War jaadow haddii anan ku deyn sow i dili maysid? Shaarkoo dillaaciyo anoo dacas la'aan jooga sow dacalka oo lay qabtiyo deyn i badi maysid? ------ Nin i xooray maantaan xumaa aniga oo xaas ah ku xiltiray xannaaniyo wanaag aniga oo xoog leh ------- Geeluba ugaasow hadduu ayda miranaayo abeerkiisa naaxiyo hadduu aaranka is waayo isaguba ma kala aamusoo waysu ololaaye haddaan ina adeerey ku iri sow ma urugootid ? -------- Waraabaha ku ruugaaya iyo aar ku raamsanaya siday kuugu kala roonyihiin maad u kala reebtid? Ninkii rodolka miisaama ee kiilo raajiciya ee raasamaalkuu helaa rubuc ka hooseeyo xisaabtaa inuu dib u rogrogo sow ra'yigu maaha? -------- Wax libaaxu dhacadiidiyaa goolu dhays bidaye goortuu dhergaa buu dugaag ugu dhawaaqaaye rag baa libinta maantuu dharqado dhaanta abidkiise isagoo dhantacay faarax nuur dhuda ma luuqeeyey? ------ Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin talo lagaa reebay meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco layskumana ridanrido haddaan ruuxu ku eryeynin ! ------- Ragow kibirka waa lugu kufaa kaa ha la ogaado! ------- Gabar waliba waa hooyadeed tay u gurataaye goonbaartu waxay caasidaa midaney gaareyne ma gudboona gaarida sariyo gibirta naaxdaaye ------- Kolley anoo an hawraarsan iyo haa ku oranaynin maxaad gacanta ii haysataa waa habeen dumaye? ------- Bus xagaa ah jiilaal baryaday qaranka oo biifay barqin doog leh nayluhu gugey bananka rooraane Leg baruur leh bawdiyo shanshiyo bari hadduu waayo baraar habarti loog kama furtoo gawrac kama baajo ! ------- Maandhow ixsaan lagama tago eed haddaad faliye ------- Naftu inay maqnaatiyo inay mahad ku noolaato maaweelis weeyaan haddii mid u dhexeeyaaye ------- Cirku wuu daruureynayaa gooru di'i yaa og waa la ii dardaar weriyey ee darajadey yaa og anigiyo daraawiish midkii dhiig ka di'i yaa og? ------- sagalkii guduutaba miyaan sarar hayaa buuran soomaali rubuceed miyaan siin karaa hilib wan? -------- Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshey nin i daaqsanaayana maxaan daafidaw kariyey jirku nimanu dooneyn maxaan hadalka deeqsiiyey ma degdego-e xaajada maxaan rag u dul qaad yeeshay? -------- Cankabuutka caaradu xidhee lagu ciyaaraayo iyo wiil cartiis qaba intuu amar la ceeryoomay cindallaahi way simanyihiin waana laba cayne -------- Ma mucaarad baan ahay haddaan xaqa ku maansoodo? -------- Bal muxuu micneeyoo i taray ministerkaan doortay? -------- Hitler baa u weyn wiil arlada geliya hawl weyne isagiina meel haad ku cunay hubanti loo waaye -------- Kugu xiiqay sidan kuu lahaa xaaxiyey toose xag un labada daarood ku daran hays xakabin meele! -------- Inkastuu dhabcaal go'an yahuu kuu dhadhamo diido isagoo dharaar maqan kol uu dumar wa kuu dhiibo dhan ad uga dhacdaba maal tolkaa waad dhadhamisaaye waa dhaawac kugu yaal bahdaa dhaqasho weysaaye. -------- Guuguulihiiyow haddaad guga u ooyeyso ood mooddey keligaa inuu gubayo jiilaalku abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kale-e adigaaba lugu gaadayaa gooshkan dabadiise gaagaabso oo aamus yaan gaadh lagaa qabane ------- Haddaan anigu odayoobay een anafadii daayey ashahaado mooyeenna aan eebo ridi waayey allaa igu og inan aabbahaa cidi u aareynin ! ------- Aduunyadan sidii luqunta diin laabatiyo hooya goortii an laacaba haddii layga lalinaayo oo lugi lug ii raacihayn ma anigaa laylyi? -------- Awel buu