadaab uma badniyo reer ma kaadsado e Maskaxdu kaamil inay noo tahay, ku maanhayeen qaare Kullina waan baryeynaa Allow keen xornimadiiye Kalsoonidan lunteee Cali-Katiin kulanki noo diiday Iskulaal ismana kaashadkiyo koodka nala saaray Kiis nagu xukuman baa jiree yaa kasbaday mooyi Ilaahay Kariimow adoo kaliya mooyaane Karti lagula sheegtiyo awood kale ma dhawrayne Kalaamkaagii baa lagu sitaa weli kitaabkiiye Yamenta Koonfureed kii wacdayiyo Kuubba iyo Ruushka ee nacab kufaaroo kibriyo Kirishtankaw yeedhay Karaamadii Rasuulkiyo anoo taadii kaashanaya … Dhulkay naga kaxeeyeen Allow yaa kasbaday mooyi In Islaamku gaal kabo u sido yaa kasbaday mooyi Kiinyadii xumayd iyo Axmaar kadafa oo liita Kaneecadiyo kudkudaha intaad naga korraysiiso Koodhiga intay nagu guraan yaa kasbaday mooyi Kob dagaala fulay kayn galiyo ma lihi kayrkayrle cimli korodhsadkiisee xikamadu naguma koobnayne meel kuray ka dheelaa Iblays nooga koor-lulaye Kafiyo Boortaqiiskii Gurey riday kabaalkiisa iyo kii Daraawish kabiyo Koofil qoladooda iyo Kuubbadii Kaastar iyo aarmi Kurushoofa ku waliba kolkuu rabo hadduu nagu dul kaajaayo ku kar-celinta iyo ciilkan waan karara’aynaaye Inta aan kitaabada sidneen Sheekhyo Kiristaamin malaa’igo kumaandoosa iyo kooxo nala laaya oon kaarahoodiyo askari kidib kasii deynin ilaahii na kaalmayn jirow maad kusoo kicisid ---------------------------------