qaldamay shaah ninkii koobabkaw qoraye in qiyaamo loo sii ceshaa ma aha qaanuune qalbiguu wax yeelaa markuu qaar madowyahaye qarka jooji maandhay hunguri qaaddan bay wada e ! ------- Cammuudduba halkii laga guraa way ka godotaaye rabbiyoo gargaariyo naftoo gudubta mooyaane gacan taagan lama buuxin karo goor iyo ayaane C/LE RAGE ------- Waxaa murugo iyo qoomamiyo maanqashiyo ciil leh Maskax iyo garaad iyo wixii muruqba kaa liita Markuu adiga sharaftaad mudnayd kaa maroorsado e -------- Danbaaburiyo gaaraabidhaan fiid is daba yaacay Danbas iyo wax nool kay yihiin daa'im baa garane Dab iyo qiiqna waan kala aqaan saa duqbaan ahaye -------- Har ma geeyo aayadi ninkii hooyo gawracaye ninse walaalki gaday meel shishaa laga ganaaxaaye --------- Haddey boogi kugu taal nin kale tiisu kaa dedane haddaad adigu tuur leedihiyo tootir iyo qaallo mid kaleeto inaad toosisaa waa tu aan dhicine -------- Wiilkaa sidii haad laleen laga hoyaadeynin wiilkaa haruubkii walbaba haysta dabadiisa ilaahow adaa naga hayee uusan na huf siisan! -------- Ilaahay inaan caasiyaa way cawaannimo e cadanyada i haysiyo kolkaan ciniqa sii eego sidii neef cadho leh oo kalaan carari gaaraaye KHALIF SH.MUD -------- Cirka meel dushaada ah illeen dooxid lama gaartid illeen looma doogsado haruub roob an kugu daadan illeen meel an dani kaa wadeyn kama dal xiisootid ! -------- Kedadii horteed inan dhintaa kaafka kuma taale ha karaamo seegina habaar laygu kari waaye. -------- Inkastuu kallaho ama kabtiyo ama kur dheer fuulo bad kalluun ku jira kuley ku tahay amase koob shaaha kulligood addoomaha rabbow qaybshey kimistiiye welibana wixii loo katibay waa la kulansiine ninna inanu soo kororsaneyn kaa ha la ogaado. ------- Lacagtaad marduuf jaada iyo miin ku gadanayso marwadaada maad muufo iyo maro u soo siisid ? ------- Lacagtaan maqdarad geynayee magac ku doonaayo alla magane maan hooyadey maro u soo siisto ? ------- Marka horeba guur waa milgiyo maaro kale waaye haddaan lala mushaawirin tolkaa adiga oo maal leh oo lagama maarmee tashiga odayo loo miirin ninkii keligi maalootiyaa meel xun waw halise ABDI GAHAYR -------- Haddii culimo maalkeed la dhaco magan illahey ah Miishaar wax goysiyo haddey malaha xoog weydo Sow inay marraha soo akhrido laga malayn maayo -- -------- Madi tood'a maqasheeda koris minawsan baa dhaanta Marwo camal xun maangaab ninkeed maqasha baa dhaanta Mataan lidiqa laas miil leh baa kuu mitimis dhaama. -------- Inta kaamil kooriyo kudkiyo kiisku daba joogo Wallee Geel nin koolkooliyow kabaraddaa dhaanta. -------- Lado caanaheediyo anoo labanka fuudaaya niman baa i looyaamiyoo ii lalabay fiide yaanan libinba geynine haddaan kaa lug baxo maanta wallee aniga oo ladan bulshoy kuguma soo laabto -------- Nin qatani nin qado haysta waa inu la quutaaye. Qasnadaha haraatiya wax uun way ka soo qubane --------- Laan-dheere gob ahaan jiroo gocoshadii hayso iyo kii ka gaabnaan jiroo haatan garab taagan. Gedda kaasi yahay yaa kan kale gaar is leeyahaye Labadaa garood oo gudboon yow garnaqi doona? OSMN KENADID --------- Allaa faxane farowey haddaan kugu fillaan waayey Nin fadeexad neceb baan ahoo waan ku furayaaye WRSME ABDI SHIILDON --------- Cagtii joogsan weydaa marbay ceeb la kulan taaye Carrabkaan la waabini xumuu caasha geliyaaye. --------- Si gurracan haddaad gabayadaa ula gawaan raacdo Golxo bay murtidu yeelan iyo leeb gammuunna ahe mana weydo guutooyin iyo gaasas daafaca e war yaan xeel gaabani ku badin goobbo iyo tuure ka gud bohola yaan leydh gurxami kugu galaydhyayne DHOODAAN ---------- Waxaadan lahayn wiilkayow laguma waynaado waxaad waayo maashaba nin laa weel isugu gaystay ---------- Nin saboola iyo awrba way sahal dhaqaaqaane labadaba haddaan seeto celin socod ma daayaane ----------- Gobonimada waad neceb tahoo waad ka gubataaye geestaad ka joogtaa kufrigu guul ka dhaliyaaye kol haddaan gumaysiga aqaan gacan inaad siiso wallee gaal-la-joog yahow anaan garab ku waydiisan ------------ Gabdho iyo rag way siman yihiin guul an siday weeye gacan saydhka culimadii la timid iyo gumaadkeeda godad loo qarqooriyo markuu iilka wada geeyey cuqubada galshada buuxisee geyiga saamaysay guulaamadii soo kacdiyo galowgi eedaamay mar un bay gadoodkeedu iman guluf colaadeede ------------- Guuldarrooyinkaa rimmani marbey geli shinkoodiiye girgirahan istaarani marbuu gaadhi qarixiiye geeddada balaadhani marbey golongol dhuubnaane guryo dabaqa kii lihi mar buu geed dugaashaniye ninki godob lahaan jiray marbey goosan aanaduye ----------- Gardarrada caddaankaa haddii guudka loo fidhayo geesigi itaal daran haddaan garab la siinaynin isaguna hubkiisii gurtoo gummuca soofaysto oo kii xaqiisii gembiyey gawrac ugu jiido oy nabadi geed sare kortoo gaabatoy oroddo gorgorkii habeenimo kacee guuray saw ma aha ? --------- Garbaduub haddii loo xidhood gaadhna ka ahaato gacantii nin lihi goynayaa way gumudantaaye nin walaalki geed ugu jiraa geesi noqon waaye TIMA CADDE --------- Waxaan ahay nin goba oy nin guna gacal wadaagaane geed geed ku maran baan ahoon ciddina goynayne XUSEN QOYS -------------- Nin ambaday halkuu aaday way ula ekoonayde amarkii ilaah iyo wakhtigu waa wax kaa adage anigoo arkaayaan waddada eyrigoo xulayee ------------- Sida harag wan weyn laga baxshoo waafi noqon waayey waayeelka xaajadu mar bay weyd ka noqotaa ------------- Hadduu qiray ninkii geela qabay inu ku qaanoobay asuu qoray ismiidaan u qoday waa qar soo dumaye halkeen hiilka kaga soo qabtaa waa qisiyo yaabe ? JAWABTI TADAMI -------------- Rodoloow nin rabid maalay waa raaxada adduune ragannimiyo geelii haddii la isu kay raacshey sow haatan waxan raadiyaa raanta boqor ma aha? YUSUF AALIM NUR ------------ ZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZZ Ilaahyadu hadday dhowr yihiin lama dhaqnaadeene Dhiif iyo collaad iyo koley dhiillo kala gaadho Dhawaaqooda kaliyey nafluhu dhiman lahaayeene MUD ABD SHOORSHOOR ----------------- Qadhab iyo lucaaf iyo xelaad laysku qabanaayo Quruf oodan shabaq laysu qubay qoolad iyo xeelad Qosol beena qoor wada qayaxan qiiq an garanaayo booraan afkii laga qafilay, qarafna hooseeyo Doqonbaa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane Ma anaa mindiyo lay qarshaa laygu qali doono ? F.NUUR ------------- Haddey dunidu tiir leedahoo lagu tanaadaayo Oo niman ku taajirahayaan taallada an joogno Toolmoonihii Maxamed baan laga taxaabeene Maxan tobon riyaa uga welweli tay u weel li’iye INA HASN DERI -------------- Adduun gabana ubad wada hablaa oori kululaatay Waa waxan sidaa ula engagay urugadoodiiye Ilma-adeeradaaa geela way igu ag maalaane Ayaantii kastaba boostadaan ku ag wareegaaye Haddaan aradka gaalada fadhiyo kuma ilaaweene Haddaan aabahaa ahay maxaad ii anfici weday ? F. DAAD ------------- Daliil gabaya diin iyo xikmado daacad iyo waano Dorraad iyo middaan shalay lahaa duug haddey noqotay Inaan dhegaba hadal deeqihayn baan isaga daayey F.HUSEN ------------ Shinbir duulis badan oo dhulkii dagi aqoon waayey Kol unbuu libaax labadii daan dalaq yidhaahdaaye Inay edebtu shay door ah tahay baan isaga daayey F.HUSEN --------------- Mudanihii Afgaab waxaad tidhaa maalintaad aragto Muddo aada buu kala maqnaa muhindiskeeniiye Waxa igu maqaalo ah adaa meel gudoonshe ahe Arrin murugtay oo labada dhinac laysku mari waayey Kol haddaanad maarayn karayn maragna loo haysto Macno malaha badhasaabkan aad maanta sidataaye Waxaad tahay maqaarsaar la yidhi hay muftaaxyadane Kuwa furinka miis miisayaa kaa martabad roone Maamulkaad lahayd niman kalaa kaa maroorsadaye Ku maaweeli naagaha Milgooy mayla socotaa dheh ----------------- Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye TIMACADDE ----------- Gabdhayahow sidee waaye Ilbaxnimadu saas maaha Hadba suf karkaro maaha Sararaha bannee maaha Qorqor suunniyaa maaha Dhabanada sibbaaq maaha Sanka oo la mudo maaha Sakhrad iyo xashiish maaha Sawir iyo riyaaq maaha Filin iyo sarcaad maaha Saxan reer galbeed maaha Kabo sookal dheer maaha Suuriyo durduro maaha Salsalaw cid kale maaha Qof silloon ku dayo maaha Wax sawaaban noqo maaha Sinta iyo lafaa duudka Saddex goor jejebi maaha Dhaqankaaga saydh maaha Soomaali diid maaha Sidaad doonto yeel maaha Dhulka oon ku sidi waayin Samadoo la koro maaha --------------------- Labaatan iyo laba aamustiyo, shaqal irmaaneeya Amraniyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge Isku-dare xiriiriye falkaab, eryadeenii ah Ebyaniyo haddaan magac-u-yaal, ku arkay joornaalka Mar haddii afkaygii la qoray, Aabe iyo Hooyo.... TIMACADDE ------------ Waqtigii yimaadaba xilligu waayo soo curiye, Walbahaarku waa ii egyahay inaan walaacaaye, Kol hadaan wabigaa fatahay, waabin kari heynin, Oo aan waaxyaha kabeyn cududahaa wiiqmey, Nafta waxaan ku maaweeliyaa samirkii taag waaye, Mar haduu wadajirkeedii lumoo, wacadkii beenoobey, Oo geedka kii waab la yidhi, weel ku kala qeybshay, Wadaantaan nin-tooxsiga ah, iyo waa kumaa darane, Waji baa far lagu meyrayaa, beesha wadi meyso! ---------------------- Safar iyo socdaal iyo Subeyr saan isku helnaaba Walee Samatarow waxaanu nahay laba adduun saaran ------------- Hadduu aar hal dilo oo dhurwaa hilib usoo doonto Hungurina ka geyn waa kalyana kuma hagaajaane Huuhdooda unbaad maqliye lay hor iman maayo CAMANJE ---- Anba deeble geel iyo ma rabo lo' iyo deeq weyne Dantey waa waxaan labada daan dalaq ku siiyaaye Dulli buu ku dhacay nimay midgaan soor ku dirireene Anse daayey deeqdii yaroo qaylo daba joogto. JAWAAB HASAN QARAAB ------------- Wax ku waabiyaan lagu ogeyn wadarta Ceel-gaabe Wax ma dhaaftid wiil iyo ciyaal amase waayeele Waqtibay anfaco leedahaye waadan garanayne Waji yeelo weeryohow midgaan waalan baad tahaye, A.BUSUR ----------- Wax yaqaan haddaad tahay asaan, ciddi ku waydiinin Nacas ,,,,,,,,lagu waabay waa, kaa wardheer yahaye Kaa wacan wadaadii la yidhi, ii wad Cowra le’e YSF MARADOON ------------ Geesi libaax ku gawdiidsadee garab u hooseeya Oo ay guutadiisii ka kicin gucumalow aarka Ee uu guudka kala saaran yahay miciyo gaalleefa Gallad Eebbe mooyoo Ilaah uga gargaaraaye War sow inu go'aa lama ogoon galowdu raageynin.?" F.SHURIE --------------- Micno maleh walaalkaa miyiyo naag magaalaba e Labaduba markay kaa madhshaan moodka iyo noolka Lama moodo in aad maalin qudha meel ku kulanteene ABDI KHLF INDHOLE --------------- Sidii ay go’aygii tihiyo macawisaan goostay Ama ay godkii aakhiriyo geeri iga baajin Gardarriyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey? BOODHARI. --------------------- Caddad maleh rijaal ladan intay calal ku duubeene Oo ay meel cabbaar loo qodqoday kaga carraabeene Oon camalka mooyee qabriga cid uga yeedhayne --------------- Lafta dhabar laxaadkay debciyo laafyihii gacanta Lubbigeygu leyl xalay ma ledin laadadyiyo taahe Waa taas lanleemada indhaha araggu liitaaye Liiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleede Haddaan luqunta beri taagi jirey liicday adhaxdiiye ---------- Gal Dad-liqa Ulbaa lagu dayaa laga danbeeyaaye F.NUUR ------- Leg ninkii cunsiiyay dishaa liidda doqoneede ladnaantiyo nimcadu uunka way wada lugoysaaye Waa waxa rag igu laacayaa laxam dhaqaaqaaye ------- Dadku dhoobi iyo ciidan waa saad u dheregteene Dhibbaa lagu qabaa xoolahaw dhacan ahaydeene Dhamaasay qabaan duul haddii dhiil ku buuxsamo'e Dhul aynaan arkaynbaa hillaac uga dhawaaqaaye ---------------- Allahayow mid oogada jirka aad insiga mooddo Allahayow misana aan ahayn awliyana sheegta -------------- Doqontii ku yeeshaa wuxuun lagu dabiibaaye ------------ Fidno Eebbahay noo abuur farana noo yeelye Nin Fallaago doontaaba waa Finish garoobaaye ------------- Dagaalkii Jidbaaleba ninkii joogay baan ahaye Weligeyba meel lagu jabaan jiqilla weynaaye Ilaahay i jecelaa muxuu jirey arwaaxayga --------------- Layliguba geeddiga horuu laba lagdoodaaye Kolse haddii hayaan loo lalabo leexay dabadeede Laf-dhan jananka diidaa xabsiguu liinta ku cabaaye Rabbaw yaa dantaa luud yidhaa loox yaraa tahaye ------------ Lix kun iyo lix boqol iyo lixdaan laabta ku hayaaye Lixdan baan jiraa yaan indhaha laydhi kaa marine ------------ Dabaal niman aqoon ceel dad-liqi waa digsiin jiraye Maantana dugaaggii miyaa dacawadii laayey ? ------------ Iglan lacagta kama soo diriyo aradka shiinaade Intaan igadh maqaarka u ruxruxo sooma ololsiine Afar Boqol ma gaadhoo tolkay waad ogsoontahaye Ina abtaay hadhoow yaad i odhan eygu way hodaye Sidaa maygu aamini haddaa, uur fayowdahaye Mise wiil akhyaaraad ka dayan uumiyuu badane MUD QALOOMBI -------------- Haween lacag ma diidaan haddii hoo la lee yahaye Hadli waydey goortii Rubbiyad HARD ah loo riday e Haddii aan hubkaygii sitiyo haadiso Amleey ah Hilbaan dhigi lahaa goorti ay igu haweeyeene. MUD QALOOMBI -------------- Nin hadduu hammuun badan qaboo halac ku yuusaayo Hed ma fiiriyee wuxu is odhan hilib ma gaadhaaye Hollise'e miyaa daarihii halaq idiin seexday MUD QALOOMBI ----------- Bal Ogoow addoomaha ilaah kala ayaan roone Sida adhigu Geeliyo Fardaha uga itaal liito Ama Gubanku Oogada ka yahay adhaxda jiilaalka Annaga Eebahay naga koryeel uumiyaa kale'e -------------- Ninki Faro yaraan igu tuhmay talo ka hoostaaye Libaaxuba Dhurwaa Toban kunuu Tulud ka qaadaaye Ma ragbaa la tiriyaa hadduu toban wax dheeraado? NUR JIIR HRSI F. ------------- Daabaca ninkii kugu dhuftee daabka kuu celiya Iyo kii duleelshaay ku yidhi wax isma doorshaane ------------ Lammaanaan xadhiggi loo tidcay lugi ka doogtaaye Lufanbaa ka hadha dawliskii liilsamaan jiraye ------------- Haddii adhi qamaamoo qatimay helo qabaal buuxa Qaraabiyo wuxuu ehel lahaa waa ka qabar daare Qoortoo la jiidiyo dhegtoo la qabto mooyaane Nina qeylo kuma yaacin karo doon qabowsadaye ----------- Rag haddaad colaad leedihiin ciidanse u weydo Hadba waxaad ku ciil bixi kartaa kuu cawo adduuna -------------- Badda jeexayaa iyo berriga jaanta mariyaaba Wallee geel jacaylkaan u qabo waw jirabi ruuxa INA HSAN DARI --------------- Nin shisheeya raacoo dhan baa qaba rafaadkaase Waxaa ani la ii reebayaa reer kalaad tahaye ------------- Sidi wuxu dirays wada sitoo danabka eegaayo Markuu duudka simo geelu waa duunyo gooni ahe. TIMACADDE -------------- Halkii aar libaax uu fadhiyey dawac ka uugaanye Atoor waliba geesaha u fidhay amar ku taagleyne SHARIF LAATE ----------- Abidkaa tog iyo webi unbaad kala dhextaagnayde Ma tufbaad qabtaa maad maryaha taydh iskaga maydhid ? KALA ROGAN --------------- Dib baa xaajo loo dhagax guraa tay u dhaadhiciye Dhiiqeey miskaha kuugu ridi dheregta qaarkeede Ragow hays dhabaan dhabin adoon xeradu kuu dhoobmin --------------- Ninkii sahalo guur moodiyow waa sun naaguhuye Sac bal waayey weeyiyo libaax saabka ka hingoone -------------- Muslinkoo israaca iyo haddii codowga la is maago Murtadka iyo ninkii macatab leh bay midigta siiyaane Maslaxada Islaamka iyo sharciga ma ogolaadaane ------------ Afar saniyo dheeraad ardadi looxa dhiganaysay Abjad dhaafi weydaye maxaa ubadka loo laayey? ABDI SAAHID ----------------- Waligey gadhoodh adhi ma dhamin umana gaajoone Caanaha Gobaad baan aqaan inaan gobsheystaaye Kac u geeya wixii gaadan jirey wayga garanuuge MUD TIMACADDE ------------ Waa karaahi Cali Aadanoo waayay laba koobe Kalwin maayo haasaawahoo ways kanbalayaaye Kurka intuUsan seef iiga jarin aan u kululeeyo. MURRIYO ALI IBRHM -------------- Laba Axad wax kala gaadhay bow kala ufootaane Kamana uur gubyootaan wixii geesi iil galaye Aqligiyo Soomaaliyeey waaya-arageennu Aqoontiyo garaadkeennu sow Eber ma soo dhaafo? A/HI BEDEL ABDI ------------- Nin indhala' mid kale oo indhala' oon waxba arkaynin ileen oodda kama leexiyoo hilin ma aadsiiyo ? M.MOALIM --------- Isku qayrna ma ahayn dadkuye gaal qasaa yimide Kolkuu inan-gumeedkii qoslaa gobi qamuunyoone Quwaddiyo markii uu dhisnaa xoogga qarankaygu Qormo nalama soo yeelan jirin duul qayuucsanuye Qaskan hilibka kaa siin jiriyo qalanbi xaabxaabe --------- Sune kama ansaxo nimu ka tegay faralkii saaraaye -------------- Waxaad adigu miihaalatiyo malaba waa beene Waxaad mooday mowd baa sokada kaaga soo maraye. QAMN BULXN ----------- Waqti bay hayee tadamiyoow kuma wareersheene walaal kuma idhaahdeen intaan wiiqa soo dhigo e walaayo iyo baadi is radi ah ciirsan kari waaye nin wanaag ku waaraba marbuu waayir xidhayaaye ZZZZZZZZZZZ ----------- In kastoon anigu qaabsadoon qaadi sabateeda cadow bay qarsanayoon walaal ugu qalnaa meele adiguuba kuu qiray inaad qiiro leedahaye iga qabo dacwaan soo qoraa aad u qira weyne MOI ------------------ Haddaan laydha raacniyo haddaan samada laacnaaba iilkaa naloo hagahayaa lama huraankiiye inta neeftu laalaabanee labaca meeleeya. ---------------- Maroodiyo Sagaaraa is qaba Reerna maamulaya Maankayga geli mayso oo waan ku maadsadaye Soo mooti Miid kale haddaad Mudane ii hayso ? -------------- Qofba Dhimirki buu Xilku dhibi jiree Ma Dhabcaal ayaa Xildhibaan noqaa ? ------------ Naxariis Adoo faagan baad Dhibo u foortaaye waxay haatan Faru gaadho eed Cumar fogayneyso waa Wiilka Fuxush qaawiyaa goob fagaara ahe inta aad ka foorarin Rabaan Farasna gaaraynin imminkay fudayd tahee Walaal aad bal ugu fiirso. ------------- Ninkii hiillo iga doonayee hooyo u ducaysey aakhiro day oo daa adduun kuuma daa'imo e ! --------------- Hareeraha jabuutiyo muddaan holhol ku hawllaaye hanfi iyo kulayl bay heliyo holanki eeroone hawo rogo xagaagaan iroo haatan soo tegaye soo dhaqsaad habeen iyo dharaar hohey ku haysaaye iga daa haydaartaas cabdow hiilkay baad tahaye. ---------------------- Hareeraha jabuutiyo muddaan holhol ku hawllaaye hanfi iyo kulayl bay heliyo holanki eeroone wax kaloonan hebelseynin baa siise huriyeene waxan hudahudeeyaba kolley haatan soo tegaye umana iman sancoon heello iyo haan ka soo tumo e hurgumiyo harraad bay kacshoo haarrig bay raraye anigoo hayaamaan arkoo ruux la haajiraye hawo rogodna ugu sheeko guray hebel i weydiiya mase hubo hinraaggiyo inay hiiftu harayaaye Cabdiyow horow soo dhaqsoo soo hadaaf tiriye hohobtii jannaan kuu hagiyo heer la mahadshaaye iga daa haydaarada walaal hiilkey baad tahaye ------------------------ Anigoo fayow oo fogaan faradugleynaaya fadad iyo firaar baygu dhacay foorar bay galaye kuwan faanto siisiin jiraa igu faqleeyeene eebbow adaa foor ahoon luguna foosayne dhan iiga firee kuwan fardane fuudka caabbudaya. ---------------- Inkastoon tan iyo taas aqaan tiro aqoontiiya oo haddii hagaag loo tartamo teyda laga quustay teedkii tol baan waayey iyo tiir i tiiriya e adigaa tanaadoo tawaab taadu toos tahaye iga tuur tawaawaca dhibkaan tuurta iga fuulay. -------------- Xagga waa kulayl uga qax iyo qaad la raamsanayo xaggan waa qabow uga tag iyo qiiq sigaar uraya xagga waa qabaar qaaxo iyo miino qaraxeede dunidii qiyaamaa dhiciyo qabar colaadeede eebbow adaa qaaddiroon kuuna qayshadaye qabar khayr leh oon qoon lahayn noo qarrari maanta. --------------- B O O D H A R I :- Runta marka loo dhabo galo, gabaygani waxa uu ka mid yahay Cilmi Boodheri gabayadiisa kuwa uu inagu tusinaayo murugada iyo xanuunka iyo walbahaarka iyo walaahawga ka qabsaday Hodan caashaqeedii. Waa halkii Cabdullaahi Abokore, mar-mar baan is idhaahdaa bahalkan jacaylka layidhaahdoba ma'u jartaa iyo waar maahee ka daa waayo hadaad u jarto sow l aguu jari maayo. Waxa kaloo igu maqaalo ah, in Hodan ay Berbera gaadhi ka raacday iyadoo u jeeda Hargeysa markaa darawalkii gaadhiga wadey ayaa isaga oo aan garanahayn Hodan gabaygaas aynu soo sheegnay dabada uga galay. Cabbaar markii uu gabaygii ku marqaansanaa ayuun buu goordanbe baashiisa daymooday, mise waa gabadhii dhinaciisa fadhidey oo ilmadu Taa iyo Taa hililiq leedahay !! Maxaa kugu dhacay markii uu su'aaley, "gaadhiga halkaa ii jooji" ayey ugu jawaabtey (taas oo noqotay halhayn ay dumarku ragga ku yidhaahdaan marka ay ku sanifaan ama ay is yidhaahdaan kan khayr kama soo jeedo e ayuu ku habsaamin ) Hodan illaa Berbera ayey dib u soo lugaysay... Sidaan filaayo Hodan dhammaan gabayadii uu Cilmi u tiriyey dushay kawadda haysey, sidaa darteed waxan odhan karaa calafkuun baa meesha ka adeegaye Hodan Cilmi maydiidanayn. Wuxuu yiri Cilmi: Sida hogol kaliishii da'doo milicdu ay hayso Ama lebiga Hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey Oo haadku dhaafoo shimbiro cimilo goor heesa Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye ANNA XIISAHAAN KUU HAYAA KABA HANNAAN DHEERE Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye Oon heer-kastay qurux katahay hawlin taa kale e Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale Qaar buu gabdhaa hilibku iyo hugu cusleeyaaye Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawr-jeere Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya Ilko aan hoggoodii ka lumin kalana hoosaynin Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyed loo siiyey Dhabannada hareeraha wejiga halalac nuuraaya Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye Luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisay Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey Dhexdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin Hannaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleen Gobonimo haddii laga hadlana waa hirsood runa he Hoo iyo waxsiin waxa ka roon haab garaab qaba e Adiguna hantiday oo caqligu waa hub kuu dihine Hadaaqaba ma dhaameen haddaan hadalku toosnayne Hayeeshee warkaad hurin taqaan haa adoon odhane Mar hadaad hufnaan gees kastaba aad ka hanaqaaday Adigey hibaaqeey naftani heegan kuu tahaye Adaan hiirta waaberi dartaa habataq luudaaye Hanfigiyo kulayl-kiyo haddaan halowga soo jiidho Oo aanan haabkiyo dhabtiyo laabta kugu haynin Ma'haraado oonoo biyaha hoos uma dayo e Haamadayga dhaxanta cabaar hooy kama galo e Hawlaha dalkeygiyo xilkaan baaye hananaayey ku habsaamay taadii markaan taydi hoos dhigaye Magaalada hareertaad ka taal eed u hoyonayso Inaan helo haddii aan yartaay haabka aan geliyo Aaweey hubqaad wacan anaan hadal cid weydiinin Hillaacaan sidiisii maraa hagida aad taale Haatufkaan sidiisii walaal ku hor imaadaaye Haddii aan heddeen gelin intaan dunida hoos joogno Inaan kaa hawoodaa marnaba waa habeen tegeye Hayeeshee Illaah baa hayoo calaf ku hoos yaale Haddaan Eebe hoo odhan wuxuu u hunguroonaayo Qofna abid ma soo helo wuxuu haari ku ahaaye Haddii aynu kala haayirnoo laysu hiran waayo Oo aan Hibaaqeey nasiib adiga ii haynin Nacas hayle-foosh iyo qorqode garan hagaaggaaga Midaan ku hidda-raacayn asaan haybed kugu beerin Urdun xumaha hanfiif-sada kolkay hawli soconayso Haddii talada aan hayn lahaa kuma horgeeyeene Waxba yaanan sii hadaltiyeyn hadalka qaarkiiye Ihaleel jacaylkii intuu soo hamaansadaye Heensiyo hubkaa laba dhacuu igu hogaanshaaye Hayin aan biyaha daadin iyo igadhig hawlmooge Dhulka meesha Hodaniyo nimcada igu aghaynwaaye Hogob laga hayaamiyo cidluu ila hadaafaaye Hiil qodaxle iyo jeerin buu igu hagaajaaye Waxaan hadimo soo maray waxaan halowyo soo meeray Hohi cabasho weeyee mar qudha hiiftan maan odhane Halbawlahaad i heertiyo lafahan hilibku naafoobey Nabaradan bog hoosiyo wadnahan halac ka oogaaya Haddii aan ku helileey bogsoon haarta qoomaniye Waa hubaale hays odhan wax buu kuu hadoodilaye Waa hadal nin waayeeli yidhi hiila kaa raba e Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu harraad qabaye Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu hadfee lumaye Waa hadal ka soo baxay ninkaa soo hiloow ku lehe Waa hadal qofkii la hordhigaa oohin hoorsadaye Waa hadal qofkaan caashaq helin hawlyaraan la'ahe Waa hadal markaan kugu hamiyey aan higaad qoraye Waa hadal wax badan baan habraye uurku hayn karine Waa hadal halkaad igaga taal hoo ogoow ku lehe Waa hadal hayii kugu lalabay soo halaan-halaye CAASHAQA HAREER TAADA QABO HUBIYEY KAYGIIYE